Ka dib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye 26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991kii lana riday dowladdii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta dalka Soomaaliya wuxuu aadey dalka Talyaaniga, wuxuu muddo ku noolaa dalkaa ka dib wuxuu u wareegay magaalada Virginia dalka Mareykanka.
Ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka xoogga wuxuu hormuud ka ahaa guluf dagaal oo ciidamadu ay ku qabsadeen deegaanada Sabiib,bariire, Owdhiigle iyo Caanoole.
Hadraawi waxa uu u guuray Boqortooyada Ingiriiska 1991, Muddadaas, waxa uu si joogto ah ugu socdaalay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo dhan si uu uga qayb galo xafladaha suugaanta.
Ka dib Cadowga waxaa u suuro gashey in ay qabtaan sheekha sanadkii 1924, waxaana laga dalbadey in uu ciidankiisa ku amro in ay hubka dhigaan, laakiin wuu diidey, ka dib waxaa loo wareejiyey Magaalada Mogadishu waxaana lagu xirey Xabsiga weyn ee loo yaqaan (Gaal shire).
Ingiriiska ayaa ka daba direy Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ergo si uu isku soo dhiibo isagana la siiyo goob diimeed, balse Sayidka waa uu diidey, Oktobar sanadkii 1920kii Sayidka waxaa uu gaarey magaalada Iimeey.
Ciidanka xoogga intii uu jirey wuxuu ka qeyb qaatey samata bixinta dadkii ku wax yeeloobey abaartii daba dheer ee dhacdey sanadkii 1974, ciidanka xoogga wuxuu ka loo kaalin muhiim ah ka ciyaarey ololihii bacaad celinta Shalaambood ee Shabeelada Hoose iyo ololihii horumarinta reer miyiga.