Taariikhda Xasan sheekh Maxamuud

Taariikhda Xasan sheekh Maxamuud

Xasan Sheekh Maxamuud waa madaxweynihii tobnaad ee Soomaaliya, waa madaxweynaha kaliya ee labo mar Soomaaliya madaxweyne ka noqdey wuxuu ahaa madaxweynihii sideedaad, waxaa xilka madaxweyne loo doortey markii ugu horeysay 10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii.

Waxaa uu xilka ka dagey 2017 ka dib markii looga guuleystey doorashadii February 7, 2017 balse waxaa dib loo doortey doorashadii May 15, 2022 ka dhacdey teendhada Afisyooni.

Xasan Sheikh wuxuu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955, hooyadii waxaa la oran jirey Suuban Sabriye Axmed, waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu kasoo jeedo, halka dugsiga sare iyo jaamacadda uu ka dhigtay magaalada Muqdisho, oo uu u wareegay.

Waxbarashadiisa

Waxa uu Xasan Sheikh Maxamuud, shahaadada koowad 1981 ka qaatay Jaamacadda Ummadda asagoo ku takhasusay Culuumta Farsamada Gacanta, shahaadada labaad ayuu ka qaatey Maamulka iyo Maareynta sanadkii 1988 Jaamacadda Barkatullah ee horey loogu yaqiinay Jaamacadda Bhopal ee dalka India.

Sanadkii 2015 ayaa Barkatullah guddoonsiisay darajada ugu dambeysa (Doctor of Literature) ayada oo loo aqoonsaday dadaalkiisii dheeraa ee waxbarashada ubadka Soomaaliyeed, sidoo kale Xasan Sheikh Maxamuud, Jaamacadda Eastern Mennonite Machadkeeda Nabadda ee Virginia ayuu ka qallin jabiyey arrimaha dhexdhexaadinta, tiiraanyo bixinta iyo dhismaha xaruumaha nabadda iyo waxbarashada.

Shaqooyinkii uu soo qabtey

Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen wax baridda ama macalinnimada, Xasan sheikh Maxamuud noloshiisa inteeda badan waxa uu kusoo qaatay shaqada macallinnimada, oo uu iskuullo badan iyo jaamacado wax uga soo dhigay, sida uu ku sheegay khudbaddiisii hadal jeedinta murashaxiinta.

Dagaalkii sokeeye markuu qarxay 1991 UNICEF ayuu u noqday sargaal Waxbarashada kala shaqeeya iyo sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii waxbarashada, wuxuu UNICEF la shaqeynayey bilowgii 1993 ilaa 1995.

Sanadkii 1999 ayuu Xasan Sheekh Maxamuud wax ka aasaasay Mac’hadda Maamulka iyo Maareynta Horumarinta (SIMAD) oo markii dambe Jaamacad weyn loo bedelay, Xasan sheikh Maxamuud ilaa 2010 wuxuu ahaa maamulaha Jaamacadda SIMAD.

Marka laga soo tago xirfaddiisa barenimo iyo siyaasadda, sidoo kale waa ganacsade iskiis isu abaabulay.

Siyaasadda

Sanadkii 2011 ayuu Xasan sheikh Maxamuud siyaasadda u xuubsiibtay, wuxuu dhisay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta, xubnaha Xisbiga ayaa u doortay April 2011 in uu hoggaamiyo Xisbiga saddexda (3) sano ee ugu horreysa.

Bishii August ee sanadkii 2012-kii, Xasan waxa uu xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo markaas la dhisay.

September 10, 2012 ayaa Xasan Sheekh loo doortey inuu noqdo madaxweynihii sideedaad ee Soomaaliya, Xasan waxa uu hoggaanka uu u qabtay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya laga hirgeliyay muddo 20 sano ah, taasoo aan ahayn Ku meel gaar.

Dowladihii ka horreeyay ee la dhisay kaddib 1991-kii waxay ahaayeen ku meel gaar, markii la doortay waxa uu xilka ra’iisul wasaraaha uu u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon, oo ku cusbaa siyaasadda.

Muddo xileedkiisii 2012 – 2017

12-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, oo ahayd labo maalmood kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo dhaariyay xilka madaxweynaha, ayaa qarax la la eegtay goob uu ku sugnaa, isaga oo khudbad ka jeedinaya shir uu Muqdisho kula yeeshay wafdi ajaaniib ah ayay labo qof isku qarxiyeen hoteelka Jasiira ee ay mas’uuliyiintu ku shirayeen.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa lagu xasuusto waxaa ka mid ah in dacwadda muranka Kenya ay galisay badda Soomaaliya ay u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Diyaar garow kaddib, 13-kii bishii July 2014-kii ayay dowladda Soomaaliya si rasmi ah dacwaddaas u gudbisay Maxkamadda ICJ, halka Kenya laga sugayay inay dhankeeda ka jawaabto.

Sannado kaddib, 12-kii bishii October ee sanadkii 2021-kii ayay garsoorayaasha Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee waddanka Netherlands ku dhawaaqday go’aanka kiiska oo ay guusha ku raacday dhinaca Soomaaliya

Ra’iisul wasaarayaashii 2012 – 2017

Xasan sheikh ayaa seddax 4 sano gudahood magacaabay seddax ra’iisul wasaare oo kala duwan waxayna kala ahaayeen: –

  1. Cabdi Faarax Shirdoon (17 October 2012 – 21 December 2013)
  2. Cabdiwali Sheekh Axmed (21 December 2013 – 24 December 2014)
  3. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke (24 December 2014 – 8 February 2017)

Waxqabadkiisii 2012 – 2017

  1. Aqoonsigii ay Maraykanka iyo Beesha Caalamka mar kale aqoonsadeen inay Soomaaliya tahay dal madax bannaan oo ay u dhammaytiran yihiin haykalkii looga baahnaa ee dowlad horay u tallaabsanaysa.
  2. Labadii sano ee ugu horreysay Xasan Sheekh waxaa la dhisay wasaaradda gashaandhigga, xerada tababarka Nac-Nac iyo golaha amniga qaranka Soomaaliyeed, barnaamijka“high level detection program” oo xilligaas la hirgeliyey waxaa isku soo dhiibay 70 sarkaal oo Shbaab ahaa oo ay ku jireen Xasan Daahir iyo Atam, waxaana Muqdisho laga qaaday 60 isbaaro.
  3. Labadii sano ee ugu horeysay dowladdii Xasan Sheekh waxaa Al-shabaab laga qabsaday gobollo badan: waxaa la qqbtey: Ceel-Buur (waa laga baxay) iyo Wabxo, Sh. Dhexe waxaa ka mid ahaa: Jowhar, Mahadaay iyo Balcad, Hiiraan: Buulo-Burde, Maxaas, Jalalaqsi iyo meelo kale, Jubbaland:  Waxaa Al-shabaab laga saaray Gedo:, Baar-dheere,  Barwaaqo halka Jubbada Hoose laga saaray Kismaayo,  Buulogudud, Mugaanbow, Baar Sanguuni iyo meelo kale, Koofur Galbeed: Bay waxaa laga saaray Diin-soor, Halka Bakool laga qabsaday Xudur, Waajid, Tiyeyglow iyo Rabdhuurre, Shabeellada hoose: Wanla-weyn, Baraawe, Marka iyo  Qoryooley.
  4. Labadii sano ee ugu horreysay Xasan Sheekh waxaa laga shaqeysiiyey Bangiga Dhexe, waxaa uu sameeyey miisaaniyaddii ugu horreysay burburkii kaddib oo gaareysa $114,355,852, isaga oo golaha shacabka hor-keenay xisaab-xirka sannad walba.

Muddo xileedkiisii May 15, 2022 – May 15, 2026

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya 15 May 2022, wuxuu helay 214 cod, halka murashixii la tartamayay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod, waxaa halowday saddex cod.

Waa madaxweynaha kaliya ee labo mar noqday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan sheikh muddo xileedkiisa labaad 2022 wuxuu ra’iisul wasaare uu u magacaabay Xamze Cabdi Barre 15 June 2022, waxaana la ansixiyey June 25, 2022.

Muddo xileedkaan waxaa aad loogu xasuustaa dhul boob baahsan, waxaa si shirci darro ah loo xaraashay inta badan dhulkii dowladda ee ku yaaley magaalada Mogadishu, dhulalka la iibiyey waxaa ku jira dhulkii jaamacadda Ummadda, dhul ay leeyihiin ciidanka Militeriga iyo Booliska, qaar ka mid ah warshadihii Soomaaliya iyo dhulkii Soomaali Airline.

Sidoo kale muddo xileedkaan maalin Jimco December 26, 2025 maamulka Israaiil ayaa aqoonsaday Maamulka Somaliland xilli Xasan Sheekh uu ku mashquulsanaa doorasho ay qaadaceen inta badan dadka reer Mogadishu.

waxaa aad u baahay musuqa, Axad, December 28, 2025 wariye Farah Abdulkadir Mohamed ayaa bartiisa facebook ku baahiyey qoraankaan hoose

(“Gaylan Media ayaa ogaatay 16kii bishan (December 2025) 08:00 fiidnimo waqtiga geeska Afrika, diyaarad nooceeda yahay Falcon 900, kuna diwaangashan 9H-GRS oo laga leeyahay Jasiirada Malta, duulimaad tirsigeeduna yahay HMJ078 ay ka duushay magaalada Muqdisho, iyadoo 11:00Fiidnimo ka dagtay magaalada Qaahira, waxaana la xaqiijiyey in lagu qaaday Lacago dollar ah oo laga saaray gudaha dalka, taas oo Malaayiin Dollar gaaraysa.
Duulimaadkan, sida ku cad waraaqaha aan helnay waxaa saarnaa labo kamid ah ubadka madaxweyne Xassan Sheikh oo adeegsanayay Baasaboorka diblumaasiga Soomaaliya & 3 kamid ah duuliyayaasha iyo shaqaalaha oo u kala dhashay 2 Faransiiska & Debora oo u dhashay Portugal.”)

Waxqabadkiisa May 15, 2022 –May 15, 2026

Xasan Sheekh waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ah

  1. Waxaa Alshabaab laga saarey degmooyin iyo deegaano badan waxaa ka mid ah Masagawaa, Xarardheere, Burjeed iyo deegaano kale oo badan.
  2. Waxaa la hirgaliyey Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka iyadoo lagu baahiyey inta badan gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada marka laga reebo Puntland iyo Jubbaland oo Xasan sheikh ay is-hayeen.
  3. Dadaal dheer oo socdey muddo dheer ka dib Soomaaliya ayaa laga qaaday cunoqabateyntii hubka ee saarnaa tan iyo 1993, dowladda ayaa la wareegtey diyaarado iyo hub casri ah oo isugu jira kuwa iyada soo iibsaday iyo kuwa dalal kale ugu deeqeen.
  4. Khamiis, December 25, 2025 waxaa gobolka Banaadir lagu qabtey markii ugu horeysay 50 sano ka dib doorashada golaha deegaanka oo ay dadweynuhu codeynayaan, doorashada waxaa qaadacay xisbiyada dalka kuwooda ugu saameynta badan sida Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed iyo xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hogaamiyo madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxaa lagu xasuustaa Xasan Sheekh 2022 – 2026

  1. Duulaankii qorshe la’aanta ahaa ee lagu qaaday Alshabaab kaas oo galaaftey ciidan iyo rayid wax gal u ahaa bulshada, dagaalada lagu shirqooley Ciidanka halyeeyo badanna ay waayeen waxaa ka mid ah: dagaalkii Cowsweyne (August 2023), dagaalkii Galcad (January 2023), dagaalkii Caad (Jannaayo 2024), dagaalkii Aadan Yabaal (Abriil 2025) iyo kuwo kale oo badan.
  2. Dagaalkii Raas Kaambooni: December 11, 2024 waxay aheyd maalin ay dowladda Soomaaliya ay la kulantey ceeb iyo fadeexad weyn ka dib markii dagaal uu ku dhex marey Raas Kaambooni ciidanka Jubbaland ee Axmed Madoobe ka amar qaata iyo kuwa dowladda federaalka ay halkaa diyaaradaha ku geysay, Dagaalkaa ayaa lagu jabiyey ciidanka dowladda waxayna iska dhiibeen Kenya.
  3. Duulaankii xilka looga tuurey Cabdicasiis Laftagareen March 30, 2026 ka dib markii uu ka hor yimid rabitaanka Xasan Sheekh.
  4. Xaraashkii iyo boobkii dhulka dhanka guud, waxaa la iibiyey qeyb ka mid ah dhulkii jaamacadda Ummadda oo uu Xasan Sheekh si bilaash ah wax ugu soo bartey, qaar ka mid ah dhulalkii Ciidanka Xoogga, dhul ay laheyd Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo kuwa kale oo halkaan lagu soo koobi karin.
  5. Faagistii qabuuraha Iskuul-buluusiya: dowladdii Xasan Sheekh ayaa 2024 ku amartey dadka eheladoodu ku aasan yihiin qabuurahaas in ay 10 maalmood uga la baxaan.
  6. Diiwaan galin cod bixiye qasab ah iyo doorashooyin lagu sheegay qof iyo cod oo ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka, dadka degan gobolka Banaadir ayaa maalin kasta ka cabanayey in qasab lagu galiyey goob diiwaangalin. qaarkood ayaa la handaday, doorashada waxaa ka qeyb galay xisbiga madaxweynaha iyo kuwa kale oo cusub, kuwii ka qeyb galay ayaa qarkood sheegay in lagu shubtey.
  7. Isku dhiibistii Ethiopia: Xasan Sheekh ayaa safaradii ugu badnaa ku tagey dalka Ethiopia, halka Itoobiyaanka ay sii wadeen taageeridda xulufadooda sida dagaalkii Doolow oo dhacay habeen ay Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ku sugnaayeen Ethiopia, dagaalkaa oo ciidanka Ethiopia qeyb ka ahaayeen waxaa lagu dilay ciidan ka tirsanaa Militariga iyo Nabad Sugidda qaarna gacanta Itoobiyaanka ayey galeen qaarka howdka ayey u baxsadeen.

Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.