Dr. Xassan Maxamed Xuseen oo loo yaqaan Muungaab wuxuu ku dhashay tuulada Muungaab ee hoos tagta degmada Warshiikh ee gobolka Shabeelada Dhexe sanadkii 1972, sanadihii 1980yadii ayey qoyskiisa usoo guureen Mogadishu.
Deegaankiisa ayuu ka galay dugsiga qur’aan, waxbarashadiisii iskuulka wuxuu ku qaatay magaalada Mogadishu, ka dibna dalka Suudaan ayuu waxbarasho u aaday, sanadkii 2002 ayuu ka qalin jabiyey kuliyadda shareecada iyo qaanuunka ee jaamacadda caalamiga ah ee Africa ee wadanka Sudan.
Sanadkii 2016 wuxuu shahaadada Master degree ka qaatay jaamacadda islaamiga ah ee Ummu Durmaan dalka Sudan isagoona ka diyaariyey ila kuliyada shareecada iyo qaanuunka .
Sanadkii 2020 wuxuu qaatay shahadad PHD ee kuliyadda shareecada iyo qaanuunka wuxuuna ka qaatay isla jaamacadda islaamiga ah ee Ummu Durmaan.
Sanadkii 2001 ilaa 2002 wuxuu ahaa gudoomiyaha ururka ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Sudan, 2005 ilaa 2008 wuxuu ahaa bare dugsiga sare ee mid ka mid ah iskuulada ku yaal magaaladad caasimadda dalka.
September 9, 2008 ilaa 2009 wuxuu ahaa la taliyaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan, sanadkii 2010 wuxuu ku biirey Ciidanka Xoogga Dalka waxaana lagu qaatay darajada Gaashaanle DHexe maadaama uu heystay shahaado jaamacadeed oo u dhigantay, waxaana loo magacaabay garsoore maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida.
Bishii august 2010 ilaa 2012 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, intii uu xilkaa hayey waxaa yaraaday dhac, dil iyo boob ay qaar ka mid ah ciidanka ay u geysan jireen dadka rayidka ah, intii uu Guddoomiyaha Maxkamadda waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah inuu yiri ninkii qaata caag saliid ah ama baakad oomo ah isaga ayaa loo barkinaa isagoo meyd ah.
Sanadkii 2012 ilaa 2014 wuxuu ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida, intii uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa la dalacsiiyey labo jeer isagoo sidaas ku noqday Sareeye Guuto.
February 27, 2014 ilaa October 26, 2015 wuxuu ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Mogadishu, waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah guryo xoog lagu heystay oo uu dib ugu celiyey muwaadiniintii lahaa iyo dib u dayactirkii aqalka dowladda hoose isagoo ku dhisay mashruucii la magac baxay dalkaaga dhiso.
August Sanadkii 2016 ilaa March 2017 wuxuu ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaaladda cadaaladda dowladda Soomaaliya.
May 28, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. Xassan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye DR. Xassan Maxamed Xuseen Muungaab oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.