Taariikhda Saciid Cabdullaahi Deni

Saciid Cabdullaahi Maxamed oo loo yaqaan Saciid Deni waa hogaamiyaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya, wuxuu xilka qabtey January 2019 wuxuu hayey muddo shan sano ah, sanadkii 2024 ayaa mar kale dib loogu doortey shan sano kale inuu hohaamiyo maamulka Puntland.
Saciid Dani wuxuu ku dhashay caasimadda dalka ee Mogadishu sanadkii 1966, waa ganacsade iyo siyaasi sameyn ku leh Puntland, sanadkii 1972 ayuu bilaabey waxbarashadiisa aasaasiga ah, sanadihii 1980 ilaa 1984 ayuu dugsiga sare ku qaatey iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee Mogadishu.
Sanadkii 1986 wuxuu ku biirey Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, wuxuu dhameeyey sanadkii 1990, wuxuu jaamacadda ka bartey oo uu diyaariyey kuliyadda Luuqadaha.
Sanadihii 1998 ilaa 2000 wuxuu Shahaadada labaad ee Jaamacadda uu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, wuxuu ka diyaariyey kuliyadda Mamuka (Master of Management).
Burburkii ka dib Saciid Deni wuxuu qeyb ka noqdey dadkii u istaagey u adeegidda bulshada, sannadkii 1992-dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha Maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadaamun oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada oo mar gacanta ku heysay in ka badan 15,000 oo arday.
Wuxuu 1992 ilaa 1997 ahaa madaxa Hay’adda Tadaadum iyo asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, dugsiyada Imaamu Nawaawi manta waxay gaarayaan 22 Dugsi oo 5 kamid ah ay yihiin Dugsi Sare.
Sanadkii 1994 Saciid Dani wuxuu noqdey xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, sanadihii 2002 ilaa 2012 wuxuu xilal maamul uu kasoo qabtey ururo ganacsi oo kala duwan, waxaa ka mid ah”Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Djibouti.
Sanadkii 2012 Saciid Dani wuxuu noqdey xubin ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu door weyn ka qaatey howlishii Baarlamaanka, wuxuu xubin ka ahaa guddiga Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.
January sanadkii 2014 waxaa loo magacaabey wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Sanadii 2017 wuxuu qeyb ka ahaa masharixiintii u taagnaa xilka madaxtinimada Soomaaliya, doorashadaas Saciid Dani wuxuu helay 18 cod isagoona ku harey wareegii koowaad ee doorashada.
January 8, 2019 wuxuu u tartamey hogaaminta Puntland, Deni ayaa ku guuleystay 35 cod oo ka mid ah 66 cod oo ay dhiibteen xildhibaannada wareeggii saddexaad, oo ahaa kii ugu dambeeyay, isaga oo ka adkaaday 20 musharrax oo kale, musharraxa ugu codka dhowaa wuxuu ahaa Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi kaas oo helay 31 cod.
Sanadkii 2022 wuxuu mar kale uu u tartamey xilka madaxweynaha Soomaaliya isagoo wali ah hogaamiyaha Puntland balse mar labaad ayuu ku guul dareystey, wareegii koowaad wuxuu helay 65 cod wuxuuna u gudbey wareegii labaad oo helay 68 cod isagoo halkaa ku harey, waxaa ka cod badnaa oo wareegii ugu dambeeyey u gudbey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh.
January 8, 2024, Deni ayaa mar kale loo doortay hogaamiyaha Puntland, wuxuu helay 45 cod oo ka mid ah 66-da cod ee ay dhiibteen xubnaha Baarlamaanka lixaad ee Puntland, taasoo u xaqiijisay inuu dib ugu soo laabto xilka hogaamiyaha Puntland.
Tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka Puntland waxa uu safka hore uga jiray siyaasiyiinta kasoo hor jeeday hannaanka dowladda Dhexe, wuxuuna dagaal siyaasadeed oo adag uu la galay madaxweyne Farmaajo, sidoo kale wuxuu dagaal siyaasadeed iyo mid ciidanba uu kula jiraa madaxweynaha muddo dhaafka ah Xasan Sheekh.
Labada hogaamiye ayaa xulufo ku ahaa ridistii madaxweyne Farmaajo balse khilaaf labada dhinac ah ayaa qarxay, dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayaa sheegtey in ciidanka PSF diiwaan galisay kana tirsan yihiin Ciidanka Xoogga ee hoos taga dowladda dhexe balse maamulka Saciid Dani ayaa diiday in ciidan dowladda hoos taga ay wax saldhig ah ku yeeshaan deegaanada maamulkaas, maamulka ayaa sheegay in dowladda ay u adeegsaneyso ciidanka burburinta maamulka Puntland.
Saciid Dani waxaa lagu xasuustaa inuu ka horyimaado go’aanada dowladda ee sameynta ku leh maamulkaas, Saciid Dani ayaa ka hor yimid National ID-ga, ceyrintii shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World iyo in ciidan dowladda ka socda la geeyo maamulkaas maadaama dowladdu ay masuul ka tahay amniga xuduudaha iyo difaaca.
Muddo xileedka Saciid Dani waxaa kale oo lagu xasuustaa inuu sheegey in Puntland ay sameysan doonto lacag u gaar ah iyo National ID u gaar ah taasoo ka hor imaaneysa dastuurka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu xiriirkii wada shaqeynta u jarey dowladdii uu hogaaminayey Farmaajo iyo tan Xasan Sheekh.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
