Dagaalkii Muqdisho ee 1993

Dagaalkii Muqdisho oo sidoo kale loo yaqaan Dhacdadii Black Hawk Down, wuxuu qayb ka ahaa howlgalkii milatari ee Operation Gothic Serpent, dagaalkii Muqdisho wuxuu dhacay 3-dii ilaa 4-tii Oktoobar 1993, wuxuu ahaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Mareykanka iyo maleeshiyaad Soomaali ah.
Dagaalkani wuxuu door weyn ka qaatay soo afjaridda faragelintii milatari ee dowlado uu Mareykanku hoggaaminayay ku sameeyeen Soomaaliya, taas oo bilaabatay sannadkii 1992, wuxuuna noqday mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xusuusta badnaa taariikhda casriga ah ee Soomaaliya.
Abaartii dhacday burburkii ka dib
Intii lagu jiray 1980-meeyadii, taliyaal ciidan iyo shacab Soomaaliyeed oo hab qabiil u abaabulan ayaa goโaansaday in ay burburiyaan dowladdii Soomaaliya oo ay la dagaalamaan iyagoo kaalmo ciidan ka helaya dowlado shisheeye sida Ethiopia, dagaalkaas ayaa ugu dambayn isu bedelay dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya, colaaddaasi waxay sababtay burburkii dowladdii uu hoggaaminayay alle ha u naxariistee General Maxamed Siyaad Barre, taas oo dhacday horraantii sannadkii 1991.
Dhibaatooyinka cunno yarida waxay billowdeen bartamihii sannadkii 1990, oo ahaa sanadkii ugu dambeeyay ee dowladda, markii ay kooxihii qabaaโilka ee hubeysnaa ay burburiyeen Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga Soomaaliyeed horraantii 1991, dhaqaalihii dalka ayaa gebi ahaanba burburay.
Sanadihii 1991 ilaa 1992, abaar aad u daran ayaa ku dhufatay koonfurta Soomaaliya, iyadoo dagaalkii sokeeye uu carqaladeeyay hababkii ay bulshada ku maareyn jirtay dhibaatooyinka iyo adeegyada ilaalinta amniga iyo sharciga oo gebi ahaanba burburay.
Isku darka colaadda hubeysan, abaarta, burburka kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo waxyeellada gaartay dhulkii beeraha ee gobolada u dhexeeya webiyada Shabeelle iyo Jubba, ayaa horseeday Macluushii Soomaaliya ee 1992, macluushaas waxay noqotay mid ka mid ah masiibooyinkii bani’aadamnimo ee ugu xumaa taariikhda casriga ah ee Soomaaliya, waxaana ku naf waayay boqollaal kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen ama u baahdeen gargaar degdeg ah.
Maleeshiyaadkii USC oo door weyn ka qaadatay burburintii dowladdii Soomaaliya ayaa guushii ka dib waxay u kala jabeen laba garab oo hubeysan, garab waxaa hoggaaminayay Cali Mahdi Maxamed, halka garabka kale uu hoggaaminayay Maxamed Faarax Caydiid, ciidamadii uu hoggaaminayay Caydiid ayaa markii dambe la baxay Somali National Alliance โ SNA.
Dhanka kale, kadib markii laga saaray gacan ku haynta magaalada Muqdisho, ciidamada dawladda waxay dhiseen Somali National Front โ SNF, iyagoo dib ugu guray koonfurta dalka.
Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay SNF iyo ciidamada SNA ee uu hoggaaminayay Caydiid, waxaa burbur weyn soo gaaray dhulkii beeraha iyo kaabeyaashii wax soo-saarka ee koonfurta Soomaaliya, ugu dambayntii, ciidamada Caydiid ayaa ku guuleystay inay SNF dib ugu riixaan deegaanno aad uga sii fog koonfurta dalka.
UNOSOM iyo UNITAF
Horaantii 1992, hay’adaha gargaarka bani’aadamnimo ayaa bilaabay howlgallo lagu doonayay in lagu gaarsiiyo gargaar dadka ay saameeyeen colaadda iyo macluusha, kooxo hubeysan iyo burcad ayaa isku dayey inay dhacaan raashinkii lagu kaydin jiray bakhaarada iyo kolonyadii gargaarka ee waddooyinka marayay, kooxaha dhaca geysanayay waxay xiriir la lahaayeen ciidamadii Cali Mahdi Maxamed iyo Caydiid.
Iyadoo laga jawaabayo amni darada iyo caqabadaha hortaagnaa gaarsiinta gargaarka, Qaramada Midoobay waxay bishii April 1992 dhistay howlgalka UNOSOM I, waxaa hoggaaminayay Maxamed Sahnoun oo ahaa diblomaasi Aljeeriyaan ah.
Bishii August 1992, Madaxweynihii Mareykanka George H. W. Bush wuxuu bilaabay Operation Provide Relief, oo ahaa howlgal lagu taageerayay dadaaladii gargaarka bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay ka wadday Soomaaliya, howlgalkaas, Mareykanku wuxuu u diray diyaarado militari oo qaada gargaarka.
August 1992, madaxii UNOSOM I, Maxamed Sahnoun ayaa heshiis la gaaray USCdii uu hogaaminayay Caydiid, heshiiskaasi wuxuu oggolaanayay in 500 askari oo nabad ilaalin ah la geeyo Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in ciidamo dheeraad ah aan la keenin iyada oo aan oggolaansho laga helin dhinacyada Soomaalida.
Maalmo yar kadib, Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali ayaa si madax banaan ugu dhawaaqay qorshe lagu kordhinayo tirada ciidamada ilaa 3,500 askari, go’aankaas wuxuu wiiqay kalsoonidii gudaha ee uu Maxamed Sahnoun ku soo dhisay wada hadalladii uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Soomaalida.
November 1992 Maxamed Sahnoun ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu beddelay Ismat T. Kittani, wuxuu qaatay siyaasad adag, isagoo ciidamada UNOSOM geeyay deegaanno xasaasi ah tallaabadaasi waxay abuurtay xiisad amni iyo iska horimaadyo cusub, Kittani wuxuu ku dooday in 80% gargaarka bani’aadamnimo la dhacay.
Qaramada Midoobay ayaa markaas billowday dadaallo lagu dhisayo dowlad wadaag ah si dib loogu soo celiyo xasilloonida dalka, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxweynayaashii Mareykanka George H. W. Bush iyo markii dambe Bill Clinton.
December 9, 1992, ciidamada Mareykanka ayaa bilaabay inay ka degaan xeebaha magaalada Muqdisho, ciidanka Mareykanka wuxuu hogaanka u hayey isbaheysigii UNITAF oo sidoo kale loo yaqaaney Operation Restore Hope (Hawlgalka Rajo Soo Celinta).
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in la dhiso UNOSOM II, oo ahaa howlgal leh awoodo ka ballaaran kuwii UNOSOM I, ujeedada howlgalka cusub waxay ahayd in la hirgeliyo goobo ammaan ah.
bilowgii dagaalka
Bishii June 1993, howlgalka UNOSOM II wuxuu la kulmay khasaare culus kadib markii ciidamada Pakistan ee ka tirsanaa Qaramada Midoobay la weeraray xilli ay baarayeen xarun idaacad iyo goob lagu keydin jiray hub oo ay maamulayeen maleeshiyaadkii la magac baxay SNA, Qaramada Midoobay waxay mas’uuliyadda weerarkaas dusha u saartay Caydiid, waxaana la bilaabay howlgallo milatari oo isaga lagu bartilmaameedsanayo.
Mareykanku wuxuu go’aansaday inuu bartilmaameedsado hoggaamiye kooxeedkii uu u arkayay caqabadda ugu weyn ee hortaagan nabadda, Caydiid wuxuu diiday inuu ka qayb qaato heshiis kasta oo awood qaybsi ah, maleeshiyaadkii uu hoggaaminayay ayaa lagu tilmaamay inay door weyn ka qaateen burburintii dowladdi Soomaaliya.
Bishii July 1993, ciidamada Mareykanka waxay fuliyeen weerar loo yaqaan Bloody Monday Raid kaas oo lagu dilay odayaal iyo xubno caan ah oo ka tirsanaa beesha uu ka dhashay Ceydiid, weerarkaas, iyo dhacdooyin kale oo sababay dhimasho badan oo soo gaartay shacabka rayidka ah ayaa sii kordhiyay taageerada loo muujinayay kacdoonkii hubeysnaa ee ka dhanka ahaa ciidamada Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, dhacdooyinkan waxay horseedeen weerarradii ugu horreeyay ee si u la kac ah loogu qaaday ciidamada Mareykanka, August 8, 1993, ciidamadii USC ayaa weerar ku qaaday gaari nooca Humvee ah oo ay lahaayeen ciidamada Mareykanka, qarax miino ayaa la la beegsaday, weerarkaas waxaa ku dhintay afar askari oo Mareykan ah.
Weerarkaas iyo dhacdooyin kale ayaa ku qasabtay Madaxweynihii Mareykanka Bill Clinton inuu bilaabo Operation Gothic Serpent, oo ahaa howlgal loogu talagalay in lagu soo qabto Maxamed Faarax Caydiid.
Si loo fuliyo howlgalka waxaa hogaanka loo dhiibay Sarreeye Guuto William F. Garrison, kaas oo amray weerar ay fuliyaan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, ciidankaan waxaa ka mid ahaa ku dhowaad 400 askari oo ka tirsan 75th Ranger Regiment (U.S. Army Rangers) iyo ciidamada sirdoonka iyo hawlgallada gaarka ah ee Delta Force iyo askar ka tirsan 10th Mountain Division.
Bishii Sebtembar 1993, xiisadda u dhexeysay ciidamada UNOSOM iyo kooxaha hubeysan ayaa sii xoogaysatay, xaaladda waxaa uga sii daray markii ciidamada Qaramada Midoobay ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal rayid ah, waxaana sii kordhay caro iyo nacayb loo qabay joogitaanka ciidamada shisheeye ee Muqdisho.
September 25, 1993, toddobaad ka hor Dagaalkii Muqdisho, ciidamada USC waxay gantaal RPG ah ku dhufteen diyaarad Black Hawk ah oo sidatay summadda Courage 53, xilli ay ku jirtay howlgal roondo ah, inkastoo duuliyihii iyo ku xigeenkiisii ay ka badbaadeen shilka, haddana saddex xubnood oo ka tirsanaa shaqaalihii diyaaradda ayaa ku dhintay.
Subaxnimadii October 3, 1993, ilo sirdoon oo gudaha Soomaaliya ah lana shaqeynayay Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA), ayaa gudbiyay war sheegaya in laba ka mid ah la taliyeyaasha ugu muhiimsan Caydiid ay kulan ku yeelan doonaan agagaarka Hoteelka Olympic ee magaalada Muqdisho, sidoo kale ay suurtagal tahay in Ceydiid kulan kaas ka soo qayb galo.
Howlgalka oo bilowday abaarihii 15: 30pm ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu ku dhammaado hal saac gudihiis, balse xaaladdu si degdeg ah ayay isu beddeshay, wuxuu isu rogay iska horimaad habeenkii oo dhan socday iyo howlgal samatabbixin ah oo sii socday ilaa waaberigii maalintii xigtay.
Qiyaastii 40 daqiiqo kadib markii uu billowday weerarka mid ka mid ahaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee MH-60 Black Hawk, oo lagu magacaabi jiray Super 61, ayaa waxaa ku dhacay gantaal RPG-7 ah oo ay soo rideen maleeshiyaadkii Ceydiid, diyaaradda ayaa markiiba lumisay xakamihii duulimaadka, waxayna gashay wareeg aan la xakameyn Karin, wax yar kadib waxay ku burburtay xaafad ay dad degganaayeen, labadii duuliye ayaana halkaa ku dhintay.
Intii uu howlgalku socday, Soomaalida waxay soo rideen saddex diyaaradood oo nooca UH-60 Black Hawk oo ay lahaayeen ciidamada Mareykanka iyagoo adeegsanaya gantaallada garabka laga rido ee RPG-7, laba ka mid ah diyaaradahaas ayaa ku burburtay gudaha deegaanno ay maamulayeen dagaalyahannada Soomaalida, halka mid ka mid ah duuliyeyaashii Mareykanka la qabtay isagoo nool.
Kadib burburkii diyaaradaha, ciidamada Mareykanka waxay bilaabeen difaac adag oo ay ku ilaalinayeen goobihii ay diyaaradahaasi ku dhaceen iyo askartii ka badbaaday, dagaalka wuxuu socday habeenkii oo dhan, iyadoo ciidamada Mareykanka isku dayayeen inay ka hortagaan weerarrada joogtada ah ee kaga imanayay Soomaalida.
Habeenkii iyo subaxdii xigtay, kolonyo gaashaaman oo ka tirsanaa UNOSOM II, kana koobnaa ciidamada Pakistan, Malaysia, iyo Mareykanka, ayaa gudaha Muqdisho galay si ay u gaaraan ciidamadii go’doomay, inkastoo kolonyadu ay la kulantay iska caabin xooggan oo ay soo gaareen khasaarooyin haddana waxay ku guuleysatay inay soo badbaadiso askartii ka badbaaday dagaalka iyo burburka diyaaradaha.
Dagaalkii Muqdisho markii uu dhammaaday, maydadka qaar ka mid ah askartii Mareykanka ee ku dhimatay dagaalka kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shaqaalihii diyaaraddii Black Hawk Super 64 iyo ciidamadii difaacayay goobtaas ayaa waxaa waddooyinka magaalada Muqdisho ku jiiday dadweyne aad u fara badan, muuqaalada dhacdadan ayaa lagu faafiyey warbaahinta, waxaana si weyn uga naxay bulshada Mareykanka iyo caalamkaba.
Khasaarihii dagaalka
Khasaaraha Soomaalida ayaa aad uga badnaa kan ciidamada shisheeye, dadka dhintay waxay isugu jireen maleeshiyaad iyo dad rayid ah, inkasta oo aan la isku raacsanayn tirada saxda ah ee dhimashada, qiyaasaha ugu badan waxay sheegayaan in inta u dhaxaysa 133 ilaa 700 oo Soomaali ah ay ku dhinteen dagaalka.
Dagaalkii Muqdisho wuxuu noqday dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada Mareykanka soo gaara tan iyo Dagaalkii Vietnam, intii uu socday dagaalka, 18 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay, halka 73 kalena ay dhaawacmeen.
Sidoo kale, ciidamada Malaysia ee ka tirsanaa howlgalka Qaramada Midoobay waxaa laga dilay hal askari, iyadoo todoba kale ay dhaawacmeen, ciidamada Pakistan iyaguna waxaa soo gaaray laba dhaawac.
Dhammaadkii UNOSOM
Saameynta dagaalkan ayaa keentay in la soo afjaro Operation Gothic Serpent, waxaana sidoo kale la joojiyay howlgalladii milatari ee UNOSOM II, dhinacyadii hubeysnaa ee Soomaalida waxay arrintaas u arkeen guul ay ka gaareen dagaalka iyo iska caabbintii ciidamada caalamiga ahaa.
October 6, 1993, Madaxweynihii Mareykanka Bill Clinton ayaa si toos ah amar ugu bixiyay in la joojiyo dhammaan hawlgalladii dagaal ee Mogadishu marka laga reebo xaaladaha is-difaaca, October 7, 1993, Madaxweyne Clinton ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah oo Mareykan ah loo diri doono Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada halkaas jooga, balse isla markaas wuxuu caddeeyay in ciidamada Mareykanka laga saari doono Soomaaliya ugu dambayn dhammaadka bisha Maarso 1994.
October 9, 1993, Robert B. Oakley, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya, ayaa gaaray magaalada Muqdisho, ujeedada safarkiisu waxay ahayd in la sii daayo askartii Mareykanka ee lagu qabtay dagaalka, Michael Durant, oo ahaa duuliyihii diyaaraddii Black Hawk Super 64, kana mid ahaa askartii Mareykanka ee lagu qabtay dagaalka ayaa ka mid ahaa dadkii ay sii daayeen maleeshiyaadkii Ceydiid.
Bilowgii sannadkii 1995, dhammaan ciidamada Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah uga baxay Soomaaliya, taasoo soo afjartay faragelintii militari ee caalamiga ahayd ee dalka, sanadihii xigay, khasaaraha iyo waayo aragnimadii Dagaalkii Muqdisho waxay saameyn weyn ku yeesheen siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan Soomaaliya, sannadihii 2000-meeyadii, Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA) waxay taageero siisay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Maxkamadihii Islaamiga ahaa (Islamic Courts Union).
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
