Taariikh Nololeedkii General Axmed Suleymaan (Dafle)

AUN. Sareeye GuutoAxmed Suleymaan Cabdalla, oo loogu yaqaanay Dafle wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu magaca dheeraa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo door muuqda ka soo qaatay dhismaha ciidamada, hay’adaha amniga, iyo maamulka dowladda xilligii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Sida ku qoran buugga Taariikhdii Golihii Sare ee Kacaanka ee soo baxay bishii October 1977, Axmed Suleymaan Dafle wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee xisbigii SYL xafiis uu leeyahay ka furey magaalada Hargeysa sanadkii 1944,
Axmed Suleyman Dafle wuxuu ka qeyb galay bannaanbaxyadii looga soo horjeeday wareejintii dhulka Soomaalida ee Reserve Area ee Ingiriisku uu ku wareejiyay dalka Ethiopia sanadkii 1954tii, wuxuu sidoo kale ka mid ahaa dhalinyaradii wax ka hirgalisay dhaqdhaqaaqii la oran jiray Naasariya ee dalka Masar.
Dhalashadii iyo Waxbarashadii
General Axmed Suleymaan Cabdalla Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer sannadkii 1937, hooyadiis waxaa la oran jirey Arda Xuseen, waxay geeriyootay isaga oo 13 jir ah, halka aabihiisna uu geeriyooday sannadkii 1974, General Dafle waxaa u dhaxday gabadhii Maxamed Siyaad Barre.
Waxbarashadiisii ugu horreysay wuxuu ku qaatay magaalada Burco, halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka Kariimka.
Sannadkii 1949 wuxuu u wareegay magaalada Hargeysa halkaas oo uu ka sii watay waxbarashadiisii.
Tababarkii Ciidanka
Sannadkii 1955 Axmed Suleymaan wuxuu ka mid noqday ardaydii waxbarashada ka bilowday Machadka Farsamada ee Cadan ka dib markii dugsiga uu dhameeyey, markii uu dib ugu soo laabtay Soomaaliy sanadkii 1958 wuxuu macallin ka noqday dugsiga dhexe ee Camuud
Sanadkii 1959 waxaa tababar Military loogu diray dalka Boqortooyada Ingiriiska, isagoo tababar sare ku qaatay Royal Military Academy, halkaas wuxuu ku qaatey tababarka ciidamada lugta, wuxuu dalka dib ugu soo laabtey sanadkii 1962 isaga oo 1 xiddigle ah, wuxuu tababare ka noqdey Dugsiga Saraakiisha Ciidamada ee Muqdisho, isagoo door ka qaatay tababarka iyo diyaarinta saraakiil cusub.
Horumarkii Shaqadiisa Military
Sanadkii 1963 waxaa loo dallacsiiyay derejada 2 xiddigle wuxuuna taliye ku xigeen ka noqday urur ka howl galayey magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.
Sannadkii 1965, waxaa loo dalacsiiyay darajada Dhamme, waxaana loo magacaabay taliyaha urur ciidan oo saldhiggiisu ahaa magaalada Gaalkacyo.
Sanadkii 1964 dagaalkii Ethiopia ay kusoo qaadey Soomaaliy, General Dafle wuxuu ka mid ahaa ciidankii dagaalka ka galay magaalada Feer Feer ee dhacda xad beenaadka labada dal, dagaalkaas wuxuu ku muteystay bilad geesinimo.
Laba sano kadib, sannadkii 1967, wuxuu taliye u noqday urur ka tirsanaa ciidamada fadhigoodu ahaa Seylac, bishii Sebteembar 1967, waxaa loo magacaabay madaxii Xafiiska Wardoonka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale noqday xoghayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre.
Afgambigii 1969 iyo Hoggaanka NSS
Sannadkii 1968 Axmed Suleymaan Dafle waxaa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii milatariga ee door weyn ka qaatay afgambigii October 21, 1969, kaas oo ay ciidamada kula wareegeen taladii dalka.
Intii u dhexeysay 1970-1971 wuxuu gaaray darajooyinka Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare.
Markii la mideeyay Special Branch iyo Wardoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed January 8, 1971 waxaa loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda Qaranka (NSS).
Marka laga soo tago inuu ahaa Taliyihii ugu horreeyay ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka (NSS), Axmed Suleymaan Dafle wuxuu sidoo kale soo qabtay xilal kale oo heer qaran ah, wuxuu ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka, waxaana sannadkii 1974 loo magacaabay xubinta Golaha Sare ee u qaabilsan arrimaha nabadgelyada.
Markii la aasaasay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) sannadkii 1976, waxaa loo dallacsiiyay darajada Sareeye Guuto, isagoo sii watay hogaaminta Hay’adda Nabadsugidda Qaranka.
Intii uu hoggaaminayay NSS, General Axmed Suleymaan Dafle wuxuu door muhiim ah ka qaatay horumarinta iyo ballaarinta hay’adda sirdoonka Soomaaliya, waxaa la xoojiyay qaab dhismeedka hay’adda, tababarka shaqaalaha iyo howlaha amniga gudaha, taas oo sababtay in NSS ay noqoto hay’ad si weyn looga yaqaanay gobolka xilligaas.
Sannadkii 1974 General Axmed Suleymaan Dafle wuxuu ka mid ahaa wafdi rasmi ah oo Soomaaliya u dirtay dalka Mozambique si ay u taageeraan dhaqdhaqaaqii FRELIMO oo markaas u halgamayay xoriyadda dalkaas.
Ka qaybgalka wafdigaasi wuxuu ka tarjumayay siyaasaddii Soomaaliya ee taageeridda dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka Afrika xilligaas.
Burburkii Dowladda ka dib
Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991, General Axmed Suleymaan Dafle wuxuu ka fogaaday colaadaha sokeeye ee dalka ka dhacay, muddo dheer ayuu ku noolaa dibadda, isagoo ka dheeraaday ka qaybgalka siyaasadda iyo dagaalladii xilligaas, wuxuu muddo ku noolaa Eritrea, ka dibna wuxuu u guuray Belgium, halkaas oo uu ku noolaa ilaa uu ka geeriyooday.
Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) wuxuu geeriyooday April 10, 2025, wuxuu ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu ku noolaa sannadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
