Dagaalkii Uxud

Dagaalkii Uxud wuxuu dhacay maalin Sabti ah 15 bishii Shawaal sannadkii saddexaad ee Hijriga (Maarso 625 Miilaadiga), dagaalku wuxuu ka dhacay agagaarka buurta Uxud oo ah buur uu Nabigu ﷺ sheegay fadligeeda isaga oo yiri: “Uxud waa buur ina jecel, annaguna waan jecelnahay.”.
Buurtani waa buur weyn oo guduudan, taas oo maanta ka muuqata dhinaca waqooyi ee Madiina, xilligii Nebiga ﷺ buurtu waxay magaalada Madiina u jirtay dhowr kiiloomitir, halka maanta ay aad ugu dhowdahay magaalada oo ay qayb ka tahay muuqaalkeeda caanka ah.
Dagaalkan wuxuu ka dhashay colaad iyo aargoosi ay mushrikiintii reer Quraysh u qabeen Muslimiinta kaddib markii looga adkaaday dagaalkii Badar halkaas oo ay kaga dhinteen rag badan oo madax ahaa sharafna ku dhex lahaa Quraysh.
Wiilashii iyo eheladii raggii lagu dilay Badar oo uu hormuud u ahaa Abuu Sufyaan bin Xarbi ayaa ku booriyey Quraysh inay dagaal cusub ku qaadaan Nabiga ﷺ iyo asxaabtiisa, iyagoo dagaalka u isticmaaley hantidii ganacsi ee u badbaadey dagaalkii hore.
Diyaargarowgii iyo bixitaankii Quraysh
Quraysh waxay isu diyaariyeen dagaal ballaaran waxay soo uruuriyeen ciidan gaaraya saddex kun oo nin, waxaana la socday laba boqol oo faras sida ku cad riwaayadaha taariikhda, waxaana ka mid ahaa Khaalid bin Waliid oo markii dambe islaamey, waxaa ciidanka la socday 17 haween ah oo ay ka mid ahayd Hind bint Cutbah, xaaskii Abuu Sufyaan.
Ciidanka Quraysh waxaa hoggaaminayey Abuu Sufyaan bin Xarbi, garabka midig waxaa madax ka ahaa Khaalid bin Waliid, halka garabka bidix uu hoggaaminayey Cikrama bin Abii Jahal.
Waxaa ciidanka la socday Abuu Caamir Al-Faasiq, wuxuu ahaa aabbaha saxaabiga Xandalah oo loo yaqaanay “ninkii malaa’igtu meyrtay”, Abuu Caamir wuxuu markii Islaamku ku faafay Madiina ka baxay magaalada dabadeedna wuxuu ku biiray ciidanka Quraysh si uu ula dagaallamo Nabiga ﷺ iyo Saxaabada.
Abuu Sufyaan wuxuu si gaar ah uu u dhiirigeliyey reer Banii Cabdul-Daar oo masuul ka ahaa calanka Quraysh isaga oo xusuusiyey wixii ku dhacay dagaalkii Badar, wuxuu doonayey inay markan si adag u ilaaliyaan calanka ciidanka.
Xaaskiisa Hinda bint Cutbah iyo haweenkii kale ee la socday ciidanka ayaa iyaguna ragga ku dhiirigelinayey dagaalka, iyaga oo adeegsanayey gabayo iyo hadallo kicinaya dareenka aargoosiga.
Riyadii Nabiga ﷺ iyo taladii dagaalka
Intii Quraysh dagaalka isu diyaarinaysay, Nabiga ﷺ wuxuu riyo ku arkay lo’ la qalayo, dhaawac ka muuqda daabka seeftiisa iyo inuu gacanta geliyey gaashaan adag, Nabigu ﷺ wuxuu riyada u fasiray in qaar ka mid ah saxaabadiisa la dili doono, in nin qoyskiisa ka mid ahna la dili doono halka gaashaanka adagi uu astaan u ahaa magaalada Madiina.
Nabigu ﷺ wuxuu saxaabadiisa kala tashaday sida ugu habboon ee cadowga loo la dagaalami lahaa isagu wuxuu doorbiday in magaalada Madiina lagu nagaado, lagana difaaco cadowga gudaha magaalada, maadaama Muslimiintu si fiican u yaqaaneen jidadkeeda iyo goobaha ay ku dagaalami karaan.
Cabdullaahi bin Ubay bin Saluul, oo ahaa hoggaamiyihii munaafiqiinta ayaa taageeray fikirka ah in Madiina lagu nagaado.
Hase yeeshee qaar ka mid ah Saxaabada gaar ahaan kuwii seegay fadligii dagaalkii Badar ayaa ku adkaystay in banaanka magaalada loo baxo oo cadowga lala kulmo, Nabigu ﷺ markii hore wuu aqbalay taladooda, wuxuuna gashaday hubkii dagaalka, markii Saxaabadu garteen inay ku adkaysteen arrin aanu Nabigu markii hore doorbidin ayay qaarkood ka qoomameeyeen waxayna u bandhigeen inuu fikirkiisa hore ku laabto.
Laakiin Nabigu ﷺ wuxuu cadeeyey in marka nabigu xirto hubkiisa dagaalka oo uu go’aansado inuu cadowga wajaho aanu haboonayn inuu dib uga laabto ilaa uu dagaallamo.
Socdaalkii Muslimiinta iyo qorshihii qaansoleyda
Nabigu ﷺ wuxuu ciidanka Muslimiinta u la baxay dhanka Uxud, intii ay jidka ku jireen ayaa Cabdullaahi bin Ubay iyo kooxdiisii munaafiqiinta aheyd ciidanka ka goosteen, markii ay Madiina ka baxayeen Muslimiinta waxay ahaayeen qiyaastii 1,000 nin laakiin markii Cabdullaahi bin Ubay iyo 300 oo nin oo munaafiqiin ah ay jidka kaga hareen, waxaa haray 700 oo Muslimiin ah.
Nabigu ﷺ wuxuu sii watay socdaalkiisa, wuxuuna ciidanka u diyaariyey goobihii ay ka dagaalami lahaayeen, wuxuu Cabdullaahi bin Jubayr u magacaabay hogaamiyaha konton qaansoley ah, wuxuu faray inay istaagaan meel buurta ka mid ah oo ay ilaaliyaan dhabarka ciidanka Muslimiinta, isla markaana aanay boosaskooda ka tegin, xittaa haddii ay arkaan Muslimiinta oo guulaysanaya ama cadowga oo laga adkaanayo ilaa uu amar cusub siiyo.
Amarkaas wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah, sababtoo ah booskaas ayaa ka hortagayey in fardooleyda Quraysh ay dhabarka kaga yimaadaan ciidanka Muslimiinta, Nabigu ﷺ wuxuu sidoo kale seeftiisa siiyey Abuu Dujana isaga oo ku dhiirigeliyey inuu si geesinimo leh ugu dagaalamo.
Dagaalka waxaa loo ogolaaday qaar ka mid ah dhalinyaradii Saxaabada ee da’doodu gaartay shan iyo toban sano.
Bilowgii dagaalka iyo isbedelkii xaaladda
Markii dagaalku billowday Muslimiintu waxay markii hore guul ka gaareen ciidankii Quraysh, cadowga ayaa dib u guray, Muslimiintuna waxay bilaabeen inay daba galaan, markii qaansoleydu arkeen in Quraysh laga adkaaday qaar badan ayaa ka tagey boosaskoodii iyaga oo doonayey inay ka qayb qaataan ururinta qaniimadii dagaalka.
Waxay u maleeyeen in dagaalku dhammaaday, inkasta oo Nabigu ﷺ si cad ugu amray inaanay boosaskooda ka tegin, Khalid bin Waliid oo xilligaas ka tirsanaa ciidankii Quraysh ayaa u arkay fursad wuxuu fardooleydiisii ku soo wareejiyey dhabarka Muslimiinta, isaga oo ka faa’iidaystay dayacii ay qaansoleydu sameeyeen.
Talaabadaasi waxay sababtay in xaaladdii dagaalku si weyn isu beddesho, Muslimiintii ayaa weerar lama filaan ah lagu qaaday, waxaana soo gaaray khasaare culus, dagaalkaas wuxuu noqday imtixaan adag oo lagu kala ogaaday adkaysiga, daacadnimada iyo u hoggaansanaanta amarka hogaamiyaha.
Dhaawicii Nabiga ﷺ iyo geesinimadii Saxaabada
Intii dagaalku socday, Nabiga ﷺ waxaa soo gaaray dhaawacyo culus, iliggiisa hore ayaa xoqmay, wejigiisana waa la dhaawacay, bushintiisana way dhaawacantay, koofiyaddii birta ahayd ee madaxa ayaa jabtay, waxaa sidoo kale faafay war sheegaya in Nabiga ﷺ la dilay, warkaas wuxuu niyad jab ku abuuray qaar ka mid ah Muslimiinta, halka qaar kalena ay sii kordhiyeen geesinimadooda iyo go’aankooda ku aadanaa difaaca diinta.
Anas bin Nadr oo ka mid ahaa Saxaabada ayaa arkay murugada iyo jahawareerka Muslimiinta wuxuu ku booriyey inay sii dagaalamaan, isaga oo sheegay inay u baahan yihiin inay ku adkaystaan jidkii Nebiga ﷺ.
Wuxuu galay dagaalka isagoo geesinimo muujinaya, ilaa ugu dambayntii la dilay, dhaawacyo badan ayaa jirkiisa laga helay, waxaana lagu gartay oo keliya farahiisa, sida lagu sheegay riwaayadaha taariikhiga ah.
Saxaabadii kale ee dagaalka ku dhaawacantay ama ku shahiiday waxaa ka mid ahaa:
- Xamza bin CabdilMudhalib: Adeerkii Nabiga ﷺ oo uu dilay Waxshi bin Xarbi, Hinda bint Cutbah ayaa meydkiisa faragelin ku samaysay.
- Muscab bin Cumayr: Saxaabigii calanka Muslimiinta watay.
- Sacad bin Rabiic: Saxaabi ka mid ahaa kuwii si weyn ugu naf huray difaaca Muslimiinta.
- Cabdullaahi bin Camr bin Xaraam: Aabbihii Jaabir bin Cabdullaahi.
- Xandalah: Saxaabigii loo yaqaanay kii Malaa’igtu meyrtey.
- Cabdullaahi bin Jaxsh: Saxaabi ka mid ahaa kuwii dagaalka ku shahiiday.
- Ziyaad bin Sakn: Saxaabi ka qayb qaatay difaaca Nabiga ﷺ.
Waxaa kale oo dagaalka ku jiray nin la oran jiray Quzmaan, kaas oo la sheegay inuu ku dagaalamay qabiilnimo iyo ismuujin, halkii uu u dagaalami lahaa diinta, markii uu dhaawacmay oo uu xanuunka u adkeysan waayey ayuu naftiisa gooyey.
Inkasta oo Muslimiintu la kulmeen weerar culus, hadana Saxaabo badan ayaa muujiyey geesinimo aan caadi ahayn si ay u difaacaan Nabiga ﷺ, Abuu Dujana wuxuu isku dhigay falaaraha cadowga si uu uga difaaco Nabiga ﷺ, falaaro badan ayaa dhabarkiisa ku dhacay.
Qataadah bin Nucmaan ka mid ahaa ilaa ishiisu dhaawacantay sida lagu sheegay riwaayadaha, Nabiga ﷺ ayaa u duceeyey, ishiisana sideedii ayay ku soo noqotay.
Abuu Dalxa wuxuu si geesinimo leh u difaacay Nabiga ﷺ, ilaa gacantiisu dhaawacantay oo ay tabar darraysay.
Nusaybah bint Kacab (Ummu Cumaara) waxay ka mid ahayd haweenkii geesinimada muujiyey, waxay dagaalka dhexdiisa ku difaacday Nabiga ﷺ, waxaa soo gaaray 12 dhaawac, oo isugu jiray dhaawacyo waran iyo seef ah.
Caa’isha iyo Ummu Sulaym, Alle haka raalli noqdee labadoodaba, waxay iyaguna biyo siinayeen dagaalyahannada, waxayna caawinayeen dhaawacyada.
Murugadii Nabiga ﷺ
Nabiga ﷺ aad ayuu uga murugooday dilkii adeerkiis Xamza bin CabdilMuddalib, Xamza wuxuu ahaa mid ka mid ah geesiyaashii ugu waaweynaa Muslimiinta, dilkiisuna wuxuu ahaa khasaaro weyn.
Markii Nabigu ﷺ arkay sida meydka Xamza loola dhaqmay, wuxuu markii hore sheegay inuu ka aargudan doono, hase yeeshee markii dambe wuu ka reebay Muslimiinta in meydadka cadowga la jaro ama la farageliyo, wuxuu u hoggaansamay amarka Alle ee ku saabsan samirka, caddaaladda iyo ka fogaanshaha xadgudubka.
Isu ururintii Muslimiinta iyo hadalkii Abuu Sufyaan
Markii dagaalku xoogaystay, Nabiga ﷺ iyo koox ka mid ah Saxaabadiisa ayaa u dhaqaaqay meel ka mid ah buurta Uxud si ay isu difaacaan una abaabulaan ciidanka, Abuu Sufyaan ayaa markaas ku dhawaaqay erayo uu ku muujinayo guusha Quraysh, isagoo yiri: “Kor ha ahaado Hubal!”, Hubal wuxuu ahaa sanam ay caabudi jireen.
Muslimiintana waxay ugu jawaabeen: “Alle ayaa ka sarreeya kana weyn!”
Abuu Sufyaan ayaa markaas isku dayay inuu ogaado xaaladda Nabiga ﷺ, Muslimiintu ma aysan muujin halka uu joogo, laakiin wuxuu ugu dambayntii ogaaday inuu nool yahay oo badqabo.
Abuu Sufyaan wuxuu sidoo kale ballan qaaday in labada ciidan ay sannadka xiga ku kulmaan Badar Nebiga ﷺ wuu aqbalay.
Shuhadadii Uxud iyo dhamishadii Mushrikiinta
Dagaalkii Uxud waxaa Muslimiinta kaga shahiiday qiyaastii toddobaatan nin, maadaama shuhadadu badnaayeen, Nabiga ﷺ wuxuu amray in lagu aaso goobtii dagaalku ka dhacay, qaar ka mid ah shuhadada ayaa laba laba loogu aasay hal qabri, waxaa ka mid ahaa:
- Xamza bin CabdilMuddalib iyo Cabdullaahi bin Jaxsh.
- Camr bin Al-Jamuux iyo Cabdullaahi bin Camr bin Xaraam.
Aaskani wuxuu ahaa mid ka tarjumaya khasaaraha weyn ee Muslimiintu la kulmeen iyo naf-hurnimadii ay u sameeyeen diintooda.
Inkasta oo Muslimiintu dhaawacyo badan qabeen, haddana Nabiga ﷺ ma uusan doonayn in Quraysh u qaadato in Muslimiintu awooddoodii lumiyeen sidaas darteed wuxuu abaabulay Saxaabadii dagaalka ka qayb galay, wuxuuna u baxay dhanka Xamraa Al-Asad si uu ula socdo dhaqdhaqaaqa cadowga, una muujiyo in Muslimiintu weli awood u leeyihiin inay iska difaacaan.
Socdaalkaasi wuxuu muujiyey adkaysiga Muslimiinta iyo sida ay uga go’nayd ilaalinta Madiina iyo difaaca bulshada Muslimka ah.
Dagaalkii Uxud ciidankii Quraysh waxaa ka dhintay qiyaastii 23 qof, waxaa ka mid ahaa Abuu Cizzah, oo ahaa gabyaa, iyo Mucaawiyah bin Al-Mughiirah, sidoo kale, Nabiga ﷺ wuxuu dagaalka uu ku dilay Ubay bin Khalaf, wuxuu isku dayay inuu gaaro Nabiga ﷺ si uu u dilo, Nabigu ﷺ wuxuu qaatay waran, wuxuuna kaga dhuftay qoorta, dhaawacaasna wuxuu sabab u noqday dhimashadiisa.
Intii dagaalku socday, qaar ka mid ah Muslimiinta ayaa dib uga gurtay goobtii dagaalka, arrintaas waxay ahayd mid ka mid ah dhacdooyinkii lagu imtixaamay Muslimiinta maalintii Uxud, hase yeeshee, Alle wuxuu sheegay inuu cafiyey, wuxuuna Qur’aanka Kariimka ah ku xusay Suurat Aala-Cimraan, aayadda 155.
References
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
