Taariikhda Caa’isha Bint Abii Bakar

Hooyadii Mu’miniinta, xaaskii Nabiga ﷺ, caalimaddii weynayd ee Islaamka, Caa’isha (Alle haka raalli noqdee) waxay ahayd xaaskii uu aadka u jeclaa Nabi Maxamed ﷺ, gabadhii Khaliifkii koowaad ee Muslimiinta, Abuu Bakar Al-Siddiiq (RC) iyo mid ka mid ah haweenkii ugu aqoonta badnaa taariikhda Islaamka.
Waxay ahayd Hooyadii Mu’miniinta, caalimad ku xeeldheer Qur’aanka, Sunnada, fiqiga iyo fahamka shareecada, waxay sidoo kale ahayd qof xusuus wanaagsan, garaad dheer oo aftahannimo ku suntan.
Nolosheeda oo dhan waxay ku qaadatay barashada diinta, gudbinta cilmiga Nabiga ﷺ iyo u adeegidda bulshada Muslimka ah, waxay umadda Islaamka uga tagtay dhaxal cilmiyeed aad u ballaaran, gaar ahaan axaadiista Nabiga ﷺ.
Magaceeda iyo Nasabkeeda
Magaceedu wuxuu ahaa Caa’isha, waxaana lagu naanaysi jiray Al-Siddiiqah, waxay ahayd gabadhii Abuu Bakar Al-Siddiiq bin Abii Quxaafah, aabeheed wuxuu ahaa saxaabigii ugu dhawaa Nabiga ﷺ, isla markaana noqday khaliifkii ugu horreeyey ee Muslimiinta.
Waxay dhalatay qiyaastii toddoba ilaa sagaal sano ka hor Hijradii rasuulka ﷺ, taariikhda saxda ah ee dhalashadeeda laguma xusin ilaha taariikhda balse waxaa la aaminsan yahay inay dhalatay inta u dhaxaysa sannadihii 613 iyo 615-kii miilaadiga.
Hooyadeed waxaa la oran jiray Ummu Rumaan bint Caamir Al-Kinaaniyyah, Caa’isha waxay ka soo jeedday qabiilka Quraysh, gaar ahaan reer Banii Taym,
Waxay lahayd naanaysyo iyo magacyo sharafeed dhowr ah, waxaana ka mid ahaa:
- Al-Siddiiqah: Runleey.
- Ummul-Mu’miniin: Hooyadii Mu’miniinta.
- Ummu Cabdillaah: Kunnayadii lagu yaqaanay.
- Al-Xumeyraa: Naanays ay kutubta qaarkood ku xuseen.
- Al-Mubarra’ah: Tii Alle ka bari yeelay eedihii lagu soo oogay.
- At-Dhayyibah.
Nasabkeeda iyo nasabka Nabiga ﷺ waxay ku kulmaan awoowgoodii toddobaad ee dhinaca aabbaha.
Caa’isha ayaa u hijrootay Madiina iyadoo la socota hooyadeed ka dib markii Nabiga ﷺ iyo aabeheed hijroodeen.
Guurkeedii iyo Jaceykii Nabiga ﷺ
Nabiga ayaa guursaday Caa’isha, wuxuuna la aqal galay bishii Shawwaal ee sannadkii labaad Hijriyada, xilligaas oo uu ka soo laabtay dagaalkii Badar, xilligaasna waxay ahayd sagaal jir, waxay ahayd xaaska kaliya ee Rasuulka (NNKH) uu guursaday iyadoo bikro ah ama guur hore aan soo marin
Caa’isha (RC) waxay sheegtay inay mar aragtay Rasuulka ﷺ oo taagan albaabka qolkeeda, iyadoo Xabashidu ku ciyaarayaan warmaha, rasuulku wuxuu ku daboolayay go’iisa si ay ciyaarta u daawato, wuxuu halkaas u taagnaa ilaa ay iyadu ka dhammaysatay daawashada oo ay kasoo tagtay, tani waxay muujinaysaa sida uu rasuulku u tixgelin jiray farxaddeeda iyo dareenkeeda.
Caa’isha (RC) waxay sidoo sheegtay inay mar Rasuulka (NNKH) tartan orod kula gashay safar, ayna iyadu ka badisay, muddo ka dib, markii ay miisaan yeelatay ayay mar kale tartameen, markaas ayuu isagu ka badiyey, rasuulku wuxuu ugu kaftamay: “Tanina waa tii hore.”.
Rasuulku wuxuu Caa’isha u sheegay inuu garan karo marka ay ka raalli tahay iyo marka ay xanaaqsan tahay, wuxuu ku garan jirey habka ay ugu dhaaran jirtay magacyada Alle: marka ay faraxsan tahay waxay odhan jirtay “Rabbiga Muxammad,” marka ay xanaaqsan taheyna waxay odhan jirtay “Rabbiga Ibraahim.”, Caa’isha waxay qiratay in arrintaasi sax tahay, balse ay sheegtay inaysan ka tagayn jacaylka ay u qabto Rasuulka, xitaa marka ay xanaaqsan tahay.
Waxay sheegtay inuu rasuulku ku geeriyooday gurigeeda, isagoo madaxiisu saaran yahay laabteeda, markii ay aragtay inuu doonayo miswaak (cadey), ayay u jilcisay kadibna siisay, wuxuuna ku cadayday ilkihiisa.
Akhlaaqdeedii iyo Sifooyinkeedii
Caa’isha (RC) waxay lahayd sifooyin badan oo wanaagsan waxay ahayd haweeney run badan, garaad dheer, xusuus xooggan iyo faham degdeg ah leh, waxay caan ku ahayd inay si taxaddar leh u gudbiso axaadiista Nabiga ﷺ iyadoo ku dadaalaysa inaan wax laga bedelin ama laga dhimin wixii ay maqashay.
Aqoonta ay u lahayd fiqiga iyo fahamka shareecada ayaa ka dhigtay mid ka mid ah culimadii ugu waaweynaa xilligii Saxaabada, inkasta oo ay ahayd xaaska Nabiga ﷺ iyo gabadhii khaliifka hadana waxay ku noolayd nolol fudud, waxay ku qanacsanayd wixii ay haysatey, waxayna ahayd haweeney deeqsi ah.
Waxay sidoo kale ahayd haweeney cibaado badan, Alle ka cabsi badan, is hoosaysiin leh, isla markaana ilaalisa sharafta iyo karaamada Saxaabada kale, waxay ahayd haweeney aad u xishood badan.
Waxay ka sheekeysay in markii gurigeeda ay ku aasnaayeen Nabiga ﷺ iyo aabbaheed Abuu Bakar oo kaliya ay geli jirtay iyadoo aan si gaar ah isu daboolin, maadaama ay ahaayeen ninkeeda iyo aabbaheed, hase yeeshee, markii Cumar bin Khadhaab (RC) isagana halkaas lagu aasay, waxay sheegtay inaysan mar dambe gurigaas geli jirin iyadoo aan si fiican isu daboolin, xishood ay ka xishooneysay Cumar owgii.
Waxaa ka mid ah fadliga Caa’isha (RC) in Qur’aanka Kariimka ah lagu soo dejiyey aayado caddeeyey bari ahaanshaheeda, kuwaas oo ku jira Suurat An-Nuur ka dib markii qaar ka mid ah munaafiqiinta ay faafiyeen in ay xumaan sameysay.
Dhacdadii Al-Ifk: Eedeyntii been abuurka ahayd
Dhacdadii Al-Ifk waxay dhacday markii Caa’isha (RC) ay Rasuulka ﷺ kala qayb gashay safarkii dagaalkii Banii Mustaliq, markii ciidanku soo laabanayay ayay meel u dhaqaaqday si ay xaajo u gudato markii ay soo noqotay ayay ogaatay inay ka tageen.
Intii ay duurka ku maqnayd, dadkii qaaday rarkeedu waxay u maleeyeen inay ku jirto, maadaama ay ahayd qof miisaankeedu fudud yahay, markii ay soo noqotay waxay go’aansatay inay meesheedii ku sugto, iyadoo rajaynaysa inay soo raadin doonaan ugu dambayn hurdo ayaa qabatay.
Nin ciidanka ka haray oo la oran jirey Safwaan bin al-Mucadhal al-Sulami oo gadaal ka ururinayey alaabtii dadka ka dhacday ayaa arkay Caa’isha, wuuna aqoonsaday wuxuu u soo dhoweeyey awrkiisa, iyaduna way fuushay, dabadeedna wuxuu geeyey halkii ciidanku joogay.
Markii ay magaalada yimaadeen, munaafiqiintii ayaa dhacdadaas ka sameeyey been abuur iyo eedayn sharafteeda lagu dhaawacayo, ninkii ugu weynaa ee faafiyey warkaas wuxuu ahaa madaxa munaafiqiinta.
Caa’isha ma aysan ogeyn warkaas markii hore, way xanuunsanayd muddo bil ku dhow, waxayna dareentay in Rasuulku uusan sidii hore u la dhaqmayn, inkastoo uusan weli u sheegin waxa dhacay.
Markii ay caafimaaday ayey maalin banaanka u raacday haweeney intii ay socdeen ayay haweeneydii si xun ugu hadashay mid ka mid ah dadkii faafiyey beenta iyadoo tiri ha halaagsamo, Caa’isha ayaa markaas ogaatay in wax laga sheegay, waxayna ku noqotay guriga iyadoo aad u murugaysan oo ooyaysa.
Rasuulka wuxuu markii dambe masaajidka kaga hadlay arrinta, isagoo ka cabanaya dhibaatada loo geystay qoyskiisa iyo qofka sharafteeda wax ka sheegay, wuxuu Caa’isha uu u sheegay in haddii ay bari tahay Alle bari ka dhigi doono.
Caa’isha (RC) waxay sheegtay inay sariirteeda jiifsatay iyadoo hubta inay bari tahay, isla markaana rajaynaysa in Alle bari ka dhigi doono, wax yar ka dib, waxyi ayaa ku soo degay Rasuulka (NNKH), markii waxyigu dhammaaday, wuu ku farxay isagoo u sheegay: “Caa’isho, Alle ayaa bari kaa dhigay.”.
Kadib wuxuu akhriyey aayadaha Suurat An-Nuur, gaar ahaan aayadda 11aad iyo aayadaha xiga, kuwaas oo cadeeyey in eedeyntii ay ahayd been abuur.
Geesinimadeedii iyo jihaadkeedii
Caa’isha (RC) kuma koobnayn cibaado iyo barashada cilmiga oo keliya, balse waxay sidoo kale ahayd haweeney geesi ah oo ka qayb qaadan jirtay adeegyada ay Muslimiintu u baahnaayeen xilliyada dagaalka.
Waxay ka qayb qaadan jirtay daryeelka dhaawacyada iyo caawinta ciidanka Muslimiinta.
Cilmiga iyo Aqoonta
Caa’isha (RC) waxay ahayd mid ka mid ah haweenkii ugu aqoonta badnaa taariikhda Islaamka, waxay aheyd caalimad ay Saxaabada iyo dadkii ka dambeeyey u soo doontaan jawaabaha su’aalaha adag ee ku saabsan Qur’aanka, Xadiiska iyo fiqiga.
Imaam Ad-Dahabi wuxuu ku tilmaamay inay ahayd haweeneyda ugu aqoonta badan ummadda Maxamed ﷺ.
Caa’isha waxay ahayd ardayad firfircoon oo aan ku ekaan maqalka oo keliya, balse mar kasta weydiin jirtay Nabiga ﷺ faahfaahinta arrimaha ay u baahato inay fahamto, waxay ka mid ahayd haweenkii ugu aqoonta badnaa tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah xilligii Saxaabada.
Muddo sagaal sano ah ayay ku noolayd guriga Nabiga ﷺ, taas oo u suuragelisay inay si dhow ula socoto dhacdooyinka la xiriira soo degitaanka waxyiga, markii ay aayad fahmi weydo ama ay u baahato faahfaahin dheeraad ah, waxay si toos ah u weydiin jirtay Nabiga ﷺ.
Waxay door weyn ka qaadatay ilaalinta iyo gudbinta Sunnada Nabiga ﷺ maadaama ay ahayd xaaskiisa, waxay arki jirtay nolol maalmeedkiisa, cibaadadiisa, akhlaaqdiisa iyo hab dhaqankiisa, waxay sidoo kale maqli jirtay hadallo iyo tilmaamo aanay dad kale fursad u helin inay maqlaan.
Waxay ahayd haweeney si weyn ugu xeeldheer fiqiga iyo fahamka axkaamta shareecada, ma ahayn qof kaliya xafida oo gudbisa axaadiista, balse waxay awood u lahayd inay ka fahanto daliillada xukunnada shareecada, isla markaana ay ka jawaabto su’aalaha adag ee diinta.
Masruuq, oo ka mid ahaa culimadii Taabiciinta, wuxuu sheegay inuu arkay Saxaabadii waaweynaa oo Caa’isha weydiinaya arrimaha dhaxalka.
Caa’isha (RC) ma ahayn oo keliya caalimad ku xeeldheer diinta, balse waxay sidoo kale aqoon weyn u lahayd taariikhda, dhaqanka Carabta iyo suugaanta.
Waxay wax badan ka taqaannay taariikhdii jaahiliyada, dhaqamadii iyo caadooyinkii bulshada, dagaalladii iyo dhacdooyinkii Carabta, taariikhda Nabiga ﷺ, gabayada iyo suugaanta Carabiga.
Waxay sidoo kale xifdin jirtay gabayo badan, waxayna dadka ku dhiirrigelin jirtay inay carruurtooda baraan gabayada si hadalkoodu uu u noqdo mid wanaagsan oo aftahanimo leh.
Dagaalkii Geela
Dagaalkii Geela (وقعة الجمل) wuxuu ahaa dagaal dhexmaray Muslimiin sannadkii 36 Hijriyada (656 Miilaadiga), wuxuu ka dhacay meel u dhow magaalada Basra ee Ciraaq, dagaalkan waxaa ka qayb galay dhinac uu hoggaaminayay Khaliifkii afraad ee Muslimiinta Cali bin Abii Dhaalib (RC), iyo dhinac ay la socdeen Caa’isha bint Abii Bakar (RC), Dalxa bin Cubeydullaah iyo Zubeyr bin Cawwaam (RC), wuxuu ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee fitnadii koowaad ee Muslimiinta.
Dagaalku wuxuu yimid kaddib dilkii Khaliif Cuthmaan bin Caffaan (RC) sannadkii 35 Hijriyada, dilkaas wuxuu sababay khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan sida loo wajahayo dadkii dilka ka dambeeyay iyo sida cadaaladda loo horgeyn lahaa
Cali bin Abii Dhaalib (RC) ayaa loo doortay khaliif kaddib geeridii Cuthmaan, Caa’isha, Dalxa iyo Zubeyr waxay ka mid ahaayeen dadkii ku baaqayay in si degdeg ah wax looga qabto dilkii Cuthmaan, khilaaf ayaa ka dhex dhashay iyaga iyo Cali (RC), kaas oo markii dambe isu beddelay iska horimaad hubaysan.
Mucaawiya oo ahaa gudoomiyihii Shaam oo ay ilmo adeer ahaayeen khaliifkii la dilay ayaa diiday in ay Cali daacad u noqdaan ilaa arrintii Cuthmaan la xalliyo, labadii ciidan ee Cali iyo kuwii Dhalxa iyo Zubeyr oo u balansan in ay heshiis ka gaaraan khilaafka ayaa gacan ku dhiiglayaashii Cuthmaan waxay ku tashadeen inay dagaalka bilaabaan, markaasay weerar ku qaadeen xeradii Dhalxa iyo Al-Zubayr.
Dhalxa iyo Zubayr waxay u maleeyeen in Cali soo weeraray oo heshiiskii jebiyey, markaasay iska difaaceen oo weerar ku qaadeen xeradii Cali.
Cali isagana waxa uu mooday in ay isaga soo weerareen oo ay heshiiskii jabiyeen, dagaalka ayaa dhacay mana joogsan ilaa uu dhiig badan daatay, Al-Tahawi waxa uu yidhi:- Dagaalkii Geela waxa uu dhacay iyada oo aanay dooran Cali, Dhalxa iyo Al-Zubayr.
Caa’isha (RC) waxay safarka ku jirtay iyadoo saaran awr, waxaana la sheegay in awrkeedu noqday meel ay ciidamadu ku kulmeen intii dagaalku socday waxay isku dayeysay inay joojiso dagaalka, taasi waa sababta dagaalka loogu bixiyay Dagaalkii Geela (Battle of the Camel).
Dagaalka wuxuu ku dhammaaday guushii ciidankii Cali bin Abii Dhaalib (RC)., Dhalxa iyo Zubeyr (RC) oo ka mid ahaa saxaabadii waaweynaa waxay ku dhinteen dhacdooyinkii dagaalka., Caa’isha (RC) iyadana dagaalka ka dib waxaa dib loogu celiyay Madiina, iyadoo la ilaalinayay maqaamkeeda ah xaaskii Nabiga Muxammad ﷺ iyo Hooyada Mu’miniinta.
Geerideedii iyo Meeshii lagu Aasay
Caa’isha (RC) waxay geeriyootay habeen Talaado ah, 17-ka Ramadaan, taariikhda geerideeda waxaa jira khilaaf, waxaana la sheegaa inay geeriyootay sannadkii 57-aad, 58-aad ama 59-aad ee Hijriga.
Abuu Hureyrah (RC) ayaa salaadda janaasada ku tukaday, dadkii qabriga galay si ay u aasaan waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi iyo Curwah oo ahaa wiilashii Al-Zubayr ibn al-Cawwaam iyo walaasheed Asmaa bint Abii Bakr iyo sidoo kale Al-Qaasim iyo Cabdullaahi (wiilashii Muxammad ibn Abii Bakr) iyo Cabdullaahi ibn Cabdulraxmaan ibn Abii Bakar, waxaana lagu aasay qabuuraha Baqiic.
References
https://suwaidan.com/mother-believers-aisha
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
