Taariikhda Khaalid bin Waliid

Taariikhda Islaamka intii uu noolaa Nabiga ﷺ iyo kaddib geeridiisii, waxaa soo maray hoggaamiyeyaal waaweyn oo raad mug leh ku yeeshay dacwada Alle iyo faafinta diinta Islaamka, hoggaamiyeyaashaas waxaa ka mid ahaa saxaabiga sharafta badan, halyeygii dagaalka iyo hoggaamiyihii ciidanka Islaamka, Khaalid bin Waliid (RC).
Khaalid bin Waliid wuxuu caan ku ahaa geesinnimada dagaalka iyo xeeladaha milatari, intii uusan Islaamin iyo kaddib markii uu Islaamayba, nabiga ﷺ ayaa intii uu noolaa ku maamuusay magac iyo sharaf gaar ah, isaga oo ugu yeeray “Seeftii Alle ee galka ka baxsan “.
Khaalid bin Waliid wuxuu ku dhashay magaalada barakeysan ee Makka ee hadda ka tirsan dalka Sacuudiga qayaastii 585–592 miilaadiga, lama hubo sanadka saxda ah ee uu dhashay.
Nasabkiisa iyo qoyskiisa
Khaalid bin Waliid bin Mughiira bin Cabdullaahi bin Makhsuum bin Yaqadha bin Murra bin Kacab bin Lu’ay bin Ghaali, wuxuu ahaa saxaabi weyn oo ka tirsanaa qabiilka Quraysh, waxaa lagu naanaysi jiray “Abuu Sulaymaan”, hooyadiis waxaa la oran jirey Lubaaba bint Haarith, oo waxay walaal la ahayd Maymuuna bint Haarith oo ka mid ahayd hooyooyinka mu’miniinta.
Khaalid wuxuu Islaamay sanadkii siddeedaad ee Hijriga ka hor furashadii Maka, aabbihiis Waliid bin Mughiira wuxuu ahaa nin madax ah oo sharaf ku lahaa Quraysh, waxaana lagu tilmaami jiray mid ka mid ah ragga ugu magaca weyn qabiilkaas.
Nasabkiisa iyo kan Nabiga ﷺ waxay ku kulmaan awoowgood Murra bin Kacab.
Khaalid waxaa la dhashay lix wiil oo kala aha: al-Caas, Abuu Qays, Cabd Shams, Cumaarah, Hishaam, iyo al-Waliid, iyo laba gabdhood oo kala ah: Faadima iyo Faadina.
Aabbihii Khaalid wuxuu caruurtiisa ku barbaariyey fardafuulka, dagaalka, adeegsiga hubka iyo xirfadaha la xiriira halganka, Khaalid ka hor inta uusan Islaamin wuxuu si weyn uga soo horjeeday Islaamka iyo dacwaddii Nabiga ﷺ.
Ma hayo tiro sugan oo ku saabsan tirada xaasaska Khaalid ibnu al-Waliid maadaama uu waqtigiisa ugu badan uu ku jirey ciidanka iyo furimaha dagaalka, balse buugaagta taariikhda waxay xusayaan inuu guursaday dhowr dumar ah: Kabsha bint Xawda taas oo ahayd hooyada wiilkiisa Sulaymaan.
Umm Tamiim al-Thaqafiyah oo aheyd hooyada wiilkiisa Cabdullaahi, Layla bint Sinaan oo horey xaas ugu ahayd Maalik ibnu Nuwayrah iyo Asmaa’ bint Anas ibnu Mudrik oo aheyd hooyada al-Muhaajir, Cabdiraxmaan iyo (Cabdullaahi-ga Weyn sida taariikhaha qaar ay wariyeen (waxaa lagu dilay dalka Ciraaq)).
Khaalid bin Waliid waxaa lagu yaqaanay inuu ahaa hoggaamiye ciidan oo xeel dheer, geesi aan ka cabsan dagaalka, lehna garaad milatari, qorsheyn wanaagsan, xeelad dagaal iyo karti uu ku abaabulo ciidanka kuna fuliyo hawlgallada.
Islaamnimada ka hor
Khaalid wuxuu Ka mid ahaa madaxda iyo ashraafta Quraysh, wuxuu ahaa hoggaamiyaha fardooleyda Quraysh, wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii Uxud isaga oo door ku lahaa weerarkii dhinaca dambe kaga yimid Muslimiinta kaasoo sababay Muslimiintu in ay jabaan.
Dagaalkii Khandaq uxuu ka mid ahaa fardooleyda Quraysh ee hareeraha godka ka baadi goobayey meel ay ka gudbaan.
Xilligii Xudaybiya wuxuu ahaa hoggaamiyaha ciidan gaarayey 200 oo fardooley ah oo Quraysh u dirtay inay ka hor istaagaan Muslimiinta gelitaanka Maka.
Islaamiddii Khaalid RC
Khaalid bin Waliid wuxuu islaamay kadib markii uu afartan sano ka gudbay, wuxuu maqlay farriin uu Nabiga ﷺ ugu soo diray walaalkiis, taas oo uu ku dhiirrigelinayey inuu Islaamka qaato, kana faa’iideysto awooddiisa iyo geesinimadiisa isagoo garab siinaya Muslimiinta.
walaalkiis Al-Waliid bin Waliid ayaa ka hor Islaamay, isla markaana Khaalid ku dhiirrigeliyey inuu Islaamka qaato, sannadkii siddeedaad ee Hijriga ayuu Khaalid islaamay isaga oo la socday Camr bin Caas (RC), labadooduba waxay u yimaadeen Nabiga ﷺ, waxayna hortiisa kaga dhawaaqeen inay islaameen, Nabigu ﷺ aad ayuu ugu farxay Islaamnimadooda.
Waxay Rasuulka ﷺ u yimaadeen maalintii koowaad ee bisha Safar, sannadkii siddeedaad ee Hijriga, Khaalid wuxuu Rasuulka ka codsaday inuu Alle dembi dhaaf alle u weydiiyo, rasuulkana wuu u duceeyey.
Kaalintiisii Jihaadka iyo Furashooyinkii Islaamka
Islaamnimadiisa kaddib, Khaalid wuxuu ka qayb qaatay dagaallo badan oo muhiim u ahaa Muslimiinta, wuxuu door muuqda ku lahaa dhowr dagaal oo waaweyn intii uu Nabigu ﷺ noolaa.
Dagaalkii Mu’tah
Dagaalkii Mu’tah wuxuu ka mid ahaa dagaalladii ugu horreeyey ee Khaalid ka qayb qaato markii uu Islaamay, markii ay dagaalka ku shahiideen saddexdii hoggaamiye ee Nabigu ﷺ u magacaabay ciidanka oo kala ahaa Zayd bin Haarithah, Jacfar bin Abii Dhaalib iyo Cabdullaahi bin Rawaax, ka dib waxaa calanka loo dhiibay Khaalid bin Waliid.
Wuxuu la wareegay hoggaanka ciidanka isaga oo adeegsaday xeelado dagaal iyo qorsheyn wanaagsan oo suurageliyey inuu ciidanka Muslimiinta ka badbaadiyo halaag, kuna soo celiyo hal hogan oo nidaamsan.
Khaalid ayaa yiri “Waxaan maalintii Mu’tah arkay sagaal seef oo gacantayda ku jabay, waxaana gacantayda ku hadhay oo keliya seef ballaaran oo Yamani ah.”.
Furashadii Makka
Markii Muslimiintu galeen Maka, Nabiga ﷺ wuxuu Khaalid u magacaabay hoggaamiyaha mid ka mid ah afartii qaybood ee ciidanka Muslimiinta oo ahaa hoggaanka garabka midig ee ciidanka.
Khaalid iyo ciidankiisu waxay Maka ka galeen dhinaca koonfureed, iyagoo u dhaqaaqay dhanka waqooyi, Nabigu ﷺ wuxuu faray ciidanka inaysan cidna dilin, marka laga reebo qofkii dagaal ku bilaaba ama iska caabiya.
Waxaa dagaal iska caabin ah kala horyimid koox uu hoggaaminayey Cikrimah bin Abii Jahal, Safwaan bin Umayyah iyo Suhayl bin Camr, dagaalka waxaa lagu dilay 13 nin oo mushrikiin ah iyo waxaana ku shahiigay mujaahid.
Dagaalkii Xunayn
Khaalid wuxuu sidoo kale ka qayb qaatay dagaalkii Xunayn isaga oo ka mid ahaa ciidankii safka hore kaga jiray dagaalka, intii uu dagaalku socday, dhaawacyo culus ayaa soo gaaray balse dhaawacyadaasi kama hor istaagin inuu dagaalka sii wado oo uu garab istaago Muslimiinta.
Dagaalkii Dumatu Al-Jandal
Nabiga ﷺ ayaa Khaalid u diray hawlgal ciidan oo uu ku soo qabanayo Akaydar bin Cabdulmalik oo ahaa hoggaamiyihii Dawmatal-Jandal, kana tirsanaa Nasaarada.
Khaalid wuxuu u dhigay qorshe, wuxuuna ku guulaystay inuu Akaydar soo qabto oo uu Nabiga ﷺ hor keeno, nabigu ﷺ wuxuu heshiis la galay Akaydar, isaga oo ku waajibiyey bixinta Jizyada, dabadeedna sii daayey.
Taariikhdiisa milatari kuma ekaan xilligii Nabiga ﷺ, wuxuu door aad u weyn ku lahaa furashooyinkii Islaamka xilligii Khaliifadii Abuu Bakar iyo Cumar (RC), gaar ahaan furashadii Ciraaq iyo dhulalkii Shaam, furashadii Dimishiq iyo dagaalkii Yarmuuk.
Dagaaladii ridada
Khaalid wuxuu qeyb ka ahaa dagaalladii Riddada ee lagu la dagaalamay dadkii ka laabtey diinta ka dib geeridii Nabiga ﷺ sida dagaalkii Yamaama ee lagu dilay Musaylamatul Kaddaab.
Wuxuu la dagaallamay Duleyxa bin Khuweylid Al-Asadi oo sheegtay nebinnimo, Duleyxa ayaa markii dambe wuxuu u cararay Shaam, balse Islaamka ayuu ku soo noqday isagoo ka qeyb qaatey jihaadka ilaa uu ka shahiiday.
Abuu Bakar (RC) ayaa Khaalid u magacaabay hoggaamiyaha guud ee ciidammada, intii uu socdey dagaaladii ridada waxaa jirey nin la oran jirey Maalik bin Nuwayrah, wuxuu ahaa shakhsi sharaf leh oo caan ah ka hor Islaamka iyo xilligii Islaamka, isagoo qaatay diinta Islaamka intii uu noolaa Nabiga (scw).
Geeridii Nabiga ka dib, Maalik wuxuu ka horyimid Abuu Bakr, isagoo weydiinaya sababta uusan xilka khilaafada ugu wareejin Imaam Cali (cs), sida uu Nabigu faray, Khaalid wuxuu amray in la dilo Maalik iyo qaar ka mid ah dadkiisa, arrintaasi waxay dhalisay khilaaf, waxaana Abuu Qataadah iyo Cumar bin Khadhaab ay muujiyeen diidmo ka dhan ah wixii dhacay.
Abuu Bakar ayaa amray in magdhowga Maalik la bixiyo, hantidii iyo maxaabiistii la qabtayna dib loo celiyo.
Xil ka qaadistii Cumar uu ku sameeyey
Arrinta xilka ka qaadista Khaalid bin Waliid waxay ka mid tahay dhacdooyinka taariikhiga ah ee dad badani siyaabo kala duwan u fasireen, qaar ka mid ah dadka ka faallooda taariikhda Islaamka waxay dhacdadan u adeegsadaan inay ku abuuraan shaki ku saabsan xiriirkii Khaalid iyo Cumar bin Khadhaab (RC).
Marka la eego warbixinnada taariikhiga ah ee arrintan laga qoray, waxaa muuqata in xilka ka qaadistu lahayd sababo la xiriira maamulka, hab dhaqanka hoggaaminta iyo ilaalinta nidaamka dowladdii Islaamka.
Xilka ka qaadista Khaalid waxay dhacday laba mar.
Markii koowaad waxay dhacday sannadkii 13-aad ee Hijriga, xilli uu Cumar bin Khadhaab (RC) la wareegay khilaafada kaddib geeridii Abuu Bakar As-Siddiiq (RC), waqtigii Abuu Bakar, waxaa jiray nidaam maamul oo uu khaliifku u oggolaanayey gudoomiyeyaasha iyo hogaamiyeyaasha gobollada inay arrimahooda u maareeyaan si xorriyad leh, iyagoo ku shaqeynaya nidaamka guud ee dowladda Islaamka, ilaalinayana caddaaladda iyo xuquuqda dadka.
Cumar bin Khadhaab wuxuu qabay aragti maamul oo ka duwan tii Abuu Bakar, wuxuu doorbidayey in awoodda maamul ee saraakiisha iyo gudoomiyeyaasha si dhow loo kormeero, isla markaana aanay jirin cid awooddeeda ay ka baxsantahay nidaamka khilaafada.
Waxaa la weriyey in Cumar uu Abuu Bakar kula taliyey inuu Khaalid ku amro inuu xaddido bixinta xoolaha dowladda isaga oo aan oggolaansho ka haysan khaliifka.
Abuu Bakar wuxuu Khaalid u diray amar ku saabsan arrintaas, Khaalidna wuxuu ku jawaabay:”Haddii aad ii oggolaanayso inaan shaqadayda sii wato, waan sii wadayaa, haddii kalena arrinta adiga ayey kuu taalaa”
Cumar wuxuu markaas kula taliyey Abuu Bakar inuu Khaalid xilka ka qaado, balse Abuu Bakar wuxuu door biday inuu Khaalid u daayo xilkiisii.
Markii Cumar uu la wareegay khilaafada, wuxuu doonayey in madaxda iyo saraakiisha dowladdu qaataan hab maamulkii uu isagu aaminsanaa, qaar way aqbaleen, qaar kalena way ku adkaatay inay la qabsadaan nidaamkaas.
Khaalid bin Waliid wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii aan si fudud ula qabsan habkaas maamul, taasina waxay qayb ka ahayd sababihii Cumar uga qaadey Khaalid hoggaanka guud ee ciidanka Shaam.
Markii labaad ee xilka ka qaadista Khaalid waxay dhacday sannadkii 17-aad ee Hijriga xilli uu joogay magaalada Qansariin ee dhulka Shaam haddana ku taal Suuriya.
Waxaa Cumar soo gaadhay war sheegaya in Khaalid iyo Ciyaad bin Qanmi ay weerarro milatari ku qaadeen dhulka Roomaanka ayna ku soo laabteen iyagoo wata qaniimo badan, waxaa sidoo kale la sheegay in dad badan oo ka kala yimid gobollo kala duwan ay Khaalid u imaan jireen si ay uga faa’iidaystaan deeqsinimadiisa.
Dadkaas waxaa ka mid ahaa Al-Ashcath bin Qays Al-Kindi kaas oo Khaalid siiyey lacag dhan toban kun, markii warkaas uu Cumar soo gaadhay wuxuu doonay in la baaro halka ay lacagtaasi ka timid iyo in Khaalid uu isticmaalay hanti ka mid ah hantida Muslimiinta.
Cumar wuxuu hoggaamiyihii guud ee ciidanka Abuu Cubayda bin Jarraax u diray amar ah inuu arrinta baaro, Khaalidna xilka ka qaado oo uu Madiina u soo diro, baaritaanka waxaa lagu sameeyey iyadoo uu joogo Abuu Cubayda.
Baaritaankii kaddib Khaalid waxaa laga bari yeelay inuu hantida Muslimiinta si khaldan u isticmaalay ama uu qaniimadii dagaalka ka qaatay lacagta uu Al-Ashcath siiyey, markii Khaalid ogaaday in xilka laga qaaday, wuxuu macsalaameeyey dadkii Shaam, wuxuu markaas yiri:”Amiirka Mu’miniinta ayaa ii magacaabay Shaam, markii xaaladdu ii macaanaatay oo ay wax walba hagaageenna wuu i beddelay.”
Nin meesha joogay ayaa ku yiri: “Iska samir, Waa imtixaan.”
Cumar wuxuu warqad u diray magaalooyinka iyo gobollada, isaga oo ku caddeeyey sababta uu Khaalid xilka uga qaaday. Wuxuu yiri:”Anigu Khaalid uma aanan beddelin caro aan u qabo darteed, mana aha khiyaano uu sameeyey awgeed laakiin dadku waxay aad ugu xirnaadeen Khaalid, waxaana ka baqay inay isaga ku tiirsanaadaan oo ay ku fitnoobaan, waxaan doonay inay ogaadaan in Alle yahay kan guusha iyo gargaarka bixiya, ee aanu qof bani’aadam ahi ahayn.”
Geeridii Khaalid bin Waliid (RC)
Khaalid bin Waliid wuxuu geeriyooday sannadkii 21 ee Hijriga kuna beegan 642, wuxuu ku geeriyoodey magaalada Xims (Homs) ee dhulka Shaam kaddib markii uu xanuun la soo deristay, markii uu ku jiray xanuunkii geerida, waxaa booqday saxaabiga Abuu Dardaa (RC). Khaalid wuxuu ku yiri: “Abuu Dardaayow, haddii Cumar uu geeriyoodo, waxaad arki doontaa arrimo badan oo aadan jeclaysan.”
Abuu Dardaa wuxuu ugu jawaabay: “Aniguna Alle ayaan ku dhaartaye, arrintaa waan arkaa.”
Khaalid wuxuu markaas ka sheekeeyey dareenkii uu hore uga qabay Cumar iyo sida uu markii dambe u fahmay sababihii ka dambeeyey go’aannadiisa.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Cumar mararka qaar si adag ula hadli jiray, balse uu ogaaday in ad adeegaasi aanu ahayn nacayb shakhsi ah ee uu ka imanayey sida uu u ilaalinayey maslaxadda Muslimiinta iyo hantidooda.
Khaalid wuxuu yiri: “Markii aan arrimahaas si qoto dheer ugu fiirsaday waxaan ogaaday in Cumar uu wax kasta oo uu sameeyey Alle dartiis u samaynayey, wuxuu ahaa nin aan dan ka lahayn cidda uu ka xanaajinayo marka ay timaaddo ilaalinta xaqa Alle.”
Markii geeridiisu soo dhawaatay Khaalid bin Waliid wuxuu ka hadlay dagaalladii faraha badnaa ee uu ka qayb galay iyo sida uu mar kasta u jeclaa inuu Alle dartiis ugu shahiido goobta dagaalka.
Waxaa laga weriyey inuu yiri: “Ma jiro camal aan rajaynayo in ajarkiisu ka weyn yahay, ka dib kalmadda ‘Laa ilaaha illallaah’, marka laga reebo habeen aad u qabow oo aan ku qaatay safar ciidan oo ay joogeen Muhaajiriintu, habeenkaas waxaan ahaa mid gaashaaman oo is difaacaya, roobkuna aad ayuu u da’ayey aniguna waxaan sugayey waaberiga si aan cadowga ugu duulo, ku dadaala jihaadka.
Waxaan ka qayb galay dagaallo badan, jirkaygana ma jiro hal taako oo aan lahayn dhaawac seef, fallaar ama waran, maantase waxaan ku dhimanayaa sariirtayda, sida geela u dhinto, indhaha fulaydu hurdo ma helaan!
Waxaan geerida ka raadiyey goobihii dagaalka, balse Alle wuxuu qaddaray inaan sariirtayda ku geeriyoodo.” (Tixraac: Khaalid bin Waliid, Saadiq Carjuun, bogga 348.).
References
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
