Taariikhda Khadija bint Khuwaylid

Khadiija bint Khuwaylid (RC) waxay ahayd xaaskii ugu horreysay ee Nabi Maxamed ﷺ, hooyadada Mu’miniinta iyo qofkii ugu horreeyay ee rumeeya, waxay ku dhalatay magaalada Maka qiyaastii sannadkii 555 Miilaadiga, waxayna ka dhalatay qabiilka Quraysh.
Magaceeda oo buuxa waa Khadiija bint Khuwaylid bin Asad bin Cabdul-Cuzza bin Qusay bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Ghaalib bin Fihr bin Maalik bin An-Nadr bin Kinaanah, waxay ka soo jeedday qabiilka Quraysh, gaar ahaan reer Banu Asad.
Taariikhyahannadu way ku kala aragti duwan yihiin magaca iyo nasabka hooyadeed, waxaa la wariyay magacyo kala duwan, waxaana ka mid ah Faadima bint Saa’idah waana kan loogu badanyahay, waxaa kaloo la wariyaa Haalah bint Cabdimanaaf, Qulaabah bint Saciid, Caatiikah bint Cabdul-Cuzza, Raydah bint Kacab iyo Naa’ilah bint Xudaafah, lama hubo magaca saxda ah ee hooyadeed.
Naanaysteedii Islaamka ka hor
Khadiija (RC) waxaa xilligii Jaahiliyadda lagu yaqaannay magaca Daahirah oo macnihiisu yahay haweeneyda daahirka ah, sidoo kale waxaa lagu tilmaami jiray marwada haweenka Quraysh, taas oo muujinaysay maqaamkii iyo sharaftii ay bulshada dhexdeeda ku lahayd.
Waxay aheyd ganacsato
Khadiija (RC) waxay ahayd haweeney ganacsato ah oo maal iyo sharafba lahayd, waxay shaqaalaysiin jirtay rag u safra ganacsigeeda oo jaziiradda carabta u kala gudbiya iyadoo siin jirtay qayb ka mid ah faa’iidada ay ganacsiga ka helaan.
Markii ay maqashay run sheegnimada, amaanada iyo akhlaaqda wanaagsan ee Nabi Maxamed ﷺ, waxay u dirtay inuu ganacsi u qaado dhanka Shaam, waxay u ballanqaadday inuu heli doono mushahar ka wanaagsan kii ay siin jirtay raggii kale, safarkaas waxaa la socday addoonkeedii Maysarah.
Nabi Maxamed ﷺ wuu aqbalay dalabkaas, wuxuu la safrey alaabteedii, safarkii wuxuu ku dhammaaday guul iyo faa’iido badan, markii uu soo noqday, wuxuu Khadiija ugu soo celiyay hantideedii isagoo si buuxda u gutay waajibaadkii saarnaa, kuna muujiyay daacadnimo iyo amaano.
Maysarah oo safarka la socday wuxuu arkay akhlaaqda wanaagsan iyo sifooyinka gaarka ah ee Nabiga ﷺ, wuxuu arrimahaas uga warramay Khadiija taas oo sii kordhisay qaddarintii ay u haysay.
Guurkeedii ka hor Nabiga ﷺ
Ka hor inta aysan guursan Nabiga ﷺ, Khadiija (RC) waxaa la sheegay in loo soo bandhigay in ay guursato Waraqah bin Nawfal, balse guurkaasi ma dhicin, ka dib waxay guursatay nin la oran jiray Abuu Haalah oo magaciisa lagu sheegay Hind bin An-Nabbaash.
Wuxuu ahaa nin sharaf ku lahaa qoomkiisa, wuxuuna deganaa Maka, Khadiija waxay u dhashay laba wiil.
Markii uu geeriyooday Abuu Haalah, waxay guursatay Catiiq bin Caabid bin Cabdullaah oo ka tirsanaa Banu Makhzuum, waxay u dhashay gabar la oran jiray Hind, gabadhaas markii dambe waxay guursatay Sayfiy bin Umayyah, wuxuu ahaa ina adeerkeed, waxayna u dhashay wiil la oran jiray Maxamed.
Guurkii Nabiga ﷺ
Sidaan horey usoo sheegney safarkii Shaam Nabi Maxamed ﷺ wuxuu ganacsigii Khadiija u qaaday dhanka Shaam, waxaana safarka ku weheliyay Maysarah, Maysarah wuxuu arkay laba malag oo Nabiga ﷺ hadh siinaya xilliyada qorraxdu kulushahay.
Markii ay Maka ku soo noqdeen xilli duhur ah, Khadiija oo ku sugneyd meel sare oo gurigeeda ka mid ah ayaa aragtay Nabiga ﷺ oo awrkiisa saran iyadoo ay laba malag hadh siinayaan.
Khadiija (RC) waxay ahayd haweeney garasho, go’aan qaadasho iyo sharafba leh, markii ay maqashay wixii Maysarah uga warramay safarkii ganacsi, waxay dareentay inay doonayso inay guursato Nabiga ﷺ.
Waxaa u dirtay farriin ay ku muujinayso rabitaankeeda guur, iyadoo sabab uga dhigtay qaraabonimadooda, maqaamkiisa bulshada dhexdeeda, amaanadiisa, akhlaaqdiisa wanaagsan iyo run sheegnimadiisa.
Nabiga ﷺ wuu aqbalay, wuxuuna arrinta kala hadlay adeerradiis, adeerradiis ayaa markaas Khadiija ka doonay adeerkeed Camr bin Asad, markii guurku dhacay Nabiga ﷺ wuxuu jiray 25 sano, Khadiijana waxay jirtay 40 sano.
Sida uu Ibnu Kathiir ku xusay markii Khadiija ay muujisay rabitaankeeda guurka, Nabigu ﷺ arrinta wuxuu kala tashaday adeerradiis, adeerkiis Xamza ayaa la socday markii loo tegay qoyskeeda si looga doonto.
Ibnu Hishaam wuxuu sheegay in Nabiga ﷺ meher ahaan u siiyay Khadiija labaatan halaad oo geel ah, Khadiija waxay noqotay xaaskiisii ugu horreysay, mana uusan guursan haweeney kale intii ay nooleyd.
Carruurtii Nabiga ﷺ ay u dhashay
Nabiga ﷺ waxay u dhashay dhammaan carruurtiisa marka laga reebo Ibraahiim oo ay dhashay Maariyah Al-Qibdiyah, waxayna kala ahaayeen Zaynab, Umm Kulthum, Ruqayyah, Faadima, al-Qaasim iyo Cabdullaahi.
Al-Qaasim iyo Cabdullaahi waxay geeriyoodeen ka hor inta uusan Islaamku imaan, Nabigana ﷺ waxaa loogu yeeri jiray “Abu al-Qaasim”, gabdhihiisu waxay noolaayeen ilaa waqtigii Islaamku yimid, way la haajireen, way raaceen, wayna rumeeyeen.
Al-Bayhaqi wuxuu ka soo wariyay Al-Xaakim inuu yiri: waxaan ku arkay qoraalka gacanta ee Abuu Bakar Ibnu Abii Khaythama, kaas oo yiri: Waxaa noo sheegay Muscab Ibnu Cabdillaahi Al-Zubayri: Carruurtii nabiga ﷺ sida ay u kala weynaayeen waxay aheyd: Al-Qaasim, ka dibna Zaynab, ka dibna Cabdillaahi, ka dibna Ummu Kulthum, ka dibna Faadima, ka dibna Ruqayya.
Carruurtiisa kii ugu horreeyay ee geeriyooday wuxuu ahaa Al-Qaasim, ka dibna Cabdillaahi.
Bilowgii waxyiga
Caa’isha (RC) ayaa ka warantay in bilowgii waxyiga Nabiga ﷺ inuu arki jiray riyooyin u rumooba sida waaberiga oo kale, muddo kaddib wuxuu jeclaaday kelinimada iyo cibaadada, wuxuuna sanad kasta muddo ku qaadan jiray godka Xiraa’ isagoo Alle caabudaya.
Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo ku sugan godka Xiraa’, ayuu u yimid Jibriil (CS), wuxuuna ku yiri: “Akhri.”
Nebigu ﷺ wuxuu ku jawaabay: “Ma aqaan wax akhris ah.”
Jibriil ayaa qabtay oo si xooggan u cadaadiyay, dabadeedna sii daayay, wuxuuna mar kale ku yiri: “Akhri.” saddex jeer ayaana la cadaadiyey, markii saddexaad ayuu Jibriil u akhriyay aayadihii ugu horreeyay ee Suuratul-Calaq:
Markii waxyigu u yimid, Nabigu ﷺ wuxuu ku soo noqday gurigiisa isagoo qalbigiisu gariirayo, wuxuu u sheegay Khadiija wixii ku dhacay, iyaduna way dejisay oo garab istaagtay.
Markii Nebigu ﷺ uga warramay wixii ka dhacay godka Xiraa’, Khadiija ma argagixin mana ka shakiyin, waxay u sheegtay in Alle uusan marnaba dayici doonin qof leh akhlaaqdiisa iyo sifooyinkiisa wanaagsan.
Waxay ku tilmaantay inuu yahay qof xiriiriya qaraabada, caawiya dadka tabarta daran, martida maamuusa, runta ku hadla, Khadiija waxay sidoo kale arrinta kala hadashay Waraqah bin Nawfal oo ahaa nin aqoon u lahaa kutubtii hore.
Markii ay uga warrantay wixii Maysarah arkay iyo dhacdadii waxyiga, Waraqah wuxuu sheegay in Maxamed ﷺ laga yaabo inuu yahay Nabigii ummaddan ee la sugayay.
Waxaa la wariyey in Khadija ay Nabiga ﷺ ka codsatey inuu u sheego marka malaggu u yimaado.
Markii Jibriil (CS) yimid, Nabigu ﷺ wuxuu u sheegay Khadiija, waxay markaas ka codsatay inuu marka hore ku fariisto bowdadeeda midig, ka dibna bidixdeeda, markii dambe waxay iska furtay khimaarkeeda, waxayna weydiisay inuu weli arkayo malagga, Nabigu ﷺ wuxuu sheegay inuusan arkayn, Khadiija waxay markaas u sheegtay inuu yahay malag ee uusan ahayn shaydaan.
Khadiija bint Khuwaylid (RC) waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee rumeeya Nabiga ﷺ, kana markhaati fura risaaladiisa, waxay rumaysay ka hor intii uusan dadka kale ugu yeerin Islaamka.
Waxaa sidoo kale la wariyay axaadiis tilmaamaya maqaamka sare ee Khadiija, waxaa la xusay in ay ka mid tahay afarta haween ee ugu fadliga badan dumarka adduunka iyo kuwa Jannada, waxaa ka mid ah:
- Maryam bint Cimraan.
- Aasiya bint Muxaazim, xaaskii Fircoon.
- Khadiija bint Khuwaylid.
- Faadimah bint Maxamed ﷺ.
Waxaa laga wariyay Abuu Hurayrah (RC) in Jibriil uu Nabiga ﷺ u yimid, Khadija ayaa u in u soo socotey dhanka Nabiga iyadoo sidato weel cunto ama cabitaan ah, Jibriil wuxuu faray Nabiga ﷺ inuu gaarsiiyo salaanta Alle iyo tiisa, isla markaana ugu bishaareeyo guri Jannada ku yaalla oo aan buuq iyo daal midna lahayn.
Difaaciddii dacwada Islaamka
Khadiija (RC) waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee Nabiga ﷺ rumeeya, waxayna garab istaagtay markii uu la kulmay diidmo iyo beenin kaga timid dadkii Makka, markii Nabigu ﷺ uu la kulmay dhibaatada iyo hadallada xun ee dadka, wuxuu gurigiisa ku heli jiray qof dejisa, dhiirrigeliya, rumaysa, kuna dhiirrigeliya inuu sii wado dacwada.
Ibnu Hishaam wuxuu sheegay in Khadiija ay Nabiga ﷺ rumaysay, xaqiijisay wixii Alle u waxyooday, kuna garab istaagtay, wuxuu sidoo kale tilmaamay in marka Nabigu ﷺ maqlo hadallo uu neceb yahay ama beenin uga timaadda dadka uu guriga ugu noqon jiray Khadiija, iyaduna ay dejin jirtay, u xaqiijin jirtay runta, kana fududayn jirtay dhibaatada uu la kulmay.
Go’doomintii reerkii Nabiga ﷺ
Quraysh ayaa go’aansatay inay go’doomiso Banu Haashim iyo Banu CabdilMudhalib, si ay ugu cadaadiyaan inay Nabiga ﷺ ku wareejiyaan ama ay joojiyaan taageeradiisa,, go’doomintaas awgeed, Nabiga ﷺ iyo dadkii la socday waxay u guureen dooxada loo yaqaan dooxada Abii Daalib, Khadiija (RC) kama aysan harin ninkeeda iyadoo ka tagtay gurigeedii iyo hantideedii.
Waxay halkaas ku qaadatay saddex sano iyadoo la qeybsatey Nabiga ﷺ iyo Muslimiintii kale dhibaatadii gaajada, go’doominta iyo cadaadiska, inkastoo ay da’ ahayd, haddana way samirtay, waxayna sii waday garab istaagga Nabiga ﷺ.
Nabiga ﷺ wuxuu xusuusan jiray Khadiija geerideeda kaddib, wanaageeda ayuu ka sheekayn jiray, wuxuuna ilaalin jiray xiriirka dadkii ay jeclayd.
Caa’isha (RC) ayaa sheegtay inaysan haweenka kale ee Nabiga ﷺ uga maseyrin sida ay Khadiija uga maseyrtay, inkastoo aysan waligeed la kulmin sababtu waxay ahayd xusuusta joogtada ah ee Nabigu ﷺ u hayay Khadiija iyo sida uu marar badan u ammaani jiray.
geerideedii
Khadiija (RC) waxay ku geeriyootay Maka, saddex sano ka hor hijradii Nabiga ﷺ ee Madiina, sida ay sheegayaan riwaayado taariikheed.
Waxaa la wariyay inay geeriyootay maalintii tobnaad ee bisha Ramadaan, sannadkii tobnaad ee bilowgii waxyiga, qaar ka mid ah taariikhyahannadu waxay sheegeen inay jirtay 65 sano markii ay geeriyootay.
Waxaa lagu aasay xabaalaha Xajuun ee Makka, Nabiga ﷺ ayaa galay qabrigeeda markii la aasayay.
Sanadkii Murugada
Khadiija (RC) iyo Abuu Dhaalib oo ahaa adeerkii Nabiga ﷺ waxay geeriyoodeen xilliyo isku dhow, geeridooda ayaa Nabiga ﷺ ku noqotay murugo weyn, maadaama ay labadooduba door muhiim ah ku lahaayeen taageeradiisa.
Khadiija waxay ahayd xaaskiisii iyo garabkiisii ugu weynaa, halka Abuu Dhaalib uu ahaa qofkii ka difaaci jiray cadaadiska Quraysh, sannadka ay geeriyoodeen waxaa loo yaqaan Caamul-Xuzn, oo macnihiisu yahay Sanadkii Murugada.
Waxaa jira kala duwanaansho ku saabsan taariikhda saxda ah ee geeridooda iyo inta maalmood ee u dhexaysay, balse waxaa la isku raacsan yahay in geeridoodu ahayd dhacdo murugo weyn ku reebtay Nabiga ﷺ.
References
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
