Taariikhda General Salaad Gabeyre

General Salaad Gabeyre Kediye waxa uu ku dhashay Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug sanadkii 1933, Salaad Gabeyre waxa uu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray Militarigii Soomaaliya intii u dhaxeysay 1950-yadii ilaa 1970-yadii.
Salaad Gabeyre ayaa sidoo kale ahaa wiil uu sodog u ahaa Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan oo wuxuu guursaday gabadhii madaxweynaha, General Salaad wuxuu kaalin weyn ka soo qaatay sanadihii ugu horeeyay ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo ka garab shaqeeyay General Daaโuud Cabdulle Xirsi xulista iyo tababarida ciidamo badan oo caan ah.
Waxa uu ahaa xirfadle aad loogu tababaray ciidannimo, gaar ahaan xeeladaha militariga, wuxuu tababarka ciidanka uu kusoo qaatey Frunze Academy oo ahaa dugsi ciidan oo ku yaalay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka.
Dagaalkii 1964-kii ay Xabashida kusoo qaadey qeybo ka mid ah dalka, General Salaad waxa uu ka mid ahaa saraakiishii Militariga Soomaaliya ee Ethiopia sida adag uga hortagey una diiday in ay qabsato dhul Soomaaliyeed oo cusub.
Waxa uu ka mid ahaa 14kii sarkaal ee ugu horeeyay oo tababar Militari loogu qaado Taliyaaniga 1950-aadkii, wuxuu ahaa ninkii abaabulay afgambigii Militari ee 1969 oo uu madaxweyne ku noqdey Generaal Maxamed Siyaad Barre.
Waxbarashadiisii
Sanadkii 1954-kii ayuu tababar ciidan kusoo qaatay dalka Taliyaaniga, markii uu kasoo laabtay wuxuu door firfircoon ka qaatay shaqadii Militariga Soomaaliya, sanadkii 1956-kii waxa uu tabar kale oo ciidan loogu direy dalka Ruushka.
Kacaankii 21 October
Dadka qaar waxay General Salaad Gabeyre ugu yeeraan aabihii Kacaanka October 21 maadaama uu ahaa ninkii abaabulay door weyna ka qaatay afgambigii dhacay, markii kacaankii milatariga uu guulaystay, Salaad Gabeyre wuxuu kamid noqday Golihii Sare ee Kacaanka, waxaa loo magacaabay inuu noqdo wasiirka Gaashaandhigga.
wuxuuna ka qeyb qaatay dejinta xeerarka cusub ee kacaanka, waxaa ka mid ahaa: Xeerar oggolaanaya in qofkii lagu tuhmo inuu lid ku yahay qaranka ama kacaanka lagu xukumi karo dil, xabsi ama hanti-bur-burin, iyada oo aan rafcaan jirin.
Wuxuu kaloo General Salaad wax ka dhisay Maxkakamadii badbaadada, waxay aheyd maxkamad awood u lahayd in si degdeg ah u xukunto qofka lagu eedeeyo khiyaano qaran, isku day afgambi ama kacaan diid.
General Salaad Gabeyre Kediye waxa uu ka mid noqday koox madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu ku eedeeyay โIsku day afgambiโ labo sano kadib afgambigii dalka, taas waxa ay keentay In Salaad Gabeyre Kediye la xiro, laguna xakumo dil toogasho ah isaga iyo rag kale oo uu ka mid ahaa General Maxamed Caynaanshe Guuleed oo lagu eedeeyay in ay wax ka ogaayeen afgambigaas, General Salaad Gabeyre wuxuu noqdey nin Sharcigii uu dajiyay lagu fuliyay.
Dilkii Salaad Gabeyre
General Salaad ayaa ka hor yimid hab dhaqankii kacaanka, waxaa xirnaa madaxdii xukuumadii rayidka, sidoo kale Aadan Cadde ayaa la xirey taasoo General Salaad ka careysiisay, wuxuu sheegay in laga leexay ujeedadii kacaanka, Jaalle Siyaad ayaa u direy saraakiil iyo odayaal dhaqan si Salaad iyo isaga ay u heshiiyaan balse ma suura galin.
Sanadkii 1971kii General Salaad ayaa la qabtey waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayey afgambi iyo shirqool, waxaana lagu helay dambiga khiyaano qaran, waxaa lagu xukumay dil toogasho iyo in dowladda ay la wareegto hantidiisa, waxaa la sheegay in qabashadiisa ay ka dambeeyeen General Maxamed Cali Samatar and General Cabdalla Faadil oo burburkii ka dib aano qabiil Mogadishu loogu dilay.
July 3, 1972 Taliskii Militariga Soomaaliya ayaa toogtay Sareeye Guuto Salaad Gabeyre Kadiye, General Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Dheel Cabdulle.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
