Taariikhda Koobka Adduunka

Fรฉdรฉration Internationale de Football Association (FIFA) waxaa lagu aasaasay magaalada Paris ee dalka Faransiiska May 21, 1904, waxaana aasaasay wakiillo ka kala socday toddoba waddan oo Yurub ah oo kala ah France, Belgium, Denmark, Netherlands, Spain, Sweden iyo Switzerland.
Ururkan ayaa loo sameeyay in uu kormeero tartanka caalamiga ah ee xiriirka kubbadda cagta, maadaama uu ciyaaruhu si xawli ah u korayeen iyada oo aanay jirin hayโad maamul oo ay hoos tigaan.
Waxay u dalacday hay’ad sharci oo caalami ah oo xarunteedu tahay Zรผrich, Switzerland, waxaa ku faana 211 urur oo xubno ka ah, FIFA waxay dejisaa shuruucda ciyaarta, waxay dejisaa xeerarka garsoorayaasha iyo tababarka, waxay kormeertaa wareejinta ciyaartoyga caalamiga ah, waxay abaabushaa Koobka Adduunka (ragga iyo dumarka labadaba) iyo tartamada kale ee caalamiga ah.
Robert Guรฉrin oo ahaa saxafi Faransiis ah oo hogaaminayey dadaalka lagu abuurayo ururka, ayaa loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee FIFA, waxa uu shaqaynayey ilaa 1906dii, Daniel Woolfall oo ingiriis ahaa ayaa loo doortay madaxweynaha FIFA, jagadaas oo uu hayay ilaa dhimashadiisa 1918-kii.
Horraantii 1910-aadkii, FIFA waxa ay ka gudubtey Yurub ka dib markii ay ku biireen Argentina, Chile, Koonfur Afrika, Maraykanka iyo kuwo kale, kobacani waxa uu kiciyay bilawga tartan caalami ah oo ka duwan Olombikada iyada oo uu hogaaminayo madaxwaynihii saddexaad ee FIFA ahaana maamulihii kubbada cagta Faransiiska Jules Rimet (1921-1954).
Bilowgii koobka Adduunka
Wuxuu si rasmi uu u bilowday 1930, waxaana lagu qabtey markii ugu horeysay dalka Uruguay, ma jirin kulamo isreeb reeb ah, dalalka ka qaybgalay dhammaantood waa la casuumey, dalalka Yurub qaarkood ayaana diiday safarka dheer owgii, koobkii ugu horeeyey waxaa ku guuleystey isla dalkii marti galiyey ee Uruguay, dalka Argentina ayuuna 4-2 kala badiyey.
Waxaa caan ah in Argentina iyo Uruguay ay ku doodeen kubbadda la isticmaalayo 1930kii Final-kii Koobka Adduunka, labada kooxood ayaa ku adkaystay in ay ku ciyaaraan kubbado ay iyagu sameeyeen oo gudaha dalka lagu sameeyay, kuwaas oo qaab ciyaareed iyo miisaan kala duwan lahaa.
FIFA ayaa goโaamisay in qeybta hore lagu ciyaaro Kubadda Argentina, oo loo yaqaanay “Tiento,” Argentina ayaana ku hogaaminaysay 2-1, markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe waxaa la isticmaalay kubaddii Uruguay ee loo yaqaanay “T-Model”, waxana ay ku badiyeen 4-2, waxana ay noqdeen xulkii ugu horeeyay ee heysta koobka adduunka.
Waxa xusid mudan in ay maqnaayeen xulka England, waxay ka baxeen FIFA 1928, England waxay dib ugu soo biirtay 1946 waxayna ciyaareen koobkii aduunka ee ugu horeeyay 1950, koobka aduunka ee ragga waxa la qabtaa afartii sanaba mar.
Koobkii adduunka ee ugu horreeyay ee FIFA ay martigeliyaan laba waddan wuxuu ahaa tartankii 2002, kaas oo ay si wada jir ah u wada qabteen South Korea iyo Japan, Mexico ayaa haysata rikoodhka martigelinta Koobka Adduunka ee FIFA marar badan, iyadoo tartankaas martigelisay saddex jeer.
Kaarka casaanka ama guduudka iyo jaalaha ee kubada cagta waxaa alifay garsoore Ingiriis ah oo la oran jirey Ken Aston 1966dii, Aston oo wakhtigaas ka mid ahaa guddiga garsoorayaasha FIFA ayaa fikraddan la yimid xilli uu baabuur ku dhex waday magaalada London, waxan uu kasoo guuriyey nalalka taraafikada ee jadadka ku dhagan.
Pelรฉ ayaa heysta rikoorka ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya Koobka Adduunka ee FIFA. ciyaaryahankaan reer Brazil ayaa gool ka dhaliyay Wales sanadkii 1958-dii isaga oo jira 17 sano iyo 239 maalmood, isaga oo daโdiisu ka yar tahay 18 jir.
Kubbada rasmiga ah ee lagu ciyaaro Koobka Adduunka ee FIFA waxa naqshadeeya shirkadda Adidas, waxaana soo saara shirkadda ciyaaraha ee Pakistan Forward Sports, Adidas waxa ay ahayd iibiyaha rasmiga ah ee kubbadda koob adduun kasta tan iyo 1970kii, kubadda rasmiga ah ee tartanka 2026 waxaa loo yaqaan TRIONDA.
Koobka Adduunka ee FIFA ayaa laba jeer la baajiyay tan iyo markii la bilaabay, labada jeer, 1942 iyo 1946 ayaa la baajiyey iyadoo ay ugu wacan tahay dagaalkii labaad ee adduunka iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii Labaad ee Adduunka oo dhaqaale burbur jirey.
Sanad walba iyo inta xul ciyaarey
1930: Uruguay: Koobka Adduunka ee FIFA 1930 waxa lagu ciyaaray Uruguay 3 July- 30 July, waxaa ka qeyb galay 13 waddan.
1934: Italy: Koobka Adduunka ee FIFA 1934 waxa lagu ciyaaray Italy 27 May- 10 June, waxaa ka qeyb galay 16 wadan.
1938: France: Koobkii Adduunka ee FIFA 1938 waxaa lagu ciyaaray France 4-19 June, waxaa ka qeyb galay 16 wadan.
1950: Brazil: Koobka Adduunka ee FIFA 1950 waxa lagu ciyaaray Brazil 24 June – 16 July, waxaa ka qeyb galay 15 waddan.
1954: Switzerland: Koobka Adduunka ee FIFA 1954 waxa lagu ciyaaray Switzerland 16 June – 4 July, waxaa ka qeyb galay 16 wadan.
1958: Sweden: Koobka Adduunka ee FIFA 1958 waxa lagu ciyaaray Sweden 8 – 29 June, waxaa ka qeyb galay 16 wadan.
1962: Chile: Koobkii Adduunka ee FIFA 1962 waxaa lagu ciyaaray Chile 30 May – 17 June, waxaa ka qeyb galay 16 wadan.
1966: England: Koobka Adduunka ee FIFA 1966 waxaa lagu ciyaaray England 11 – 30 July, waxaa ka qeyb galay 16 wadan.
1970: Mexico: Koobka Adduunka ee FIFA 1970 waxa lagu ciyaaray Mexico 31 May – 21 June, waxaa ka qeyb galay 16 wadan.
1974: West Germany: Koobka Adduunka ee FIFA 1974 waxa lagu ciyaaray Jarmalkii Galbeed 13 Juun – 7 July, waxaa ka qeyb galay 16 wadan.
1978: Argentina: Koobka Adduunka ee FIFA 1978 waxa lagu ciyaaray Argentina 1 – 25 June, waxaa ka qeyb galay 16 wadan.
1982: Spain: Koobkii Adduunka ee FIFA 1982 waxaa lagu ciyaaray Spain 13 June – 11 July, waxaa ka qeyb galay 24 wadan.
1986: Mexico: Koobka Adduunka ee FIFA 1986 waxa lagu ciyaaray Mexico 31 May – 29 June, waxaa ka qeyb galay 24 waddan.
1990: Italy: Koobka Adduunka ee FIFA 1990 waxa lagu ciyaaray Italy 8 June – 8 July, waxaa ka qeyb galay 24 wadan.
1994: United States: Koobkii Adduunka ee FIFA 1994 waxa lagu ciyaaray Maraykanka 17 June – 17 July, waxaa ka qeyb galay 24 waddan.
1998: France: Koobka Adduunka ee FIFA 1998 waxa lagu ciyaaray France 10 June – 12 July, waxaa ka qeyb galay 32 wadan.
2002: Korea/Japan: Koobka Adduunka ee FIFA 2002 waxa lagu ciyaaray Korea iyo Japan 31 May – 30 June, waxaa ka qeyb galay 32 wadan.
2006: Germany: Koobka Adduunka ee FIFA 2006 waxaa lagu ciyaaray Jarmalka 9 June – 9 July, waxaa ka qeyb galay 32 wadan.
2010: South Africa: Koobka Adduunka ee FIFA 2010 ayaa lagu ciyaaray South Africa 11 June – 11 July, waxaa ka qeyb galay 32 wadan.
2014: Brazil: Koobka Adduunka ee FIFA 2014 waxa lagu ciyaaray Brazil 12 June – 13 July, waxaa ka qeyb galay 32 wadan.
2018: Russia: Koobka Adduunka ee FIFA 2018 ayaa lagu ciyaaray Ruushka 14 June – 15 July, waxaa ka qeyb galay 32 wadan.
2022: Qatar: Koobka Adduunka ee FIFA 2022 waxaa lagu ciyaaray Qatar 20 Noofambar – 18 December, iyada oo ay ka qaybgaleen 32 wadan.
2026: Canada, Mexico and United States: Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ayaa la qorsheeyay inuu ka dhaco Canada, Mexico iyo Mareykanka 11 June – 19 July, iyada oo ay ka qeyb galayaan 48 wadan.
Dhacdooyin
Xulka India sanadkii 1950:ย India ayaa u soo baxday koobka aduunka ee FIFA ee lagu qabtay Brazil sanadkii1950-kii balse waxay isaga baxeen tartanka ka hor inta uusan bilaaban waxaana la sheegaa in ay rabeen in ay ciyaaraan kabo laโaan taasoo FIFA ay diiday, markii hore waxay ku soo baxeen iyagoo aan tartamin sababtoo ah dhammaan kooxaha kale ee ku jirey group-kooda isreebreebka Aasiya way ka baxeen.
France iyo Hungary: Koobkii Adduunka 1978, France iyo Hungary waxay yimaadeen garoonka iyagoo wata funaanado cadaanka ah oo isku mid ah cilad maamul awgeed, xulkii France ayaa markii dambe isticmaaley funaanado cagaar iyo caddaan ah oo ay lahaayeen koox maxalli ah oo loo yaqaan Club Atlรฉtico Kimberley oo ka dhisan dalkii martigalinayey ee Argentina.
Dilkii daaficii Colombia: June 22, 1994, Colombia waxay la ciyaartay Mareykanka, daqiiqadii 35aad ee ciyaarta, wax gool ah la iska ma dhalin, ciyaartoyga Mareykanka John Harkes ayaa kubad joog hoose ah u tuurey qeybta penaltiga, daaficii Colombia Andrรฉs Escobar ayaa dhexda u galay shabaqiisa ayuu u laadey goad ayuuna iska dhaliyey, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0, markii dambe Colombia way hartey.
Markii uu dalkiisii ku laabtey, 3 a.m Escobar waxa uu keligiis ku jirey gaadhigiisa isagoo joogay meesha baabuurta la dhigto waxaa u yimid saddex nin, way fowdeeyeen ka dib, laba ka mid ah raggaas oo watay qoryaha fudud ayaa lix xabbadood ku dhuftay Escobar, iyagoo mid ka mid ah uu ku qaylinayey “Goal!” xabbad kasta uu ku dhufto ka dib
Taariikh kooban
1930 โ 2022 ยท 22 tournaments ยท 8 different champions
| Year | Champion | Runner-up | Score |
|---|
a.e.t. = after extra time ยท pens = penalty shootout ยท * 1950 used a round-robin final stage, not a knockout final
Koobka maxaa lagu sameeyaa
Koobkii asalka ahaa ee FIFA World Cup oo loo yaqaanay Jules Rimet Trophy, ayaa la xaday laba jeer: markii hore March, 20, 1966, London, England, todoba maalin ka dib ayaana laga helay xayndaabka beer ku taal koonfurta London.
Markii labaad December, 19, 1983, Rio de Janeiro, Brazil, Brazil waxay ku guuleysatay koobka adduunka markii seddexaad sanadkii 1970, waxaa loo ogolaaday inay qaataan โโkoobkii asalka ahaa ka dib waxaa laga xaday xarunta dhexe ee xiriirka kubada cagta Brazil (CBF).
Koobkii asalka ahaa lama helin oo si kama dambeys ah ayuu u lumay, waxaana la rumeysan yahay in tuugo ay dhalaaliyeen.
FIFA waxay soo bandhigtay koobka hadda jira sanadkii 1974 kaas oo hadda lagu hayo quful adag iyo fure si looga hortago tuugo xadi karta mustaqbalka, xul qaadanayana ma jirto xittaa haduu dhowr jeer uu ku guuleysto.
Marka ay koox ku guulaysato Koobka Aduunka sharciga FIFA wuxuu dhigayaa in koobka rasmiga ah ee dahabka ah ay taaban karaan oo keliya ciyaartoyda ku guulaystay Koobka Adduunka iyo madaxda.
Kabtanka kooxda ayaa koobka rasmiga ah lagu wareejiyaa, isagoo kor u qaadaya, ciyaartoydu waxay koobka rasmiga ah kula wareegayaan garoonka dhexdiisa si ay u tusaan taageerayaashooda safarka dheer u soo galay, ciyaartoyda, tababarayaasha iyo shaqaalaha kooxda ayaa mid mid u dhunkada koobka inta ay sawirada xusuusta ah ka qaadanayaan.
Ka dib marka uu dhamaado dabaaldega garoonka dhexdiisa koobka dhabta ah ee dahabka ah waa laga qaadaa kooxda, waxaana si degdeg ah loogu celiyaa khasnadda FIFA, kooxda waxaa lagu wareejiyaa koob kale oo u eg (oo ka samaysan naxas lagu dahaadhay dahab) kaas oo ay dalkooda u duulin karaan si ay ula dabaaldegaan dadkooda.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
