Taariikhda Cabdi Xaashi

Cabdi Xaashi Cabdullaahi waa Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaa laba jeer loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waa Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare isagoo ku metelaya maamulka Somaliland, wuxuu ku dhashay magaalada Baabile ee dhulka Soomaali Galbeed sanadkii 1946.
Waxbarashadiisa
Cabdi Xaashi wuxuu sanadihii 1964 ilaa 1968 ka qalin jabiyey dugsiga Sare ee Madahania-alam Harar, Soomaali Galbeed.
Sanadihii 1975 ilaa 1977 ayuu Kulliyadda Siyaasadda ka bartey Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed – Muqdisho
Sanadihii 1980 iyo 1981 Mac’hadka Maamulka & Maaraynta SIDAM- Muqdisho ayuu shahaadada Maamulka & Maaraynta ka qaatey.
Sanadihii 1985 ilaa 1990: Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed – Muqdisho ayuu ka bartey Kulliyadda Dhaqaalaha.
Xilalkii uu soo qabtey
Sanadihii 1972 – 1974: wuxuu Macalin ka ahaa deegaanka Ceel Jaalle ee gobolka Shabeelada Hoose.
1974 – 1975: wuxuu ahaa Qasnajiga guud ee Wakaaladdii beeraha ee ONAT, Muqdisho.
1979 – 1980: wuxuu ahaa Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeysa.
1979 – 1980: wuxuu hayey xilka Guddoomiyaha degmada Marka ee caasimadda gobolka Shabeelada Hoose.
1979 – 1990: wuxuu ahaa xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.
2012 – 2016 wuxuu ahaa Xubin Golaha Shacabka & Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta
2004 – 2009: wuxuu ahaa Xubin Baarlamaankii dowladdii kumeel gaarka.
2005 – 2007: Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka (wuxuu iscasilay 2007).
2008 – 2009: Wasiirka Caafimaadka.
1981 – 1990: wuxuu ahaa Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madadaalada
1992 – 1996: wuxuu la shaqeynayey Hey’adda Afri-Action isagoo ahaa Agaasimaha Maareynta.
1997 – 2004: wuxuu ahaa Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.
January 2017 – hadda waa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka jambuuriyadda Soomaaliya.
Doorashadii muddo xileedkiisa labaad oo dhacday April 2022, Cabdi Xaashii ayaa helay 28 cod, halka ninka ay aadka isugu dhawaayeen ee Saalax Axmad Jaamac uu helay 24 cod, aqalka sare ayaa xilligaa ahaa 54-xubnood.
References
Taariikhda Cabdi Xaashi – snaradio.so
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
