Taariikhda Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed Sheekh Maxamuud Sheekkh Muusse waa madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, wuxuu ku dhashay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe July 25, 1964-kii, waxa uu hoggaanka u hayay Maxkamadihii Islaamiga ee isbaddalka wayn ka sameeyay dalka.
Waxbarashadiisa
Waxbarashadiisa Qur’aanka Kariimka ah iyo aasaasiga islaamka waxa uu ku qaatey degmadii uu ku dhashay ee Mahadaay, sidoo kalena isagoo yar ayuu bartay luuqadda Carabiga.
Culuumta Islaamka waxa uu ka billaabay Mac-hadka Sheekh Suufi oo xiriir la leh Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, sida ku xusan meelo badan oo taariikhdiisa lagu qoray.
Sanadihii 1990-meeyadii waxa uu Jaamacado kusoo dhigtay waddamada Liibiya iyo Suudaan, halkaasoo uu shahaadooyin uga soo qaaday Bachelor Degree ee luqadda Carabiga iyo Juquraafiga iyo culuumta Sharciga iyo Shareecada Islaamka.
Wuxuu dalka dib ugu soo laabtey sanadkii 1998, waxaana uu madax ka noqday maxkamad islaami ah oo laga dhisay magaalada Jowhar, wuxuuna bare ka noqday dugsiyada dalka isaga oo dhigay duruusta juquraafiga, Carabiga & diinta Islaamka.
Sanadkii 2012-kii waxa uu waxbarashadiisa kasii watay Jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka.
Bilowgii Siyaasadda
Ka hor inta uusan ku biirin siyaasadda, Shariif waxa uu ka mid ahaa culimada ka shaqeysa arrimaha diinta iyo wacyigelinta dadka, isagoo meelaha uu duruusta ka geli jiray ay ka mid ahaayeen Idaacadaha maxalliga ah.
Magaciisa ayaa si weyn usoo shaac baxay kaddib markii uu guddoomiye ka noqday ururkii la magac baxay Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya kula dagaalamay hoggaamiye kooxeedyadii hubaysnaa.
Dabayaaqadii 2006-dii ayuu burburay maamulkii Maxaakiimta kadib markii ay dagaal la galeen dowladdii ku meel gaarka ahayd ee xilligaas jirtay, oo gacan ka heleysay ciidamada Itoobiya, markii laga adkaaday Midowgii Maxaakiimta, Shariif waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyaashii dalka ka baxay, isagoo sii maray Kenya.
Wuxuu Nairobi kula kulmay safiirkii Mareykanka u fadhiyey Kenya Michael Edward Ranneberger, ugu dambayntiina wuxuu urur siyaasadeed uu ka abuuray magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.
Bishii September, 2007, ku dhawaad 500 oo ergo ah oo ay ku jireen xubnihii maxaakiimta Islaamiga, xildhibaanno, ururrada bulshada rayidka iyo qurba joog ayaa magaalada Asmara ku dhisay dastuur.
June 9, 2008-dii, Xisbigii uu hoggaaminayay Shariif ayaa magaalada Jabuuti heshiis nabadeed kula saxiixday dowladdii ku meel gaarka ahayd.
Wuxuu noqday madaxweynihii 7-Aad
January 31, 2009, doorasho ka dhacday magaalada Jabuuti ayaa Shariif Sheekh Axmed loogu doortay madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, xukuumaddiisa oo markii hore uu Ra’iisul Wasaare ka noqday Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” waxaa u taallay shaqo badan oo dhinaca sugidda amniga ah, maadaama xilligaas ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.
Bishii March 2009, Shariif wuxuu ka qaybgalay shirkii Carabta ee ka dhacay Baqdaad si uu taageero uga helo dagaalka uu kula jirey Al-Shabaab, iyo hirgelinta amniga, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.
August 6, 2009, Shariif iyo Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Hillary Clinton ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Nairobi, Kenya iyagoo ka wada hadlaya caqabadaha haysta Soomaaliya, iyo suurtagalnimada in la gaaro nabad, xasillooni iyo dib u heshiisiinta Soomaalida.
Bishii May 2010, Shirkii Istanbul ee Soomaaliya, Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon wuxuu sheegay in fursadda kaliya ee lagu xasilin karo Soomaaliya ay tahay in la taageero dowladda Shariif.
August 2011, Al Shabaab ayaa bilaabbay inay dagaalyahannada ka saaraan caasimadda Muqdisho ka dib markii ay dagaallo qaraar kala kulmeen dowladdii Shariif iyo ciidanka ka socda midowga Africa.
Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif waxaa muddadii dhowrka sano ahayd ee ay jirtay soo maray dhowr Ra’iisul Wasaare oo uu ka mid ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kiiskii badda
Muddo xileedkii Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2009 waxaa la saxiixay xeshiis is-afgarad oo muran dhaliyay oo dhexmarey Soomaaliy iyo Kenya oo sheeganaysay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.
In kasta oo heshiiskaas loogu talagalay in lagu fududeeyo dejinta xadka badda haddana wuxuu isku bedelay dagaal diblomaasiyadeed iyo mid sharci ah oo dhex maray labada dal, heshiiskaas oo uu saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa diiday baarlamaankii kumeel gaarka.
Mar uu ka hadlayey heshiiskaas, Shariif ayaa beeniyey inuu wax ka ogaa isagoo dusha u saarey ra’iisul wasaarihiisii xilligaa oo ahaa Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ahaa wasiirkii qorsheynta.
Doorashooyinkii xigay
Shariif Sheekh Axmed wuxuu Xilka hayay ilaa August 20, 2012-kii, markaas oo uu ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud, doorashadaas waxaa codeeyey 271 xildhibaan, Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu helay 190, halka Shariif Shiikh Axmed uu ka helay 79.
Sanadkii 2017-kii, ayuu mar labaad Shariif ku guul darraystay doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday Soomaaliya, inkastoo uu ka mid ahaa murashaxiinta ugu cad cad, doorashadaas wuxuu ku harey wareegii labaad isagoo helay 46 cod.
Mar seddaxaad wuxuu u tartamey doorashadii 2022, balse mar kale kuma uusan guuleysan, doorashadaas wuxuu ku harey wareegii koowaad isagoo helay 39 cod.
Bishii December ee sanadkii 2018-kii, hal sano kaddib markii uu ku guul darraystay doorashadii madaxtinnimada, waxa uu aasaasay Xisbi la magac baxay Himilo Qaran, kaasoo uu qudhiisa guddoomiye ka noqday, bishii October ee sanadkii 2019-kii, waxa uu Shariif hoggaamiye u noqday urur siyaasadeed lagu magacaabo Madasha Xisbiyada Qaran.
Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxa uu ka dhex muuqday hoggaamiyeyaasha mucaaradka ah ee sida weyn uga soo horjeeday siyaasaddii Madaxweyne Farmaajo iyo tan hadda ee uu madaxweyne muddo dhaaf ah ka yahay Xasan Sheekh.
Markii uu soo dhawaaday xilliga doorashada Soomaaliya ee 2021 waxa uu guddoomiye ka noqday Golihii Midowga Murashaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, mar kale markii uu soo dhawaaday xilliga doorashada Soomaaliya ee 2026, Shariif waxa uu hogaamiye ka noqday madal kale oo la magac baxday Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
References
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
