Taariikhda Imaam Shaafici

Imaamu Shaafici wuxuu ahaa ahaa Imaam, caalimk waqtigiisa galiyey difaaca diinta iyo barashadeeda, waxa uu ku magac dheeraa Abuu Cabdullaah al-Qurashi (laanta reer al-Muddalib), al-Shaafici, al-Makki.
Waa imaamka saddexaad ee afarta Imaam ee ugu waaweyn Islaamka Sunniyiinta, isagoo ka dambeeyey Imaamyada Abu Xanifa al-Nucmaan ibn Thabit iyo Malik ibn Anas, waxaa lagu tilmaamaa inuu leeyahay “maskax fiqi “, waxaa sidoo kale lagu ammaanaa inuu dhigay aasaaska cilmiga – Usul al-Fiqh- (mabaadii’da fiqiga Islaamka) isagoo adeegsanaya kitaabkiisa, *Al-Risaalah*.
Wuxuu ahaa Imaam ku takhasusay fiqiga, Xadiiska, iyo tafsiirka Qur’aanka iyo sidoo kale nin ku fiican gabayaa, wuxuu ahaa shakhsi caan ah xilligiisa, saameyntiisa iyo dhaxalkiisuna waxay ku dhex jireen Muslimiinta.
Imamka waxa uu ku dhashay magaalada Gaza ee ka tirsan wadanka Falastiin, riwaayadaha qaar ayaa sheegaya inuu ku dhashay Casqalaan (Ashkelon) oo hadda Isreal ay heysato, wuxuu dhashay bishii Rajab sanadkii 150 higriyada kuna beegan August 767 miilaadiyada, wuxuu qaraabo iyo ina adeer la ahaa Rasuulka ﷺ waayo al-Muddalib wuxuu ahaa walaalkii Haashim, oo ahaa aabihii Cabd al-Muddalib.
Abtirkiisa iyo qoyskiisa
Waa Maxamed bin Idriis bin al-Cabbaas bin Cuthmaan bin Shaafici bin al-Saa’ib bin Cubayd bin Cabd Yaziid bin Haashim bin al-Muddalib bin Cabd Manaaf bin Qusay bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Ghaalib, nasabkiisa iyo kan Nabi Muxamed ﷺ waxay ku kulmaan awowgood Cabd Manaf.
Wuxuu ku koray agoonnimo isagoo ay daryeelaysay hooyadiis oo la oran jirey Faadumo bint Cabdullaahi al-Azdiya, waxay asal ahaan ka soo jeedday Yemen gaar ahaan qabiilka Azd, in kasta oo ay jiraan dad ku doodaya inay ka dhalatay qabiilka Asad.
Imaam Shaafici wuxuu guursaday Xamiidah bint Naafic, oo ahayd faracii Khaliifkii saddexaad ee iislaamka Cusmaan bin Cafaan (RC), taariikhyahanada waxay isku khilaafeen caruurta uu dhalay, inta ugu badan waxay sheegayaan inuu ka tagay saddex carruur ah: laba wiil oo kala ahaa Abu Cusmaan iyo Abu Al-Xasan, iyo hal gabadh oo la odhan jiray Faadumo, wiilkiisa Abu Cusmaan wuxuu markii dambe noqday qaadigii magaalada Xalab.
Barbaarintiisa
aabihiis, Idris, wuxuu dhintay isagoo dhallinyaro ah, taasoo ka dhigtey Maxamed inuu ku koro agoonnimo hooyadii ayaana korisay, yada oo ka baqaysa inuu qalloocdo ayay ula guurtay guriga awowayaashiis ee Makka markuu laba sano jir ahaa.
Wuxuu ku koray Makka wuxuuna naftiisa u huray barashada wax ku shiishidda qaansada iyo falaarta, ugu dambayntiina wuxuu ka sarre maray asxaabtiisii, badanaa wuxuu garaacayay bartilmaameedkii tobankii falaar uu ku tuuro sagaal ka mid ah.
Kadib wuxuu u jeestay luqadda iyo gabayada Carabiga, isagoo ku fiicnaa oo horumar fiican ka sameeyey.
Wuxuu u baxay dhulka lamadegaanka ah ee qabiilka Hudayl ee u dhow Makka, wuxuuna ku noolaa dhexdooda sanado badan, wuxuu xafiday gabayadooda, sheekooyinka, iyo hadalkooda, wuxuuna ka bartay luqadda, qaanso tuuridda iyo farda fuulka.
Waqtigaas, Shaafici wuxuu yiri: “Diiraddaydu waxay saarnayd laba shay: qaansada iyo aqoonta, waxaan xirfad aad u sareysa u yeeshay qaansada oo waxaan ku dhufan jiray bartilmaameedka toban tuurid toban jeer.”
Barashada diinta
Markii uu gaaray da’da wax kala garashada, hooyadiis ayaa dugsi geysay inkastoo ay haysteen saboolnimo iyo duruufo dhaqaale oo adag, wuxuuna xifdiyay Qur’aanka Kariimka ah isagoo toddobo jir ah.
Isagoo xasuusanaya xilligaas, wuxuu yiri: “Waxaan ahaa agoon ay hooyaday korinayso, iyaduna wax lacag ah ma haysan, macallinkuna wuxuu ku qanci jiray inaan booskiisa galo mar kasta oo uu meel aadayo.”
Wuxuu yeeshay xiise uu u qabo cilmiga sharciga, ugu dambayntiina wuxuu gaaray heer sare oo la mid ah culimadii waqtigiisa, wuxuu aqoonta ka bartay magaaladiisii, isagoo ka baranayay dadka kala ah: Muslim ibn Khalid al-Zanji (oo ahaa Muftigii Makka).
Wuxuu kaloo wax ka bartey Dawud ibn Abd al-Rahman al-Cadhar, adeerkiis Maxamed ibn Ali ibn Shaafici, Sufyan ibn Cuyeyna, Cabdiraxmaan ibn Abi Bakr al-Mulayki, Saciid ibn Salim, Fudayl ibn Ciyaad, iyo kuwo kale.
Wuxuu u safray Madiina isagoo jira da’da labaatan sano, isagoo horey u gaaray heerka uu ku soo saari karo xukunno sharci ah iyo darajada Imaam, halkaas oo uu ku bartay “al-Muwadha’” Imaam Malik ibnu Anas, wuxuu sidoo kale si ballaaran wax ugu bartay Ibraahim ibnu Abi Yaxya, Cadhaf ibnu Khalid, Ismaaciil ibnu Jacfar, Ibraahim ibnu Sacad, iyo kuwa kale oo xilligaa noolaa.
Wuxuu kaloo uu wax barasho u aadey Yemen isagoo aqoonta diinta uu ka qaatey rag ay ka mid yihiin Mudharrif ibn Māzin, Hishām ibn Yūsuf al-Qāḍī, iyo kuwo kale, wuxuuna sidoo kale wax ku bartay Baqdaad isagoo ardey u ah Maxamed ibn al-Ḥasan oo ahaa faqihigii Ciraaq kaas oo uu si dhow ula xiriiray ugana bartay aqoon aad u badan.
Imaam Shaafici ayaa laga wariyey inuu yiri: “Waxaan u tagay Malik anigoo saddex iyo toban jir ah”, wuzuu yiri “Waxaan u tagay ina-adeerkay oo ahaa barasaabkii Madiina, wuxuuna igala hadlay Malik, Malik wuxuu yiri: ‘Raadso qof kuu akhriya [qoraalka].’ Waxaan ku jawaabay: ‘Aniga ayaa akhrisanaya,’ ka dibna waan u akhriyay, mararka qaarkood, qayb aan horay u soo qaadanay ayuu iga codsan jiray inaan ku celiyo, aniguna dib ayaan u akhriyi jiray anigoo xifdisan; arrintaasna waxay u muuqatay inay aad u cajabisay, kadib waxaan wax ka weydiiyay arrin sharci ah, wuuna ii jawaabay; mid kale ayaan weydiiyay, taasna sidoo kale wuu iga jawaabay, ugu dambeyntiina, wuxuu yiri: ‘Waxaad leedahay rabitaan ah inaad noqoto qaadi (garsoore).'”.
U adeegiddii dowladda
Markii uu ku soo laabtay Madiina, wuxuu la joogay Imaam Maalik ilaa geeridiisa 179-kii Hijriyada, kadib wuxuu ka fikiray inuu qabto shaqo uu ku daboolayo baahiyihiisa dhaqaale, tani waxay ku soo beegantay imaatinka Guddoomiyihii Yaman oo Xijaas yimid, wuxuu ku casuumay inuu ku biiro kooxdiisii ka dibna u magacaabay guddoomiyaha Najraan iyo garsoore.
Waxay ahayd shaqadii ugu horreeyay uguna dambeeyay ee rasmi ah oo Imaam Shaafici uu ka shaqeeyey, waxayna ku keentay dhibaato ku dhawaad naftiisa ku waayi gaarey, dhaqankiisa taxaddarka leh iyo sumcaddiisa sii kordheysa oo lagu darey aqoontiisa waxay keentay khilaaf u dhexeeya isaga iyo guddoomiyaha, maadaama uu diiday inuu aqbalo falalka badan oo cadaalad darrada ah.
Xiriddii Imaamka
Waxay ku soo beegantay xilli kacdoon ka dhan ah Khilaafada ay sameeyeen sagaal nin oo Calawiyiin fallaago ah oo ku sugnaa Yemen, dad khilaafka kala dhexeeyey oo uu ku jiro guddoomiyaha ayaa fursad u helay inay Imaam Shaafici ku dacweeyaan Khaliifkii Muslimiinta Haaruun Al-Rashiid, iyagoo ku eedeeyay inuu Shaafici yahay hoggaamiyaha fallaagada.
Guddoomiyihii wuxuu warqad u qoray Khaliifka, isagoo sheegay in Shaafici iyo sagaal nin Calawiyiin ah oo kale ay ku dhow yihiin inay ka hor yimaadaan dowladda, isagoo raaciyay: “Ma lihi awood aan ku amro ama ka reebo, wuxuu carrabkiisa ku sameeyaa wax aanu dagaalyahan seef wataa samayn karin.”.
Markaas ayuu Harun al-Rashid amray in la xiro Shaafici iyo sagaalkaas nin, loona diro Baqdaad, sannadkii 184 Hijriyada, ayaa iyaga oo wada jira loo qaaday Baqdaad, isagoo saaran baqal, silsilado culusna looga xiray qoortiisa, birna looga xiray lugihiisa. Xilligaas wuxuu jiray 34 sano.
Imaam Al-Shaafici wuxuu uga badbaaday imtixaankaas adag fadliga iyo naxariista Alle, garaadkiisa, xoogga dooddiisa, iyo markhaati furkii macallinkiisii, qaadigii Maxamed bin Al-Xasan, oo khaliifka hortiisa uga markhaati kacay inuu yahay nin aan dembi lahayn.
Shaafici wuxuu dhacdadan ku xusay qaybta koowaad ee buuggiisa “Al-Umm”, wuxuu sheegay in isaga iyo maxaabiistii kale la hor geeyay Khaliifkii Haaruun Al-Rashiid, kaas oo amray in mid mid madaxa looga gooyo, markii ay isaga soo gaadhay ayaa khaliifku ku yidhi isla hadalladii uu ku yidhi ninkii isaga ka horreeyay.
Markaas ayuu Shaafici ku jawaabay: “Amiirka Mu’miniintaow, anigu ma ihi nin doonaya xukun, mana ihi nin ka tirsan Calawiyiinta, waxaa la igu daray kooxdan si dulmi ah, waxaan ka soo jeedaa qabiilka Banu Al-Muddalib bin Cabdi Manaaf, waxaana intaas ii dheer qayb aan ku leeyahay cilmiga iyo fiqiga, arrintaasna qaadigu wuu og yahay, waxaan ahay Maxamed bin Idriis bin Al-Cabbaas bin Cusmaan bin Shaafic bin As-Saa’ib bin Cubayd bin Cabdi Yaziid bin Haashim bin Al-Muddalib bin Cabdi Manaaf.”
Khaliifkii ayaa markaas weydiiyay: “Ma adigaa Maxamed bin Idriis?”
Wuxuu ku jawaabay: “Haa, Amiirka Mu’miniinta.”
Khaliifku wuxuu yiri: “Maxamed bin Al-Xasan ayaa hore iigu sheegay adiga.”
Kadib ayuu u jeestay Maxamed bin Al-Xasan oo ku yidhi: “Maxamed, muxuu leeyahay ninkan? Ma runbaa waxa uu sheegayo?”
Maxamed bin Al-Xasan ayaa ku jawaabay: “Haa, waa run, wuxuu leeyahay maqaam sare oo xagga cilmiga ah, eedda loo soo jeediyayna ma aha mid sax ah.”
Markaas ayuu khaliifku yiri: “kaxee adiga, ilaa aan arrintiisa si fiican uga fiirsado.”.
Taariikhdu waxay sheegaysaa in intii uu Shaafici la hadlayay, Al-Rashid uu amray in laga furo silsiladihii oo uu fadhiisto kadib wuxuu faray xaakim Maxamed ibn al-Xasan al-Shaybani inuu raaco oo uu sharfo, kadib, waxaa la isugu yeeray culimo iyo khubaro ku xeel dheer cilmiga sharciga si loo tijaabiyo Imaam Shaafici, Khaliifka iyo dadkii ka soo qayb galayba waxay la dhaceen baaxadda aqoontiisa iyo aftahannimadiisa, waana la abaal mariyey.
Khaliifkii Haaruun Al-Rashiid aad buu ula dhacay hadalkiisa hufan iyo xoogga dooddiisa, sumcaddii Shaafici waxay ku faaftay guud ahaan Ciraaq, waxaana magaciisa si weyn looga hadal hayay buugaagta fiqiga, xadiiska iyo taariikhda.
Maxamed bin Al-Xasan wuxuu isku dayay inuu Shaafici ku qanciyo inuu ku biiro maamulka, haliifkuna wuxuu u bandhigay xilal waaweyn, isagoo u sheegay inuu u magacaabi karo qaadi ama xitaa guddoomiye gobol kasta oo uu isagu doorto.
Hase yeeshee, Shaafici wuu diiday xilalkaas, wuxuu doorbiday inuu ka fogaado jagooyinka dowladda iyo khilaafaadka siyaasadeed, wuxuu ka codsaday khaliifka in laga daayo xilalkaas si uu waqtigiisa oo dhan ugu huro raadinta iyo barashada cilmiga.
Muddadaas wuxuu si qoto dheer u bartay culuumo kala duwan, sida xisaabta, fiisigiska iyo culuumo kale, markii dambe wuxuu fasax ka dalbaday khaliifka si uu ugu laabto magaalada Maka.
Ku laabashadii Baqdaad
Imaam Shaafici wuxuu ku sugnaa magaalada Makka muddo ku dhow sagaal sano, isagoo casharro cilmiyeed ka bixin jiray Masjidka Xaramka, xilliyada xajkana waxa la kulmi jiray culimada waaweyn ee dunida Islaamka, kuwaas oo uga iman jiray meelo kala duwan.
Sannadkii 195 Hijriyada, ayuu mar kale u safray Baqdaad waxaa si weyn ugu soo xoomay culimada, muhaddisiinta iyo fuqahada, waxa kale oo uu Ciraaq ka helay arday badan iyo dad raacsan manhajkiisa, rrdaydiisii ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa Imaam Axmed bin Xanbal, kaas oo si joogto ah uga qayb geli jiray duruusta Shaafici.
Intii uu Baqdaad joogay ayuu qoray buuggiisii caanka ahaa ee “Ar-Risaalah”, kaas oo loo tixgeliyo buuggii ugu horreeyay ee si nidaamsan dhidibada ugu taagay Cilmiga Usuulka Fiqiga.
Markii Al-Ma’muun uu noqday khaliifkii Muslimiinta, Imaam Shaafici wuxuu go’aansaday inuu ka guuro Baqdaadm go’aankaas waxaa sabab u ahaa isbeddelladii uu ku arkay maamulka cusub, wuxuu dareemay in saamaynta Faarisiyiintu ay aad ugu xoogaysatay xarumaha dowladda, isla markaana dadka cusub ee talada hayay ay si weyn u dhiirrigelinayeen falsafadda, tarjumaadda buugaagta ajnebiga ah, iyo ku milanka Cilmul-Kalaamka.
Khaliif Al-Ma’muun wuxuu Shaafici u bandhigay inuu noqdo qaadi ama garsoore, laakiin Shaafici wuu ka cudur daartay, wuxuu ka codsaday in loo oggolaado inuu u safro Masar, waxaana loo fasaxay safarkiisii sannadkii 199 Hijriyada, oo ku beegnayd 815 Miilaadiga.
Aasaaskii Mad’habkiisa
Imaam Shaafici wuxuu markii hore ku dheganaa mad’habka macallinkiisa, Imaam Maalik ibnu Anas, isagoo aan waligiis ka leexan xukunnadiisa sharciga ah, laakiin safarradiisii cilmiga ahaa waxay bareen xaalado ka duwan kuwa ku baahsan Xijaas gaar ahaan Ciraaq, oo ah gobol ay ku badan yihiin kooxo, mad’habyo fikir, iyo dhaqdhaqaaqyo diimeed, iyo sidoo kale isku-dhafka qowmiyadaha iyo qabiilooyinka kala duwan.
Wuxuu helay aqoon dheeraad ah wuxuuna aqoonsaday in habka loo sameeyo xukunnada sharciga ah uu u baahan yahay in la tixgeliyo duruufaha dhabta ah marka la xallinayo arrimaha soo baxaya.
Khibradihiisii Ciraaq waxay ka caawiyeen Imaam Shaafici inuu dhiso manhaj u gaar ah oo ku saabsan ijtihaadka iyo sida xukunnada Shareecada looga soo saaro daliillada, markii uu u guuray Masar oo uu halkaas deggay, wuxuu dib u eegay aragtiyo badan iyo fatwooyin uu hore uga soo saaray Ciraaq.
Ka dib wuxuu dejiyay mad’hab cusub, oo uu ku mideeyay habkii Ahlul-Xadiith iyo habkii Ahlur-Ra’yi, isaga oo ka qaatay wanaagga labada manhaj, sidoo kale wuxuu dib u habeeyay oo dib u qoray qaar ka mid ah kutubtiisii ugu muhiimsanaa, gaar ahaan “Ar-Risaalah” iyo “Al-Umma”.
Sidaas darteed, marka culimada Shaaficigu ay yiraahdaan “Qawlkii hore” (Al-Qawl Al-Qadiim) iyo “Qawlkii dambe” (Al-Qawl Al-Jadiid), waxay tixraacayaan labada marxaladood ee kala duwan ee fikirka iyo ijtihaadka Imaam Al-Shaafici.
Kutubtiisa
Imaam Shaafici wuxuu qoray buugaag badan oo ku saabsan fiqhiga, mabaadi’da fiqhiga (*usul al-fiqh*), Xadiith, tafsiirka, suugaanta, iyo luqadda, kuwaas oo noqday dhaxal aqooneed oo qiimo leh, kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:
- Kitaabka Ar-Risaalah – Wuxuu markii ugu horreysay ku qoray Ciraaq, hase yeeshee markii uu u guuray Masar ayuu dib u saxay, u habeeyay, una cusboonaysiiyay.
- Kitaabka Axkaamul-Qur’aan – Waxaa la ururiyey geeridiisii ka dib, wuxuuna ka kooban yahay tafsiirkiisa aayado Qur’aan ah oo ku salaysan mad’habkiisa iyo aqoontiisa.
- Kitaabka Jamaacul-Cilm – Wuxuu ku difaacay Sunnada Nebiga ﷺ iyo xujannimadeeda/
- Kitaabka Ibdaalul-Istixsaan
- Kitaabka Musnadka Imaam Al-Shaafici – Waxaa ku jira axaadiistii Nebiga ﷺ ee uu isagu xaqiijiyey silsiladdooda (isnaadkooda) iyo saxnimadooda.
- Kitaabka Ikhtilaaf Al-Xadiith – Wuxuu ku caddeeyay sida la isku waafajin karo axaadiis u muuqda inay is khilaafayaan, isagoo meesha ka saaray jahawareerka laga qabi karo qaar ka mid ah axaadiista.
- Kitaabka Ikhtilaaf Maalik iyo Al-Shaafici
- Kitaabka Al-Umm – Waa kitaabkiisii ugu weynaa, kana kooban dhowr qaybood. Waxaa lagu tilmaamaa aasaaska iyo kaydka ugu muhiimsan ee madhabka Shaaficiga.
Ardaydii Imaam Shaafici
Al Xumaydi, Abuu Cubeyd Al-Qaasim bin Sallam, Imaam Axmad bin Xanbal, Suleyman bin Dawud Al-Hashimi, Abuu Yacquub Yuusuf Al-Buweyti, Abuu Thawr Ibraahim bin Khaalid Al-Kalbi, Harmalah bin Yahya, Muuse bin Abii Al-Jarud Al-Makki, Isxaaq bin Rahwayh, Yunus bin Cabdil Caa’la, al-Rabi’ bin Sulaymaan Al-Muradi, Maxamed bin ‘Cabdillaahi bin Cabdil-Xakam, Bahr bin Nasr al-Khawlaani iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah; (*Suuratu Aliclam al-Nubala’* ee al-Dhahabi, Vol. 10, bogga 7-8).
Geeridii Imaam Shaafici
Imaam Shaafici Alle ha u naxariisto wuxuu geeriyooday habeenkii ugu dambeeyay ee bisha Rajab sanadkii 204 ee Hijriga oo ku beegnayd January 20, 820-kii Miilaadiga isagoo jira 54 sano, kadib xanuun aad u daciifiyay.
Wuxuu ku geeriyoodey Masar, Imaam Shaafici waxaa lagu aasay magaalada Qaahira ee dalka Masar, dadkii reer Masar waxay muujiyeen jacayl iyo qaddarin weyn oo ay u hayeen intii uu noolaa iyo geeridiisii ka dibba.
Dhammaad
Wixii qalad aad ku aragto nala soo wadaag: info@taariikh.net
References
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
