Taariikhda Imaam Al-Bukhaari

Magaciisa waa Abuu Cabdillaah, Imaam Maxamed ibn Ismaaciil ibn Ibraahiim ibn Al-Mughiirah ibn Bardazbah, Al-Mughirah waxa uu ku islaamay gacanta Al-Yaman al-Ju‘fi, oo ahaa gudoomiyihii Bukhara, awoowgiis Al-Mughiirah wuxuu markii hore ahaa Majuusi (caabudi jiray dabka).
Aabbihii, Ismaaciil ibn Ibraahiim, wuxuu ahaa nin ka mid ahaa weriyeyaashii xadiista, caalimka weyn Ibnu Xibbaan wuxuu ku xusay kitaabkiisa Ath-Thiqaat, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa qof lagu kalsoon yahay.
Dhalashadiisii iyo barbaarintiisa
Imaam Al-Bukhaari waxa uu dhashay maalin Jimco oo ku beegnayd Shawwaal 13, sannadkii 194 Hijriyada kuna beegan July 810 miilaadiyada, wuxuu ku dhashay magaalada Bukhara, oo maanta ku tirsan dalka Uzbekistan, xilligaas Bukhara waxay ahayd magaalo qurux iyo barwaaqo ku caan baxday, laguna yaqaanay goleyaasha culimada, muftiyiinta iyo wacdiyeyaasha, waxay ahayd xarun weyn oo cilmiga Islaamka laga iftiinsado.
Aabihii wuxuu geeriyooday isaga oo yar, wuxuu ahaa agoon ay soo korisay hooyo wanaagsan oo Alle ka cabsi badan, hooyadiis ayaa kobcisay himiladiisa, ku barbaarisay jacaylka cilmiga, una jihaysay waddadii aqoonta.
Waxaa la weriyey in isagoo yar uu araggiisii waayey, hooyadiis waxay si joogto ah ugu baryi jirtay Alle inuu dib ugu soo celiyo araggiisa, ducadeeda iyo tawakkalkeeda awgeed, Alle SWT wuu ka aqbalay baryadeeda, wuxuuna wiilkeedii u soo celiyey araggiisii.
Raadintii cilmiga
Markii Imaam Al-Bukhaari uu yaraa, wuxuu isaga, hooyadii iyo walaalkiis u safreen Makkah Al-Mukarramah si ay u gutaan waajibaadka Xajka, ka dib gudashada Xajka, hooyadii iyo walaalkiis waxay dib ugu noqdeen Bukhara, halka Imaam Al-Bukhaari uu go’aansaday inuu Makkah sii joogo si uu ugu guntado raadinta cilmiga.
Imaam Al-Bukhaari wuxuu bilaabay safarkiisii raadinta cilmiga isagoo ku dhow toban jir, da’daas yar ayuu u baxay magaalooyin iyo gobollo kala duwan oo ka mid ahaa dunidii Islaamka, isagoo ujeeddadiisu ahayd ururinta iyo barashada axaadiista Nabiga ﷺ.
Intii uu cilmiga raadinayey, wuxuu booqday xarumo badan oo cilmiga Islaamka caan ku ahaa, sida: Shaam, Masar, Jasiiradda Carabta, Basra, Xijaaz (Makkah iyo Madiinah), Kuufa iyo Baqdaad, Ssafarradan waxay u suurtageliyeen inuu la kulmo boqolaal culimo iyo weriyeyaal xadiis, kana ururiyo axaadiis aad u tiro badan oo uu si taxaddar leh u baaray una xafiday.
Imaam Al-Bukhaari wuxuu caan ku ahaa awooddiisa cajiibka ah ee xifdinta, axaa laga weriyey inuu yidhi: “Waxaan xafidsanahay boqol kun (100,000) oo xadiis oo saxiix ah, iyo laba boqol kun (200,000) oo xadiis oo aan saxiix ahayn.”.
Waxaa kale oo lagu yaqaannay maskax aad u fiiqan iyo xasuus aan caadi ahayn, waxaa la weriyey in saaxiibadii kula jiray raadinta cilmiga xadiiska ay la yaabeen, iyagu waxay qori jireen xadiis kasta oo ay maqlaan, dabadeedna way isu celcelin jireen oo dib u xifdin jireen isaguse waxba ma qori jirin, mana u muuqan inuu dadaal gaar ah gelinayo xifdinta ay iyagu ku mashquulsanaayeen.
Caalimkii weynaa Camr ibn Cali Al-Fallaas ayaa ka yiri:
“Xadiis aanu Maxamed ibn Ismaaciil aqooni, xadiis ma aha.”, Hadalkani wuxuu muujinayaa heerka sare ee aqoonta iyo xifdiga uu Imaam Al-Bukhaari gaadhay.
Sheekhyadii Imaam Bukhaari
Ka dib safaradii dheeraa ee uu ku maray magaalooyinka kala duwan ee dunida Islaamka, ma ahayn wax lala yaabo hadal uu Imaam Al-Bukhaari yiri wax ka yar bil ka hor geeridiisa: “Waxaan cilmiga ka qoray kun iyo siddeetan (1,080) sheekh.”.
Hadalkani wuxuu muujinayaa baaxadda safaradiisii cilmi doonka iyo tirada badan ee culimada uu la kulmay si uu uga barto xadiiska Nabiga ﷺ, Imaam Al-Bukhaari wuxuu waxbarashadiisa ka bilaabay culimadii ku noolayd magaaladiisii Bukhara, mcallimiintii ugu horreeyey ee uu xadiiska ka dhegaystay waxaa ka mid ahaa:
- Cabdullaah ibn Maxamed ibn Cabdullaah ibn Jacfar ibn Al-Yamaan Al-Jucfi Al-Musnadi.
- Maxamed ibn Salaam Al-Baykandi iyo culimo kale oo badan oo magaalada Bukhara ku noolaa.
Xaafid Ibnu Xajar Al-Casqalaani wuxuu macallimiintii (shuyuukhda) Imaam Al-Bukhaari u qaybiyey shan dabaqadood (heerar), isagoo ku saleeyey da’dooda, xilligii ay noolaayeen, iyo cidda ay cilmiga ka qaateen.
1. Dabaqadda Koowaad
Waxay ahaayeen culimo ka wariyey Atbaac At-Taabiciinta (jiilkii ka dambeeyey Taabiciinta), kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: Maxamed ibn Cabdullaah Al-Ansaari, Makki ibn Ibraahiim, Cubaydullaah ibn Muusaa iyo culimo kale.
Kuwani waxay ka ahaayeen macallimiintii ugu da’da weynaa ee uu Imaam Al-Bukhaari wax ka bartay, waxayna xiriir dhow la lahaayeen jiilalkii hore ee culimada Islaamka.
2. Dabaqadda Labaad
Waxay ahaayeen culimo la noolaa kuwii dabaqadda koowaad, hase yeeshee aan si toos ah uga maqal culimadii lagu kalsoonaa ee Taabiciinta, waxaana ka mid ahaa: Aadam ibn Abii Iyaas, Saciid ibn Abii Maryam, Ayyuub ibn Sulaymaan iyo kuwo kale oo la mid ah.
3. Dabaqadda Saddexaad (Dhexe)
Tani waxay ahayd dabaqaddii ugu badnayd macallimiinta Imaam Al-Bukhaari, culimadani ma aysan la kulmin Taabiciinta, balse waxay cilmiga ka qaateen culimadii waaweynaa ee ka dambaysay jiilkaas. Waxaa ka mid ahaa: Sulaymaan ibn Xarb, Qutaybah ibn Saciid, Cali ibn Al-Madiini, Yaxyaa ibn Maciin, Axmad ibn Xanbal, Isxaaq ibn Raahawayh, Abuu Bakr ibn Abii Shaybah iyo culimo kale.
Macallimiintan waxaa sidoo kale wax ka bartay Imaam Muslim, sidaas darteed labada imaam waxay wadaagaan culimo badan oo ay ka soo weriyeen.
4. Dabaqadda Afraad
Waxay ahaayeen saaxiibbadii la wadaagay safarka raadinta cilmiga ama kaga horreeyey dhegaysiga qaar ka mid ah culimada, waxaa ka mid ahaa: Maxamed ibn Yaxyaa Adh-Duhali, Cabd ibn Xumayd, Abuu Xaatim Ar-Raazi iyo culimo kale oo la mid ahaa.
Imaam Al-Bukhaari wuxuu ka wax ka warinayey culimadan marka uu waayo xadiis uusan ka helin macallimiintiisii hore ama uu ka waayo cid kale.
5. Dabaqadda Shanaad
Kuwani waxay ahaayeen dad da’ ahaan iyo silsiladda werinta (isnaadka) uga dhowaa kana mid ahaa ardaydiisa, hase yeeshee Imaam Al-Bukhaari mararka qaarkood ayuu iyaguna wax ka maqli jiray si uu uga faa’iidaysto cilmigooda, waxaa ka mid ahaa: Cabdullaah ibn Xammaad Al-Aamuli, Cabdullaah ibn Abii Al-Caas Al-Khawaarizmi, Xusayn ibn Maxamed Al-Qabbaani iyo kuwo kale.
Wuxuu ka weriyey xadiisyo tiro yar, isagoo ku dhaqmaya mabda’ uu sheegay caalimkii weynaa Wakiic ibn Al-Jarraax, kaas oo yiri:
“Qofku ma noqdo caalim dhammaystiran ilaa uu wax ka weriyo qof isaga ka sarreeya, qof la mid ah, iyo qof isaga ka hooseeya.”
Habkii Uu U Curiyey Saxiixul Bukhaari
Imaam Al-Bukhaari wuxuu hindisay hab cusub oo aan cid kale uga horreyn qorista iyo kala xulashada axaadiista, kaas oo uu ku dabaqay kitaabkiisa caanka ah ee “Al-Jaamiʿ As-Saxiix” (Saxiixul Bukhaari).
Wuxuu kitaabkiisa ka soo xulay 600,000 oo xadiis oo uu hore u bartay, xafiday, isla markaana si taxaddar leh u baaray silsiladaha weriyeyaashooda (isnaad) iyo kalsoonida qof kasta oo xadiiska soo weriyey.
Muddo dheer ayuu dib u eegis, sifayn iyo kala saarid ku waday ururintiisa xadiiska, isagoo ka reebayay wax kasta oo aan buuxin shuruudihiisa adag, ugu dambayntiina, kitaabkiisu wuxuu ku soo ururay 7,275 xadiis, tiradaas oo ay ku jiraan xadiisyada marar kala duwan lagu celceliyey.
Habkan adag ee uu raacay ayaa ka dhigay Saxiixul Bukhaari kitaabka ugu sugan uguna kalsoonida badan kutubta, marka laga reebo Qur’aanka Kariimka.
Curinta iyo diyaarinta kitaabkan waxay ku qaadatay Imaam Al-Bukhaari lix iyo toban (16) sano, muddo dheer ayuu ku bixiyey ururinta, hubinta, kala saarista iyo dib-u-eegista axaadiista, ilaa uu kitaabku ku soo baxay qaabkiisii ugu dhammaystirnaa.
Markii uu soo baxay Saxiixul Bukhaari, culimadu waxay u tartameen xifdintiisa, sharxiddiisa iyo u adeegiddiisa, waxaa laga qoray cilmi baarisyo tiro badan, sharaxaadihii ugu waaweynaa ee xadiiska, iyo kutub qiimo weyn leh oo sharraxaya macnihiisa, silsiladaha weriyeyaasha iyo axkaamtiisa.
Imaam Al-Bukhaari wuxuu xadiisyada ku aqbali jiray shuruudo aad u adag oo badan, shuruudahaas waxaa ka mid ahaa:
- In silsiladda weriyeyaashu ay si toos ah isugu xirnaato ilaa Nabiga ﷺ, taas macnaheedu waa in weriye kasta uu si dhab ah uga maqlay xadiiska weriyihii ka horreeyey, iyadoo aan silsiladda wax go’ ahi ku jirin.
- In weriye kasta uu noqdo qof lagu kalsoon yahay, waa inuu caan ku yahay run sheegnimo, xifdi adag, daacadnimo, aqoon, iyo cibaado, sidoo kale waa inuu si sax ah u gudbin karaa waxa uu maqlay, isaga oo aan wax ka beddelin ama khaldin.
Sharaxaadaha laga sameeyay Al-Bukhaari
Waxaa jira sharraxaado badan oo kala duwan oo laga sameeyay kitaabka *Al-Jamic‘ al-Saxiix* Al-Bukhaari, waxaa ka mid ah: –
- Fatxul Baari – Sharaxa Saxiixul Bukhaari, oo uu qoray Abul-Fadl Axmed ibn Cali ibn Xajar Al-Casqalaani, oo geeriyooday sannadkii 852 Hijriyada, kitaabkan waxaa loo tixgeliyaa sharaxa ugu caansan uguna qotada dheer ee laga qoray Saxiixul Bukhaari.
- Cumdatul Qaari fii Sharxi Al-Bukhaari, oo uu qoray Badruddiin Maxamuud ibn Axmed Al-Cayni Al-Xanafi, oo geeriyooday sannadkii 855 Hijriyada.
- Al-Kawaakib Ad-Daraari fii Sharxi Saxiix Al-Bukhaari, oo uu qoray Shamsuddiin Maxamed ibn Yuusuf Al-Karmaani, oo geeriyooday sannadkii 786 Hijriyada.
- Irshaad As-Saari ilaa Sharxi Saxiix Al-Bukhaari, oo uu qoray Shihaabuddiin Axmed ibn Maxamed Al-Qastalaani, oo ahaa caalim Shaafici ah kana soo jeeday Qaahira, kuna geeriyooday sannadkii 923 Hijriyada.
- Sharaxa Ibnu Badhaal ee Saxiixul Bukhaari, oo uu qoray Abul Xasan Cali ibn Khalaf ibn Cabdul-Malik, oo loo yaqaan Ibnu Badhaal Al-Qurdubii Al-Maaliki, geeriyooday sannadkii 449 Hijriyada, waa mid ka mid ah sharaxyadii ugu horreeyey ee laga qoray Saxiixul Bukhaari.
- Aclaam As-Sunan, oo uu qoray Al-Xadhaabi (Xamad ibn Maxamed Al-Bustii), geeriyooday sannadkii 388 Hijriyada. sharaxani wuxuu ka mid yahay kuwii ugu horreeyey ee culimadu qoreen.
- Xaashiyat As-Sindi calaa Saxiix Al-Bukhaari, oo uu qoray Imaam Maxamed ibn Cabdul-Haadi As-Sindi Al-Madani, geeriyooday sannadkii 1138 Hijriyada.
Ardaydii Imaam Al-Bukhaari
Imaam Al-Bukhaari waxaa cilmiga ka bartay arday aad u tiro badan, ilaa ay adkayd in la tiriyo, Al-Xaafid Saalix ibn Maxamed, oo loo yiqiin Jazarah, ayaa yiri:
“Magaalada Baqdaad oo keliya, waxaa mar kasta hortiisa isugu iman jiray in ka badan labaatan kun (20,000) oo qof, kuwaas oo xadiiska ka qoran jiray.”
Waxaa kale oo la weriyey in marka uu xadiiska dhigayo ay hortiisa fadhiisan jireen saddex mustamli.
Mustamli wuxuu ahaa qof cod dheer oo ku celin jiray hadalka sheekha, si dadka badan ee fadhiya u wada maqlaan maadaama aysan waagaas jirin makarafoonno ama qalab cod baahiye ah, habkan ayaa loo adeegsan jiray gudbinta duruusta waaweyn.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in ku dhowaad 90,000 oo qof ay si toos ah uga maqleen ama uga qoreen Saxiix Al-Bukhaari, taas oo muujinaysa sida uu kitaabkiisu u faafay isagoo weli nool.
Culimadii caanka ahayd ee ardaydiisa ka mid noqday waxaa ka mid ahaa: Imaam Muslim ibn Al-Xajjaaj oo aha qoraaga Saxiix Muslim, Imaam Maxamed ibn Ciisaa At-Tirmidi oo ah qoraaga Jaamic At-Tirmidi, Abuu Xaatim Ar-Raazi, Abuu Zurcah Ar-Raazi, Ibnu Khuzaymah, Saalix ibn Maxamed (Jazarah) iyo culimo kale oo aad u tiro badan.
In culimo waaweyn sida Imaam Muslim iyo Imaam At-Tirmidi ay ka mid noqdaan ardaydiisa waxay si cad u muujinaysaa heerka sare ee aqoonta Imaam Al-Bukhaari, labadan imaam ayaa iyaguna markii dambe noqday tiirar waaweyn oo lagu xafido Sunnada Nabiga ﷺ, hase yeeshee waxay sharaf u arkeen inay wax ka bartaan Imaam Al-Bukhaari.
Ninkani ila degenaan maayo magaaladan
Markii uu Imaam Al-Bukhaari caan ku noqday cilmigiisa, magaciisu wuxuu ku faafay dunida Islaamka, dadku waxay u soo soo baxeen si ay uga faa’iidaystaan aqoontiisa, waxaana loo aqoonsaday inuu ka mid yahay imaamyadii waaweynaa ee Ahlus-Sunnah.
Ardaydu waxay ka faa’iideysan jireen cilmigiisa ballaadhan, tarbiyadiisa iimaanka ku dhisan iyo akhlaaqdiisa wanaagsan, intaa waxaa dheer, wuxuu caan ku ahaa deeqsinimo iyo soo dhoweyn, taasoo sii kordhisay jacaylkii iyo ixtiraamkii ay dadku u hayeen.
Guushaas iyo sumcaddaas weyn waxay dhalisay masayr iyo diidmo ay muujiyeen qaar ka mid ah culimadii bariga dunida Islaamka, waxay ku eedeeyeen inuu qabo fikirka ah in Qur’aanku yahay wax la abuuray, inkastoo eedayntaas aan loo hayn caddayn sax ah.
Dhibaatadii lagu hayey Imaam Al-Bukhaari way sii xoogaysatay markii quluubta dadka ay isaga u soo jeesteen, arday badan iyo dadweyne tiro badan ayaa isugu iman jiray duruustiisa, taasoo sababtay in golihii waxbarashada ee Sheekh Maxamed ibn Yaxyaa Adh-Duhali, oo ahaa caalimkii ugu magaca dheeraa ee gobolka Khuraasaan, ay ardaydu ka tageen.
Arrintaasi waxay sii hurisay khilaafka, Sheekh Adh-Duhali wuxuu bilaabay inuu si cad u dhaleeceeyo Imaam Al-Bukhaari, wuxuuna dadka caadiga ah iyo culimadaba ku dhiirrigeliyey inay ka soo horjeestaan.
Ugu dambayntii wuxuu ku baaqay in Imaam Al-Bukhaari laga saaro Khuraasaan, isagoo ku dhawaaqay hadalkiisii caanka noqday: “Ninkani ila degenaan maayo magaaladan.”.
Dhibaatadii Imaam Al-Bukhaari kuma ekaan maseyrkii qaar ka mid ah culimada oo kaliya waxa kusoo biirey guddoomiyihii (waaligii) magaalada Bukhara, guddoomiyuhu wuxuu codsaday in Imaam Al-Bukhaari uu gurigiisa ugu yimaado si gaar ah oo uu isaga iyo qoyskiisa ugu akhriyo xadiiska, isaga oo aan dadka kale la wadaagin.
Hase yeeshee Imaam Al-Bukhaari wuu diiday codsigaas, isagoo aaminsanaa in cilmigu yahay hanti ay dadku u wada siman yihiin, oo aan loo kala soocin madax iyo shacabka, diidmadaas awgeed, guddoomiyihii Bukhara wuxuu amray in Imaam Al-Bukhaari laga masaafuriyo magaalada. sidaas ayuu ugu guuray tuulada Khartank (Khartang), oo ku dhow magaalada Samarqand, halkaas oo ay degganaayeen qaar ka mid ah ehelkiisu.
Halkaasa ayuu ku noolaa isagoo murugo iyo xanuun qalbi ku haya, maadaama uu la kulmay cadaadis iyo ka fogaanshaha dadkii uu muddada dheer cilmiga bari jiray, markii dhibaatadu ku sii adkaatay, wuxuu gacmaha u taagay Rabbigiis isagoo baryaya.
Imaam Ad-Dahabi, isagoo ka warramaya maalmihii ugu dambeeyey ee nolosha Imaam Al-Bukhaari wuxuu ku xusay kitaabkiisa Siyar Aclaam An-Nubalaa, wuxuu soo xigtay Ibnu Cadi oo yiri: “Waxaan maqlay Cabdul-Qudduus ibn Cabdul-Jabbaar As-Samarqandi oo leh: Maxamed ibn Ismaaciil wuxuu yimid Khartank oo ah tuulo dhow Samarqand halkaas oo ay qaraabadiisu degganaayeen, uxuu degay agtooda, habeen ayaan maqlay isagoo ducaysanaya markii uu dhammeeyey salaaddii habeenkii (Tahajjud), isagoo leh: ‘Ilaahayow! Dhulku wuu igu cidhiidhyoobay inkastoo uu ballaaran yahay ee oofso.’, bil kama soo wareegin ducadaas ilaa uu geeriyooday, qabrigiisuna wuxuu ku yaallaa Khartank.”.
Geeridii iyo Qabriga Imaamka
Abuu Mansuur Ghaalib ibn Jibriil, oo ahaa ninkii uu Imaam Al-Bukhaari martida u ahaa, ayaa yiri: “Abuu Cabdillaah Maxamed ibn Ismaaciil wuxuu nala joogay maalmo dabadeed wuu xanuunsaday, xanuunkiisuna aad buu u sii daray, markii dambe waxaa loo diray ergay magaalada Samarqand si loogu helo gaadiid uu ku safro, markii ergaygii yimid, Imaamku wuxuu isu diyaariyey inuu baxo, wuxuu xidhay kabihiisii, cimaamaddiisana wuu duubtay, markii uu socday ku dhowaad labaatan tallaaboanigoo gacantiisa haya, nin kalena uu dhinaca kale ka hayo si uu ugu geeyo gaadiidkii uu fuuli lahaa ayuu yiri: ‘I sii daaya, waan tabar-darray.’ markaas ayuu ducaystay dhowr duco, dabadeedna wuu jiifsaday, halkaas ayuu ku geeriyooday, Alle ha u naxariistee.”.
Abuu Mansuur wuxuu sii raaciyey: “Dhidid ayaa ka soo baxay jirkiisa, dhidid aan la qiyaasi Karin, mana joogsan ilaa aan ku duubnay kafankiisii.”, waxa kale oo uu sheegay in Imaam Al-Bukhaari uu dardaarmay isagoo leh: “Igu kafana saddex maro oo cadcad oo aan ku jirin qamiis iyo cimaamad.” annaguna sidaas ayaannu yeelnay.
Markii la aasay, waxaa laga dareemay ciidda qabrigiisa caraf aad u udgoon, oo ka udgoonka miskiga waxayna sii jirtay maalmo badan, waxaa kale oo la sheegay in dabadeed tiirar dhaadheer oo caddaan ah ay ka muuqdeen samada, iyagoo ku beegan qabrigiisa, dadkuna way iman jireen, iyagoo arrintaas la yaabban oo isweydiinaya waxa ay tahay.
Imaam Al-Bukhaari wuxuu geeriyooday habeenkii ugu horreeyay bisha Shawwaal sannadkii 256 Hijriyada (September 1, 870 Miilaadiga), isagoo jiray ku dhowaad 62 sano.
Geeridii Imaam Al-Bukhaari waxay ahayd dhammaadka nolol uu u huray ururinta iyo ilaalinta Sunnada Nabiga ﷺ, inkastoo uu la kulmay xaasidnimo, eedo aan sal lahayn iyo cadaadis kaga yimid qaar ka mid ah culimada iyo madaxda xilligiisa, haddana dhaxalkiisii cilmiyeed ayaa nool waxaana Saxiixul Bukhaari weli loo aqoonsan yahay mid ka mid ah kutubta ugu qiimaha badan taariikhda Islaamka.
References
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
