Ganaraal Caydiid ayaa qaadacay madaxweynenimada Cali Mahdi, waxaana ka dhex qarxay dagaal dhiig badan uu ku daatey, waxaana dalka ka qarxay dagaalo sokeeye oo dad masaakiin ah ay ku laayeen.
Aadan Aadde wuxuu ahaa madaxweyne daacad ahaa isagoo aan haba yaraatee wax musuqmaasuq ama wax la xiriira lagu tuhmin isagoo ahaa nin dadka oo dhan ay aaminsanyihiin.
Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari ah ka dib ayaa xoogii kacaanka umadda soomaaliyeed lagu khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanka midaasi oo ay ka dambeeyeen ururo mucaarad iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya iyo wadamada shisheeye.