Maxaa Soomaaliya ka dhacay July 2025

Maxaa Soomaaliya ka dhacay July 2025

Talaado, July 1, 2025- Muxaram 6, 1447

Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco ayaa sheegey in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab, Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Muxumed Axmed Guure, oo Shabaab ay u yaqaaneen Xamse Faracade, ninkan ayaa ahaa taliye u qaabilsan kooxdaas gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.

Arbaco, July 2, 2025- Muxaram 7, 1447

Iska hor imaad u dhexeeya ciidanka booliska iyo dadka deegaanka ayaa ka dhacay deegaanka Agabar ee hoos taga Gabilay ee gobolka Waqooyi Galbeed ee maamulka Soomaaliland, dadka ayaa ka mudaaharaadayey macdan laga qodayey deegaanka, waxaa ku dhintey inta la xaqiiyey labo qof oo shacab ah.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ayna leeyihiin AUSSOM kana soo kacday deegaanka Baledoogle ayaa ku dhacday qeybta Afasiyooni ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, dayaaradaas oo nooceedu yahay Mi-24ayaa waxaa saarnaa 8 qof, 5 qof oo shaqaalihii dayaaradda ahaa ayaa shilka ku geeriyoodeen, duuliyihii, kaaliyihiisii iyo injineerkii dayaaradda ayaa ka badbaadey shilka, ayadoo uu soo gaaray dhaawac daran iyo gubasho xoog leh.

banner

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdullaahi u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Kaxda laga qaaday Cabdiwali Xasan Nuur.

Khamiis, July 3, 2025- Muxaram 10, 1447

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay si rasmi ah u daah-fureen isuna Diiwaangeliyeen hogaamiyaasha labada Dowlad Goboleed: Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor).

Sabti, July 5, 2025- Muxaram 10, 1447

Dagaal adag oo u dhaxeeya Ciidamadda dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Alshabaab ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada degmadda Moqokori ee Gobalka Hiiraan, dagaalka, sagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Gumarre oo u dhaxeeya Ceel-qooxle iyo Moqokori, Gumarre ayaa waxaa dhowr maalmood ka hor la wareegay Shabaab kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadda dowladda.

Isniin, July 7, 2025- Muxaram 12, 1447

Dagaal xooggan oo dhexeeyey Alshaab iyo ciidanka dowladda ayaa ka dhacay magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, weerarka oo ay qaadeen Shabaab ayaa u suura gashay in ay la wareegaan magaalada, Shabaab ayaa weerarka ku bilaabay sida caadada u aheyd gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen oo ay ku weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidanka, dagaalka dadka ku shahiiday waxaa ka mid ah Taliye Cabdi Muumin Cilmi (Cabdi Xiish) oo ka tirsanaa ciidanka NISA.

Arbaco, July 9, 2025- Muxaram 14, 1447

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyaad ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, nin ka tirsanaa Alshabaab ayaa isku dhex qarxiyey kuliyadda, waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Khamiis, July 10, 2025- Muxaram 15, 1447

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka,

Guddiga ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa ka kooban 15-xubnood, waxaana ay kala yihiin:

  1. Dr Cabdinuur Sheekh Maxamuud – Guddoomiyaha Guddiga
  2. Dr. Maxamed Cali Faarax – Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga
  3. ⁠Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed – Xubin
  4. Dr. Axmed Adam Maxamed – Xubin
  5. Dr. Roble Ibrahim Liban – Xubin
  6. Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar – Xubin
  7. ⁠Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) – Xubin
  8. Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif – Xubin
  9. Dr. Cabdiwahab Ali Mumin – Xubin
  10. Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxman – Xubin
  11. Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi – Xubin
  12. Dr. Maxamed Macallin Abdullahi Kutub – Xubin
  13. Dr. Maxamad Ibraahim Nuur – Xubin
  14. Dr. Maxaamuud Yusuf Garre – Xubin
  15. ⁠Dr. Nadiifa Sheekh Cumar – Xubin

Jimco, July 11, 2025- Muxaram 16, 1447

Qarax ayaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose, qaraxaan oo ahaa miino ayaa ka dhacay gudaha xerada guutad 7aad ee qeybta 12ka April ee Afgooye ku taal, inta la xaqiijiyay saraakiisha ku dhintay waxaa ka mid ah Abaanduulihii ururka 64aad, Kabtan Maxamuud Saleebaan oo la sheegay in sariirtiisa loogu xirey, sidoo kale waxa ku dhintay laba ilaaladiisa ka mid ah.

Sabti, July 12, 2025- Muxaram 17, 1447

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay

  • Cabdiraxmaan Cali Maxamed Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir, waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Yuusuf Nuur,
  • Axmed Cabdisalaan Cusmaan waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Teknolojiyada iyo Logistikada Gobolka Banaadir, waxaana xilkii laga qaaday Yuusuf Cabdi Calasoow.
  • Cabdirashiid Maxamed Xuseen, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkii laga qaaday Sowda Xuseen Suudi.
  • Nuur Xuseen Xasan, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Suuqyada Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Cabdi Cujub.
  • Zakariye Bashiir Muude, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Bulaacadaha iyo Biyo Mareenada Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Xasan Casir.

Axad, July 13, 2025- Muxaram 18, 1447

Ciidamada deegaanka ayaa iskaga baxay magaalada Tardo ee gobolka Hiiraan, gudoomiyaha Tardo Cusmaan Xuseen Guure oo idaacadda Risaala u waramay ayaa dhahay “Waan ka baxnay magaaladii Tardo, waxaana ku sugan caddowga, dagaalka dowladii Somaliya waa ka fariisatay, hal qabiil ayaa kusoo haray.”, wuxuu sheegay in Alshabaab duulaan kusoo qaadeen iyagana magaalada xeelad dagaal uga baxeen iyadoo aan dagaal dhicin.

Talaado, July 15, 2025- Muxaram 20, 1447

Dagaal u dhexeeyey ciidanka Booliska iyo maleeshiyeed hubeysan ayaa ka dhacay xaafadda Tarbuush oo ka tirsan degmada Wadair ee gobolka Banaadir, maleeshiyeedka ayaa weerarey guri ay maxkamad xukuntey oo ay Boolisku doonayeen in ay fuliyaan, dagaalka waxaa ku dhintey hal askari halka la qabtey labo maleeshiyeed ah sida uu sheegay Booliska Soomaaliya.

 Arbaco, July 16, 2025- Muxaram 21, 1447

Maleeshiyaad hubeysan ayaa dad rayid ah ku dilay deegaan hoos taga magaalada Shilaabo ee gobolka Qoraxay ee Soomaali Galbeed, inta la xaqiijiyey shan qof ayaa la dilay seddax kalena waa la dhaawacay, Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in ay kasoo gudbeen xuduuda Soomaali Galbeed ay la wadaagto Soomaaliya.

Sabti, July 19, 2025- Muxaram 24, 1447

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee NIRA ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay laanta hay’adda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, xarunta ayaa laga furey magaalada Jowhar.

Talaado, July 22, 2025- Muxaram 27, 1447

Dagaal xooggan u dhaxeeyey Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka jubbland iyo kuwa Dowlada Fadaraalka ah ee Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, dagaalka ayaa dhacay ka dib markii magaalada uu ka degay Cabdirashiid Janan oo dowladda ugu magacaaban taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo ahna taliyaha ciidanka NISA, maamulka jubbland ayaa la wareegay goobihii lagu dagaalamay.

Axad, July 27, 2025- Safar 2, 1447

Alshabaab ayaa dagaal kula wareegey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa iskaga baxay magaalada, dagaalka saraakiisha ku geeriyootey waxaa ka mid ah Col. Maxamed Shidane Afrax, Taliyaha Nabadsugudda degmada Cadaado, Alshabaab ayaa laga saarey Maxaas 13 sano ka hor balse guluf xoogan oo ay qaadeen ayey ku qabsadeen dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Moqokori, Aadan Yabaal iyo Maxaas oo maanta ay la wareegeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Cabdifitaax Maxamed Xareed u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Heliwaa laga qaaday Mire Salaad Dhuxuloow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Axmed Cabduqaadir Cali {Buux} u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Shibis, waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Shibis laga qaaday Cali Axmed Cabdulle.

Isniin, July 28, 2025- Safar 3, 1447

Ciidanka Ethiopia ayaa madaafiic ku burburey saldhiggii ciidanka NISA ee Doolow, weerar ay iska kaashanayeen ciidanka maamulka Jubbaland iyo ciidanka Ethiopia ayaa lagu qaadey saldhigga NISA, dagaal socdey saacado badan ka dib itoobiyaanka ayaa usuuro gashay in ay gacanta ku dhigaan taliyihii ciidanka taliye Sheekhaalow, dagaalka ayaa dhacay habeenkii ay dhacay xilli habeen ah, waxaana Ethiopia ku sugnaa Mahad Salaad oo ah agaasimaha NISA iyo Hassan Sheekh.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in ay soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320 ahna Soomaali Airlines, kuwaas oo ku howl gali doono muddo laba bilood gudahood ah, heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan ayaa lagu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux ayaa shaaciyey.

Munaasabad si rasmi ah loogu furayay dib-u-howlgelinta adeega Boostada ee dalka ayaa ka qabsoontay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana furay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mohamed Aadan Macalin (Soomaali).

Arbaco, July 30, 2025- Safar 5, 1447

Dagaal ay ku dhinteen dad Soomaaliyeed oo ku dhow 30 qof ayaa ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, dagaalka ayaa u dhexeeyey laba ciidan oo ka kala amar qaata dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay la wareegeen magaalada, ciidamada ayaa is hor fadhiyey tan iyo July 22, 2025 markii Cabdirashiid Janan uu ka degay Beledxaawo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Cabdiraxmaan Jaamac Afrax u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab, Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab laga qaaday Ismaaciil Maxamed Xuseen.

Waxaa la shaaciyey maamul ay ku mideysanyihiin gobolada Sool iyo Sanaag iyo geyb ka  mid ah Togdheer oo loogu magacdarey Waqooyi Bari, shirweyne ay wada yeesheen dadka degan goboladaas ayaa lagu heshiiyey dhismaha maamulkaan oo leh 83 xildhibaan.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply