Ka dib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye 26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991kii lana riday dowladdii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta dalka Soomaaliya wuxuu aadey dalka Talyaaniga, wuxuu muddo ku noolaa dalkaa ka dib wuxuu u wareegay magaalada Virginia dalka Mareykanka.
Ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka xoogga wuxuu hormuud ka ahaa guluf dagaal oo ciidamadu ay ku qabsadeen deegaanada Sabiib,bariire, Owdhiigle iyo Caanoole.
Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari ah ka dib ayaa xoogii kacaanka umadda soomaaliyeed lagu khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanka midaasi oo ay ka dambeeyeen ururo mucaarad iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya iyo wadamada shisheeye.