Taariikhda Cumar Binu Khadhaab

Taariikhda Cumar Binu Khadhaab

Cumar bin Al-Khadhaab wuxuu ka mid ahaa saxaabadii Rasuulka (scw) kuwii ugu caansanaa wuxuuna ahaa la taliyihii Nabiga (scw) iyo amiirkii ku xigay Abuu Bakar Al-Siddiiq.

Wuxuu islaamay 40 nin ka dib, wuxuu ka haajiray Maka una hijrooday Madiina, wuxuuna ka qayb galay dagaalladii iyo duullaankii Nabiga (NNKH), isagoon midna ka maqnayn, wuxuu ahaa mid alle ka cabsi badan, xuduudihiisana ka cabsada.

Abuu Bakar Al-Siddiiq ayuu ku xigey, wuxuu ahaa khaliifkii labaad ee Khulafaa’u Raashidiin, wuxuuna xukunka hayay 10 sano, dhulka Islaamku waa balaadhay intii uu xukunka hayay.

Dhalashadiisii iyo Islaamka ka hor

banner

Taariikhyahanadu waxay ku kala duwanaayeen taariikhda dhalashadiisa, qaar waxay sheegeen in uu dhashay 13 sano ka dib sanadka Maroodiga oo ku beegan qiyaastii sanadkii 584, qaar kale waxay sheegeen inuu dhashay 4 sano ka hor dagaalkii Fijar, ama 4 sano kadib, wuxuu ku dhashay guriga aabbihiis Al-Khadhab.

Cumar waxa uu ku koray Maka, halkaas oo uu ku dhex koray qabiilkiisa Banuu Cadiyi bin Kacab iyo dhalinyaro kale oo Qureysh ah, yaraantiisii ​​waxa uu ku noolaa silic iyo faqri aad u daran. waxa uu la shaqayn jiray walaalkii, isaga oo geel raacayey si uu lacag u helo, markii uu koray, waxa uu ka shaqayn jiray ganacsiga, waxa uuna noqday nin maal qabeen ah markii uu hijroonayey.

Cumar waxa uu ku caan baxay maqaamkii uu Qureysh ku dhex lahaa, sida aabbihii iyo awoowgiis oo kale, waxaana ugu wacnaa sifadiisii ​​akhlaaqeed, xooggiisa, geesinnimadiisa iyo adkaysigiisa, wuxuu ahaa nin la ixtiraamo oo cadowgiisu ka baqaan, wuxuu ka mid ahaa ergadii qureysh ee qabiilooyinka marka dagaal ama khilaaf dhaco, caqligiisa iyo garashadiisa suubban awgeed.

Si kastaba ha ahaatee, markii hore sida qoomkiisa oo kale, wuxuu ahaa mid ku xiran diinta jaahiliga iyo caabudida sanamyada, isaga oo diidaya Islaamka iyo tawxiidka, wuxuu diiday faafinta diinta, wuxuu dhib u geystay dadkii soo islaamay ee raacay Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna jirdilay kuwii taagta darnaa iyo qaar ka mid ah kuwii adoomada ahaa ee islaamay.

Abtirkiisa

Magaciisa oo buuxa waa Cumar bin Khadhaab bin Nufayl bin Cabdil-Cuza bin Riyah bin Cabdullaahi bin Qardh bin Razax bin Cadi bin Kacab bin Luay bin Ghaalib bin Fihr bin Maalik bin Al Naadr (oo Qureysh ahaa) bin Kinanaah bin Khuzaymah bin Mudrikah.

Hooyadiina waa Xantama bintu Haashim bin Al-Mughiira ibnu Cabdullaahi ibnu Cumar bin Makhzum, waxay aheyd Abu Jahal walaashii.

Waxaana loo bixiyay ama lagu naanaysay magaca Al-Faaruuq, sababtoo ah Eebbe wuxuu u kala saaray xaqa iyo baadilka, aabihii Al-Khadhaab, wuxuu ka mid ahaa raggii ugu caansanaa Qureysh, awoowgiis Nufaylna wuxuu lahaa mansab sare, maadaama ay qabiilku u soo xukun doonaan jireen.

Islaamnimadiisii ​​iyo hijradiisi

Soo islaamida Cumar waxaa ka horreeyay ficillo qalbigiisa galiyay diinta Alle, waxaa ka mid ah wixii laga soo weriyey inuu yiri: “Waxaan u baxay inaan la kulmo Rasuulka (scw) intaanan islaamin ka hor, oo waxaan arkey isagoo iga hor maray masjidka, markaasaan istaagay gadaashiisa, wuxuuna bilaabay inuu akhriyo suuradda Al-Xaqaah, waxaana la yaabay hal-abuurkii Qur’aanka, waxaan iri: kani waa gabyaa sida qureysh ay sheegtay, wuxuu akhriyey:

{إنّه لقول رسول كريم وما هو بقول شاعر قليلا ما تؤمنون}.

Waxaan iri: waa hadal faaliye, wuxuu akhriyey :-

{ولا بقول كاهن قليلا ما تذكّرون تنزيل من ربّ العالمين، ولو تقوّل علينا بعض الأقاويل لأخذنا منه باليمين}

Islaamka ayaa qalbigeyga meel weyn ka dagay.

Cumar ayaa naftiisa ka sheegay inuu ahaa khamri cab, oo uu lahaa saaxiibo, mar ayuu baxay oo doonayay inuu iyaga la fadhiisto oo khamri la cabo, laakiin ma uu helin, markaa buu aaday Kacbada si uu u dawaafo kacbada, wuxuuna arkay Nabiga (scw) oo taagan oo tukanaya. Cumar wuu fadhiistay isagoo dhageysanaya Qur’aanka, markaasay qalbigiisa taabatay, wuuna ka qiirooday, wuuna ooyay.

Islaamnimadiisiina waxaa laga weriyey Anas bin Maalik inuu yiri: “Cumar baa baxay oo seef sita, waxaa la kulmay nin reer Banu Zuhrah ah, wuxuuna ku yiri: “Cumarow xageed u socotaa?” wuxuu yiri: ‘Waxaan rabaa inaan dilo Muxammad, wuxuuna yiri: ‘sidee ayaad nabad ugu noolaan kartaa Banii Haashim iyo Banuu Zuhrah dhexdooda adigoo dilay Muxammad, Cumar wuxuu yiri ‘Waxaan arkaa inaad bidco noqotay oo diintiina ka tagtay’ ninkii ayaa yiri ‘Cumar miyaanan ku tusin wax yaab leh? Cumarow, seedigaa iyo walaashaa ayaa islaamay oo diintaadii ka tageen.

Cumar ayaa socday isagoo gunuunacaya ilaa uu u yimid, waxaana la joogay nin ka mid ahaa Muhaajiriinta oo la oran jiray Khabaab, markii uu Khabaab maqlay buuqa Cumar, ayuu gurigii ku dhuuntay.

Cumar baa u soo galay oo ku yidhi: waa maxay gunuuska aan idinka dhex maqlay? Waxay akhrinayeen suuratu Taha, Waxay yiraahdeen: Wax kale ma ahayn ee waa sheeko na dhex martay, Wuxuu yidhi: malaha diintiina ayaad ka tagteen. Wiilkii uu soddogga u ahaa ayaa ku yiri:- maxaad u malayn Cumarow, haddaysan xaqqa diintaada ku jirin?

Cumar intuu ku booday ayuu si xun u garaacay, walaashiis baa u timid oo ninkeedii ka riixday, gacantiisa ayuu adag ugu dharbaaxay, oo wejigeeda ayaa dhiig ka da’ay, markaasay si cadho leh u tidhi: Cumarow haddaanay xaqu diintaada ku jirin? Ma qireysaa inaan Alle mooyee ilaah kale jirin, Muxammadna uu yahay rasuulkii Alle.

Cumar markuu quustay ayuu yiri: ii dhiib kitaabkan aad wadato si aan u akhriyo, Cumar wuxuu akhrin jiray kutub, walaashii waxay tidhi: Adiga daahir ma tihid, mana taabto mid daahir ah mooyee, kac oo waysayso ama soo maydho, Cumar wuu kacay ka dib kitaabkii ayuu qaatay oo akhriyay (Ta ha) ilaa uu ka gaadhay aayaddii: {Ilaah baan ahay; Aniga mooyee ilaah kale ma jiro ee i caabud oo ooga salaadda xuskayga.

Khabbab markuu maqlay hadalkii Cumar ayuu ka soo baxay gurigii oo ku yidhi:- bishaareyso Cumarow, waxaan rajaynayaa in ducada Rasuulka (scw) habeenka Khamiista ay noqoto: “Ilaahayow ku xooji Islaamka Cumar bin Al Khaddaab ama Camr bin Hishaam”. Wuxuu yidhi: Rasuulkuna (scw) wuxuu ku suganyahay guriga al-Safa salkeeda.

Cumar wuu dhaqaaqay ilaa uu ka yimid gurigii, albaabkiisana waxaa joogay Xamza iyo Dhalxa iyo qaar ka mid ah saxaabadii Rasuulka (scw), Xamza markuu arkay inay dadku ka cabsanayaan Cumar ayuu yidhi: Haa, kani waa Cumar, dadduu Eebbe khayr u yeelo Cumar wuu muslimay oo wuxuu raacayaa nabiga (scw), haddii kale, markaas dilkiisa ayaa noo fududaan doona.

Rasuulku (scw) wuu soo baxay markuu Cumar u yimid, wuxuu qabtay darafkii maradiisa iyo suunka seeftiisa, wuxuuna yiri: “Cumarow ma joogsan doontid ilaa uu Eebbe kugu soo dejiyo dulliga iyo ciqaabtii uu ku soo dejiyey Al-Walid bin Al-Mughiira, Ilaahow kani waa Cumar bin Al-Khadhaab, Ilaahayow diinta ku adkee Cumar bin Al-Khadhaab”, Cumar wuxuu yiri:- waxaan qirayaa inaad tahay Rasuulkii Ilaahay. wuu islaamay oo yidhi: – bax Rasuulkii Ilaahayow.

Markaas buu Cumar Qureysh hortooda kaga dhawaaqay inuu islaamay, markaasay weerar ku qaadeen oo uu isagana iska difaacay ilaa uu Cumar ka daalay,markaasuu ka tegey oo ku yidhi, Wax kastoo aad doontaan yeela.

Cumar waxa uu islaamay sannadkii shanaad ama lixaad ama toddobaad ee risaalada, ka dib hijradii labaad ee Xabashida, waxa uu qaatay diinta Islaamka ka dib markii 40 nin ay horay u soo islaameen, islaamnimadiisa ayuu Eebbe ku xoojiyay muslimiinta, maxaa yeelay, islaamnimadiisa kaddib, muslimiintu waxay awoodeen inay tagaan Baydka xurmada leh, oo ay ku dhawaafaan, oo ay ku tukadaan.

Markii Nabigu (scw) u fasaxay muslimiinta inay hijroodaan, Cumar wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee hijrooday, sheekada caanka ah waxay tahay inuu si la wada ogyahay u hijrooday, si ka duwan Muslimiintii waagaas oo si qarsoodi ah u baxay.

Markuu damcay inuu hijroodo ayuu seeftiisa gashaday, wuxuuna aaday dhanka Kacbada, wuuna soo dhawaafay, wuuna tukaday, dabadeedna intuu codkiisii ​​sare ku qayliyey ayuu yidhi, “Qofkii doonaya in hooyadii gablanto, ubadkiisuna agoon noqdo, naagtiisuna ay carmal noqoto, ha igula kulmo dooxadan gadaasheeda.

Quraysh cidina ma raacin, qisooyin kale ayaa sheegaya in uu si qarsoodi ah u hijrooday, sida Muslimiinta inteeda kale.

Doorkiisii Islaamka

Cumar wuxuu Rasuulka (scw) agtiisa uu ku lahaa maqaam sare, isagoo ahaa la taliyihiisa, wuxuuna ka mid ahaa kuwii uu aaminay, wuxuu ka dhigay mid ka mid ah kuwa sakada qaada, wuxuuna u wakiishay lacagta muslimiinta, wuxuu ka mid ahaa culimadii waxyiga, wuxuuna ka qayb qaatay dhismihii masjidka Quba.

Wuxuu ka qayb galay duullaankii iyo dagaalladii, wuxuuna goob joog ka ahaa dagaalkii Badar, Nabigu (scw) wuxuu Abuu Bakar iyo Cumar kala tashaday waxa laga yeelayo mushrikiinta, Ra’yiga Abuu Bakar wuxuu ahaa in madax furasho laga qaato, Ra’yiga Cumarna wuxuu ahaa in la dilo, Nabiga (NNKH) wuxuu jeclaaday ra’yigii Abuu Bakar, maalintii dambena waxaa soo degtay aayad Qur’aan ah oo taageeraysa mowqifka Cumar bin Al-Khadhaab.

Dagaalkii Uxud, Cumar wuxuu ka mid ahaa dadkii ku adkaystay hareeraha Nabiga (scw), dagaalkii Khandaq (Axzaab) wuxuu la dagaalamayey mushrikiinta ilaa uu ay ka tagtay salaadii casar, markaas buu gaalada iyo mushrikiinta lacnaday oo uu la tukaday nabiga (scw) salaad uu seegay.

Dagaalkii banii Musdhaliq wuxuu go’aan ka qaatay munaafiqiintii, wuxuu Nabiga ka codsaday inuu u ogolaado inuu madaxa ka gooyo Cabdullaahi Binu Ubay bin Saluul fitnada uu muslimiinta ka dhex abuuray darted, rasuulkuna uma oggolaan inuu sidaas sameeyo si aan loo oran Muxammad wuxuu dilayaa asxaabtiisa.

Wuxuu ka qayb galay dagaalkii Khaybar, ka dib Rasuulkuna (scw) wuxuu u diray isaga iyo soddon nin qabiilka Hawazin. Intuusan soo gaadhin bay carareenm oo markuu yimid, qofna ma uusan la kulmin.

Cumar wuxuu ka qayb galay dagaalkii dat al-Salasil oo uu madax u ahaa Camr bin al-Caas, iyo duullaankii Al-khadhb ee uu madax u ahaa Abuu Cubeyda ibnu Al-Jarraax, wuxuu ahaa amiirkii ilaalada nebiga (scw) maalintii Maka la qabsaday, Nabigu maalintii la qabsaday wuxuu amray inuu galo Kacbada oo uu tirtiro sawir kasta oo ku yaal.

Waxa kale oo uu ka qayb galay dagaalkii Xunayn, waxaanu ka mid ahaa kuwii fara ku tiriska ahaa ee ku hadhay Nebiga (scw)agtiisa bilowgii dagaalka markii la khiyaameeyey.

Wuxuu kaloo goob joog ka ahaa dagaalkii Tabuuk, isagoo ku deeqay lacag aad u badan oo lagu qalabeeyay ciidanka, nabigu (scw) wuxuu u magacaabay inuu la socdo ciidankii Usama bin Zayd.

Muxammad bin Sacad bin Abii Waqaas waxaa laga wariyey aabbihii in Rasuulku (scw) uu yidhi: “Ina Al-Khadhaab, kan ay naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye, kuma kulmeysaan Shaydaanku waddo ilaa wuxuu mari wado aan taadii aheyn”.

Caa’isha waxa laga wariyey in Nabigu (scw) uu yidhi: “Shaydaanku waa ka cararaa Cumar”.

Anas wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Ummadayda waxaa ugu naxariis badan Abuu Bakar, Diinta Ilaahayna waxaa ugu adag Cumar”.

Doorkii uu ku lahaa khilaafadii Abuu Bakar

Markii muslimiintu Abuu Bakar la baayactameen Isagu wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee la ballamay, ka dibna asxaabtii muhaajiriinta ahayd way raaceen, dabadeedna Ansaartii. tani waxay xusuusinaysaa fadliga, maqaamka iyo xaqa uu Abuu Bakar ku lahaa khaliifadii iyo cabsidii uu ka qabay inuu khilaaf ka dhex abuuro muslimiinta.

Cumar waxa uu Abuu Bakar kula taliyey in uu ururiyo Qur’aanka Kariimka kadib dagaalkii Yamamah, oo ay ku shahiideen 600 ilaa 700 oo Muslimiin ah, oo ay ku jireen xaafid aad u badan, Abuu Bakar wuxuu amray Zaid bin Thaabit inuu Qur’aanka soo ururiyo,], waxaana Abuu Bakar xilligii la ururiyay kitaabka Qur’aanka  ilaa uu Eebbe ka oofsaday.

Khilaafadiisii

Abuu Bakar Al-siddiiq wuxuu u magacaabay Cumar bin Al-Khadhaab inuu noqdo khaliifka muslimiinta geeridii ka hor, kaddib markii uu la tashaday madaxdii sare ee Muhaajiriinta iyo Ansaarta. Cuthmaan bin Caffaan ayaa dardaaran dhaxal gal ah ku qoray awaamiirtii Abuu Bakar, Cumar bin Al-Khadhaab ayaana hogaanka muslimiinta la wareegay talaado 22-Jumaadal Al-Akhir sanadkii 13-aad ee Hijriyada (1/6/13).

Cumar waxa uu ahaa mid ka werwersan dadka uu maamulo, waxa uu ilaalin jiray xaaladahooda, dadku waxay ku ammaaneen caddaaladdiisa, hoggaamintiisa wanaagsan, iyo sida uu u guday xuquuqdii ay lahaayeen dadka uu madaxda uu u ahaa.

Wuxuu aad u jeclaa inuu dhageysto cabashooyinka dadka, xaliyo arrimahooda, quudiyo masaakiinta, oo uu ka caawiyo inay daboolaan baahidooda, dadka wanaagga leh wuu karaameeyay.

Intii uu xukunka hayay qur’aanka kariimka ah waxa lagu qoray hal musxaf, koox saxaabada ka mid ahna waa ay kormeerayeen arrintaas, sida uu wariyay Saciid bin Al Caas. Zayd bin Thaabit waxa uu ku qoray gacantiisa, waxa uu aad u jeclaa in qofkii qur’aanka bara uu ahaado mid ku xeel dheer, akhrintiisa iyo kala dhig dhigiisa.

Cumar bin al-Khadhaab ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee dhidibada u taagay taariikhda Hijriyada.

Furashooyinkiisii

Muslimiintu waxay qabsadeen Dimishiq xilligii Cumar bin Al-Khadhaab. ciidankaas waxaa hoggaaminayay Khaalid bin Al Waliid ka hor intii aan xilka laga qaadin, hogaamiyihii Ruum wuxuu ahaa Bahan.

Dagaal adag ka dib, ciidankii Ruum waxay u gurteen Dimishiq oo albaabbadii ayey xireen, qaar ka mid ah saxaabada ayaa si dhuumasho ah ku soo galay oo ka furay albaabka ciidanka, muslimiintii waxay galeen Dimishiq oo ay heshiis nabadeed kala saxeexdeen iyaga iyo Ruum.

Intii uu xukunka hayay, Qudus ayaa la xoreeyey ka dib go’doomin socday afar bilood, waxaa halkaas isugu yimid ciidamadii uu hoggaaminayay Camr bin Al-Caas, Khaalid bin Al Waliid iyo Abuu Cubeyda bin Al-Jarraax, dadkiina waa isdhiibeen. Cumar baa u yimid oo ka qaatay furayaashii Roomaanka.

Cumar waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee dhidibada u taagay Diwaan Al-Jund (diiwaangalinta ciidanka) oo ay saxaabadu ku booriyeen si ay u dammaanad qaadaan xaqa askarta, u qaybiyaan wixii ay ka helaan dagaalka, dadkana si cadaalad ah wax u siiyaan.

Xaasaskiisii iyo caruurtiisii

  1. Ummu Kulthum bint Jarwal Al-Khuzaaciya, waxayna u dhashay Cubeyda Allaah iyo Zayd Al-Asghar.
  2. Qureybah bintu Abii Umayyah al-Makhzumiyah, labadaba Cumar Binu Khadhaab waxa uu guursaday wakhti Islaamka ka hor ah, waxana uu furay sannadkii Xudeybiyah iyaga oo mushrikiin ah, markaasay soo degtay aayadda ah “ولا تمسكوا بعصم الكوافر”.
  3. Saynab bintu Madcuun bin Xabiib bin Wahb bin Xudaafah bin Jumah oo la dhalatay Cuthmaan bin Madcuun, waxaa la sheegay in ay u raacday hijradii uu Madiina ku tagay, sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku geeriyootay Maka hijrada ka hor, waxay u dhashay seddax caruur ah oo kala ah: Cabdullaahi iyo Cabdiraxmaan iyo Xafsa oo ah Hooyadii Mu’miniinta.
  4. Jamiila bintu Thaabit bin Abii Al-Aqlah, waxay u dhashay Caasim, oo ahaa taliyihii sariyadii Al-Rajiic’, Cumar wuxuu guursaday sannadkii toddobaad ee hijriga, dabadeedna wuu furay, waxayna guursatay Zaid bin Xaaritha.
  5. Gabadha uu dhalay Xafs bin Al-Mughiira.
  6. Caatika bintu Zayd bin Camr bin Nufayl bin Cadi way islaamtay, wayna hijrootay, waxayna ahayd xaaskii Cabdullaahi bin Abii Bakar Al-Siddiiq, wuxuuna siiyay qayb ka mid ah lacagtiisa, isagoo shardi uga dhigay inaysan guursan isaga dabadiisa, markii uu dhintay ayaa Cumar Binu Al-Khaddaab oo markaas ahaa Khaliifkii Muslimiinta u soo cid diray oo ka codsaday in ay u celiso lacagtii ninkeedii hore reerkiisii si uu u guursado, sidii bay yeeshay, wuuna guursaday, waxayna u dhashay Cayyad iyo Saynab.
  7. Ummu Xakiim bint Al-Xaarith bin Hishaam Al-Makhzumiyah waxaa guursaday Khaalid bin Saciid bin Al Caas, markii uu ku shahiiday dagaalkii Marj Al-Safar, waxaa guursaday Cumar bin Al-Khadhaab, yacni sannadkii 13-aad ee Hijriyada ka dib, waxay u dhashay Faadumo.
  8. Ummu Kulthuum bint Cali bin Abii-dhaalib oo uu awow u ahaa Rasuulka SCW oo ay dhashay gabadhiisii ​​Faadumo, waxay dhalatay ka hor dhimashadii Nebiga (scw), Cumar wuxuu guursaday sannadkii 17aad ee Hijriyada, waxayna u dhashay laba carruur ah: Zayd Al-akbar iyo Ruqayyah.
  9. Faadumo bint Al-Walid bin Al-Mughira waxa guursaday Al-Xaarith bin Hishaam, hase yeeshee waxa uu ka dhintay Aafadii Camwaas sannadkii 18-aad ee Hijriyada, Cumar bin Al-Khadhaab ayaana guursaday.
  10. ” Lahiyyah Umm Walad”, waxayna u dhashay Cabdirahman Al-Awsadh, Cabdirahman Al-Asghar iyo Caaisha.
  11. Fakiha Saciida bint Raafic bin Cubayd bin Camr Al-Ansariyyah, waxayna u dhashay Cabdullaahi kii yaraa.

Waxa la yidhi Lahiyyah iyo Fakiha waxay ahaayeen dumar addoon ah, Cumar isku mar ma uusan qabin wax ka badan afar xaas.

Waxuuna dhalay dhowr carruur ah oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho, wiilashiisu waxay kala ahaayeen: Cabdullaahi, Cabdiraxmaan Al Akbar, Cabdiraxmaan Al Awsadh, Cabdiraxmaan Al Asqar, Zeyd Al Akbar, Zeyd Al Asqar, Cubeydullaah, Caasim iyo Cayaad, gabdhahiisuna waxay kala ahaayeen Xafsah, Faadimah Ruqayah, Aisha iyo Zeynaba.

Waxaa ka jira khilaaf sida hooyooyinka ay u kala dhaleen caruurta qaar, Wallaahu Aclam.

Geeridiisii

Cumar bin Al-Khadhaab oo Masjid al-Nabawi muslimiinta ku tujinayey salaaddii subax ayaa nin la oran jirey Abuu Lu’lu Almajuusi wuxuu ku dhuftay mindi sumaysan wuu miyir daboolmey waxay u qaadeen gurigiisii, halkaas oo uu muddo dheer suuxsanaa, sidoo kale Abuu Lu’lu waxa uu toorey ku dhaawacay 13 qof oo Muslimiin ah xilli uu isku dayay in uu baxsado, 7 ka mid ah waa ay shahiideen.

Kadib waa uu is dilay kadib markii la hareereeyay, Cumar mar wuu miyirbeelayay, marna wuu soo miyirsanayay, markuu soo miyirsaday wuxuu dadkii weydiiyey in salaaddii la tukaday? Markaasay usheegeen in la tukaday, markaasuu yiri:- Nasiib malahan qofkii ay ka taga, dabeetana wuxuu dalbaday weysa oo tukaday.

Ninkan Cumar dilay wuxuu adeega u ahaa Muqiirah bin Shucbah, wuxuuna ahaa farsama yaqaan tumaal iyo fuundi ah, markaasuu Muqiirah u qoray malin waliba 2 Dirham, dabeeta Cumar baa amray inuu u siyaadiyo maadaama uu yahay nin sanca yaqaan ah.

Cumar ayaa weydiistay dhakhtar si uu u arko dhaawaciisa, dhaqtarkii ayaa yimid oo Cumar siiyey xoogaa khamri ah oo uu cabbo, taas oo aakhirkii ka soo baxday nabarkii, markaas ayuu dhakhtar kale u yimid oo Cumar siiyey xoogaa caano ah oo uu cabbo, waxaana nabarkii ka soo baxay midab cad.

Cumar wuxuu khilaafada u magacaabay lix ka mid ah saxaabadii oo kala ahaa: Cuthman, Ali, Abd al-Rahman bin Cowf, Dhalxa, Zubayr,iyo Sacad, wuxuu kula taliyey inay Eebbe ka cabsadaan, wuxuuna ka codsaday inay la balantamaan ciddii uu  ballan ka qaado C/raxmaan bin Cowf, ciddii diiddana qoorta laga gooyn doono.

Cumar wuxuu amray wiilkiisa Cabdullaahi inuu ka bixiyo daymihii lagu lahaa, Caa’isha ayuu weydiistay in lagu aaso gurigeeda, dhinaca labadiisii saaxiib ee kala ahaa: Nabiga CSW, iyo Abuu Bakar Al-Siddiiq.

Wuxuu geeriyoodey dhowr maalin ka dib markii la dhaawacay, taariikhda geeridiisa waxaa laga soo sheegay dhowr qiso, dhamaantood waxay isku waafaqeen inuu geeridii Cumar RC ay ku beegneyd dhamaadkii Dul-Xijjah iyo bilowgii Muxaram sanadkii 23 Hijriyada, waxay inta badan xusaan inuu dhintey maalin Arbaco ah oo ay ku beegan tahay lix iyo labaatanka bisha Dul-Xijjah, sannadkii saddex iyo labaatanaad ee hijriga (Arbaco, 26/12/23).

Wiilkiisii ​​Cabdullaahi ayaa maydhay oo karfanay, saxaabadii sharafta lahaydna waxay ku tukadeen salaaddii janaasada, waxaana lagu aasay qolkii Caa’isha labadiisii saaxiib dhinacood, Khaliifnimadiisii waxay jirtay 10 sano, 5 bilood iyo 21 habeen. Allaah haka raalli noqdee.

Xaqiiqooyin

  1. Wuxuu ahaa khaliifkii labaad ee Islaamka.
  2. Walaashii ayaa ka hor islaamtay
  3. Wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee loogu yeero amiirul-mu’miniin
  4. Wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee u yeelay hal imaam salaada taraawiixda, ka dib markii qof waliba gooni u istaagi jiray oo uu tukan jiray intuu awoodo, ama koox waliba kaligeed tukan jirtay. Wuxu ku kulmiyey Ubay bin Kacab (Alle haka raalli noqdee), isaga oo ka dhigay hal jamac.
  5. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee  diwaangeliya taariikhda Hijriyada isaga oo qeexaya waqtiga isagoo ku tilmaamay sanadkii uu Nebigu (NNKH) ka haajiray Maka una hijrooday Madiina, wuxuuna bisha Muxaram ka dhigay kii ugu horreeyay ee sanadka Hijriyada.
  6. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee hindisay fikradda ah in la qabto shirar guud oo looga hadlayo arrimaha dowladda, isagoo muslimiinta iyo dadka fursad u siinaya inay ka qayb qaataan go’aan qaadashada iyo siyaasadda dowladda
  7. Wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee dhidibada u taagay Diwaan Al-Jund (diiwaangalinta ciidanka).
  8. Wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee sameeyay khasnadda guud ama sida loogu yeero Baytu-ul-Maal
  9. Wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay aduunka ee aasaasay nidaamka garsoorka.
  10. Wuxuu u oggolaaday Mu’aziniinta, Macallimiinta, iyo Imaamyada in ay lacag ka qaataan waxbarashada goobaha machadyadooda.
  11. 3-dii Hijriyada ayaa Cumar gabadhiisa Xafsa waxaa guursaday Rasuulka ﷺ.
  12. Wuxuu ka mida ahaa 10kii saxaabi ee iyagoo nool janada loogu bushaareeyay.

References

https://www.aljazeera.net


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

sponsored: monetag.com

2 Comments

Leave a Reply