Cali Mahdi Maxamed wuxuu ahaa madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya wuxuu madaxweyne ahaa 1991 markii ay dowladda burburtey ilaa 2000, wuxuu ka mid ahaa manaxayaashii dalka burburiyey isagoo ahaa ganacsade maalgaliya jabhadaha.
Cali Mahdi wuxuu ku dhashay tuulada Cadow Uul oo ka tirsan Cadalle ee gobolka Shabeelada Dhexe sanadkii 1938, Cali Mahdi waxbarashadiisa wuxuu ku qaatey magaalada Mogadishu caasimadda dalka, sanadkii 1959 wuxuu waxbarasho u aadey Qaahira caasimadda dalka Masar.
Cali Mahdi wuxuu noqdey xubin ka mid ah baarlamaankii 1969 waxaana laga soo doortey magaalada Jowhar, wuxuuna noqdey qofkii ugu daโda yaraa ee ka mid noqda baarlamaanka Soomaaliya xilligaa, markii ay dhacdey dowladdii rayid oo wadanka afgambiga ka dhacay wuxuu dib ugu laabtey shaqadiisa wasaaradda caafimaadka.
Wuxuuna ka gaarey ilaa heer agaasime wuxuu ka soo shaqeeyey wasaaradda caafimaadkii qeybtii la tacaalidda xanuunka Malaariyada, sanadkii 1977 ayuu ka tagey shaqadii dowladda ee wasaaradda caafimaadka wuxuuna u wareegey dhanka ganacsiga wuxuuna ka mid noqdey Soomaalida kuwooda ugu dhaqaalaha badan.
Cali Mahdi wuxuu ku firfircoonaa siyaasadda iyo ganacsiga labaduba, Cali Mahdi wuxuu ka mid ahaa dadkii aasaasay kooxdii Maanafeesto oo ahaa ururka mucaarad ku ahaa dowladdii militariga, waxayna qoreen waraaqad lagu codsanayey in uu xilka ka degoย Jaalle Siyaadย balse waa ay ku guul dareysteen in Jaalle Siyaadย ay ka dhaadhiciyaan in uu xilka baneeyo.
Cali Mahdi wuxuu kaloo ka mid ahaa ururkii USC (United Somali Congress) oo uu hogaaminayey manaxe General Caydiid, ururkaasi wuxuu dagaal kula jiray dowladdii uu hogaaminayeyย Jaalle Siyaadย .
Ka dib markii ay burburtey dowladdii kacaanka 1991 Cali Mahdi wuxuu noqdey madaxweynihii 4-Aaad ee Soomaaliya shir ka dhacay dalka Djibouti, balse waxay iskhilaafeen saaxiibkiis General Caydiid oo hogaaminayey garabkii militariga ururkii USC halka Cali Mahdi uu ahaa siyaasiyiinta iyo maalgaliyayaasha ururka USC.
Ganaraal Caydiid ayaa qaadacay madaxweynenimada Cali Mahdi, waxaana ka dhex qarxay dagaal dhiig badan uu ku daatey, waxaana dalka ka qarxay dagaalo sokeeye oo dad masaakiin ah ay ku laayeen.
Cali Mahdi waxaa lagu xasuustaa in uu qeyb lixaad leh ku lahaa dagaaladii la magac baxay afar bilood dagaaladaas oo xasuus naxdin badan leh ku reebey dad badan oo Soomaali ah, Cali Mahdi wuuxuu ka loo kaalin mug leh ku lahaa guud ahaan dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka gaar ahaan kuwii ka dhacay magaalada Mogadishu.
Ugu dambeyn waxaa uu wareejiyey talada dalka sanadkii 2000, shir ka dhacay magaalada Carta dalka Djibouti isagoo ku wareejiyey Cabdiqaasim Salaad.
Cali Mahdi wuxuu ka mid ahaa ergadii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka furmey October 15, 2002 magaalada Eldoret ee ku taal duleedka magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi shirkaan waxaa kasooo qeyb galey qabqablayaashii dagaalka siiba kuwii xabashida (Itoobiya) gacan saarka la lahaa ee ku bahoobeyn ururkii SRRC, balse markii uu muddo socdey ayaa Cali Mahdi is kaga baxay shirka wuxuuna kasoo tagey Kenya.
Mar uu faahfaahin ka bixinayey sababta uu shirka uga baxay ayaa waxaa uu ku andacoodey in shirka Soomaalidu u madaxbanaaneyn isagoo faragalin ku eedeeyey ururka IGAD gaar ahaan dowladda Xabashida taas oo ku dhalisay in uu shirka iskaga baxo.
Sanadkii 2007 wuxuu bilaabey shir nabadeed oo beelaha Soomaaliyeed la iskugu keenayo, sanadihii ugu dambeeyey wuxuu maalgalin ku sameynayey magaalada Mogadishu caasimadda dalka, wuxuu ka mid ahaa dadkii u ololeynayey in gobolka Banaadir maqaam uu helo.
Wuxuu kaloo ka mid ahaa dadka dhaliili jirey waxqabadkii dowladdii Farmaajo:-
Cali Mahdi mar uu la hadlayey mid ka mid ah taleefashinada Soomaalida ayaa waxa uu ka hadley wixii dhexmarey isaga iyo General Caydiid iyo mar uu dowladda lacag ka xaday wuxuu yiri muuqaalkaan hoose ka daawo: –
Cali Mahdi ayaa ku geeriyoodey magaalada Nairobi dalka Kenya March 10, 2021, qaar ka mid ah eheladiisa oo u waramey idaacadda VOA-da ayaa sheegay in uu u geeriyoodey xanuunka Covid-19 oo xilligaa dhibaato badan ku hayey caalamka.
Geerida Cali Mahdi waxaa ka tacsiyeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo:-
Siyaasiyiin iyo madax badan ayaa ka tacsiyeysay geerida Cali Mahdi Maxamed, maalin Jimco ah March 12, 2021 ayaa meydkiisa la keenay magaalada Mogadishu, garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaana janaasada lagu la tukaday waxaana janaasadiisa ka qeybgaley madaxweyne Farmaajo, gudoomiye Maxamed Mursal, gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, ย ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed , gudoomiyihii gobolka Banaadir Cumar Finish, siyaasiyiin badan iyo ehelkiisa.
Cali Mahdi ayaa lagu aasay degmada Yaaqshiiq xaafada Towfiiq gaar ahaan masaajidka loo yaqaan Cali Mahdi.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.

