Taariikhda Cali bin Abii Daalib
Ali ibn Abi Talib - Who Muhammad Is

Taariikhda Cali bin Abii Daalib

Cali bin Abii dhaalib waxaa uu ahaa ina adeerkii Nabi Muxamed ﷺ, wuxuuna ahaa mid ka mid ah tobankii Jannada loogu bishaareeyey iyagoo nool, waana khaliifkii afraad ee khulafadii toosnayd, wuxuu ku dhashay deegaan ay ka buuxaan xikmad iyo cibaado, wuxuuna soo qabtay mansab weyn oo uu ka mid ahaa mu’miniintii ugu horreysay ee Islaamka iyo mujaahidiinta Alle dartiis, ma ahayn hoggaamiye geesi ah oo keliya, balse sidoo kale waxa uu ahaa caalim xikmad badan oo odhaahdiisii ​​iyo wanaaggiisu ay dad badan kiciyeen.

Abtirkiisa

Waa Cali bin Abii Dhaalib bin Cabdil-Mudhalib bin Haashim bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab ibnu Murrah bin Kacab bin Lu’ayy bin Ghalib bin Fihr bin Maalik bin Al Nadr, nasabkiisu waxa uu dib ugu laabanayaa Nebi Ismaaciil ibnu Ibraahim, waxaa dhalay adeerkii Nebi Muxamed NNKH ee Abii Dhaalib.

Waa wiilka ugu yar aabbihiis Abuu Daalib ibnu Cabdil-Mudhalib oo ka mid ahaa madaxdii qureysh, una qaabilsanaa biyaha, nasabkiisu wuxuu dib ugu noqonayaa Nebi Ismaaciil, ina Ibraahim, aabihii Abii Dhaalib wuxuu geeriyoodey sanadkii 619 isagoo aan islaamin, Abii Dhaalib wuxuu kafaalo qaaday Nebiga (scw) markuu waalidkii iyo awoowgiis dhinteen isagoo yar, wuxuuna ku koray oo ku koray gurigiisa.

banner

Hooyadii waxaa la oran jirey Faadumo bintu Asad bin Haashim bin Cabdi Manaaf, waxaa la sheegay in ay ahayd gabadhii ugu horeysay ee reer Haashim u dhalatey, way soo islaamtay oo waxay u haajirtay Madiina, waxay geeriyootay intii uu noolaa Rasuulka (scw) wuuuna ku tukaday, wuuna ammaanay Alle ha ka raali noqdee.

Walaalihiis waxaa ka mid ah: Dhaalib, Caqiil, iyo Jacfar, Hind, oo loo yaqaan Umm Hani, Jumana, Ridha oo loo yaqaan Umm Dhaalib, iyo Asma.

Cali bin Abii dhaalib waxaa loogu yeeri jirey dhowr naanays oo ka tarjumaysa fadligiisa iyo maqaamkiisa, waxaana ka mid ahaa: Abu al-Hasan: Isagoo loo nisbeeyey wiilkiisa Hasan, Abuu Turab: Waa magac uu Nebigu ﷺ u siiyey kalgacal, Asadul Allah: geesinimadiisa dagaalka, Al-Murtada: Raali ahaanshiyaha Eebbe iyo Rasuulkiisa isaga ka raali yihiin.

Dhalashadiisii iyo barbaarintiisii

Cali waxa uu ku dhashay Maka abbaaraha 600 miilaadiyada (23 hijriyada ka hor), Al-Xakiim Al-Naysaburi Al-Mustadrak wuxuu leeyahay: “Waxaa la soo wariyay in Faaduma bintu Asad ay ku dhashay amiirkii Mu’miniinta Cali bin Abii Daalib, waxana koriyey Nebi Muxamed geeridii aabbihii ka dib, Cali bin Abii Dhaalib waa mid ka mid ah saxaabadii ugu caansanaa ee Nebi Muxamed waana wiilkii ugu horeeyay ee soo islaamay, waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu dhawaa Nebi Muxamed, kuna caan baxay geesinnimo, aqoon iyo cadaalad, waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan taariikhda Islaamka iyo kan afraad ee khulafadii toosnayd.

Markii Cali (Alle haka raalli noqdee) da’diisu u dhexaysay shan ilaa lix jir, Maka waxa soo martay sannado adag oo xaaladda dhaqaale saameeyay, Abuu Daalib markaa waxaa u joogay caruur bada, wuxuu u tagay Nebi Muxammad (scw) iyo adeerkiis Cabbaas ibnu Cabdul-Mudalib, wuxuuna u soo bandhigay in mid walba uu kaxeysto wiilashiisa mid ka mid ah si uu u koriyo oo uu u xanaaneeyo, si culeyska looga qaado, Cabbaas wuxuu kaxaystay Jacfar, nabigana (scw) wuxuu kaxaystay Cali (Alle haka raalli noqdee), Cali waxa uu ku koray gurigii Nabiga ﷺ oo uu la joogi jiray meel kasta oo uu tago.

Wuxuu u raaci jiray godka Ghaaru Xiraa’ si uu ugu cibaadeysto oo uu u soo tukado, waxa kale oo la sheegay in Islaamka ka hor uu ahaa qof toosan aan weligii u sujuudin sanam intuu noolaa oo dhan, taasi waa sababta ay muslimiintu u yiraahdeen “Ilaahay wejigiisa ha karaameeyo” ka dib markay xusaan magaciisa, waxa kale oo la sheegay in taasi ay ugu wacan tahay in aanu waligii qof cowradiisa eegin.

Xaasaskiisii iyo caruurtiisii

Cali waxa uu guursaday Faadumo Al-Zahra (Ilaahay ha ka raalli noqdee) oo ahayd gabadhii Rasuulka (scw) bishii Safar sannadkii labaad ee hijriga, guurkaani wuxuu ahaa tusaale ku dayasho mudan xiriirka guurka ee Islaamka, Cali iyo Faadumo waxa ka dhexeeyay jacayl iyo qaddarin naag Kalena ma guursan intii ay nooleyd, guurkaasna waxa ka dhashay carruur barakaysan oo ay ka mid yihiin Xasan iyo Xuseen Alle ha ka raalli noqdee, kuwaas oo u taagan fidinta nasabka sharafta leh ee Nebi Muxamed NNKH, waxay kaloo u dhashay muxsin, Saynab iyo Ummu Kulthuum, Ilaahay haka raalli noqdee.

Faadumo RC waxay geeriyootey sanadkii 11 ee hijriyada.

Wuxuu kaloo guursaday xaasas kale waxayna u kala dhaleen sida tan

  • Ummu al-Banin bint Xizam al-Kalabiyah: waxay u dhashay Al Cabbaas, Jacfar, Cabdullaahi iyo Cuthmaan bin Cali bin Abii Dhaalib.
  • Layla bintu Mascuud al-Tamimiyah: waxay u dhashay Cubeyda Allaah bin Cali bin Abii Dhaalib iyo Abuu Bakar bin Cali bin Abii Dhaalib.
  • Ummu Xabiiba bintu Zamca al-Taghlibiya: waxay u dhashay Cumar iyo Ruqayyah bintu Cali
  • Ummu Saciid bint Curwa al-Thaqafiyah: waxay u dhashay Ummu al-Xasan iyo Ramla Al-Kubra
  • Asma bintu Cumays al-Khathcamiyyah: waxay u dhashay Yaxye, Muxammad Al-Asghar iyo Cown bin Cali bin Abii Dhaalib.
  • Umaamah bintu Abii Al-Caas waa gabadhii Zeynaba Bint Rasuulillaah: waxay u dhashay Muxammad Al-Awsat bin Cali bin Abii Dhaalib.
  • Kawlah bint Jacfar al-Xanafiyah: waxay u dhashay Maxamed Al-Akbar oo loo yaqaanay Ibnul Xanafiyah.

Caruurtiisa way ka badanyihiin inta aan soo xustey maadaama uu khilaaf ka jiro, Wallaahu Aclam.

Islaamnimadiisii

Cali bin Abii dhaalib Allaha ka raalli noqdee wuxuu soo islaamay isagoo da’yar, ka dib markii Nebi Muxamed (NNKH) uu u soo bandhigay diinta Islaamka qaraabadiisii ​​reer banuu Haashim, sida ku cad Qur’aanka kariimka ah, wararka qaar ayaa sheegaya in Muxamed (NNKH) uu reerkiisii ​​iyo qaraabadiisii ​​isugu wcay casho, isla markaana u bandhigay diinta Islaamka.

Anas bin Maalik ayaa laga wariyey: “Nabiga (scw) waxa la soo diray maalin Isniin ah, Calina waxa uu islaamay maalin Talaado ah”. Wallaahu Aclam.

Culimada qaar oo uu ka mid yahay Ibnu Isxaaq waxay aaminsan yihiin inuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee soo islaamay, halka qaar kale, sida Al-Dhabari, ay aaminsan yihiin in Abuu Bakar uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee soo islaamay, iyagoo ka duulaya xisaabaadka sheegaya in Cali uusan weli qaan gaarin markii uu soo islaamay.

Qisooyinku waxay tilmaamayaan in da’diisu ay u dhaxaysay sagaal ilaa siddeed iyo toban sano, riwaayad uu Al-Dahabi soo xigtay, wuxuu ku yiri: “Labadii nin ee ugu horreeyay ee islaamay waxay ahaayeen Abuu Bakar iyo Cali, Abuu Bakar wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee muujiyey islaamnimadiisa, Calina wuxuu qariyay islaamnimadiisa isagoo ka cabsanaya aabihiis.

Sidoo kale Cali bin Abii Dhaalib (Alle haka raalli noqdee) wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee la tukada Nebi Muxamed (NNKH) iyo xaaskiisa hooyadii Mu’miniinta ee Khadiija bintu Khuweylid (Alle ha ka raalli noqdee), ka dib markii ay soo islaamtay.

wuxuu ka mid ahaa safiiradi Nabigai, isla markaana xambaarsanaa fariimo iyo in qabaa’ilka uu ku casuumo Islaamka, Nebi Muxamed (NNKH) waxa uu kala tashaday arrimo badan oo ay ka mid tahay dhacdadii loo yaqaanay dhacdadii Ifk, wuxuu goob joog ka ahaa baycadii Ridwaan, warqaddii heshiiskii Xudeybiyah ayuu Nebi Muxamed (NNKH) amray inuu qoro Cali, uuna ka markhaati ka ahaado.

Waxa kale oo uu ka qayb qaatay xallinta khilaafaadka iyo colaadaha u dhexeeya qabaa’ilka qaarkood, Eebbe haka raalli noqdee wuxuu goob joog ka ahaa dhammaan dagaalladii uu galay Nebi Muxamed (NNKH) marka laga reebo dagaalkii Tabuuk xilligaasoo uu uga tagay inuu noqdo mas’uulkii Madiina iyo ehelkiisa, Nebigu (scw) wuxuu ku yidhi:- Adigu waxaad ii tahay sidii Haaruun Nabi Muuse u ahaa oo kale, in aanu jirin Nabi iga dambeeya mooyaane, calanka muslimiinta ayuu u dhiibay dagaallo badan.

Cali binu Abii Dhaalib (Alle haka raali noqdee) waxa uu caan ku ahaa firfircoonida iyo awooda dagaalka, dagaalkii Badar, Cali (Alle haka raalli noqdee) wuxuu ku jebiyay oo uu dilay Al-Walid bin Cutbah, wuxuu kaloo uu dilay in ka badan labaatan mushrik.

Dagaalkii Uxud, waxaa uu ku dilay Dhalxa bin CabdilCuzza oo ahaa calanwadihii Qureysh, wuxuu qabtey calankii muslimiinta ka dib markii u shahiiday, wuxuu difaacay Nabiga oo uu ag istaagay ilaa uu dagaalku dhammaaday, waxaana lagu dhuftay lix iyo toban jug, Muscab bin Cumayr – Ilaahay haka raalli noqdee., waxa uu xoog ku galay qalcaddii Khaybar, isaga oo albaabka gaashaan ka dhiganaya, awoodiisa dhinaca dagaalka awgeed.

Dagaalkii Axzaab Cali – Eebbe haka raalli noqdee – wuxuu kula dagaallamay Camr bin Cabdi Wudd Al-Caamiri, wuxuuna ka mid ahaa fardooleydii ugu caansanaa, Calina waa u suuragashay inuu dilo.

Xajkii sagootinta (Xajatul Wadaac) ayuu nabiga scw la socday, waxa watey 100 neef oo geel ah, 63 ka mid ah gacantiisa ayuu ku gowracay, dabadeed Cali buu u dhiibay wuuna gowracay..

Cali (Alle haka raali noqdee) wuxuu haystay seef caan ah oo uu Nebi Muxamed (NNKH) siiyay dagaalkii Uxud, waxaa loo yiqiinay Du al-Fiqar.

Hijradiisa iyo naf hurkii uu sameeyey

Maalintii Nebi Muxammad (scw) uu go’aansaday inuu u hijroodo Yathrib (Madiina) ayay madaxdii Qureysh isugu tageen Daarul-Nadwa, waxayna ku heshiiyeen inay dilaan, waxay qabiil walba ka soo saareen nin dhallinyaro ah oo xoog badan, waxayna ku amreen inay albaabka gurigiisa ku sugaan si ay hal mar seefta ugu dhuftaan, si dhiiggiisa qabiilooyinka u qaybsadaan, malag Jibriil (cs) ayaa u yimid Nebi Muxamed (NNKH) oo uga digay dhagartii ay Qureysh ku dili lahayd.

Nebi Muxammad (scw) waxa uu ka codsaday Cali bin Abii Dhaalib (Alle ha ka raalli noqdee) in uu ku seexdo sariirtiisa beddelkiisa oo uu isku daboolo ama huwado maradiisa cagaarnayd, si ay dadku ugu maleeyaan in qofka hurda uu yahay Muxammad (NNKH), taasi waxay qarisay hijradii Nabiga (NNKH) waxayna fashilisay dhagartii Quraysh.

Cali bin Abii Dhaalib (Alle haka raalli noqdee) waxaa lagu tiriyaa inuu yahay naf huruhii ugu horreeyay Islaamka, mawqifkiisii ​​habeenkaas awgeed. Nabi Muxammad (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu amray inuu ammaanada u celiyo dadkii lahaa, wuuna yeelay, Quraysh waxay amaanadooda u dhiiban jireen Nebi Muxamed (NNKH) aaminnimadiisa iyo akhlaaqdiisa darteed.

Cali bin Abii Dhaalib (Alle ha ka raalli noqdee) saddex maalmood ayuu Makka ku sugnaa ilaa uu ka helay farriin ka timid Nebi Muxamed (NNKH) oo uu u soo dhiibay ​​Abuu Waaqid Al-Laythi (Alle ha ka raalli noqdee), isagoo faraya inuu u haajiro Madiina, Cali bin Abii Dhaalib wuxuu u hijrooday Madiina isagoo laba iyo labaatan jir ah, sida uu Ibnu Al-Athir ku sheegay kitaabka Usd al-Ghaba, Cali (Alle ha ka raalli noqdee) wuxuu baxay kaligii, isagoo habeenkii lugeynaya, maalintiina dhuumanaya.

Khilaafadiisii

Markii la aasay Cusmaan bin Caffaan dadkii waxay u soo aadeen Cali, iyagoo doonaya inay la baayactamaan oo xilka u dhiibaan Alle haka raalli noqdee, wuxuu damcay inuu arrinka ka dhuunto, markuu waayay meel kale ayuu arrintii u gudbiyay dadkii ka horeeyey ee Muhaajiriinta iyo Ansaar.

Waxayna ku booriyeen inuu sidaas yeelo, wuxuu shardi ugu dhigey in lagu qabto Masjidka Nabiga oo ay madaxda dadka Madiina goob joog ahaadaan, markaa buu masaajidka aaday, dadkiina way la heshiiyeen, taariikhdu waxay dhacday 18-kii Dul-Xijja sannadkii 35-aad ee Hijriyada.

Ibnu Cabbaas wuxuu doonayey in heshiiska lagu galo meel gaar ah isagoo ka baqay in jabhadihii Cuthmaan ka soo horjeeday ay dhibaato ka geystaan ​​, maadaama ay ku fidsanaayeen luuqyada Madiina oo aysan ka bixin.

Cali waxa uu qabtey khaliifada dilkii Allaha ka raali noqdee Cuthmaan bin Caffaan ka dib waxayna aheyd bilowgii  sannadkii 35 hijriga, xiligaasi oo ay dawladii islaamiga aheyd gaartey dhinaca bari buuralayda Iranilaa iyo Masar oo galbeed ka xigta, marka laga soo tago guud ahaan Jaziirada Carabta iyo meelo aan xasiloonayn oo duleedka ka ah, markii ugu horeysay ee uu khilaafada qabtey wuxuu ku dhawaaqay inuu hirgelin doono mabaadi’da Islaamka, isla markaana uu samayn doono cadaalad iyo sinnaan.

Wuxuu la kulmay diidmo kaga timid qaar ka mid ah Muslimiinta guddoomiyaasha gobollada oo uu fariin u diray si ay ballanka u qaataan, dadka diiday oo uu Ibnu Xazm rumaysnaa in ay tiro ahaan u dhigmaan kuwii ballanta qaaday, kuna qiyaasay 100,000 oo Muslimiin ah, waxa ay u arkeen in loo baahan yahay in loo degdego in laga aarguto gacan ku dhiiglayaashii Cuthmaan ka hor inta aan ballanka Cali la qaadin.

Kooxda rabtey in kuwii dilay khaliifka marka hore laga aarkuto  waxaa madax u ahaa Al-Zubayr bin Al-Cawam, Dalxa bin Cubeyda Allah iyo Caa’isha Hooyadii Mu’miniinta, Madiina ayey ka soo baxeen una socday Maka, halkaasna ay kula kulmeen dad kale, dabadeed waxay go’aansadeen inay Basra u baxaan si ay dadkooda uga helaan awood ay kula dagaalamaan Khawaarijtii Sabaa’iyiinta ee Cuthmaan dilay oo Madiina oo dhan ku fiday, iyagoo saamayn ku yeeshay go’aannadeeda siyaasadeed, wiiqay awoodii Cali, una soo dhex galay ciidankiisa.

Mucaawiya oo ahaa gudoomiyihii Shaam oo ay ilmo adeer ahaayeen khaliifkii la dilay ayaa diiday in ay Cali daacad u noqdaan ilaa arrintii Cuthmaan la xalliyo, labadii ciidan ee Cali iyo kuwii Dhalxa iyo Zubeyr oo u balansan in ay heshiis la gaaraan khilaafka ayaa gacan ku-dhiiglayaashii Cuthmaan waxay ku tashadeen inay dagaalka bilaabaan, markaasay weerar ku qaadeen xeradii Dhalxa iyo Al-Zubayr, Dhalxa iyo Zubayr waxay u maleeyeen in Cali soo weeraray oo heshiiskii jebiyey, markaasay iska difaaceen oo weerar ku qaadeen xeradii Cali.

Cali waxa uu mooday in ay isaga soo weerareen oo ay heshiiskii jabiyeen, dagaalka ayaa dhacay mana joogsan ilaa uu dhiig badan daataym Al-Tahawi waxa uu yidhi:- Dagaalkii Geela waxa uu dhacay iyada oo aanay dooran Cali, Talxa iyo Al-Zubayr.

Mucaawiya markii uu ka war helay dhaq dhaqaaqa Cali ee dhanka Shaam, wuu isdiyaariyay, Cali waxa uu ku adkaystay in uu mucawiye khilaafada adeeco, Mucaawiyana waxa uu ku adkaystay in uu u qisaaso gacan ku dhiiglayaashii Cuthmaan ka hor intii aanu Cali uusan ka amar qaadan.

Kadibna dagaal ayaa labada dhinac ku dhex maray meel la yiraahdo Saffin (oo u dhow magaalada Raqqa ee dalka Suuriya) waxaana dagaalku socday maalmo, Camr bin al-Caas waxa uu u soo jeediyay Mucaawiya in ay quraanka kariimka ah kor ugu qaadaan warmaha oo ay yidhaahdaan: kani ayaa inoo dhexeeya annaga iyo idinka, dadkii waa la baabi’iyay haddaba yaa ilaalin doona xuduudaha? yaa la dagaalami doona mushrikiinta iyo gaalada?

Markii ay labada qolo gartii aqbaleen, reer Ciraaq waxay doorteen Abuu Muusa Al-Ashcari, reer Shaam waxay wakiillo u doorteen Camr bin Al-Caas oo mid waliba xisbigiisa ka wakiil ah si ay u heshiiyaan labada dhinac, waxaa laga heshiin waayey labadii arin ee dagaalka dhaliyey, xaalku sidii uu ahaa dagaalkii ka hor ayuu sii ahaa, Ciraaq iyo Xijaas waxaa maamulayey Cali, Shaam iyo agagaarkeedana waxaa maamulayey Mucaawiya.

Ciidankii Cali waxaa ka goostey qolo sheeganaysay in Cali uu dayacay wixii loo igmaday uuna meel iska dhigay kitaabkii allei yo khilaafadii, waxay bilaabeen kicinka iyo fidneynta dadka, markii ay fitnada iyo kicinta dadka ka dhex abuureen buu u diray Cabdullaahi bin Cabbaas si uu ugala doodo kitaabka Eebbe, afar kun oo iyaga ka mid ah ayaa go’aankoodii beddelay, tiro intaa la’eg ayaana ku hadhay.

Cali wuxuu sii waday inuu ku qanciyo inay beddelaan aragtidooda ilaa uu ka daalay, waxay ku kiciyeen dad isaga ka dhan ah, sidaas darteed waxay isugu tageen Nahrawan (meel waqooyi ka xigta Baqdaad) oo ay awood iyo saameyn ku yeesheen, waxay dalka ku faafiyeen musuq maasuq, dhiigna way daadiyeen, jidadkiina gooyeen.

Cali wuxuu u jihaystay xaggooda isaga iyo ciidankiisii ​​bishii Shacbaan sannadkii 38aad ee Hijriyada, ma uusan billaabin dagaal ilaa ay ka billaabeen, wuu la dagaallamay qoladii Khawaariijta oo laayay, wax yar oo iyaga ka mid ahna waa ka baxsadeen.

Cali wuxuu ahaa khaliifkii ugu horreeyay ee ay muslimiintu ku midoobi waayeen, mudadii uu khaliifka ahaa waxa uu maamulkii ka raray magaala madaxda dawladii islaamka ee Madiina una guuray Kuufa, dawladnimadiisii ​​waxaa ragaadiyay kacdoono ka dhashay dilkii khaliifkii Cuthman bin Caffaan, wuxuu la dagaalamay Khawaarijta iyo Saabi’iinta.

Inkastoo Cali Binu Abii Dhaalib (Alle ha ka raalli noqdee) aanu wax duullaan ah qaadin intii uu xukunka hayey, haddana waxa la gaarey guulo badan oo dhinaca madaniga ah iyo dhaqanka, oo ay ka mid ahaayeen nidaaminta Booliska, samaynta xarumo gaar ah oo loogu adeego dadweynaha, sida Guriga Dacwadaha iyo Marbad Al-Dwal, iyo dhismihii Xabsiyada, Kuufa waa ay kobacday intii uu xukunka hayay, waxaana halkaas laga dhisay dugsiyo lagu barto cilmiga fiqiga iyo naxwaha.

Imaam Cali waxa uu la wareegay khilaafada xilli lagu jirey duruufo adag, iyadoo ummadda Islaamka ay ka soo muuqatay fidnooyin iyo colaado ay ugu caansan yihiin dagaalkii Jamal oo ay Dhalxa, Zubeyr iyo Aisha oo isku dhinac ah iskaga hor imaadeen iyo dagaalkii Siffin oo Mucaawiye ay iskaga horyimaadeen.

Inkastoo Imaam Cali uu dadaal u galay sidii uu dhiigga muslimiinta uga badbaadin lahaa, haddana khilaafaadka siyaasadeed wuxuu sababay kala qaybsanaan weyn oo gudaha ah.

Dilkii Cali bin Abii Dhaalib

Qaar ka mid ah Ehelada Khawaarijtii uu Cali laayey ayaa isku raacay in ay u aargudaan eheladooda., saddex nin oo uu ku jiro Cabdil Raxmaan bin Muljam ayaa ballan ku qaaday inay dilayaan Cali, Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas.

Cali (Allaha ka raalli noqdee) ayaa Muslimiinta ku tujiyay Salaaddii Subax ee Masjidka Kuufa, markii salaaddii la tukanayay ayuu Cabdil Raxmaan bin Muljam madaxa kaga dhuftay seef sumaysan, Cali (Alle ha ka raalli noqdee) ayaa markaas ku dhawaaqay eraygiisii ​​caanka ahaa: “Waan guuleystay, Eebbaha Kacbada ayaan ku dhaartaye”.

Riwaayadaha qaar ayaa sheegaya in Cali bin Abii Dhaalib (Alle ha ka raalli noqdee) uu ku sii socday masjidka markii uu dilayey Ibnu Muljam, Kaddib baa garbaha laga qabtey oo gurigiisii ​​la geeyey, wuxuuna ku yidhi, “Bal soo raadiya ninka i dilay, oo siiya cuntadayda iyo cabbitaankayga, naf naf ayaa loo dilaa, haddaan dhinto dila siduu ii dilay, haddaan noolahayna waxaan ku qaadi doonaa xukunkayga.” Waxa kale oo uu reebay in Ibnu Muljam la xiro oo la jirdilo.

Dhakhaatiir ayaa loo keenay, balse way u suurtoobi wayday inay daweeyaan, Cali markuu ogaaday inuu dhimanayo ayuu qoray dardaarankiisii, sida lagu sheegay Maqaatil al-Talibiyyiin, suntu waxay ku sii dhex faaftey jidhkiisa ilaa uu Ilaahay ka oofsaday saddex maalmood ka dib, gaar ahaan habeenkii Ramadaan 21, 40 hijriyada, isagoo 64 jir ah, sida laga soo xigtay ilaha qaar.

Culimadu waxay isku khilaafeen halka lagu aasay Cali (Alle haka raalli noqdee)., ibnu Taymiya, Ibnu Sacad, iyo Ibnu Khallikaan (Alle ha u naxariistee) waxay sheegeen in lagu aasay magaalada Kuufa, gaar ahaan qasriga imaarada.

Cabdullaahi Al-Ajli ayaa sheegay in lagu aasay magaalada Kuufa meel aan la garanayn.

Xaafid Abuu Naciim ayaa sheegay in lagu aasay magaalada Kuufa, kadibna uu Madiina u soo wareejiyey wiilkiisii Xasan.

Ibraahim Al-Xarbi waxa uu sheegay in aan la garanayn halka uu ku aasan yahay qabriga Cali Alle ha ka raalli noqdee.

Xikmadihiisii yio hadaladiisii

Xikmadihii Cali RC halkaan kuma soo koobi karno balse qaar ka mid ah ayaan halkaan kusoo gudbinaynaa

  • Aqoontu waxay ka fiicantahay lacagta, waayo lacag waad ilaalisaa, aqoontuna way ku ilaalisaa. Aqoontu waa xukun, halka lacagta lagu xukumo, kuwa maalka keydsada way dhintaan iyagoo nool, laakiin culimadu waa joogaan inta wakhtigu jiro.
  • Waxaad leedahay saddex cadow: cadowgaaga, cadowgaaga saaxiibkii iyo saaxiibkaa cadowgiis.
  • Dunidu marka ay qof soo qaabisho, waxa ay siisaa wanaagga qof kale, marka ay ka sii jeedsatana waxa ay ka xayuubiyaa wanaaggiisa.
  • Qofkii xaqqa la dagaalama waa laga adkaan doonaa.
  • Ma jiro waddan kaaga mudan waddan kale, dalka ugu wanaagsan waa kan ku qaada.
  • Makhluuq adeecid khaaliq loogu caasinayo ma lahan.
  • Dunidu waa sida abeeso oo kale: u jilicsan in la taabto, laakiin sun ku leh afka. Jaahil iyo buunbuuniye way soo jiitaa, laakiin caaqilka iyo wax garadku waa ka feejigan yihiin!
  • Samirku waa laba nooc: Sabirka waxa aad neceb tahay, iyo samirka waxa aad jeceshahay.

Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

sponsored: monetag.com

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply