Kuwa isaga khilaafay waxay ahaayeen laba nooc:- Koox waxay ka koobnayd jaahiliin aan diinta Islaamka iyo tawxiidka waxba ka aqoon oo raaca been abuurka, Shirkiga, Bidcada (ikhtiraacida Islaamka), khuraafaadka iwm.
Ka dib Cadowga waxaa u suuro gashey in ay qabtaan sheekha sanadkii 1924, waxaana laga dalbadey in uu ciidankiisa ku amro in ay hubka dhigaan, laakiin wuu diidey, ka dib waxaa loo wareejiyey Magaalada Mogadishu waxaana lagu xirey Xabsiga weyn ee loo yaqaan (Gaal shire).
Ingiriiska ayaa ka daba direy Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ergo si uu isku soo dhiibo isagana la siiyo goob diimeed, balse Sayidka waa uu diidey, Oktobar sanadkii 1920kii Sayidka waxaa uu gaarey magaalada Iimeey.