Taariikhda Weriye Axmed Xasan Cawke

Taariikhda Weriye Axmed Xasan Cawke

Weriye Axmed Xassan Cawke wuxuu ahaa rugcadaa saxaafadeed oo intabada noloshiisa ku soo qaatay mihnada saxaafadda wuxuu ka soo shaqeeyey Raadiyo Muqdisho, BBC Somali, VOA, Horn cable iyo Universal Tv.

Axmed Xasan Cawke wuxuu Ku dhashay magaalada Wajaale oo ku taalla xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Ethiopia sanadkii 1943 ama 1942 kii, yaraantiisii ​​waxa uu ku soo barbaaray magaalada Tog Wajaale, balse markii uu qur’aanka kariimka ah ku dhammaystay waxa uu u wareegay magaalada Cadaadley, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii ​​dugsiga hoose iyo dhexe.

Iskuulka Camuud ee Boorama ayuu ka baxay dugsiga sare, sanadkii 1971-kii waxa uu noqdey macalin, wuxuuna macalin ahaa muddo hal sano ah, bishii July 1973 wuxuu ka shaqo bilaabeyt radio Mogadishu wuxuu caan ku ahaa tabinta wararka iyo barnaamijyada madadaalada ah, sannadkii 1983-kii Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed ayuu wariye ka noqdey.

wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo weriyaha gaar ah ee madaxweynaha ilaa burburkii soomaaliya sanadii 1991.

Burburkii ka dib sanadkii 1996-kii waxa uu ku biiray BBC Somali, wuxuu ka tagey 2008 ka dibna waxa uu u wareegay VOA Somali wuxuu la shaqeynayey muddo muddo sagaal bilood ah ka dibna wuxuu u wareegey Universal TV, waxaa kale oo uu la soo shaqeeyay Horn Cable TV, iyo TV-ga maamulka Somaliland.

Weriye cawke wuxuu ahaa nin inta badan lagu tiriyo wariyeyaasha ku fiican dhanka majaajilada wacyigalinta waayo wuxuu ahaa nin aad iyo aad af ka soomaaliga ugu hadla adeegsadana oraah inta badan la jeclaysto.

Wariyaha waxaa aad loogu xasuustaa dadaalkii dheeraa ee uu u galey dib uso celinta qaranimadii Soomaaliya asagoo adeegsanaya xirfaddiisii wariyenimo iyo jilista riwaayado nabadda ku saabsan.

Wariyaha wuxuu caan ku ahaa bashaashnimo iyo fidinta wararka midnimada iyo nabadda ku saabsan, wuxuu ahaa nin furfuran, dabeecad wanaagsan oo aad u sheeko badan dadkuna ay sheekadiisa jecelyihiin, waxaa lagu sifeeyey inuu ahaa qof aad u dulqaad badan oo aan cuqdad aqoonin dadkana aan iska weyneysiin.

banner

Yuusuf Garaad Cumar oo ay soo wada shaqeeyeen ayaa qoraal dheer ka qorey, waxaana ka mid ahaa qoraalkiisa“ Xaqiiqdu waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo, in uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad badani ay aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray.

Axmed waxaan isku baranay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan, waxaan berigaa jeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.

Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo, waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii, intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magceyga aqoon “.

Alle ha u naxariiste weriye Axmed Cawke wuxuu ku geeriyoodey magaalada Jigjiga caasimadda Soomaali Galbeed, wuxuu geeriyoday taarikhda markey ahayd November 17, sanadkii 2015. Waxaa lagu aasay magaalada Wajaale.

Masuuliyiintii ka tacsiyaysay waxaa ka mid ahaa Madaxwaynihii Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya xilligaa Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynihii hore ee Soomaalida Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaamiyihii maamulka Somaliland Axmad Siilaanyo.

Wuxuu ifka kaga tagay xaaskiisa sacdiya cabdullaahi salad iyo lix caruur ah.

References

https://www.voasomali.com/a/3068245.html


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply