Xuseen bin Cali bin Abii Dhaalib (Alle ha ka raalli noqdee) waxaa awoow u ahaa Rasuulka (scw) waa wiilka gabadhiisa Faadumo Al-Zahra), wuxuu dhashay sannadkii 4-aad ee Hijriyada, wuxuuna ku noolaa ilaalinta Nabiga, rasuulku (scw) aad buu u jeclaa, wuxuuna yiri: “Xuseen wuxuu ka yimid aniga, aniguna Xuseen baan ahay, Alle wuu jecel yahay qofka Xuseen jecel”.
“Xasan iyo Xuseen waa madaxda dhalinyarada Jannada.” Wuxuu u kacay inuu diinta ilaaliyo iyo in meesha laga saaro mabda’a wada tashiga iyo in xukunka laga dhigo mid dhaxaltooyo ah, wuxuu ummadda barey sida nafta loogu huro ilaalinta mabda’eeda.
Dhalashadiisii iyo Nasabkiisa
Xuseen bin Cali bin Abii Dhaalib bin Cabdul-Muddalib bin Haashim wuxuu ahaa wiilkii Faadumo Al-Zahra, gabadhii Rasuulku SCW, waxa uu dhashay seddaxdii Shacbaan sannadkii afraad ee hijriga, kuna beegan January 10, 626 miilaadiyada.
Waa wiilkii labaad ee ay dhaleen Imaam Cali iyo Faadumo kadib Xasan oo dhashay 15-kii Ramadaan sannadkii saddexaad ee hijriga, labada walaalaha ah waxaa u dhexeeya qiyaastii 11 bilood iyo 11 maalmood, dhalashadii Xuseen Imaam Cali wuxuu jiray qiyaastii 27 sano, Faadumo waxay jirtay qiyaastii 22 sano.
Dhalashadii Xuseen waxay timid qiyaastii saddex bilood ka dib markii uu dhintay wiil kale oo uu awoowe u ahaa Nabiga, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, wiil ay dhashay inantiisa Ummu Kulthuum oo ahaa Cabdullaahi bin Cuthman bin Caffaan, iyo ka dib markii uu dhintay walaalkii nabiga ee dhinaca nuugmada Abuu Salamah Cabdullaahi bin Cabdil-Asad bin Makhzum al-Qurashi oo ahaa wiilkii Nabiga eedadiis Barra binti CabdiMudhalib, Abuu Salamah waxaa nuujisayThuwaybah, adoonkii Abuu Lahab, oo sidoo kale nabiga ﷺ nuujisay.
Rasuulku (scw) aad buu ugu farxay dhalashadii Xuseen, waxaa la wariyey in nebigu markuu maqlay warkii ilmaha dhashay uu aaday gurigii Cali oo uu ku yidhi “i tus wiilkayga maxaad u bixisay?” Cali wuxuu yiri: “Xarb”, Rasuulkuna wuxuu yidhi: maya waa Xuseen. Waxa kale oo uu magac u bixiyey Xasan, isaga oo ka soo horjeestay magacii Cali ee “Xarb”. Magacyada “Xasan” iyo “Xuseen” lagama aqoonin Carabta dhexdeeda.
Jaceylkii Rasuulka ﷺ
Xuseen yaraantiisii waxa uu ku hoos noolaaday daryeelka awoowgiis Rasuulka (scw), waxa uu nasiib u yeeshay kalgacalka iyo naxariista nabiga ﷺ, Rasuulku (scw) wuxuu aadi jiray guriga Faadumo oo ku odhan jiray iigu yeedh labadayda wiil, markuu arkana wuu carafsan jiray oo isku duubi jiray, waxa uu Xuseen kula hadli jiray kaftan Carabi oo caan ahaa, isaga oo odhan jiray, “Igu yeedh Lakac” oo uu ula jeedo wiilka yar.
Wuu la ciyaari jiray oo garbaha ku qaadi jiray, oo ruxi jiray, mid walbana ku odhan jiray, “Xisqa, Xizqa, u naxariiso Aabahaa, Cayn Buqaa”, markaas ayuu mid waliba garabkiisa fuuli jiray. “Xisqa” waxa loola jeedaa kan yar ee buuran ee turunturooda, “ceyn Buqa” waxa loola jeedaa, “kan yarow”.
Rasuulku (scw) naxariis iyo kalgacal iyo qalbi debecsanaantiisa oo dhan ayuu siiney Xasan iyo Xuseen, heer uu ka soo dago minbarka markuu arko iyaga oo daaradda masjidka jooga, wuxuuna akhrin jiray: “ Xoolihiina iyo carruurtiinnu waa imtixaan uun”.
Markii uu tukanayo oo uu sujuudo garbihiisa ayey fuuli jireen, waxa uu sujuudsanaan jirey wakhti dheer ilaa ay dadku u malaynayaan in wax dhacay ama waxyi kusoo dagayo, markuu salaadda dhammeeyo, wuxuu odhan jiray, “Laakin wiilkaygii baa garabkeyga fuulay, mana doonayn inaan degdego.”.
Wuxuu ag mari jiray guriga Faadumo markii uu maqlo Xuseen oo ooyaya wuxuu oran jiray, “Faatimaay aamusi, miyaadan ogayn in oohintiisu i dhibayso?”, ka dibna wuu kaxaysan jiray oo ilmada ka tirtiri jiray, oo isku duubi jiray, oo raalligelin jiray.
Ahlul-bayt
Sannadihii carruurnimada ee uu Xuseen waxaa Rasuulka SCW la soo dersay gurigiisa arrimo ay ka mid yihiin geeridii inantiisii Saynab sanadkii 7aad ee Hijriyada, iyo dhalashadii wiilkiisa Ibraahim sannadkii 8aad ee Hijriyada, ka dibna geeridiisii sanadkii 10aad ee Hijriyada, iyo geeridii inantiisii Ummu Kalthuum ee Shacbaan sannadkii 9aad ee Hijriyada waxaa ka horeeyey Ruqayyah oo geeriyootay sannadkii 2aad ee Hijriyada.
Farcankii nebigu waxaa ka harey Faadumo iyo carruurteedii markii uu geeriyoodey sannadkii 11-aad ee hijriyada, waxay gabdhaheeda ugu magacdartey hablihii Nebiga ee dhintay: Ruqayyah, Ummu Kulthum, iyo Saynab.
Sidaa darteed ereyga Ahlul-bayt waxa uu si gaar ah loogu yeeraa kooxdan xubnaha ka ah ee lagu magacaabo Afarta Shaqsi: Xasan bin Cali, Xuseen bin Cali, Faadumo iyo Cali bin Abii Dhaalib, waxaa jira fikrado balaadhinaya adeegsiga ereyga “Ahlu-bayt” oo ay ku jiraan dhammaan banii Haashim iyo dhammaan xaasaskii Rasuulka (scw).
Xaasaskii iyo caruurtii Xuseen
- Shahrbanu (Shah Zanan): Gabadh uu dhalay Kisra Yazdegerd, waxaa la qafaashay xilligii ay Islaamku qabsadeen Faaris.
- Layla bintu Abii Murrah bin Curwa bin Mascuud Al-Thaqafiyya: hooyadeed waa Maymuunah bintu Abii Sufyaan bin Xarb.
- Rabaab bint Imru’ al-Qays.
- Ummu Isxaaq bintu Talxa bin Cubeyda Allah: waxay ahayd xaaskii walaalkiis Xasan, wuxuu guursaday geeridii walaalkii ka dib.
- Sulaafah: waa haweenay reer Qudaac ah.
Taariikhyahanada islaamka way isku khilaafeen tirada caruurtii Imam Xuseen balse waxaa loo badan yahay in uu dhalay lix caruur ah oo kala ahaa
- Cali Al-Akbar: Waxaa lala dilay Aabihii dagaalkii Karbala. Hooyadii waxay ahayd Layla bintu Abii Murrah.
- Cali bin Xuseen Al-Sajjad: oo loo yaqaanay Zaynal-Cabidiin, hooyadiis: Shahrbanu bint Kisra.
- Cabdullaahi Al-Radiici: Waxaa lagu dilay Karbala isagoo yar. Hooyadiis waxay ahayd Rubab bint Imru’ Al-Qays.
- Jacfar bin Xuseen: Wuxuu dhintay isagoo yar, Hooyadii waxay ahayd Salafah.
- Sakina bint Xuseen: Hooyadeed waa Rubab bint Imru’ Al-Qays.
- Faaduma bint Xuseen bin Cali: hooyadeed waa Ummu Isxaaq, Waxaa guursaday ina adeerkeed Cabdullaahi bin Xasan, balse ninkeeda waxaa lala dilay aabbaheed ka hor inta uusan la aqal galin, kadibna waxaa guursaday Muscab bin Al-zubayr oo ahaa amiirkii Ciraaq.
Xilligii Khulafaa’u Raashidiin
Xasan iyo Xuseen waxay ahaayeen xilligii Abuu Bakar Al-Siddiiq iyo Cumar bin Al-Khattaab – Eebbe haka raalli noqdee- kuwa helay jacayl, qaddarin, ixtiraam iyo karaameyn inkastoo ay da’yar ahaayeen, Abuu Bakar wuxuu soo bixi jiray salaadda casar wuxuuna arki jiray Xasan oo ciyaaraya, waa uu qaadi jiray oo u heesi jiray, ” waxaad u ekaanaysaa Nabiga, laakiin ma aad ekaan Cali,” Cali markaa qosli jirey.
waxa ugu xanuunka badan ee labadan caruur ah ay la kulmeen waxay ahayd geeridii ku timid hooyadood Faadumo Al-Zahra labadii bishii Ramadaan ee sanadkii 11-aad ee Hijriyada, taas oo ah qiyaastii lix bilood ka dib geeridii aabeheed oo ahaa Nabiga NNKH, waxay geeriyootey iyadoo aan gaarin soddon jir.
Dhammaadkii xilligii Cumar bin Al-Khattaab, Xuseen waa weynaadey oo waxa uu ka soo gudbay caruurnimadii, markaas ayuu khaliifku u yeedhi jiray si uu u soo booqdo, Cumar wuxuu Xasan iyo Xuseen siiyey gunno la mid ah tii aabbahood, wuxuuna ula dhaqmay sidii reer Badar oo kale.
Bilawgii xukunkii Cuthmaan bin Caffaan (Alle ha ka raalli noqdee) (23 ilaa 35 Hijriyada), Xuseen waa uu koray oo waxa uu gaadhay 19 jir, waxa soo shaac baxay meeqaamkiisii bulsheed iyo doorkii uu ku lahaa arrimaha bulshada, wuxu ku milmay saxaabada, wuuna la hadlay, una sheegay ra’yigiisa.
Wuxuu ka qayb galay qabsashadii Afrika (hadda Tuniisiya) isagoo la socday ciidan uu hoggaaminayay Cuqba bin Naafic, Kadibna wuxuu ka qayb galay qabsashadii Tabaristan 30kii Hijriyada isagoo la socday ciidan uu hogaaminayay Siciid bin Al Caas.
Xuseen wuxuu ku sugnaa Madiina ilaa uu aabbihii ula guuray Kuufa, oo uu galay kowdii Rajab sannadkii 36aad ee Hijriyada kadib dagaalkii Geela, riwaayado kala duwan ayaa ka soo baxaya joogitaankii Xasan iyo Xuseen ee dagaaladii Geela iyo Siffin, waxaana qaar ay sheegayaan in Cali uu ka reebay in ay dagaaladaas galaan.
Xilligii walaalkii Xasan
Imaam Cali (Alle ha ka raalli noqdee) ayaa la tooriyeeyay xilli uu ku sii jeeday Masjidka bishii Ramadaan sanadka 40-aad ee Hijriyada, dadkii ayaa waxay ka codsadeen inuu u magacaabo Xasan xilka, balse wuu diiday, wuxuuna ka door biday inuu dadka uga tago sidii uu Rasuulku SCW uga tegay oo aan cidna u bedelin, markii uu dhintay ayaa Qaays bin Sacad bin Cubaadah wuxuu la mubaayacoodey Xassan, laakiin imaamku wuu ka aamusay, markaasay dadkii kale la la balameen, wuxuuna noqday khaliif aabihii ka dib.
Xubnihii Golaha Shuurada ee Xasan waxay arkeen baahida loo qabo in meesha laga saaro jabhadda uu Mucaawiyah ku hoggaaminayay Shaam, markaas buu la baxay ciidan ay la socdaan Qaays bin Sacad iyo Cubeydullaahi bin Cabbaas.
Intii ay jidka sii socdeen ayaa waxaa soo baxay war sheegaya in Qaays la dilay, markaas ayaa shirkii lagu kala dareeray, fowdo ayaa dhacday, dadkiina waa kala yaaceen, waxaana batay dhaca, ilaa ay gaareen in Imaam Xasan la dhaco, oo ay dhaawaceen.
Xasan wuxuu go’aansaday inuu Mucaawiye la galo heshiis nabadeed, sidaas ayaa la yeelay oo sannadkii 41-aad ee Hijriyada ayaa loogu magac daray sannadkii wadajirka.
Imaam Xuseen wuu diiday heshiiskaas nabada, laakiin wuu liqay cadhadiisii, wuuna addeecay walaalkiis, ka dib Xujr bin Cadiyi Al-Kindi oo ka mid ahaa madaxdii ciidankii Cali (Alle haka raalli noqdee) ayaa u yimid Xuseen oo ku canaantay inuu aqbalay heshiiskii nabada, wuxuu ku booriyay inuu dagaalka dib u bilaabo ilaa uu ku yidhi, maanta i adeeca oo i caasi samanka oo dhan. hase yeeshee Xuseen wuu diiday oo wuxuu yidhi, ballan ayaan qaadnay oo axdi baannu galnay, ballankiina si aanu u jabinno ma jiro.
Xilligii Mucaawiye
Xasan markii uu tanaasulay, Mucaawiye waxa uu sameeyay shuruudo nabadeed oo keenay in colaadda la damiyo, dadkiina la dejiyo, waxaa ka mid ahaa in khaliifnimadiisu ay isaga gaar u tahay, marka ay dhammaatana ay arrintu ku soo noqoneyso wada tashi dadka dhexdiisa ah, waxaa ka mid ahaa in uu ka waantoobo aflagaadada Imaam Cali Alle haka raalli noqdee.
Xasan waxa uu ku noolaa Kuufa ilaa uu ka bogsaday dhaawacii kadibna waxa uu kusoo laabtay Madiina isaga, Xuseen iyo Cabdullaahi bin Jacfar iyo caruurtooda.
Xasan waxa uu ku noolaa nolol deggan nabadda iyo tanaasulka ka dib, saxa uu u go’ay cibaadada iyo xuska Eebbe, wuxuu ku sugnaa Masjidka Nabiga muddo dheer, inkastoo uu noqday hoggaamiyaha qoyska Haashim, walaalkiis Xuseen wuxuu ahaa mid walaalkiis adeecay isaga oo ka xishooday inuu walaalkiis hor cararo.
Sannadkii 49-aad ee Hijriyada ayaa Imaam Xasan ugu dhib badnaa, bilawgiiba waxa uu dareemay in ay sun jidhkiisa ku jirto isaga oo da’da afartamaadka ku jira, ma uu doonaynin inuu u sheego walaalkii ninkii sumeeyey ilaa uu ka geeriyoodey, ilaha Sunniga iyo Shiicada ah ayaa isku raacay in Imaam Xasan uu u dhintay sun.
Shiicada iyo sunnigaba waxay sheegeen in xaaskiisa oo la odhan jiray Jacdah bint al-Ashcath bin Qeys ay ku sumeysay amarka Yaziid bin Mucaawiye oo markaa ahaa khaliifkii islaamka, sababtaas awgeed, Xasan waxa loogu yeeraa “imaamka sunta ah” suugaanta Shiicada, dalka Iran ayaa 29-ka bisha Safar u aragta maalin fasax rasmi ah iyo maalin baroor diiq ah.
Markii geeridii u timid ayuu Imaam Xasan ka codsaday walaalkii inuu ku aaso nabiga agtiisa, wuxuuna ku yiri:- igu aas aabbahay agtiisa haddii aadan ka baqin dhiig daata, markaas igu xabaal xabaalaha muslimiinta, markii uu dhintay Imaam Xuseen ayaa Caa’isha ka codsaday in loo fasaxo inuu walaalkii ku aaso Nabiga agtiisa, wayna u idmatay.
Saciid bin Al-Caas oo ahaa guddoomiyaha Madiina ma uusan diidin, balse Marwaan bin Al-Xakam wuxuu soo ururiyay Umawiyiinta iyo xertooda si uu arrintaas uga hortago, Xuseen wuxuu qaatay hubkiisii, waxaana la socday koox Haashimiyiin ah, qaar ka mid ah saxaabada ayaa xasuusiyay shardigii walaalkii (dhiig laga cabsado mooyaane).
Dhacdooyinkii dhacay xilligii Mucaawiye, sida aflagaadadii Cali bin Abii Dhaalib, dilkii Xujr bin Cadiyi iyo koox ka mid ah asxaabtiisa oo u hiilinayey ehelka nebiga, ka hortagga in Xasan lagu aaso awoowgiis agtiisa.
Dhacdooyinkaas iyo siyaasadahaasi waxay ka cadhaysiiyeen Xuseen iyo odayaashii saxaabada sida Cabdullaahi bin Cabbaas, Cabdullaahi bin Cumar iyo Cabdi Raxmaan bin Abii Bakar, waxayna abuureen xaalad mucaaradnimo iyo diidmo siyaasaddii Mucaawiye.
Xilligii Yaziid bin Mucaawiye
Sannadkii 56aad ee Hijriyada ayaa Al-Mughira bin Shucba wuxuu u soo jeediyay Mucaawiye inuu Yaziid dhaxal sugaha ka dhigo, wuuna aqbalay. Umawiyiintu waxa ay isku dayeen in ay soo ururiyaan dad taageersan, hase yeeshee markii ay asxaabtii Madiina ka war heleen arrinkaas way cadhoodeen.
Caa’isha aad bay uga cadhootay Marwaan oo la socday dagaalkii Geela inuu taageero u yahay xukunka dhaxalka ah, waxay ka war heshay xumaantiisa, Marwaan waxa uu ku fikiray in uu xukunka yahay maamul abtirsiimo ah oo uu daliil u soo qaatay quraanka kariimka ah!, CabdiRaxmaan bin Abii Bakar waxa uu u arkay isbeddelka Mucaawiye uu doonayey mid lagu tirtirayo dhaxalkii khulafadii toosnayd iyo afgambi si loo sameeyo boqortooyo dhaxaltooyo ah.
Xuseen wuu kasoo horjeestey oo wuu caddeeyey, Cabdullaahi bin Cumar iyo Cabdullaahi bin Al-zubayrna sidaas oo kale, Marwaan ayaa arrintii gaarsiiyey Mucaawiye, wuxuuna la yimid kun nin oo fardooley ah isagoo aad u xanaaqsan, dulqaadkiina uu ka tagay, wuxuu bilaabay inuu canaanto dadkii ugu wacnaa mar kasta oo uu la kulmo mid ka mid ah, sida Xuseen, Cabdullaahi bin Al-Zubayr, Cabdiraxmaan bin Abii Bakar, iyo Cabdullaahi bin Cumar.
Markuu u galay Caa’isha ayuu ugu hanjabay inuu afarta nin uu dili doono, wayse ka hortimid oo u wacdisay, wuu is dajiyey, Cabdullaahi Ibnu Cumar waxa uu diiday boqol kun oo dirham markii laga codsaday in uu Yaziid aqoonsado.
Markii Mucaawiye xanuunsaday oo uu dareemay inuu dhimanayo ayuu wiilkiisii Yaziid ku yidhi: “Waan kuu gogol xaadhiyey, carabtiina way ku adeecday, anigu kama baqayo in ay cidina arrinkaa ku murmaan saddex mooyee oo kala ah: Xusayn bin Cali, Cabdullaahi bin Cumar iyo Cabdullaahi ibnu Zubayr.
Wuxuu kula taliyey inuu si nabad ku jirto u wajaho Ibnu Zubayr, inuu iskaga tago Ibnu Cumar, illeen wuxuu raacayaa dadka, iyo inuu Xuseen kula dhaqmo debecsanaan oo keliya.
Mucaawiye wuxuu dhintay Rajab sanadkii 60-aad ee Hijriyada, isagoo dhameystay xukunkiisii oo gaarayey sagaal iyo toban sano iyo saddex bilood, ka dib markii ay dhinteen inta badan taageerayaashiisa: Camr bin al-Caas Al-Mughirah bin Shuba iyo Ziyaad bin ubayyah.
Yaziid wuxuu xilka qabtey isagoo 34 jir ah, raggiisiina waxay kala ahaayeen Cubeyd Allaahi bin Ziyaad bin ubayyah, Shimr bin Dil-Jawshan, Muslim bin Cuqbah, Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas, Wwxii ugu horeeyay ee Yaziid sameeyay waxay ahayd fariin uu u diray gudoomiyihii Madiina oo ay ina adeer ahaayeen Al-Walid bin Cutbah bin Abi Sufyaan, si uu Xuseen bin Cali, Cabdullaahi bin Cumar iyo Cabdullaahi bin Al-Zubeyr ugu qasbo in ay daacad u noqdaan.
Xuseen wuu ka soo jawaabay fariintii, mana uusan aqbalin maamulka Yaziid, Marwaan bin Al-Xakam ayaa soo jeediyay in la dilo, taas oo aad u dhibtay al-Walid oo cabsi galisay, dabadeed waxaa fursad u soo baxday Xuseen markii Al-Walid uu ku mashquulsanaa arrintii Ibnu Al-Zubeyr, markaas buu la baxay qoyskiisa oo dhan marka laga reebo Muxammad bin Al-Xanafiyyah.
Wuxuuna aaday dhanka magaalada barakeysan ee Makka, Yaziid wuxuu gudoomiyihii Madiina ka qaaday al-Walid bin Cutbah, Camr bin Saciid bin Al Caas ayaa la magacaabay oo markaa ahaa guddoomiyihii Maka.
Xuseen waxa uu u socday Maka, Camrna waxa uu ku sii jeeday Madiina, markii uu soo gaaray ayuu bilaabay inuu dhabarka ka garaaco raggii caanka ahaa ee kala ahaa: Al-Mundhir bin Al-zubeyr, Muxammad bin Cammaar bin Yaasir iyo Cuthmaan bin Cabdullaahi bin Xakiim bin Xizaam.
Waxa bilaabmay waraaqo loo soo dirayo Xuseen oo ka yimi Ciraaq, kuwaas oo ay ku dalbanayeen taageero iyo inuu degdeg ugu yimaado, markii warqadihii iyo codsigii ay bateen, ayuu Xuseen go’aansaday inuu u diro ina-adeerkii oo ahaa Muslim bin Caqiil bin Abii Daalib, si uu usoo kashifo xaqiiqada ka jirta Ciraaq.
Socdaal dhib badan ka dib, Muslim bin Caqiil wuxuu gaadhay Kuufa dalka Ciraaq isagoo sita warqaddii Xuseen uu usoo diray dadkeedii, wuxuu la dagay Haani bin Curwa, dadkii markii ay warkii maqleen ayay u soo xoomeen si ay Imaam Xuseen ballan ula galaan oo ay naftooda ugu huraan ilaa 18,000 ayeyna gaareen dadkii isku soo uruurey, Muslim ayaa warqad u qoray Xuseen isagoo ku wargeliyay in dariiqa la jeexay, dadkuna ay sii kordhayaan.
Nucmaan bin Bashiir oo ahaa gudoomiyihii Kuufa xiligii Yaziid markuu warkii Muslim bin Caqiil uu faafay wuxuu ku dhawaaqay inaan la dagaalami doonin cid aan la dagaalamin, Yaziid ayuuna warqad u qoray, Yaziid ayaa markaa xilkii ka qaaday wuxuuna magacaabay Cubaydi Allaahi bin Ziyaad bin ubayyah oo sidoo kale ahaa gudoomiyihii Basra.
Cubeyda Allaah markii uu gaaray qasrigii imaaradda ayuu billaabay inuu basaasiin u diro ilaa uu ka ogaaday gurigii Muslim bin Caqiil, markaas buu ku dhawaaqay: “Salaadu waa jamaaco”. , dadkii markii ay yimaadeen ayuu la hadlay, oo u hanjabayay oo u cago jugleeyey, wuxuu u yeedhay madaxdii qabiilooyinka iyo caaqiladoodii, wuuna u hanjabay ilaa ay u hogaansamaan xittaa waxay u keeneen Hani bin Curwa oo la joogay Muslim bin Caqiil, waa la garaacay si loogu ciqaabo martigalintii Caqiil.
Muslim bin Caqiil wuxuu aaday qasrigii isagoo wata afar kun oo nin si ay u soo badbaadiyaan Haani ibnu Curwa, laakiin madaxdii qabiiladu way ka hareen oo waxay ugu hanjabeen in la dili doono, waxayna amreen inay iska laabtaan, cabsi ayaa gashay magaaladii, markaasay dadkii ka kala dhuunteen Muslim bin Caqiil ilaa 500 oo keliya ay ku soo hadheen.
Ka dibna 30 ayey noqdeen, markaasuu salaaddii Maghrib tujiyey markii salaadda ka baxay wuxuu arkey 10 nin oo kaliya, markay soo raaceen ayey ka kala firxadeen, kaligii ayaana hadhay, isagoo aan helin cid hagta oo soo celisa, wax kale uma hadhin oo aan ka ahayn inuu u sheego Xuseen khiyaamadii iyo dhagartii lagu sameeyey.
Booliskii Cubeyda Allaah Ibnu Ziyaad oo Camr bin Xaarith al-Makhzumi taliye u ahaa ayaa baadi goobayay Muslim bin Caqiil, wayna xireen, wuxuu bilaabay inuu dadkii ku qayliyo si ay Xuseen ugu sheegaan wixii dhacay, isku daygii ugu dambeeyay ee ka hor inta aan la dilin ayuu Muslim la hadlay Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas, isagoo ka codsaday inuu Xuseen u sheego xaqiiqada dhabta ah ee jirta uuna ka bixiyo deyn dhan 700 oo Dirham, wuxuu kala dardaarmey qaraabadiisa, laakiin Cumar wuxuu u sheegay Cubeyda Allaah Ibnu Ziyaad.
Muslim bin Caqiil waxa la dilay sagaalkii Dul-Hijjah sannadkii 60aad ee Hijriyada, maalin Carafo, Imaam Xuseen wuxuu Maka ka baxay siddeedii Dul-Xijja, Cabdullaahi bin Cabbaas wuxuu ku adkeystay inuusan bixin, laakiin Xuseen wuu diiday inuu dib u laabto, Ibnu Cumar wuxuu la socday 3 maalmood oo uu Makka ka soo baxay, wuuna isku duubay oo ooyay, laakiin ma uu raacin.
Kuufa waxay caasimad u ahayd khilaafadii Cali Alle haka raalli noqdee, markaa taageerayaashiisa waxay warqad u qoreen Xuseen iyagoo ka codsanaya inuu u yimaado si ay u taageeraan, tani waxay ahayd mid ka mid ah sababaha Xuseen u aaday Kuufa.
Dadka ayuu ka diiday inuu la safto kuwii dilay aabihiis Cali, Xuseen waxa uu ogaa in la dili doono maadaama uusan adeecin Yaziid, Wuxuu dhahay: waxaan ku arkay Rasuulkii Alle riyo, wuxuu igu amray inaan arin sameeyo, aniguna waan fulinayaa, laakiin cidna ugama sheekayn doono ilaa aan ka soo baxo waajibkayga.
Xuseen wuxuu aaday halkii uu u socday waxaana la socday 19 nin oo reer Banu Cabdul Mudalib ah, haween iyo caruur, bilawgii wadadii waxa la kulmay Abwaan Al-Farazdaq oo u sii socda Xajka, Xuseen wuxuu weydiiyey reer Kuufa, wuxuuna Al-Farazdaq ku yiri:- Dadka quluubtoodu adigay kula jirtaa, balse seeftoodu adigay kugu soo jeedaa.
Xuseen wuu sii socday, meel kasta oo biyo leh oo ku taal wadamada Carabta oo uu maro dad ayaa ka raacayey, koox xujay ah ayaa iyaguna raacay, iyagoo leh, “Markii aanu dhammaynay cibaadadeena, wax dan ah ma lehin aan ka aheyn inaan haleelno Xuseen mooyee.
Markii uu gaaray Wadi Al-Rummah oo u dhow Kuwait, ayuu farriin u diray reer Kuufa isagoo xasuusinaya axdigii ay galeen, laakiin ninkii uu direy oo ahaa Qaays bin Mishaar Al-saydaawi waxaa lagu qabtay Al-Qadisiyah, ka dibnawaxaa lagu dhex dilay daartii Cubeyda Allaah Ibnu Ziyaad ee Kuufa.
Markii Xuseen uu maqlay dilka Muslim bin Caqiil iyo safiirkiisii Al- saydaawi, oo ay soo gaaray qiyaanadii reer Kuufa, ayuu si badheedh ah ula hadlay dadkii, wuxuuna ku yidhi, “kooxdeenii way na khiyaameen, qofkii doonaya inuu baxo ha iska tago isaga oo aan eedayn, oo uusan nala lahayn ballan”. dadkii ayaa ka kala tagay, cidna uma hadhin kuwii Maka la baxay mooyaane.
Bilawgii iska hor imaadka
Cubeyda Allaah bin Ziyaad wuxuu diray kun dagaalyahan oo uu hoggaaminayo Al-Hurr bin Yaziid Al-Tamii, si ay u go’doomiyaan Xuseen ka hor intuusan Kuufa soo gelin, Xuseen wuxuu amray kuwii la socday inay cabbaan oo ay waraabiyaan fardahooda iyo fardaha kuwa hareereeyey, markii la gaadhay waqtigii salaadda ayuu la tukaday kuwii la socday iyo Al-Xurr bin Yaziid oo uu wacdi u jeediyay.
Ka dibna Al-Xurr wuxuu Xuseen u bandhigay inuusan Kuufa gelin Madiinana aan ku laaban ee uu saxaraha ku ekaado ilaa Yaziid uu u hogaaansamayo ama uu warqad u qoro Ibnu Ziyaad, basle Xuseen waa uu diiday arintaan, waxa uu bilaabay in uu socdo xilli uu Al-Hurr bin Yaziid go’doominayay, isaga oo damcay in uu u geeyo Ibnu Ziyaad dagaal la’aan, waxaa soo baxay afar nin oo reer Kuufa ah, waxayna ku biireen Xuseen, waxaa la socday in hagayey oo la oran jirey Dharmaax bin Cadi, waxaana ka mid ahaa Mujaammi bin Cabdullaahi Al-Camiri.
Xuseen waxa uu weydiiyey reer Kuufa, markaasuu ku yidhi: “Dadka akhyaarta ah iyo cuqaashadoodaba way kaa soo horjeedaan, maxaa yeelay laaluushkoodii ayaa batay oo dhagar ayaa ka buuxda, dadka intiisa kalena qalbiyadooda adigay kuu ooman yihiin, seeftooduna berrito kugu soo wajahan”.
Ibnu Ziyaad wuxuu diray ciidan kale oo gaaraya 4,000 oo dagaalyahan ah, waxaana madax u ahaa Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas, Cumar Binu Sacad waxa uu rajaynayey in Ilaahay ka dulqaado dagaalka uu kula jiro Xuseen, balse waxa uu rajaynayey in uu ku sii jiro dowladda.
Wuxuuna warqad uu u qoray Cubeyda Allaah si uu isku casilo, wuxuuna ku amray inuu ka ilaaliyo biyaha “sidii Cuthmaan lagu sameeyay oo kale” iyo inuu Xuseen u bandhigo si uu Yaziid u adeeco, isagoo leh, “Haddii uu sidaas sameeyo waan arki doonnaa”.
Wada hadal ayaa dhex maray Xuseen iyo Cumar bin Sacad, waxaana la sheegay in ay isku afgarteen sidii ay uga bixi lahaayeen, balse Shimr bin Dil-Jawshan waxa uu la joogay Cubeyd Allaahi bin Ziyaad, isaga oo kicinaya, kuna kicinaya Xuseen, wuxuuna ku adkeystay in wiilka uu dhalay Rasuulku SCW u hoggaansamo xukunka Cubeyd Allaahi Ibnu Ziyaad.
Cubeyd Allaahi Ibnu Ziyaad wuxuu diray Shimr bin Dhil-Jawshan, wuxuuna amray inuu la dagaallamo Xuseen haddii uu u hoggaansami waayo awaamiirtiisa, iyo inuu dilo Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas haddii uu u hoggaansami waayo la dagaalanka Xuseen, wuxuu warqad u qoray Cumar bin Sacad isagoo mar labaad u hanjabay, markaas buu Cumar ku yiri Shimr: “Ilaahay gurigaaga ha kaa fogeeyo, hana ka dhigo mid fool xun waxaad la timid”.
Xuseen wuxuu yidhi:- aan tukanno oo dambi dhaaf waydiisano, Eebbe waa ogyahay inaan jeclahay inaan u tukado, akhriyo kitaabkiisa, dambi dhaaf warsado, baryo. makhribkii ayuu u fasaxay kuwii isaga la jiray inay ka baxaan gudcurka habeenka, oo wuxuu ku yidhi, dadku waa i raadinayaan”, Waxay ku yiraahdeen ka hari meyno, Eebbe nama tuso waxaan necebnahay, kaamana tagayno ilaa uu Eebbe ka ogaado inaan ku ilaalinay Nebigiisa ﷺ geeridii ka dib.
Musiibadii Karbala
Subaxdii tobnaad bishii Muxarram ee sannadkii 61-aad ee Hijriyada oo ku beegan October 10, 680, magaalada Karbala ee dalka Iraq ayaa waxaa foodda is daray labadii kooxood, Xuseen wuxuu watay 32 fardooley ah iyo 40 ciidan oo lug ah, waxayna dagaal la galeen 5,000 oo dagaalyahan ah, oo uu hoggaaminayey ninkii ugu sharta badnaa xilligaa oo ahaa Shimr bin Dil-Jawshan, oo aan wacdi fahmin, aayadna dhegeysan.
Mar kasta oo uu Xuseen wax ka waaniyo waxa uu odhan jiray “ma fahmin”. Xuseen wuxuu xusay kuwii Kuufa ugu yeedhay oo uu magacyadooda ugu yeedhay oo uu ku canaantay inay axdi la galeen dabadeedna u yimaadeen inay isaga la dagaallamaan.
Al-Xurr bin Yaziid markuu arkay in dadku ku adkaysanayaan in la dilo ama la soo qabto Xuseen ayuu arrintaas ku canaantay, wuxuuna la saftay Xuseen isagoo wata koox ciidank ah, wuxuuna yiri: “Waxaan naftayda kala dooransiiyey Jannada iyo Naarta, Eebbaan ku dhaartaye ma dooranayo waxaan Jannada ahayn”.
Isku dayadii nabadda oo dhan ayaa fashilmay, Cumar bin Sacad bin Abii Waqaasna wuu ka labalabeeyay, labada dhinac ayaa iskaga hor imaadey dagaal culus, inkastoo ay tiro yaraayeen taageerayaasha Xuseen hadana waxay soo bandhigeen geesinimo naadir ah waxayna ku guuleysteen dagaal kasta, 72 nin ayaa argagax ku riday 5,000 ciidan.
Shimr bin Dil-Jawshan joojiyey dagaalka, isagoo nuuiyey fulaynimadiisa ka dibna wuxuu amrey qaanso isagoo aan dan ka lahayn haddii fallaaduhu ku dhacaan dumar ama ilmo, Xuseen wuxuu muujiyay geesinimo weyn iska horimaadka intuu socday.
Dagaalyahannada ku hareeraysnaa Xuseen waxa ay si isdaba joog ah u wajahayeen kuwii ka soo horjeeday, mid ayaa taagnaan jiray saacad, ka dibna mid kale ayaa bedelayey si uu halkiisa saac difaac u galo, ilaa laga dilay Al-Hurr bin Yaziid, dadkii waxay bilaabeen inay naftooda u huraan Xuseen, mar kasta oo midkood la dilo wuu salaami jiray Xuseen ka hor inta aysan nafta ka bixin isagoo shahiid ah naftana u hurey wiil uu dhalay Rasuulka CSW, ilaa Xuseen uu ahaa qofka kaliya ee ay gaari karaan gacan ku dhiiglayaasha, mana uusan ka baqin.
Midkoodna ma jeclayn in uu qaado culayska dhimashadiisa, ilaa uu ku qayliyey Shimr bin Dil-Jawshan, markaasay dileen Imaam Xuseen isagoo ooman, ma aysan ixtiraamin sharafta awoowgiis, mana ay qaddarin jirin raadinta runta iyo naxariista uu u hayey kuwa wax dilaya.
kuma ay qancin in ay hortooda ku dilaan wiilashii Xuseen iyo reer nebiga, hase yeeshee waxay dileen Xuseen laftiisii, iyagoo ku tuntay meydkiisii sharafta lahaa iyagoo qoobabkii fardaha la dulmarey, ka dibna waxay ka siibeen dharkii madaxa ayeyna gooyeen, waxayna u geeyeen Cubeyd Allaahi Ibnu Ziyaad, sidaa ayaa Xuseen lagu dilay, waxaana lala dilay 18 ka mid ah qoyskiisa iyo daraasiin taageerayaashiisa ah, ciidankii kale waxaa laga dilay 88 qof.
Dilkii Xuseen ayaa weli ah dhaawac dhiigbax ku ah damiirka ummadda, kaas oo aan laga bogsan xitaa boqollaal sano ka dib, Al-Suyuti oo dhintay sannadkii 911-kii Hijriyada waxa uu ka sheekeeyay shahiiddii Xuseen, “Dilkiisu waxa ku jira sheeko aad u dheer oo aanu qalbigu u adkaysan karin in la sheego”.
Waqtigu badan ma qaadan in la laayo gacan ku dhiiglayaashii dilay Xuseen, Shimr bin Dil-Jawshan waa la dilay, madaxana waa laga gooyay sannadkii 66aad ee Hijriyada, Cubeyda Allaah bin Ziyaad waxa la dilay sanadkii 67aad ee Hijriyada, Al-Mukhtaar bin Abii Cubeyd Al-thaqafi wuxuu dilay Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas sannadkii 66aad ee Hijriyada, isagoo 43 jir ah madaxiisii iyo madaxii wiilkiisa Hafs ayaa la jaray.
References
https://suwaidan.com/al-hussein-ibn-ali
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.