General Maxamed Caynaanshe Guuleed wuxuu dhashay bilowgii sanadihii 1920-meeyadii wuxuu ku dhashay Dhulka la yiraahdo Hawd ee Soomaali Galbeed, qoraalada qaarna waxay sheegayaan inuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, waxaa uu kamid ahaa Dhalinyaradii hanaqaaday Xiligii Dowladii Faashiistihii Taliyaaniga ay ku duushay Dalka Itoobiya Sannadkii 1935-tii.
Sanadihii 1940-meeyadii ayuu u soo wareegay Koofurta Soomaaliya oo xiligaasi ku hoos jirtay guumeystihii Ingiriiska ka dib dagaalkii labaad ee adduunka markii Talyaaniga laga adkaaday Faashiistihiina uu burburey.
Sannadkii 1950-kii markii guumeystihii Taliyaaniga dib loogu wareejiyay Koofurta Soomaaliya, waxaa uu kamid noqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sannadkii 1952-dii waxaa uu kamid noqday dhowr Saraakiil oo tababar layli saraakaalnimo loogu diray Akadeemiyadda Militiriga ee Modena ee Dalka Talyaaniga halkaasi oo uu kasoo laabtay Sannadkii 1954-tii.
Maxamed Caynaanshe waxaa si weyn loogu xasuustaa in uu ahaa Sarkaalkii Afsoomaaliga u badalay ereyada gaardiska iyo magacyada garaadooyinka ciidanka kuwaasi oo Ataliyaani loo adeegsan jiray, waxaa la siiyay hal xidig munaasabadii xoriyadda awgeed, waxaanu sidaa ku noqday Gaashaanle dhexe, waxaana 1960 loo magacaabay Taliyihii ugu horeeyey ee Qaybtii 26aad ee Hargaysa gobolka Waqooyi Galbeed, wuxuu ku guuleystay iin uu isku xiro labadii ciidan ee Waqooyi iyo Koofur ee la soo kala hanaqaaday guumeystayaashii Ingiriiska iyo Taliyaaniga.
Sanadkii 1961 Markii uu dhacay Inqilaabkii fashilmay Maxamed Caynaanshe wuxuu ahaa taliyihii badbaadiyey midnimadii Soomaaliya wuxuuna cagta mariyay saraakiishii isku dayday inqilaabkaas, kaasoo ay hogaaminayeen sadex sarkaal oo ay isku hayb ahaayeen.

Sanadkii 1965 Markii uu geeriyooday alle ha u naxariistee General Daa’uud oo ahaa taliyhii guud ee Milateriga, General Caynaanshe wuxuu ku xigeen u noqday Maxamed Siyaadoo badalay taliyihii geeriyooday, sanadihii 1965 ilaa 1969 Caynaanshe wuxuu ahaa taliye xigeenkii milateriga.
General Caynaanshe wuxuu ahaa nin qab leh oo shaqsi ahaan isu arka nin sare, wuxuuna ka soo horjeeday in Maxamed Siyaad uu madax u noqdo 25-ka Golaha Sare, sida ay isku raaceen dad badan oo taariikhdiisa laga waraystay ama wax ka qoray, Maxamed Caynaanshe wuxuu ahaa , nin af-gaaban , ehlu cibaado ah oo daacad ah.
October 21, 1969 waxaa uu kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Qalabka Sida ee xukunka Dalka afgambiga kula wareegay, bishii November isla sanadkaas wuxuu kamid noqday 25-kii Golihii Sare ee Kacaanka ee ay aas-aaseen saraakiishii taladii Dalka la wareegay, waxaana loo magacaabay guddoomiye Ku xigeenkii 2-aad ee Golihii Sare ee Kacaanka isagoo ku xigeen u noqday Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo Guddoomiyihii Golahaasi ahaa iyo Sareeye Gaas Jaamac Cali Qoorsheel oo Ku xigeenkiisi 1-aad ahaa.
Bishii April sandkii 1971 waxaa xabsiga loo taxaabay Sareeye Gaas Jaamac Cali Qoorsheel ka dib markii lagu eedeeyay Khiyaano ka dhan ah Qaranka Soomaaliyeed, Xilkii uu hayay ee Gudoomiye Ku xigeenkii 1-aad ee Golihii Sare ee Kacaanka waxaa loo magacaabay General Maxamed Caynaanshe Guuleed oo sidoo kalena loo magacaabay Wasiirkii Arimaha Gudaha.
Intii uu jagooyinkaasi hayay wuxuu ku guuleystay iin uu Somalia ku xiro aduun weynaha isagoo socdaalo diblumaasiyadeed oo taarikhi ah ku kala bixiyay Dalalkii Midoowgii Soofiyeeti, Jarmalkii Bari, Yugooslaafiya, Shiinaha iyo Kuuriyadda Waqooyi.
Sanadkii 1971 ayaa la qabtay Maxamed Caynaanshe guuleed waxaana lagu eedeeyey inuu wax ka ogaa afgambi uu qorsheynayey Salaad Gabeyre, Xilkii ayaana laga qaaday, Garaadooyinkii Ciidankana waa laga xayuubiyay, Maxkakamadii badbaadada oo ahayd Maxkamad si gaara u qaadi jirtay dacwada dadka lagu eedeeyo “kacaan diidka” ayaa ku xukuntay dil toogasho iyo in Hantidooda la la wareego.
General Maxamuud Geelle wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee loo magacaabay Maxkamadii Badbaadada Dalka isaga ayaana xukumay, General Maxamuud Geelle wuxuu ku geeriyooday magaalada Mogadishu February 9, 2024.
Maxamed caynaanshe waxaa laga codsaday in uu cafis u qorto Jaalle Maxamed Siyaad, balse Caynaanshe wuu diiday , wuxuuna yiri “Maxamed Siyaad wuu ogyahay inaan wax lug ah ku laheyn afgambiga uu qorsheynayey Salaad Gabeyre isaga ayey u taalaa haddii uu cafis ii fidinayo iyo haddii kale cafis waydiisan mayo, maalinteyda ayaan dhimanayaa geeriduna waa arin gacanta ilaahey ku jirta”.
July 3, 1972 General Maxamed Caynaanshe Guuleed, Sareeye Guuto Salaad Gabeyre Kadiye iyo Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Dheel Cabdulle waxaa lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee ay ku riday Maxkamadii Badbaadada ee Dowladii Kacaanka.
Sponsored: Hostinger Premium Web Hosting with 20% discount
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.

