Taariikhda Cusmaan binu Cafaan

Taariikhda Cusmaan binu Cafaan

Cusmaan bin Cafaan Allaha ka raalli noqdee, saxaabigii weynaa, wuxuu ahaa khaliifkii saddexaad, waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah rug caddaagii caanka ahaa ee Islaamka ee raad weyn ku lahaa taariikhda iyo ilbaxnimada Islaamka. Cuthmaan bin Caffaan waxa uu caan ku ahaa maskax fayow, dabeecad wanaagsan, cibaado badan iyo xishood, wuxuu kasbaday jacaylka Nabiga ﷺ wuxuuna guursaday laba gabdhood oo uu dhalay, wuxuuna ku mutaystay magaca “Du al-Nuurayn”.

Cuthmaan bin Caffaan (Alle ha ka raalli noqdee) waa mid ka mid ah tobankii Jannada loogu bishaareeyey iyagoo nool, waana mid ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee soo islaamay, waana kan saddexaad ee khulafadii toosnaa, waxaana loo bixiyay magaca “Du al-Nurayn” sababtoo ah wuxuu guursaday laba hablood oo ka mid ah hablihii Rasuulka (Ruqayyah iyo Ummu Kulthum).

Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeya ee u haajirey dhulka Xabashida si uu u ilaaliyo Islaamnimadiisa, dabadeedna wuxuu u hijrooday Madiina, Nebigu wuu jeclaa, markaasuu jannada ugu bishaareeyey una sheegay inuu dhiman doono isagoo shahiid ah.

Abtirkiisa

banner

Waa Cuthmaan bin Caffaan bin Abii Al Caas bin Umayya bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ayy bin Ghalib bin Fahr Al Qurashi, waxa uu ku dhashay magaalada Dhaa’if lix sano kadib sanadkii Maroodiga qiyaaskii sanadkii 576, Waxaa loogu yeeri jiray Abuu Cabdullaahi iyo Abuu Camr.

Aabihiis waa Cafaan Caffaan bin Abii Al Caas bin Umayya bin Cabdi Shams bin Cabdi Manaaf, wuxuu ka soo jeeday qabiilka Umawiyiinta, kana mid ahaa madaxdeeda, wuxuu ahaa deeqsi wuxuuna ahaa mid ka mid ah maalqabeennada, waa ina adeerkii saxaabigii sharafta lahaa ee Abuu Sufyaan bin Xarb, nasabkiisu wuxuu la xidhiidhaa Nebi Muxamed iyada oo loo sii marayo awoowgii afraad ee Cabdi Manaaf dhinaca aabbihiis.

Aabihii wuxuu geeriyoodey xagaagii intii lagu jiray mid ka mid ah safarradiisii ​​Shaam, isaga oo uga tagay lacag badan oo qoyskiisa, Cuthmaan Allaha ka raalli noqdee, wuxuu koray isagoo ah ganacsade maalqabeen ah.

Hooyadiina waa saxaabiyad weyn Arwa bint Kurayz bin Xabiib bin Cabdu Shams bin Cabdi Manaaf bin Qusayy bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Ghalib bin Fihr bin Maalik bin An-Nadr bin Kinanah bin Khuzaymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizar bin Macad bin Cadnaan, Arwa waa ina-adeertii Nebiga (scw), iyadoo hooyadeedna ay tahay Al-baydaa bintu Cabdi Al-Mudhalib, nabiga eedadiis.

Waxay u dhashay Cafaan laba caruur ah oo kala ahaa Cusmaan iyo walaashiis Aamina, markii uu dhintay Cafaan, waxay guursatay Cuqba bin Abii Mucaydh, waxayna u dhashay saddex wiil iyo gabadh: Al-Walid, Khaalid, Camr, iyo Ummu Kulthum, waxay geeriyootey xilligii khaliifadii wiilkeeda, waxaana lagu aasay Baqiic’.

Malaa’igta ayaa ka xishoon jirtey

Xadiis saxiix ah waxaa laga soo wariyey in Nabigu (scw) uu yidhi: “Miyaanan ka xishoon nin ay Malaa’igtu ka xishoodaan”. [Saxiix Muslim], isagoo ula jeeda Cuthmaan bin Caffaan, Cuthmaan waxa uu ahaa nin suubban oo khushuuc badan, ku caan baxay cibaado iyo xishood, heer ay xataa malaa’igtu ka xishoodaan.

Waxaa laga wariyey inuu Nebiga gurigiisa uu dhex fadhiyey oo wax cuskaday, Cuthmaan markuu soo galay ayuu si toos ah u fadhiistay oo hagaajiyay fadhigiisii, markii la weydiiyay sababta, wuxuu yiri: “Miyaanan ka xishoon nin ay Malaa’igtu ka xishoodaan?” hadalkani waxa uu ka tarjumayaa weynaanta akhlaaqda Cuthmaan iyo xoogga shakhsiyadiisa saafiga ah.

Islaamnimadiisii

Cuthmaan (Alle haka raalli noqdee) wuxuu jiray ku dhawaad ​​afar iyo soddon jir markii Abuu Bakar Al-Siddiiq uu ugu yeerey Islaamka, laguma aqoon ka laba labeyn iyo af-xumo, balse wuxuu ku degdegay inuu si degdeg ah uga jawaabo dacwadii Abuu Bakar, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee qaatay diinta Islaamka, wuxuuna noqday qofkii afraad ee soo islaamay.

Waligii xumaan ma samayn, khamri cabbin, sanam uma sujuudin, qofna ma dilin, bakhtina ma cunin, waxa uu ahaa mid hadal-yaqaan ah, waxa uu ku noolaa dabaqadda sare wakhtiyadii Islaamka ka hor iyo Islaamka, waxa uu necbahay kali taliska iyo ka faa’iidaysiga dadka, wuxuu caawin jiray dadka danyarta ah, wuxuuna caawin jiray ganacsatada yaryar.

Cuthmaan bin Caffaan (Alle ha ka raalli noqdee) wuxuu soo islaamay bilowgii dacwada Islaamka waxaana gaarsiiyey Abuu Bakar Al-Siddiiq, waxa uu ka mid ahaa saxaabadii ugu horaysay ee islaamay oo u dulqaatay dhibtii loogu geystay Maka, Cuthmaan wuxuu ku caan baxay xikmad iyo gobnimo, waxa uu ka mid ahaa dadkii u haajiray Xabashida iyaga oo badbaado raadinaya.

Markii ay soo shaacbaxday xanta ah in Qureesh ay soo islaamtay oo warkaa uu gaaray Xabashida, dadkii soo haajiray ee halkaas joogay way farxeen oo waxay ku noqdeen Maka, laakiin markii ay soo laabteen ayay ogaadeen xaqiiqada arrinta, qaarna way iska daayeen qaarna waxay ku noqdeen Xabashida, Cuthmaanna Maka ayuu Nebiga (scw) la joogay, muslimiintii markii ay Madiina u haajireen, Cuthmaan ayaa safka hore kaga jiray.

Wuxuu ka tagay ganacsigiisii ​​iyo maalkiisii ​, wuxuu marti u noqday Aws bin Thaabit oo la dhashay Xasaan bin Thaabit oo ahaa gabayaagii Nabiga, Nebigu (scw) wuxuu walaaleeyey isaga iyo Aws, Ilaahay haka raalli noqdee labadoodaba, Cuthmaan wuxuu ganacsigiisa ka bilaabay Madiina markuu halkaas yimid.

Cusmaan bin Cafaan waxa uu caan ku ahaa deeqsinimo iyo wax ku bixin Jidka Alle xaalad kasta, hase yeeshee kharashkiisa ugu badan waxa uu ahaa qalabaynta Ciidankaii loogu magac darey Jeysh Al-Cusri, ciidankii dagaalkii Tabuuk ee dhacay sannadkii sagaalaad ee hijriga.

Waxaana loogu magacdaray ishii Tabuuk oo ku yaal meel u dhaxaysa Madiina iyo Dimishiq, Waxaa kale oo loogu magac daray dagaalka adag, sababtoo ah waxa uu dhacay xilli ay dadku la kulmeen dhibaato, kulayl daran, fogaanshaha goobta iyo la’aanta qalabkii dagaalka.

Nabigu (scw) waxa uu ku booriyay asxaabtiisa in ay wax bixiyaan oo ay qalabeeyaan ciidanka, waxa uu yidhi “Qofkii qalabeeya ciidanka dhibka waxa uu leeyahay Janno”. markaa saxaabadii ayaa u orday inay qalabeeyaan, Abuu Bakar Siddiiq waxa uu bixiyey 4,000 Dirham, Cumar bin Al-Khaddaabna waxa uu bixiyey kala badh hantidiisa, Cabdiraxmaan bin Cowfna waxa uu bixiyey kala badh hantidiisa.

Cuthmaan bin Caffaan waxa uu diyaariyey 300 oo neef oo geel ah oo ay wataan koorayaashooda iyo hogaankooda, kadibna waxa uu keenay kun diinaar oo uu ku riday dhabta Rasuulka (scw), wuu farxay oo yidhi: Cuthmaan wax uu sameeyo maanta ka dib oo dhib u geysanaya ma jiro, waxa uuna si weyn uga qayb qaatay qalabaynta Ciidanka Dhibaatada.

Cuthmaan bin Caffaan (Alle ha ka raalli noqdee) wuxuu goob joog ka ahaa dhammaan dagaalladii uu Nebigu (NNKH) ka qayb-qaatay, marka laga reebo dagaalkii Badar, sababtuna waxay ahayd Nabigu (scw) wuxuu amray inuu la joogo gabadhiisa Ruqayyah oo xanuunsanayd.

Wuxuu Rasuulka (scw) uu ka weriyey boqol lix iyo afartan xadiis.

Xiligii Abuu Bakar iyo Cumar

Markii Nebigu (scw) dhintay, Cuthmaan bin Caffaan (rc) wuxuu ka mid ahaa asxaabtii u guntaday gudashada waajibaadkooda, isaga iyo asxaabtii kaleba waxay damceen inay Abuu Bakar Al-Siddiiq (Alle ha ka raalli noqdee) ku taageeraan sidii loo adkayn lahaa tiirarka khilaafada.

Cuthmaan bin Caffaan (Alle haka raali noqdee) waxa uu la taliye daacad ah u ahaa Abuu Bakar Siddiiq iyo Cumar bin Al Khaddaab (Alle haka raalli noqdee), waxaa lagu aaminay arrimo badan oo ay ka mid yihiin in lagala tashado xulista khulafada iyo go’aannada muhiimka u ah ummadda.

Waqtigii Cumar bin Al-Khattaab, Cuthmaan wuxuu si toos ah uga qayb qaatay horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda, wuxuu kaloo kaalin mug leh ka qaatay balaarinta Masjidka Nabiga, isagoo u sahlay Muslimiinta inay si raaxo leh u gutaan waajibaadkooda diineed, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu gaadhay khaliifadiisii ​​waxa ka mid ahaa qur’aanka kariimka ah oo lagu ururiyey kitaab keliya, lagana ilaalinayey qallooc iyo kala duwanaansho.

Caruurtiisa iyo xaasaskiisii

Cuthmaan (Alle haka raalli noqdee) wuxuu guursaday siddeed haween ah, si kastaba ha ahaatee, guurkii uu u guursaday Ruqayyah oo ahayd inantii Rasuulka (scw) waxay leedahay sheeko caan ah, rasuulku (scw) wuxuu Ruqayyah u guuriyey Cutbah bin Abii Lahab, walaasheed Ummu Kulthumna waxay guursatay Cutaybah bin Abii Lahab labada wiil waxaa dhalay Abuu Lahab.

Markii ay soo degtay suuradda Al-Masad oo sheegeysa in Abuu lahab iyo Xaaskiisana ay naarta galayaan Abuu Lahab wuxuu labadiisii wiil ku yiri: – ka taga labada gabdhood ee Muxammad, markaasay ka tageen intaysan la guri galin, karaamo alle xaggiisa ka timid ayey u aheyd labadii gabdhood ee rasuulka ﷺ iyo dullinimada labadii wiil ee Abuu Lahab.

Isla markii Cuthmaan bin Caffaan (rc) uu maqlay warka ku saabsan furiinka Ruqayyah, aad buu u farxay oo u degdegay inuu Rasuulka (scw) u doonto, rasuulku (scw) wuu u guuriyey, waxaana arooska guuriyey Hooyadii Mu’miniinta Khadiija bintu Khuweylid.

Ruqayyah waxay geeriyootey maalmihii uu dhacay dagaalkii Badar sanadkii labaad ee hijriyada, bishaaradii guushii Badar ayaa timid  maalintii Madiina lagu aasayey, marka laga hadlayo guurkii Cusmaan uu guursaday Ummu Kulthum inantii labaad ee Rasuulku, Abuu Hurayrah (rc) waxaa laga wariyey inuu Nebigu (scw) soo istaagay albaabkii masjidka oo uu ku yidhi: “Cusmaanow kani waa Jibriil oo ii sheegay in Eebbe kuu meheriyay Ummu Kulthuum meher la mid ah tii Ruqayyah”., arintaa waxay dhacday sannadkii saddexaad ee Hijrada Nabiga, bishii Rabiic al-Awwal, wuxuuna guurkii dhacay Jumada Al-Akhira.

Markii Ummu Kulthum (Alle ha ka raalli noqdee) ay geeriyootay Shacbaan sannadkii 9aad ee Hijriyada, Cusmaan (Alle haka raalli noqdee) aad buu uga murugooday waayiddii uu waayey Ummu Kulthuum. “Rasuulka (scw) waxa uu arkay Cuthmaan oo socda oo murugeysan, wajigiisana ay ka nuuqato xanuunka wixii ku dhacay, markaasuu u soo dhawaaday oo ku yidhi: “Haddii ay gabar seddaxaad ii joogi laheyd, Cusmaanow waan kuu guurin lahayn”.

Cuthmaan waxa la odhan jiray Dhul-Nuurayn, waxaana loogu bixiyey inuusan jirin qof guursaday laba hablood oo nebi dhalay isaga mooyee.

Wuxuu guursaday sagaal haween ah wuxuuna dhalay dhowr iyo toban caruur.

  1. Cabdullaahi: wuxuu dhashay laba sano ka hor Hijrada, hooyadiina waxay ahayd Ruqayyah, gabadhii Rasuulka (scw), wuxuu geeriyooday sannadkii afraad ee hijriga, isagoo lix jir ah.
  2. Cabdullaahi kii yaraa oo saqiirey isagoo yar: Hooyadii waxay ahayd Faakhita bint Ghazwaan.
  3. Camr, Khaalid, Abaan, Cumar, Maryam: Hooyadood waxay ahayd Ummu Camr bintu Jundub, wiilkiisa Abaan wuxuu ahaa imaam xagga cilmiga fiqhiga, oo loo yaqaanay Abuu Saciid, waxa uu guddoomiye ka ahaa Madiina muddo toddoba sano ah xilligii uu xukumayay boqor Cabdimaalik Ibnu Marwaan.
  4. Al-Waliid, Saciid, Ummu Saciid: Hooyadood waxay ahayd Faadumo bintu Al-Walid bin Cabdi Shams bin Al-Mughiirah Al-Makhzumiyah, wiilkiisa Saciid Wuxuu la wareegay maamulka Khuraasaan sanadkii 56 ee Hijriyada markaas oo uu xukumayay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.
  5. Cabdimaalik: Hooyadii waxay ahayd Ummu al-Baniin bint Cuyaynah ibnu Xisn, wuxuu dhintay isagoo yar.
  6.  Caa’isha, Ummu Abaan iyo Ummu Camr: hooyadood waxaa la oran jirey Ramla bint Shaybah ibnu Rabiica, aabaheed Sheybah waxaa lagu dilay Bader isagoo gaal ah, waxaana dilay Xamza bin Cabdimudhallib.
  7. Ummu Khaalid, Ummu Abaan al Suqraa iyo Arwaa sidoo kale waxaa lagu daraa Maryam: hooyadood waxay ahayd Naila bint al-Farafisa.
  8. Ummu al-Banin oo hooyadeed ahayd naag addoon ah.
  9. Ummu Kalthuum bint Rasullilaah (scw) waxna uma dhalin.

Wallaahu Aclam.

Khilaafadii Cusmaan

Cuthmaan bin Caffaan waxa uu noqday khaliif isagoo 68 jir ah, waxa uu qabtay khaliifadii seddax maalin kadib dilkii Cumar bin al-Khattaab, waxaa jirta sheeko ka danbeysa in loo doortay khaliifadii loo yaqaanay “Sheekada Shuurada”, Cumar bin Al-Khattaab markii la tooriyeeyay wuxuu u yeeray lix saxaabi oo kala ahaa: Cali bin Abii Daalib, Cuthman bin Caffaan, Cabdiraxmaan bin Cowf, Sacad bin Abii Waqaas, Zubeyr bin Al-Awwaam, iyo Dhalxah bin Cubeydah, si uu iyaga uga dhex xusho nin badala.

Dadkii loo yeedhay ayaa Cumar la kulmay, marka laga reebo Dhalxa bin Cubeyda Allaahi oo safar ku maqnaa, waxa uu faray in ay saddex maalmood gudahooda ku doortaan khaliif dhexdooda ah marka uu geeriyoodo, iyagoo u danaynaya midnimada Muslimiinta, saxaabadii way tashadeen dhexdooda, kadibna waxay isku raaceen inay doortaan Cuthmaan.

Muslimiintu waxay ku ballameen inay ku balantamaan masaajidka sannadkii 23aad ee Hijriyada, taasoo ka dhigtay inuu noqdo kii saddexaad ee khulafadii toosnayd.

Guulihii islaamka

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu Cuthmaan gaaray waxaa ka mid ahaa qabsashadii magaalada Merv iyo Turkiga iyo ballaarinta dowladda Islaamka, intii uu xukunka hayay, waxaa la qabsaday Alexandria, waxaana ku xigay Armenia, Caucasus, Khorasan, Kerman, Tunis iyo Qubrus.

Mudadii uu xukunka hayey waxa la balaadhiyey masjidka nebiga 29-30 ee Hijriyada, waxa kale oo uu aas aasay kooxdii ugu horaysay ee ciidamada badda islaamiga ah si ay xeebaha islaamka uga ilaaliyaan weerarada Byzantine.

Cismaan wuxuu u kala qaybiyay furimaha dagaalka 3 qaybood:

  1. Jabhadda Waqooyi: Xuddunta howlgalladani waxay ahayd Dimishiq, halkaas oo ay Muslimiintu u soo baxeen inay la dagaallamaan Roomaanka, halkaas waxaa ka dhacay duullaanno badan, sida duullaankii Xabiib bin Maslama Al-Fihri iyo duullaankii Qubrus.
  2. Jabhadda Bari: Jabhaddani waxay u qaybsantay laba xero oo kala ah Kuufa iyo Basra, waxayna qaadday duullaan badan oo uu ka mid yahay Saciid bin Al Caas oo ku duulay gobolka Tabaristan ee Iran.
  3. Jabhadda Galbeed: Xuddunta howlgalladan waa magaalada fustat oo uu dhisay Camr bin Al-Caas, hadda waa Masar, guulihii halkaas ka dhacay waxaa ka mid ahaa: qabsashadii qeybo ka mid ah Tunis iyo dhulkii Nubia.

Dilkii Cusmaan bin Cafaan

Dhammaadkii xukunkiisa oo uu sii fiday furashooyinkii Islaamka, isla markaana ay soo baxeen canaasiir cusub oo aan weli qaadan diinta Islaamka, isla markaana aan weli si buuxda ugu milmin nidaamka iyo u hoggaansanaanta, ayaa qaar ka mid ah dadka neceb Islaamka oo ay ugu horreeyaan Yahuudda waxay damceen inay fidno abuuraan si ay u wiiqaan midnimada Muslimiinta iyo dawladnimadooda.

Fidnada waxaa hor kacayey Cabdullaahi bin Saba’ oo Yuhuudi ah, oo loo yaqaanay Ibnul-Sawda’, oo sheegtay inuu Muslim yahay, wuxuu aaday Basra, wuxuuna damcay inuu fidno ka abuuro, markaasaa waxaa ku soo ururay koox dhegaysata.

Waxay kiciyeen dadkii ku noolaa Masar, Kuufa, iyo Basra, qaar ka mid ah ayaa hadaladooda lagu khiyaaneeyey oo waxay aadeen dhinaca Madiina si ay u fuliyaan qorshahooda waxay la kulmeen khaliifkii oo ay ka dalbadeen inuu iscasilo, waxa uu ku casuumay kulan ka dhacay masaajidka oo ay weheliyaan saxaabo caan ah iyo dad kale oo reer Madiina ah, waa uu beeniyey been abuurkii, su’aalihiina wuu kaga jawaabay, wuuna cafiyey.

Dhulalkoodii bay ku noqdeen, hase yeeshee waxay ku tashadeen shar xun, waxayna ku heshiiyeen inay mar kale Madiina ku laabtaan si ay u fuliyaan dhagartoodii oo uu maleegay Cabdullaahi ibnu Saba’ oo Yuhuudi ah iskana dhigayey inuu Muslim yahay.

Bishii Shawaal ee sannadkii 35-aad ee Hijriyada ayaa kooxdii Masar ka timid waxay kusoo laabteen Madiina iyagoo sheeganaya inay heleen warqad ay ku qoran tahay Boostada oo lagu amrayo in la laayo madaxdii Masar, Cuthmaan (Alle haka raalli noqdee) warqaddii wuu iska fogeeyey, laakiin waxay ku hareereeyeen gurigiisa (labaatan ama afartan maalmood) waxayna u diideen inuu ku tukado masjidka iyo xitaa inuu biyo helo.

Saxaabada qaarkood markay taas arkeen ayay isu diyaariyeen inay la dagaallamaan oo iska celiyaan, laakiin Khaliifkii ayaa ka hor istaagay, maadaama uusan doonayn in hal dhibic oo dhiig muslim ah loo daadiyo isaga daraaddiis, si kastaba ha ahaatee, dhagar qabayaashii ayaa gadaal ka soo galay gurigiisa (guriga Abuu Xazm Al-Ansaari) oo ay ku weerareen isaga oo sooman oo qur’aan akhrinayay.

Xaaskiisii ​​Naa’ilah, waxay isku dayday inay gacanteeda ku difaacdo, balse waxay ku dhufteen seef oo faraha ayey ka jareen, way ka awood roonaadeen – Ilaahay haka raalli noqdee – oo dhiiggiisii ​​wuxuu ku daatey kitaabkii Qur’aanka, wuxuu shahiiday subaxii Ciidul Adxaa sanadkii 35-aad ee Hijriyada, axaana lagu aasay qabuuraha al-Baqiic.

Cuthmaan bin Caffaan waxa si arxan darro ah loo dilay sanadkii 35 ee Hijriyada markii uu dhintay wuxuu jiray laba iyo siddeetan sannadood, waxaa la yiri: qofkii dilay waa nin Xamaar la oran jiray, waxaana lagu aasay Qabuuraha Al-Baqiic. Dilkiisa waxaa geystay kooxo aan ku qanacsanayn xukunkiisa, kuwaasi oo markii dambe loo arkayay kuwo riddoobay, isla markaana ka baxsan fikradda dadka wax galka ah.

Cusmaan wuxuu khilaafada hayey 12 sano, dilkiisu waxa uu horudhac u ahaa dhacdooyin taariikhi ah oo muslimiinta dhexdooda ay dagaalameen, sida Dagaalkii Jamal (36 Hijriyada) iyo Dagaalkii Siffin.

Dilkiisu waxa uu bilow u ahaa fidnada muslimiinta ka dhex oogan ilaa maantadan la joogo.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

sponsored: monetag.com

1 Comment

Leave a Reply