Taariikhda Cabdikariim Yuusuf Aadan Dhaga badan

Taariikhda Cabdikariim Yuusuf Aadan Dhaga badan

Alle ha u naxariistee General Cabdikariim Yuusuf Aadan Dhaga badan waxa uu ku dhashay magaalada Xeraale ee Gobolka Galguduud, ma la xaqiijin karo sanadka saxda ah ee uu dhashay laakin waxaa lagu qiyaasaa intii u dhaxaysey sanadihii 1937-1938.

General Dhaga badan wuxuu waxbarashadisi dhexe iyo sare ku qaatey magalada Muqdisho, dhamaadkii sanadihii kontameeyadaii ayuu ku biiray Ciidanka Xoogga Xalka isaga oo waliba da’diisu yartahay, muddo kooban gudedeed Dhaga badan waxaa dowladdii ugu horaysey ee uu madaxweynaha  ka ahaa Aadan Cadde u dalacsiisey labo allifle halkaas oo uu kasii waday u shaqaynta shacabkiisa.

Waqti dheer kadib iyo isbadal xukuumadeed oo cusub waxaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre uu dalacsiiyay general Dhaga-badan isagoo la gaarsiiyay darajada General, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidan ee sida weyn uga muuqday dagaalki iSoomaaliya ay Itoobiya la gashay, taariikh badanna ku lahaa guulo badanna ka soo hoyey.

Markii ay burburtey dowladdii Soomaaliya kadib dalka wuxuu fooda la galay marxalad fool xun oo aan markaas la odarasi karin, waxaa xiligaas dalka boobey jabhado qabiil oo mid kastaba dhankeeda ka sheeganaysay inay iyagu yihiin kuwa saxsan lana dulmiyey.

Waxaa sii daba dheeraaday dagaaladii sokeeye ee u dhaxeeyay shacabka soomaaliyeed, Generaalku wuxuu ahaa dadka kooban ee ka fogaadey inuu faraha la galo falalka noocaas ah halka qaar isaga la meeqaamka ahaa ay isu badaleen qab qablayaal manaxayaal ah.

Allah ha unaxariistee general Dhaga-badan waxaa uu si firfircoon uga soo dhex muuqday markale dowladii kumeer gaarka aheyd ee Madaxayne Shariif Shiikh Axmed siiuu shacabkiisa uga difaaco cadowga, Generalka waxaa loo magacaabay abaandulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaan xasuusanaa xiligaas xaalaada dowladu ay ku jirtay, waxaa kaliya ee ay maamulaysey waxay ahayd qayb yar oo ka mid ah Muqdisho, ciidanku wax mushaar ah ma heli jirin kaaga sii daran majirin ciidan qalabaysan oo cadow iska caabin kara, Al-shabaab waxay madaxtooyada u jireen masaafo ka yar hal kilo mitir (1km), xittaa waxaa jirtay xilli ay Al-shabaab laga celshay darbiga madaxtooyada.

Hadaba waxaan xasuusanaa guushii uu Dhaga-badan kasoo hoyey isagoo muddo bil gudaheeda uga sifeeyay xooggagii Al-shabaab ee dhufeysyada ka qotay isgoyska dabka, intaa ugama harine wuxuu ka saaray gabi ahaanba magalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaybo kamid ah.

Generaalku waxaa lagu xasuustaa nabadayntii uu dhex dhigay beelaha kala daga Cabudwaaq iyo Xeraale kuwaas oo mudo ku dhow 8 sano colaad ka dhexaysey, dadka yaqaanay Dhago badan waxay ku qeexaan inuu ahaa geesi muwaadinnimadu dhiiga iyo dhuuxaba ka gashay, waxaa kale uu ahaa shaqsi naxariis badan.

Wuxuu ahaa mid u naxariista caruurta la qaadsiiyey fikirka cadowga ka soo horjeeda qarannimada Soomaaliya, Dhagabadan waxaan oran karaa wuxuu ahaa shaqsi ummada soomaaliyeed u baahneed lakiin aan looga faaideyn.

Allaha u naxariistee Cabdikariin Dhaga badan ayaa lagu xasuustaa in uu ahaa nin geesi ah oo hogaaminayay howlgalladii ugu adkaa ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay Al-Shabaabdadka heysteen, Jeneraal Dhego-badan ayaa door wayn ku lahaa howlgalladii maleeshiyaadka Al-Shabaab looga xooreeyay magaalada Muqdisho sanadkii 2011.

Allaha u naxariistee Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdikariin Yuusuf Aadan “Dhaga badan” ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho bishii November 1, 2015.

waxaa wararka qaar ay tilmaamayaan in saacad ka badan uu iska caabiyay kooxihii weerarka ku qaaday Hotelka Saxafi, inkasta oo markii dambe uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray bam gacmeed lagu tuuray, waqtigiisa intiisa badan wuxuu ku qaatay shaqada ciidanka, shaqadaas oo uu ku faani jiray ilaa uu ka geeriyooday.

November 2, 2015 ayaa aas qaran loogu sameeyey magaalada xeraale ee gobolka Galgaduud ee uu generaalku kasoo jeedey.

Xerada ‘Warshadda Nacnaca’ ayaa loogu magacdaray Janaraal Dhega-badan oo ahaa Abaanduulihi hore ee Ciidamada Xoogga Dalka, xerada oo marki hore ahayd Warshaddi nacnaca ee Soomaaliya, kuna burtay dagaalladi sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay billowgi sagaashamaadkii, waxay mar ahayd xero ay Al-Shabaab ku tababarayeen ciidamadooda.

Markii Muqdisho laga saaray ururkaan xiriirka la leh Al-Qaacidda, sannadkii 2010-kii, waxaa loo bedelay goob lagu tababaro ciidamada dowladda.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.