Maxamuud Xarbi Faarax wuxuu ahaa halyey Soomaaliyeed oo reer Djibouti ah wuxuu usoo dagaalamay xornimada dalka Djibouti, wuxuu aaminsanaa in la mideeyo shan Soomaali ee gumeystuhu kala qeybiyey, wuxuu ku dhashay kuna barbaarey magaalada Dikhil ee dalka Djibouti oo horey loogu yaqiinay xeebta Soomaaliya, wuxuu bartay Carabiga iyo Qur’aanka isagoo yar.
Maxamuud Xarbi wuxuu dhashay sanadkii 1921 balse si sax ah looma yaqaano bishii uu dhashay, aabihii wuxuu ka mid ahaa odayaasha caaqilada ah wuxuu geeriyoodey sanadkii 1938, geeridii aabihii ka dib wuxuu aaday magaalada Jabuuti isagoo ka shaqo bilaabey maqaaxi si uu qoyskiisa u taageeroi, Maxamuud Xarbi wuxuu mar ku biirey ciidanka badda Fransiiska oo xilligaa dalka Xeebta Soomaaliya (Djibouti) maamulayey.
Wuxuu ka qeyb galay dagaalkii labaad ee adduunka isagoo mar ku sigtey inuu geeriyoodo ka dib markiii la duqeeyey Markab uu saarnaa, waxaana Fransiiska uu gudoonsiiyey bilad geesi, ka dibna wuu isaga tagay oo wuxuu ku laabtey Jabuuti wuxuuna noqdey ganacsade.
Sanadkii 1958 wuxuu noqdey ku xigeenkii ninkii Faranciiska uga masuulka ahaa Djibouti wuxuu sidoo kale ahaa xildhibaan, wuxuu baarlamaanka Faransiiska ku matalayey dadka reer Djibouti, isla sanadkaas isagoo ahaa ninka labaad ee ugu sareeya dalka ayuu Fransiiska u sheegay in dadkiisa ay rabaan gobonimo iyo madaxbanaani, kumana qanacsaneyn xilka ay Faransiiska u magacaabeen.
Faransiiska ayaa ku dhawaaqey afti dadweyne oo lagu kala dooranayo gobonimo ama in Faransiiska uu sii maamulo, Maxamuud Xarbi ayaa markaa xisbi sameeyey waxayna u ololeynayeen in Djibouti gumeysiga uu ka tago una diyaar garoobaan in ay ku biiraan dalka Soomaaliya oo markaa xornimo gaarsiin ku jirey.

Faransiiska ayaa u arkey Maxamuud Xarbi inuu halis ku yahay danihiisa siyaasadeed ee guracan wuxuu yareeyey tirada Soomaalida ee codeyneysay waxaana la badiyey Canfarta, Carabta iyo Faransiiska taasoo keentey in Faransiiska uu qabto doorasho boob ah oo guusha ay ku raacdey sida uu sheegay xisbigii doonayey joogitaanka Faransiiska, dalka France ayaa lagu yaqaanaa inuu si dadban u maamulo dalalka uu horey u gumeysan jirey isagoo boobaya kheyraadka dalka halka dadkii u dhashay ay faqri yihiin.
Aftidii ka dib Maxamuud Xarbi waxaa laga qaaday xilkii uu ahey, maadaama xillgaa Soomaaliya aan wali xornimo buuxda helin wuxuu u baxay dibadda isagoo socdaal gobonimo doon ah ku marey dalal ay ku jiraan Shiinaha iyo Ruushak, isagoo ku talo galey dagaal uu la galo gumeystihii Faransiiska.
Dhamaankii sanadkii 1959 wuxuu magaalada Cadan ee dalka Yemen uu ku aasaasay jabhadda xoreynta Xeebta Soomaaliya, sanadkii 1960 markii Soomaaliya ay xornimada qaadatey jabhadda waxay u wareegtey magaalada Mogadishu oo ay xafiis ka furatey, wuxuu u safrey dalka Shiinaha si uu hub uga helo, waxaana loo soo direy Markab hub ah.
Markabkii markii uu yimid meel u dhow Saylac oo hubkii la rabey in jabhadda loo qeybiyo ayaa waxaa banaanka yimid xogtii markabka maadaama la rabey in si qarsoodi ah loo dajiyo hubka halkaana ay ka galaan Xeebta Soomaaliya (Djibouti), markabkii ayaa markaa dib ugu laabtey badweynta hubkiinaa iska soo reebey ka dibna xeebtii isaga soo laabtey isagoo aan waxba sidin.
Mar kale ayuu galey safar dibadda ah wuxuu aadey dalka Masar waxaana wehlinayey nin la oran jirey Maxamed Rashiid oo Soomaaliya u dhashay, ka dibna dalka Italy ayey aadeen, Maxamuud Xarbi iyo Maxamed Rashiid markii ay ka tagayeen Masar waxaa raacey Jaamac Maxamuud Buure, Italy waxay uga sii gudbeen magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Sida la sheegay Talyaaniga ayaa xogta Maxamuud Xarbi u gudbiyey dalka Fransiiska oo aad u doon doonayey, Sebtembar 29,1960kii, Maxamuud Xarbi iyo labadiisii saaxiib ee la socdey ayaa ku dhintay sida la sheegay shil diyaarad iyadoo ay jiraan tuhunno kale oo sheegaya in aysan shil ku dhiman, shilka ayaa dhacay ka dib safar ay kaga soo laabteen Geneva, Switzerland kuna sii jeedeen Qaahira.
Diyaaradda waxaa la sheegay in ay Masar laheyd, dowladda Masar ayaa seddax cisho ka dib sheegtey in aysan ka maqneyn diyaarad taasoo shaki badan dhalisay, balse maalmo ka dib dowladda Masar ayaa mar kale hadashay oo sheegtey in diyaarad ay ka maqantahay.
Ugu dambeyn dalkii Xeebta Soomaaliya (Djibouti) ayaa xornimada qaadatey June 27, 1977, balse Franciiska ayaa wali joogitaan rasmi ah ku leh Djibouti, luuqadaha rasmiga ah ee Djibouti waa French iyo Arabic, dalka Djibouti waxaa madaxweynihii ugu horeeyey noqdey Xasan Guuleed Abtidoon wuxuuna hayey ilaa 1999 ka dibna waxaa dalka madaxweyne ka noqdey Ismaaciil Cumar Geelle oo ilaa hadda 2025 xilka haya.
References
https://www.youtube.com/watch?v=Yzo76zCEbjI&t=143s&ab_channel=BBCSomali
Sponsored: Hostinger Premium Web Hosting with 20% discount
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.

