General. Daa’uud Cabdulle Xirsi wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ee yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Daa’uud wuxuu ku dhashay tuulada Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud sanadkii 1924 halkaas oo uu ku dhameeyey Qur’aanka asagoo da’ yar ah.
Asagoo mudo sanad ah ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buulaburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa ka hor intaan la gaarin dagaalkii labaad ee Aduunyada, 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamadii Booliska ee Ingiriiska oo markaas haystay koonfurta, Janaral Daa’uud waxaa uu ka gaarey shaqadiisa ilaa barre macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab.
Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib, horaantii 1950kii markii taliskii Talyaaniga ay ku soo noqdeen koonfurta Soomaaliya ayaa Janaraal Daa’uud waxa uu ku guulaytay imtixaan uu u galay leyli sarkaal, Waxaana loo qaaday dalka Talyaaniga halkaasina uu ku soo dhamaystey Tababar Ciidanka ee Sarkaalnimada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga
Wuxuu dalka kusoo laabtey 1954, wuxuu ka qeyb galay diyaarintii iyo Aas Aaskii ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan lana aasaasay ciidanka xoogga waxaa loo magacaabay Taliyahii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xeerkii lagu dhisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa lagu dalacsiiyay janaraal Daa’uud waxaana loo dalacsiiyey darajadda Genaraalnimada alle ha u naxariistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi oo noqday Taliyahii Ugu Horeeyay ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxaana darajadaasi u dalacsiiyay Raiisul-wasaare Cabdirashiid Cali sharmaarke 12 Apriil 1960, wuxuu ahaa janaraal-kii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dallacaad noocaas oo kale ah mutaystay tababar dhinaca ciidamada ah.
waxaana isku maalin Lawada dalacsiiyey General daa’uud iyo General Maxamed Abshir Muuse oo loo kala magacaabay Booliska iyo militariyga .
Waxyaabaha lagu xasuusto
Ganaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi wxaa lagu xasuustaa guushii uu ka gaaray dagaalki itoobiya ay kusoo qaaday somalia Sanadii 1964 Markaas oo loo aqoonsaday Halgamaa hal ku Dhig leh oo aad loo Xurmeeyo.
General Daa’uud Cabdulle Xirsi Waxaa uu ahaa masuul ay jeclaayeen Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo booliskaba maadaama uu labaduba uu lasoo shaqeeyey.
Ganaraal janaraal Daa’uud waxaa kaloo lagu xasuustaa caawinta dadka tabaaleysan, waxayna aadi jireen xeryaha ciidanka si ay wax ay cunaan uga helaan.
Xubno ka tirsanaan jiray qeybihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo intii ay u suurtagashay in ay la kulmaan waxay ku tilmaameen in uu ahaa nin iimaan badan, diinta Islaamkana wax badan ka yaqaannay, af gaaban, aaminna ahaa, dadkana aan kala jecleysan, yaqaannay xilka iyo waajibaadkii ka saarnaa illaalinta iyo dhowritaanka midnimada iyo wadajirka xubnahii ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed., kuna dadaala runta.
Soomaaliya waxaa soo maray Allaha u naxariistee Jeneraal Daa’uud iyo rag la mid ahaa oo musuq maasuqa necbaa iyadoo maanta xaalku sidaas uu ka bedelan yahay waxaana musuq maasuqa uu yahay mid lagu faano, iyadoo qofkii madax laga dhigaba kuwa ugu sareeya iyo kuwa ugu hooseeyaba intooda badan ay boobayaan xoolaha ummadda ka dhaxeeya.
Alle ha u naxariistee janaraal Daa’uud waxuu Sannadkii 1965-kii uu ku geeriyooday Magaalada Moscow ee dalka Ruushka halkaas oo lagu dawaynayey waxaana lagu aasay magaalada Muqdisho.
Waxaa jira goobo badan oo loogu magac darey janaraal Daa’uuud oo intooda badan ku yaala gobolka Banaadir sida wadada janaraal Daa’uud, dugsiga janaraal Daa’uud, koobka janaraal Daa’uud iyo kuwa kale.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.