Gen. Maxamed Abshir Muuse wuxuu ahaa Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ilaahey ha u naxariistee Gen. Maxamed Abshir Muuse wuxuu ku dhashay Magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug sanadkii 1926, wuxuuna Ciidamada Booliiska ku biirey isagoo dhalinyara ah wuxuuna tababarkiisii ugu horeeyay ku soo qaatay dalka Talyaaniga.
Markii dalka uu kusoo laabtey gobolka Bari ayaa loogu magacaabey taliye Waaxeed, Gen. Maxamed Abshir Muuse wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo darajada General loo dalacsiiyo.
Wuxuu noqdey Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sanadkii 1958 waxaana magacaabay halgamaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud, markii Soomaaliya Xornimada qaadatey sanadkii 1960 wuxuu sii ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska, wuxuuna xilka hayey muddo sagaal sano ah, waxaa lagu xusuustaa qeybtii uu ku lahaa dhismaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu ahaa shakhsiga dhisay, qalabeeyay isla markaana tayeeyay Ciidamada Booliiska.
Sanadkii 1961 waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haween ah oo booliska Soomaaliyeed ka tirsan, kuwaasi oo shaqadoodu aheyd baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka la xiriira.
Sanadkii 1969kii markii Millatarigu la wareegay talada dalka, wuxuu marxuumku ka mid ahaa masuuliyiintii la xiray, waxaa marka hore la geliyay xabsi guri labo sano kadib waa la fasaxay balse mar kale ayaa la xirey, wuxuuna Xabsiga ku jiray isku darka muddo Toban sano ah.

General Maxamed Abshir Muuse markii xabsiga laga sii daayay wuxuu aad xoogga u saaray barashada Culuumta Daraasaadka Islaamka, wuxuuna ka mid ahaa culumadii ka aflaxday Tafsiirka Qur’aanka ee uu aqrin jiray Shiikhii waynaa Shiikh Maxamed Macallin Xasan, taasi oo uu meel sare ka gaaray.
Sanadihii 1990-1991-dii, Xilligii dagaallada Sokeeye, waxaa uu ka tirsanaa qoladii loo yaqaaney “Suluxa”, waxaa uu aad ugu dhawaa Cali Mahdi Maxamed, kadibna waxaa ay hoggaanka SSDF isku qabteen Cabdullahi Yusuf Axmed.
Abshir wuxuu la shaqeeyay ciidamada Maraykanka ka dib markii madaxweyne George H.W. Bush ayaa ciidamo u direy si uu u ilaaliyo sahayda gargaarka bani’aadamnimada ee 1993-kii.
Sanadkii 1991 markii dalka uu burburey uxuu u wareegey maamulka Puntland halkaasi oo uu ka noqday hogaamiyaha garabka Siyaasadda ee Jabhaddii S.S.D.F xilkaasi oo uu hayay illa sanadihii 1991 ilaa 1998dii.
General Maxamed Abshir ayaa u guuray Minnesota dalka Mareykanka sannadkii 2001-dii, sanadkii 2003, Mareykanka wuxuu ku hanjabay in uu masaafurin doono ka dib weerarkii 9/11 balse codsi ka yimid qaar ka mid ah safiiro Mareykanka ah iyo qareenkiisa ayaa sababey in Mareykanka uu ogolaado inuu magangalyo siiyo General Maxamed Abshir.
Sanadihii ugu dambeeyey ee noloshiisa isaga iyo qoyskiisaba waxa ay ku noolaayeen dalka Mareykanka, General Maxamed Abshir Muuse wuxuu ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka bishii October 25, 2017.
Geerida General Maxamed Abshir waxaa ka tacsiyeeyey madaxweynihii Soomaaliya ee xilligaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisal wasaarihii dalka Xasan Cal Khayre.
References
https://sntv.so/2017/10/26/taariikh-nololeedka-gen-maxed-abshir-muuse/
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.