Mahad Maxamed Salaad wuxuu ku dhashay magaalada DhuusaMareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud sanadkii 1980kii, mar uu taariikhdiisa ka sheekeynayey wuxuu sheegay in waxbarashadiisa aasaasiga uu ku kala qaatay Soomaaliya iyo Kenya.
Dugsiga sare wuxuu ku qaatay dalka Masar, sidoo kale dalka Masar ayuu ku qaatay waxbarashadiisii jaamacadeed isagoo halkaa ku qaatay Bachelor degree, sidoo kale halkaa ayuu ku diyaariyey master degree.
Intii uu joogay dalka Masarsanadkii 2005 waxa uu noqday xoghayaha guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.
Sanadkii 2011 ayuu Mahad kamid noqday xubnihii xisbigii PDP waana shaqadiisii ugu horeysay ee dhanka siyaasadda, sanadkii 2012 waxaa loo doortey xubin ka mid ah xildhibaanada dowladda Soomaaliya.
Mahad Salaad ayaa mar labaad waxaa uu ka mid noqday golaha shacabka doorashadii sanaddii 2016, sidoo kale mar seddaxaad ayaa loo doortey xubin ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya doorashadii sanadkii 2021 isagoo kusoo baxay kursiga HOP#147.
Muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh sanadkii 2013 Mahad Salaad waxa uu ka mid noqday golihii wasiirada waxaana loo magacaabay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, sanadkii 2014 ilaa ilaa 2017 wuxuu ahaa wasiiru dowlaha madaxtooyada.
Sanadkii 2012 ilaa 2013 wuxuu ahaa xoghayaha guddiga golaha shacabka ee arimaha dibadda, wuxuu sanadkii 2015 ilaa 2016 ka mid ahaa xubin guddi heer wasiir ee hogaaminta dhismihii dowlad goboleedka Galmudug.
Intii uu xilka hayey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo laga soo bilaabo sanadkii 2017 ilaa May 2022 Mahad Salaad waxa uu ka mid ahaa xubnihii mucaaradka ee sida adag uga soo horjeeday dowladdii Farmaajo.
Mar uu wareysi bixinayey Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka dowladii hore ayaa Mahad Salaad wuxuu ku eedeeyey inuu xiriir la leeyahay ururka Alshabaab.
Mahad Salaad wuxuu ka mid ahaa xubnihii mucaaradka ahaa ee horboodayey ciidankii la magac baxay badbaado qaran ee 2021 Mogadishu ka dhex dagaalamey, wuxuu ka mid ahaa dadkii aadka ugu ololeynayey udub dhexaadna u ahaa guushii Xasan Sheekh ee doorashadii May 2022.
May 26, 2022 Mahad Maxamed Salaad waxaa loo magacaabay Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, intii uu xilka hayey waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah sharci u sameyntii NISA, dagaalkii Alshabaab iyo amniga magaalada Mogadishu oo uu aad uga shaqeeyey waxaana aad u yaraaday qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jirey caasimadda.
April 4, 2024 ayaa laga qaaday xilkii Agaasimaha waxaa xilkaa loo magacaabay Cabdullaahi Sanbaloole, Xasan Sheekh ayaa sheegay xilligaa in Mahad Salaad uu saaxiibkii yahay uuna ku kalsoonyahay balse isaga uu doortey inuu xilka baneeyo.
Maalin Axad, June 1, 2025 Mahad Salad ayaa mar kale loo magacaabay Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa xilka laga qaaday Cabdullaahi Sanbaloolshe.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo yeeshay shir deg deg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.