Last Updated on April 30, 2025 by taariikh24
Talaado, April 1, 2025- Shawaal 3, 1446
Diyaarad Qaramada Midoobey ay laheyd ayaa shil ku gashay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Mogadishu, diyaaradda ayaa la sheegay inay saarnaayeen 22 ruux, diyaaradda oo aheyd kuwa 75 ruux qaada ayaa waxay aaday Baydhabo balse duuliyihii waxaa u cadaatey in lugaha hore aan u baxeyn wuxuuna kusoo laabtey Mogadishu, hal qof ayaa ku dhaawacmay intii Kalena way badbaadeen.
Arbaco, April 2, 2025- Shawaal 4, 1446
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliyaha Ciidanka Badda u magaacabay S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, Admiral Cabdi Warsame ayaa ahaa taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya.
Khamiis, April 3, 2025- Shawaal 5, 1446

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaas oo ku sugnaa Magaalada Berbera, weli ma cadda sababta ka dambeysa xadhiga Cabdimaalik Muuse Coldoon, maamulka Somaliland ayaa horey dhowr jeer u xirey samafale Cabdimaalik Muuse.
Sabti, April 5, 2025- Shawaal 7, 1446
Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa lagu dilay deegaanka Caddow Dibile ee Gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo uu hadal u jeedinayay ciidamo ka tirsan guutada iyo kuwa kale, nin aan ka tirsaneyn Ciidanka Xoogga balse soo xirtey dharka ciidanka ayaa toogtey taliyaha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Axad, April 6, 2025- Shawaal 8, 1446
Alshabaab ayaa hoobiyaal ku garaacay xirada Xalane, hoobiyaasha ayaa ku dhacay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, qaar ka mid ah shacabka degmooyinkaas ayaa qasaaro kasoo gaarey weerarkaas, waa maalinta labaad oo xiriir ah oo caasimadda hoobiyaal lagu garaacay shalay oo taariikhdu aheyd April 5, 2025 ayey aheyd markii Wardhiigley hoobiyaal ku dhaceen, hoobiyaasha lagu garaaco Mogadishu ayaa inta badan wuxuu qasaaro u geystaa shacabka.
Talaado, April 8, 2025- Shawaal 10, 1446
Dagaal xooggan ayaa ka dhacay deegaanka Aboorey ee hoostag degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan, dagaalka ayaa qaaday ciidanka xoogga si ay uga saaraan Alshabaab oo deegaankaas qabsaday, dagaalka oo khasaaro badan dhaliyey ayaa waxaa dadka ku shahiiday ka mid ahaa alle ha u naxariistee taliyihii ururka 164-aad guutada 16-Aad ee Ciidamadda Kumandooska Danab Dhame Asad Cismaan Afrax, Shabaab ayaa difaacyo adag ka sameystey deegaankaas.
Arbaco, April 9, 2025- Shawaal 11, 1446
Garab ka mid ah golaha dhexe ee jabhadda ONLF ayaa gudoomiye ku meel gaar ah u doortey Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax), Cabdiraxmaan Mahdi Maadey oo la sheegay in xilka laga qaaday ayaa sharci darro ku tilmamay.
Khamiis, April 10, 2025- Shawaal 12, 1446
Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa ka dhacay degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo, dagaalkaan ayaan aheyn kii ugu horeeyey oo labadaan maleeshiyo si micno darro ah isugu laayaan.
Alle ha u naxariistee, Marxuum Janaraal Axmed Saleebaan Cabdalle (Dafle) oo ayaa ku geeriyooday dalka Cummaan, Gen. Dafle waxa uu ka mid ahaa madaxdii dowladdii hore, isaga oo dhawr wasaaradood soo hoggaamiyey, door muuqdana ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo dowladnimada dalka, sidoo kale, Janaraal Axmed Saleebaan Cabdalle oo ka mid ahaa aas-aaseyaasha Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliyeed iyo taliyihii ugu horreeyey, waxa uu muddo ka shaqeynayey amniga qaranka Soomaaliyeed iyo horumarinta laamaha amniga dalka.
Sabti, April 12, 2025- Shawaal 14, 1446
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa booqasho ku tagay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waa ra’iisul wasaarihii ugu horeeyey ee dalka oo Laascaanood tagay, waa masuulkii ugu sareeyey ee Laascaanood taga afartan sano ka dib.
Axad, April 13, 2025- Shawaal 15, 1446
Daadad ayaa ku dhuftey degmada Isku-shuban ee gobolka Bari iyo deegamada hoosyimaada oo ay ka jirtey abaar daran, daadadka ayaa dhaliyey khasaare nafeed, Khasaaraha ugu xooggan ayaa la xaqiijiyey inuu ka dhashay daadad ku soo rogmey Togga Carro-weyn ee deegaanka Timirshe oo qaaday haweeney iyo laba carruur ah oo ugu dambayn meydkooda laga helay deegaamada toggu biyeeyo
Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha xarunta madaxtooyada maamulka SSC Khaatumo iyo xarunta Booliska, Xamze ayaa booqasho ku jooga Laascaanood xarunta maamulka SSC Khaatumo.
Talaado, April 15, 2025- Shawaal 17, 1446
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ay ka bilaabatay diiwaangalinta dadka codeynaya doorashada qof iyo cod ee dowladdu qorsheynayso.
Arbaco, April 16, 2025- Shawaal 18, 1446
Alshabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe, dagaal saacado badan socday kadib, kooxda AS ayaa gashay magaalada Aadan Yaabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe, ciidanka dowlada iyo macawisleyda deeggaanka ayaa aaday deeggaanka Mabaax oo magaalada u dhow, magaalada waxaa ku sugnaa taliyaha ciidanka Gen. Odowaa Yuusuf Raage, degmada Aadan Yabaal waxay dowlada la wareegtay bishii December 2022-kii. Waa magaalo muhiim u ah howgalada kadhanka ah kooxda Alshabaab, dagaalka saraakiisha ku shahiiday waxaa ka mid ahaa Ismaaciil Ciise Maxamuud oo ahaa taliyaha Ururka 87aad ee Guutada 77aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Khamiis, April 17, 2025- Shawaal 19, 1446
Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa iskacaabiyey weerar ay Alshabaab aroornimadii ku qaadeen saldhig duleedka Baydhabo kuyaalla, waxaa jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, ciidanka xoogga ayaa sheegay in ay jabiyeen kooxdii werrarka soo qaday ayna dilaan amiirkii hogaaminayey oo ay sheegeen inuu ajnabi ahaa.
Khamiis, April 24, 2025- Shawaal 26, 1446
Alshabaab ayaa weerar khasaare badan dhaliyey ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeelada Dhexe, ciidanka xooga ayaa iska caabiyey weerarka waxayna sheegeen in ay dilaan in ka badan soddon Shabaab ah, Wargaadhi waa taliska ugu weyn ee gobolka waxaa ku yaala saldhigga ciidanka cirka.
Khamiis, April 27, 2025- Shawaal 29, 1446
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, wasiirada la isku bedelay waxay kala yihiin:-
- Jibriil Abdirashid Xaaji Cabdi – waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda, waxaa laga bedelay wasaaradda gaashaandhigga oo uu kaliya joogay bil iyo toban bari.
- Cabdisalam Cabdi Cali – waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda arimaha dibadda, wuxuu ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda.
- Axmed Macalin Fiqi – waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, wuxuu ahaa wasiirka arimaha dibadda.
Khamiis, April 30, 2025- Dul Qacdah 2, 1446
Kulankii baarlamaanka Soomaaliya ayaa gacan ka hadal isku badalay ka dib markii uu gudoomiye Aadan Madoobe isku dayey inu shir gudoommiyo kulanka, qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa ka hor istaagay inuu gudoomiyo waxayna kasoo horjeedeen xildhibaan ay sheegeen in si sharci darro ah xilka looga xayuubiyey.

Premium Web Hosting with 20% discount
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.