Khamiis, May 1, 2025- Dul Qacdah 3, 1446
Axmed Macalin Fiqi ayaa si rasmi ah u la wareegey xilka wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, wuxuu ahaa wasiirka arimaha dibadda, wuxuu noqonayaa wasiirkii seddaxaad ee wasaaraddaan loo magacaabay intii xukuumaddaan hadda seddaxda sano ku dhow ay jirtey.
Sabti, May 3, 2025- Dul Qacdah 5, 1446
Diiwaangalinta cod bixiyaasha ee ay wado dowladda uu hogaamiyo xasan sheikh ayaa ka bilaabatey degmooyinka Dharkeenley, Wadajir, Hiliwaa iyo kuwa kale, doorashada qof iyo codka ah ee la qorsheynayo in lagu qabto gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa khilaaf xooggan ka taaganyahay.
Arbaco, May 7, 2025- Dul Qacdah 9, 1446
Qaraxyo ayaa dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, qaraxyada oo ahaa miinooyin lagu aasay bar kantarool ayaa waxay ka kala dhaceen degmooyinka Wadajir iyo Yaaqshiid, qasaare dhaawacyo ah ayey geysteen.
Jimco, May 9, 2025- Dul Qacdah 11, 1446
Roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ay magaalada Mogadishu iyo daafaheeda, roobabkaan ayaa geystey qasaare xoogga oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed, lix waddo in ka badan ayaa burburey, guryo badan ayaa burburey oo dad ay ku dhinteen, roobabka ayaa socdey qiyaaskii 7:15 PM ilaa May 10, 2025 2:00 am.
Axad, May 11, 2025- Dul Qacdah 13, 1446
Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayaa xayiraadda ka qaaday garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, garoonka ayaa xayiraad saarneyd muddo bilooyin ah, garoonka ayaa u xayirnaa khilaafka ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe owgii.
Isniin, May 12, 2025- Dul Qacdah 14, 1446
Ciidamada deegaanka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegtay in ay dileen horjooge ka tirsanaa ururka Alshabaab, horjoogahaan ayey sheegeen in lagu magacaabo Maxamed Cali Gaaguf oo ka soo jeeday Xarardheere.
Talaado, May 13, 2025- Dul Qacdah 15, 1446
Waxaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir gaar aaan qeybta waliyow cadde si arxan darro ah loogu dilay gaashaanle sare Cabdiqaadir Xuseen Cigaal, wuxuu ahaa mid ka mida Saraakiishii ugu sareesay dowladda kacaanka, sarkaalka ayaa lagu dhex dilay gurigiisa dhexdiisa ka dibna la gubey, waxaa la sheegay in loo dilay dhul uu deganaa oo la rabay in xoog looga qaato balse uu diiday, dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh waxaa caadi ka ah boobka dhulalka.
Arbaco, May 14, 2025- Dul Qacdah 16, 1446
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cabdirisaaq Axmed Cali, inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.
Khamiis, May 15, 2025- Dul Qacdah 17, 1446
Ciidanka booliska maamulka Soomaaliland ayaa labo qof oo shacab ah ku dilay 33 kalana ku dhaaawacay ka dib mudaaharaad rabshado wato oo ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, dadka mudaaharaadka sameynayey ayaa dalbanayey in aan La sii daynin maxaabiista SSC-Khaatumo iyadoo aan la soo dayn Faysal Cali Bootaan oo SSC-KHaatumo u xiran.
Jimco, May 16, 2025- Dul Qacdah 18, 1446
Qarax ayaa ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, qaraxa ayaa ka dhacay wado laami ah oo dhalinyarada ay u aadan in ay muuqaalo isaga duubaan sawirana ku galaan, sida masuuliyiinta degmada ay sheegeen waxaa ku dhaawacmay shan qof oo shacab ah iyo labo ciidamada ammaanka ah.
Sabti, May 17, 2025- Dul Qacdah 19, 1446
Taliyihii Guutada 26-aad qeybta 27aad Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xujaale ayaa waxaa toogtay askari ciidankiisa katirsan, dilkan ayaa ka dhacay xero ciidan oo furin ah oo ku taal deegaanka Mubaax, askariga yaa la sheegay inuu u adeegsaday dilka taliyaha qoriga culus ee dhashiikaha.
Qarax ayaa ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose, qaraxa ayaa lagu xirey sida la sheegay gaari uu lahaa mid ka mid ah ganacsatada qaadka, waxaa ku nafwaayey inta la xaqiijiyey labo qof halka afar kalana uu dhaawac ka soo gaarey.
Axad, May 18, 2025- Dul Qacdah 20, 1446
Qarax uu geystey qof naftii halige ah ayaa ka dhacay Xerada Damaanyo ee degmada Hodan gobolka Banaadir, qaraxa ayaa ka dhacay xerada afaafkeeda oo ay joogeen dhalinyaro badan oo halkaa isugu yimid si ay ugu biiraan Ciidanka Xoogga, waxaa ku nafwaayey in ka badan 15 qof oo shacab ah, Alshabaab ayaa sheegtey in qaraxa ay ku dileen ciidamo badan.
Arbaco, May 21, 2025- Dul Qacdah 23, 1446
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa mudane Idiris Cismaan Xaaji Cali u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Isniin, May 25, 2025- Dul Qacdah 27, 1446
Maamulka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyey Hay’adda SoDMA in ay degmada Moqokori keeneen daawooyin iyo agab caafimaad aan loogu talo galin duruufaha ka jira deegaankaas, maamulka ayaa sheegay in Hay’adda SoDMA ay gargaar ahaan ku keenaan agabkii Covid-19 ka iyo sharooboorin Vitamin ah iyo waxyaabo kala aan lagu la tacaali Karin dadka ku waxyeeloobaya dagaalka lagu la jiro Al-shabaab.
Dhanka kale Hay’adda SoDMA ayaa beenisay waxayna tiri “Daawooyinka aan Moqokori geynay iyo wixii shalay baraha bulshada lagu faafiyay shaqo iskuma lahan, waxaana masuuliyadaas qaadaya dadkii beentaas faafiyay”.
Arbaco, May 28, 2025- Dhuʻl-Hijjah 1, 1446
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. Xassan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho, waxaa xilka laga qaaday Mohamed Ahmed Amir.
Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Morgan ayaa kugeeriyooday isbitaal kuyaala Nairobi, Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, Morgan waxuu kamid ahaa saraakiishii meleteriga Soomaaliya ugu caansanayd. Mudadan dambe waxuu ku noolaa magaalada Garowe.
Jimco, May 30, 2025- Dhuʻl-Hijjah 3, 1446
Dowladda Soomaaliya oo xubin buuxda ka noqotay Golaha Fulinta ee Hay’adda UN-Habitat, Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay xubinimada UN-Habitat oo ah hay’adda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dejinta iyo magaalooyinka.
Sabti, May 31, 2025- Dhuʻl-Hijjah 4, 1446
Ciidanku maamulka Puntland ayaa la wareegay taliskii firxadkii Daacish ee Togga Miiraale, Ceelashii xarunta u ahaa kii u danbeeyayna ayaa laqabtay, Hawlgalku waa Cir & Dhul, Wejigii 3-aad ee hawlgalka ayaa Guul kusoo dhammaaday sida ay sheegeen ciidanka.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.