Libaaxii saxaraha: Sheikh CumarAalmukhtaar Maxamed Farxaan wuxuu ku dhashay magaalo xeebeedka Zawiyat Zanzuur oo ku taala bariga Libya bishii August 20, 1862, waxaa kaloo la sheegaa inuu dhashay 1858, wuxuu ka dhasay qabiilka Almanfa oo ka mid ah qabiilada dega dalka Libya.
Aabihii ayaa geeriyoodey isagoo xajka usocda, Cumar Almukhtaar waxaa la wareegey Sheikh Xuseen Algharyaani oo ahaa Sheekhii kooxda Sanuusiya garabkii magaalada Zanzuur {Sanuusiya waa koox diimeed oo Suufi ah oo ka soo horjeeday gumeystayaashii qabsadey Libya iyo Sudan}.
Cumar Almukhtaar waalidkii ayaa kula dardaarmey Sheekha inuu barbaariyo, wuxuu geeyey dugsi Qur’an, ka dib Cumar Almukhtaar wuxuu ku biirey machad ku yaaley waaxda Jaqbuub oo markaa aheyd caasimadda dacwada kooxda Sanuusiyada bariga Libya, wuxuu wax ka baranayey muddo siddeed sano ah wuxuuna bartey culuumta sharciga sida fiqiga, xadiithta rasuulka ﷺ iyo tafsiirka qur’aanka kariimka.
Sheikh Cumar Almukhtaar wuxuu kusoo barbaarey mabaadii’da iyo fikradaha kooxda Sanuusiya oo ku saleysneyd barashada jihaadka iyo la dagaalanka gumeystaha, sanadkii 1897 Shekh Mahdi Al-Senussi wuxuu Sheekh Cumar Al-mukhtaar uu u xilsaaray magaalo la yirahdo Zawiyat al-Qusour oo ka tirsan gobolka ‘Jabalul Akdhar’ isaga oo helay jagada ah ‘Sayidii’, oo looga yeeri jirey odayaasha iyo culimada u dhaqdhaqaaqa Senussi oo kaliya.
Sheikh Cumar Al-Mukhtaar wuxuu noqdey macallin dadka bara diinta islaamka, waxa uuna safar dacwo iyo wax barid u aadi jirey dhulalka Sudan iyo Chad oo markaasi ay heysteen gumeystayaashii Ingiriiska iyo Faranciiska, Cumar Al-Mukhtaar wuxuu ka qeyb qaatey dagaalo badan ka hor inta uusan Talyaanigu qabsan dalka Libya dagaaladaas waxaa ka mid ah dagaalladii ka dhax qarxay Senussi iyo Faransiiska ee gobolada Koonfurta Sudan.
Waxaana intaa u dheer oo uu Cumar Mukhtaar ka qayb galay dagaalki guumeystaha Faransiiska uu ku qabsanayey dalka Chad ee dhacay 1900, sanadkii 1908 wuxuu qeyb ka ahaa dagaal ka dhacay xuduuda Masar iyo Libya oo u dhexeeyey kooxdii Cumar Al-Mukhtaar iyo gumeystihii Ingiriiska oo Masar joogey.
September 29, 1911 Talyaaniga ayaa ku dhawaaqey dagaal ka dhan ah dowladdii Cusmaaniyiinta oo Libya ka talineysay, doomihii Talyaaniga ayaana bilaabey in ay duqeeyaan magaalooyinka xeebaha dhaca wuxuuna shaaciyey in Libya ay ka mid tahay dhulka Talyaaniga uu gumeysto, Cumar Al-Mukhtaar ayaa bilaabey in uu abaabulo jihaad ka dhan ah gumeystihii kusoo duuley dalkiisa.
Dagaaladii ugu horeeyey ee uu Talyaaniga la galo waxaa ka mid ahaa dagaalkii loo yaqaaney Salaawi oo dhacay dhamaadkii 1911, Cumar Al-Mukhtaar wuxuu hogaamiye u noqdey kooxdii ugu weyneyd taariilkhda Libya taas oo dagaal la gashay gumeystihii Talyaaniga gaar ahaan markii ay dowladdii Turkiga ka baxdey dhulka Libya sababo la xiriira heshiiskii Lowzaan sanadkii 1912.
Heshiiskaas wuxuu Cusmaaniyiinta ku qasbey in ay Libya ku wareejiyaan Talyaaniga, Talyaaniga wuxuu filayey in uusan wax iska caabin ah kala kulmi doonin shacabka Libya wuxuuna bilaabey in uu dhiso maamul isaga hoos yimaada, balse kooxdii mujaahidiinta aheyd ee uu hogaaminayey Cumar Al-Mukhtaar ayaa dagaalo qaraar kala horyimid waxayna dileen boqolaal ciidan.
Ciidanka Talyaaniga ayaa isticmaalayey hub casri ah halka Cumar iyo kooxdiisa aysan heysan hub u dhigmi kara kan Talyaaniga uu heystey, Cumar waxaa marin u ahaa dhulka saxaraha iyo dhulka buuraleyda ah, wuxuu bilaabey dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waxaana halkaasi uga baxay magaca libaaxii saxaraha.
Gumeystihii Talyaaniga iyo kooxihii iskacaabbinta ee gumeysidiidka uu Cumar hoggaaminayey waxaa Libya ku dhexmaray dagaallo aad u waaweyn, oo uu ka mid ahaa dagaalkii weynaa ee labada maalmood socday ee Derna oo dhacay May 1913-kii, dagaalkaasi oo ku dhammaaday 70 askari oo Talyaani ah oo la dilay iyo 400 oo kalana lagu dhaawacay iyo dagaalkii Boushamal ee Ceyn-Maara ka dhacay October 1913-kii.
Sidoo kale 1914-kii waxaa dhacay dagaallo ay ka mid ahaayeen Shakhnab, Shaldiimah, Zawiitiinah, xilligaasi oo uu Cumar hoggaaminayey dagaalladaasi oo dhan isaga oo isaga gooshayey goobaha ay dagaalladu ka socdaan.
Cumar Al-Mukhtaar ayaa dagaal kula jirey Talyaaniga 20 sano, sanadkii 1922 markii kooxdii Sanuusiyada ay Masar u wareegtey Cumar Al-Mukhtaar wuxuu ahaa mid sii wadey dagaalkii looga soo horjeedey Talyaaniga, xaaladda ayaa kasii dartay iyadoo faashiistiyadii ay la wareegeen taladii Talyaaniga October 1922-kii, intaas ka dib waxay kordhiyeen howlahoodii milatari ee Libya.
Sanadkii 1926 gumeystihii ayaa qabsadey meesha loo yaqaan Jabal al – Akhdar iyo magaalada Jaqbuub oo u dhow dalka Masar si uu u joojiyo kaalmada Cumar uga imaan jirtey dalka Masar, balse uma suuro galin Talyaaniga in uu joojiyo weeraradii kooxihii kacdoonka wadey.
January 1929 Talyaaniga ayaa pietro badoglio usoo magacaabey in uu xaakim ka noqdo dalka libya ka dib Talyaaniga ayaa yareeyey dagaalkii uu kula jirey Cumar waxa uuna ku baaqey xabad joojin iyo heshiis uu la galayo Cumar Al-Mukhtaar, balse Sheekha ayaa shuruud uga dhigey heshiiska:
- In la sii daayo dhammaan dadkii uu Talyaanigu xabsiyada ku gurey.
- In ciidanka Talyaaniga laga saaro magaalooyinka xeebaha bariga Libya.
- In dugsiyadii lagu baran jirey carabiga iyo diinta islaamka dib loo furo.
Balse Talyaaniga ayaa iska diidey shuruudaha, Talyaaniga ayaa isagana soo bandhigey shuruudo ay ka mid ahaayeen in Sheikh Cumar Al-Mukhtaar uu dagaalka joojiyo dalkana iskaga baxo taas oo horseedey in heshiiskii uu fashilmo.
Ka dib Talyaaniga ayaa badoglio badaley wuxuuna soo magacaabey rodolfo graziani, Cumar Al-Mukhtaar ayaa ogaadey in gumeystaha uu fulin heshiiskii dagaalna uu damacsanyahay, labada dhinac waxay xoojiyeen dagaaladii u dhexeeye, 1931 magaalada loo yaqaan Kufra ayaa u gacan gashay dowladdii Talyaaniga taasi oo horseedey in Talyaanigu sii xoojiyo dagaalkii kacdoon wadayaasha.
Labaatan sano oo dagaal iyo wax iska caabin ah ugu dambeyn September, 11, 1931 dagaal socdey labo maalin ayaa Cumar Al-Mukhtaar isagoo dagaal ku jira waxaa soo gaarey dhaawac ciidankiisiina waa la jabiyey taasoo Talyaanigu u sahashay in Cumar ay nolosha ku qabtaan, seddax maalmood ka dib September 14, 1931 Cumar waxaa la horgeeyey maxkamad militeri uu Talyaanigu leeyahay oo ku taaley magaalada Banqaazi si ay xukun ugu rido.
Maxkamaddii ayaana ku xukuntey daldalaad, September 16, 1931 ayaa lagu daldalay magaalada Suluq oo ku dhowaad 50km u jirta magaalada Banqaazi dalka Libya waliba shacabkiisa hortood waxaana lagu aasey isla magaalada Suluq, ilaahey ha u naxariisto libaaxii saxaraha Sheikh Cumar Al-Mukhtaar.
Cumar Al-Mukhtaar wuxuu ahaa macallin, caalim diimeed, dagaalyahan iyo hogaamiye hal adag oo aan mabda’iisa ka gorgortamin, Cumar Al-Mukhtaar ayaa sheegay in uu noolaan doonno dhimashadiisa ka dib in ka dheer inta uu noolaan doono kan daldalaaya:
Taana way dhacdey oo Cumar Al-Mukhtaar wuxuu taariikhda ka galey baal dahab ah waxa uuna ka magac dheer yahay kuwii daldaley waxa ay taariikhdiisu noqotey mid aan duugmin.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.

