Taariikhda Cabdicasiis Laftagareen

Taariikhda Cabdicasiis Laftagareen

Cabdicasiis Xasan Maxamed oo ku loo yaqaano Laftagareen waa hogaamiyihii labaad ee soo maamulay Koonfur Galbeed Soomaaliya, Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970, waxbarashadiisii aasaasiga wuxuu ku qaatay degmada Luuq, wuxuu degmadaas ka ahaa macallin iskuul.

Wuxuu usoo wareegay magaalada Mogadishu oo uu ka galay jaamacad, Cabdicaziz wuxuu bartay culuumta kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA ee Mareykanka, wuxuu haystaa shahaadooyin kale duwan oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib u heshiiisiinta.

Xilalkii uu soo qabtey

Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtey dowladihii dalka soo marey burburkii ka dib, sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar, sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha, xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu ka noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga, Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga, sidoo kale wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.

April 2018 Wuxuu u tartamay guddoomiyaha baarlamaanka ka dib markiii xoog xilka looga qaaday alle ha u naxariistee gudoomiyihii hore baarlamaanka Professor marxuum Maxamed Cusmaan Jawaari, balse Laftagareen kuma uusan guuleysan.

Doorashadii 2018

Doorashadii 2018 ee uu kusoo baxay Laftagareen ayaa dhiig badan ku daatay, waxaa la xirey in ka badan 400 oo shacab ah, waxaa la dilay in ka badan 15 ruux oo shacab ah, dadka la laayey iyo kuwa la xiray ayaa sameynayey banaanbax ay kaga soo horjeedeen qabashadii dowladda ay qabatay Mukhtaar Roobow ka dibna xabsiga loo taxaabay, dowladda ayaa Mukhtaar u sheegtey inuusan tartami Karin balse wuu diiday taasii oo sababtey in la xiro.

Mukhtaar Roobow,ayaa loo arkayay inuu ka mid ahaa musharraxiinta ugu cad cad doorashada, shakigana galin karay inuu xilkan ku soo baxo Cabdicasiis Laftagareen, dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin wax garadka ayaa in muddo ahba ku celcelinayay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay siyaasi ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka, iyagoo arrintaasna ku qeexay fara galin lagu sameeyay hannaankii doorashada.

hogaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa is casilay doorashadana isaga haray ka dib markii uu ka cawday cadaadis siyaasadeed oo la saaray, dowladda federaalka ayaa ku qasabtey inuu xilka ka tago waxaa loo adeegsaday ciidanka Itoobiya ee Baydhabo degan.

Laftagareen waxaa la tartamay afar musharrax kale waxayna kala ahaayeen: – Suldaan Xuseen Cusmaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuur, Aadan Maxamed Nuur Saransoor iyo ambassador Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku guuleystay doorashadii hogaanka maamulka Koonfur Galbeed ee dhacday December 19, 2018, Laftagareen wuxuu helay codad gaaraya 101 cod halka musharraxii kusoo xigay Aadan Maxamed Nuur Saransoor uu helay 22 cod.

Laftagareen wuxuu magacaabay guddi loo xil saaray arrimaha amniga iyo xal u helidda banaanbaxyadii dhacay, Laftagareen ayaa xiriir dhow la lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed abdullaahi Farmaajo maadaama uu ahaa wasiir ka tirsanaa dowladda ka hor inta uusan noqon hagaamiyaha maamulka goboleedka.

Laftagareen ayaa si weyn loogu ammaanay dardargelinta iyo dib u habeynta bulshada, dhaqaalaha iyo waxbarashada ee uu maamulkiisu bilaabay, inkastoo lagu dhaliilay qaabkii uu ku soo baxay xilka, waxa uu xoogga saaray geeddi socodka dawlad dhisidda iyo hindisaha maamul-wanaagga, mudadii uu xilka hayay waxaa la gaarey horumar la taaban karo.

Muddo xileedkiisii mar hore ayuu dhamaadey balse heshiis ay gaareen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay ku jirto Koonfur Galbeed iyo Xasan Sheekh ayaa muddo kordhin loogu sameeyey si ay dalka u gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah waa sida ay sheegeen, balse mucaaradka kuma ganacsana.

Doorashadii dalka 2022

Doorashadii dhacay Laftagareen ayaa dadaal ugu jirey inuu soo noqdo madaxweyne Maxamed abdullaahi Farmaajo, wuxuu saameyn ku lahaa soo xuliddii baarlamaanka labadiisa gole eek a soo jeeda maamulkaa Koonfur Galbeed.

2022 May 15, 2022 waxaa dalka madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh, wuxuu isku dayey inuu wanaajiyo xiriirka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda, Laftagareen ayaa xiriir wanaagsan la lahaa dowladda dhexe, balse sanadkii 2024 ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaaf salka ku hayey in ciidamada Itoobiya ay dalka ka bixi doonaan December 31, 2024 kuwa dalka Masar ka socdana la keeni doono maadaama Itoobiya lagu eedeeyey in ay dooneyso in ay badda Soomaaliya xoog ku qabsato.

Laftagareen  ayaa ku dooday in aanu jirin ciidan la wareegi kara dhammaan goobaha ay Itoobiyaanku ku suganyihiin iyo in maamulkiisa uusan diyaar u aheyn inuu dhexda u galo loolanka labada dowladood ee Masar iyo Itoobiya oo isku haya arimaha biyo xireenka.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh iyo Itoobiya ayaa Isfahan ka gaarey doodii badda iyo waliba in ciidanka Itoobiya ay sii jooi doonaan Soomaaliya, waxaana caadi kusoo noqdey xiriirkii dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Xasan Sheekh, May 13, 2025 waxaa Mogadishu ka dhacay Shirwaynaha Ururka Caddaaladda iyo Wadajira oo uu gudoomiye ka yahay Xasan Sheekh, Laftagareen waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada.

References

https://www.bbc.com/somali/46618213

https://presidency.sw.so/


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply