Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo loo yaqaano Aadan Madoobe waa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga soo doortey maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuu ku fadhiyaa kursiga HOP#189.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur wuxuu ku dhashay magaalada Xudur ee gobolka Bakool bishii April sanadkii 1956, isagoo yar ayuu xifdiyey Qur’aanka Kariimka, sida uu baarlamaanka ka hor sheegay waxa uu bartey culuumta islaamka, wuxuu ahaa macalin dugsi Qur’aan oo ay arday badan ka aflaxeen.
waxaa la sheegaa in uusan laheyn waxbarashada rasmiga ama waxa loo yaqaano (Formal Education), burburkii ka dib sanadihii 1993 ilaa 1995 wuxuu ahaa gudoomiyaha magaalada Xudur xilli Soomaaliya la daalaa dhacaysay dagaallo iyo abaaro daran.
Waxa uu ka mid noqday aasaasayaashii ururkii RRA, waxa uu soo noqday Guddoomiye ku xigeenkii Koowaad ee Ururkii RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, 2003: Sheekh Aadan Madoobe waxa uu ka mid ahaa hogaamiyaashii ka qeybqaatay soo dhisitaankii dowladdii KMG ahayd ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed, taas oo lagu soo dhisay Ederot ee dalka Kenya, waxaanna uu ka mid ahaa saxeexayaashii hishiiskii lagu soo dhisay dowladdaas.
Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ka mid noqday xubnihii Golihii baarlamaanka KMG ah ah ee Soomaaliya ee horraantii bishii August, sanadkii 2004ta lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sanadkii 2005 dowladdii KMG ahayd wuxuu ka noqday Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka.
Sanadihii 1996 ilaa 2000 wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii u ololeynayey nabadda iyo dib u heshiisiinta umadda Soomaaliya dibna loo dhiso qarankii burburey.
January 31, 2007 waxaa loo doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladii ku meel gaarka ilaa 25 May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Gudoomiye Madoobe iyo Ra’iisal Wasaarahii wakhtigaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Khilaafkan ayaa ugu dambayn keenay in Aadan Madoobe uu iscasilo.
December 29, 2008 ilaa 31 January 2009, Aadan Madoobe waxa uu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ka dib markii uu iscasilay hogaankii xilligaa, iyada oo markii danbena 31kii bishii january 2009 Shariif Sheekh Axmed loogu codeeyay inuu noqdo madaxweynaha cusub.
Bishii January 2014, waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga xukuumaddii ra’iisul wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed, waxaa uu qeyb ka ahaa dhismaha maamulka Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa April 28, 2022 teendhada Afisyooni loogu doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu helay 163 cod, halka xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ay isugu soo hadheen wareegga labaad uu helay 89 cod.
Sheekh Aadan Maxamed wuxuu ahaa xoghayaha guud ee xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ka hor inta uusan iska casilin April 19, 2022 markii uu go’aansaday inuu u tartamo gudoomiyaha baarlamaanka.
Muddo xileedkiisi labaad ee gudoomiyaha baarlamaanka waxaa lagu xasuustaa inuu dhex u galay khilaaf sayaasadeed iyo buuq badan, waxaana aad loo xasuustaa mar uu xildhibaanada qaar uu ku qaylinayey isagoo sheegaya in ay naafo yihiin ama duq, muuqaalka hadaladaas ayaa aad loogu faafiyey baraha bulshada.
Sponsored: Hostinger Premium Web Hosting with 20% discount
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.