Sabti, August 2, 2025- Safar 8, 1447
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye Ku-xigeenka Koowaad ee garoonka Aadan Cadde.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay Maxamed Aadan Afrax, Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkii Agaaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha laga qaaday Xuseen Cabdullaahi Xasan.
Axad, August 3, 2025- Safar 9, 1447
Qarax qasaaro dhaliyey ayaa ka dhacay isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeynley gobolka Banaadir, qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso oo lagu qariyey maqaaxi lagu qayilo, waxaa ku dhintey hal qof dhaawacana waa 11 qof.

Shil gaari oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac ayaa dhacay magaalada Berbera ee gobolka Waqooyi Galbeed ee maamulka Somaliland, gaari booyad ah ayaa ku dhacday gaari caasi oo kuwa rakaabka qaada ah, hal qof ayaa ku dhintey 11 kalena waa ku dhaawacmeen.
Isniin, August 4, 2025- Safar 10, 1447
Waxaa dab ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuq Bacaad kaas oo ku yaala degmada Yaaqshiid, waxa la soo weriyay in dabka ay ku dhinteen labo qof, dad badan ayaa ku hanti beelay dabka ka kacay Suuq Bacaad.
Talaado, August 5, 2025- Safar 11, 1447
Daacish ayaa qarax ku dilay saraakiil ka tirsanaa ciidanka PMPF ee dagaalka kula jirey, Allaha unaxatiistee Taliyihii ururka 2aad ee PMPF Kabtan Maxamuud Jaamac Leexo iyo sarkaal Siciid Maxamuud Maxamed (Jiqda) ayaa ku Shahiiday qarax lagu la eegtay nawaaxiga degaanka Dasaan ee Calmiskaad, qaraxa ayaa ahaa miino jidka lagu aasay.
Arbaco, August 6, 2025- Safar 12, 1447
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shimbir ayaa ku eedeeyey in ciidamada Itoobiya ay Doolow ka sheegeen in ciidamada dowladda ay Beled-xaawo isaga baxaan. saddex maalmood gudahood, ciidamada Itoobiya ayaa maamula inta badan magaalooyinka gobolka marka laga reebo Beled Xaawo.
Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ayaa sheegtey in la laysla meel dhigay laga bilaabo September 1, 2025 dadka qaadanaya Baasaboorka waa in ay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka, sidoo kale, waxaa la go’aamiyay in laga bilaabo: January 1, 2026 dhammaan socdaalka gudaha dalka lagu xiro isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogta shakhsiga ah ee muwaadiniinta.
Jimco, August 8, 2025- Safar 14, 1447
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in Ciidamada Qaranka oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM soo afjareen howlgal aagga deegaanka Bariire ka socday muddo toddobaad ah, halkaas oo Alshabaab looga dilay in ka badan 100 dagaalama, loogana qabtay maxaabiis uu ku jiro wiil yar oo Ciidamadu ay soo bandhigeen waa sida ay sheegtey dowladda.
Axad, August 10, 2025- Safar 16, 1447
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in dalka laga hirgeliyay adeeg Dad-dhigis (diiwaangelinta dhalashada, guurka, furriinka, dhimashada iyo bixinta caddeymahooda) oo dijital ah, mideysan, isla markaana hal mar lagu diiwaangelinayo dhacdo kasta, lehna keyd qaran.
Khamiis, August 14, 2025- Safar 20, 1447
Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka fulinayay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, intii uu howlgalka socday, waxaa iska hor imaad hubaysan kala horyimid koox maleeshiyaad ah, Falkan ayaa sababay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow goobta, xubno ka tirsan Ciidamada Amniga, iyo qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubaysnaa, ugu dambeyn ciidamada amniga ayaa la wareegay goobtii lagu dagaalamey.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/2025 oo ay u fadhiisteen arday gaareysa 41,076, oo wax ka barta Dugsiyadda Dhexe ee Gobolka Banaadir, seddaxda kaalin ee ugu horeysa ayaa waxaa galay gabdho, gabdhaha galey waxay gaarayaan 18646, halka wiilasha ay gaarayeen 22430, wiilasha gudbey waa 20830, gabdhahana waxaa baasay 17433, wiilasha waxaa dhacay 1600, gabdhahana waa 1213.
Sabti, August 16, 2025- Safar 22, 1447
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga ayaa shaaciyay in lasoo xiray diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha doorashooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in kaarka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay qaateen ku dhawaad hal Milyan oo qof.
Isniin, August 18, 2025- Safar 24, 1447
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ahyaa sheegtey in howlgal ay ka fuliyeen ciidanka Danab degmada Awdhiigle ay ku dileen in ka badan 100 dagaalame iyo horjoogayaashooda oo ka tirsanaa Alshabaab.
Talaado, August 19, 2025- Safar 25, 1447
Madaxweynayaashii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa War-saxaafadeed wadajir ah kasoo saarey arrimaha ku takri-falka dhulka danta guud iyagoo ku eedeeyey madaxweynaha dalka inuu baalmarey shuruucda iibka dhulka danta guud, halkaan ka akhriso saxaafadeedka.
Diyaaradii ugu horraysay abid ee rayid ah ayaa si rasmi ah uga soo degtay garoonka diyaaradaha degmada BuurHakaba oo markii ugu horeysay loo dhisay garoon diyaaradeed.
Arbaco, August 20, 2025- Safar 26, 1447
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Khamiis, August 21, 2025- Safar 27, 1447
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, sharcigan, ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.
Sabti, August 23, 2025- Safar 29, 1447
Waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka dhacday doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari, waxaa fadhiyey 83 xildhibaan, 53 cod waxaa helay Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, 29 codna waxaa helay Cabdighafaar Maxamuud Maxamed, hal codna wuu xumaadey sidaas waxaa lagu doortey Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo noqdey gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari, guddoomiye Kuxigeenka 1aad waxaa loo doortey Marwo Amran Axmed Xasan, guddoomiye Kuxigeenka 2aadna waxaa noqday Cabdirisaaq Jaamac Warsame.
Axad, August 24, 2025- Rabi Al Awwal 1, 1447
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa shaacisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 12aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025, Caaisha Aadan Ugaas Xirsi ayaa gashay kaalinta 1aad ee Imtixaanka Qaranka, Caaisha waxey dhiganeysay Dugsiga SOS ee Gobolka Banaadir waxa ayna heshay cel celis ahaan 91.99%.
Isniin, August 25, 2025- Rabi Al Awwal 2, 1447
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mire Salaad Dhuxulow u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir, waxaana Xilkii Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam laga qaaday Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud.
Jimco, August 29, 2025- Rabi Al Awwal 6, 1447
Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed ku geeriyoodey Khadiijo Maxamuud Yuusuf (khadiijo Qalanjo) oo muddo dheer ka mid ahayd hobollada Qaranka Waabari.
Sabti, August 30, 2025- Rabi Al Awwal 7, 1447
Doorasho ka dhacday Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa loogu doortay Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali inuu noqdo hogaamiyaha maamulka Waqooyi Bari, wuxuu helay 62 cod halka musharixii la tartamey oo ahaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu helay 18 cod labo cod ayaana xumaadey, waxaa hogaamiye Kuxigeenka maamulka loo doortey Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo isagana helay 65 cod.
Sponsored: Hostinger Premium Web Hosting with 20% discount
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.