Last Updated on April 30, 2025 by taariikh24
Talaado, Maarso, 11, 2025 – Ramadaan 11, 1446 H
Alshabaab yaa weerar qasaaro badn geystay ku qaaday hoteelka Qaahire ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, hoteelka waxaa la sheegay inuu shir uga socdey odayaal dhaqan iyo saraakiil ciidan, odayaasha ayaa waday abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab, weerarka ayaa lagu dilay qaar ka mid ah odayaashii iyo dadkii kale ee ku sugnaa.
Arbaco, Maarso, 12, 2025 – Ramadaan 12, 1446 H
Hay’adda sirdoonk iyo nabadsugidda qaranka ee NISA ayaa sheegtay in duqeyn lagu dilay madaxii qaraxyada gobolka Banaadir iyo Shabeelada Hoose ee Shabaab sida ay NISA sheegtay, duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Jambaluul ee Shabeelada Hoose.
Khamiis, Maarso, 13, 2025 – Ramadaan 13, 1446 H

Maxkamadda degmada Garoowe ayaa afar sano xabsi ah iyo $1500 oo magdhow ah ku xukuntey nin suuqa Garoowe ku jirdilay wiil yar oo Yamani ah, eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdifitaax Cabdinuur ina Nadiifo Jaamac ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu si sharci daro ah uu u xirtey tuutaha ciiidamada oo aanu ka tirsaneyd, waxaa sidoo kale lagu xukumey in aanu ka shaqeyn Karin wax xafiis dadweyne ah muddo hal sano ah.
Sabti, Maarso, 15, 2025 – Ramadaan 15, 1446 H
Alshabaab yaa weerar ku qaaday degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelada Hoose, warbaahinta dowladda ayaa sheegtey in ciidamka qaranka iska difaaceen weerarka ayna jab xooggan gaarsiiyeen, Shabaab ayaa iyagana guul ka sheegtey.
Waxaa aad loo hadal hayey dhaqdhaqaaq Shabaab ay ka sameeyeen deegaanada Lafoole, Xaawo Cabdi, sidoo kale dadka ayaa sheegay in fiidkii la arkayey Shabaab fariisimo ka sameystey Ceelasha biyaha iyagoo dadka su’aalo weydiinayey.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha, sidaasi daraadeedna looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201, xildhibaan DR. Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa waayey xubinimadiisii Golaha, sababtana waxaa lagu sheegay in uusan soo xaadirin golaha shacabka in ka badan laba kalfadhi oo xiriir ah.
Isniin, Maarso, 17, 2025 – Ramadaan 17, 1446 H
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada Xukuumadda:
- Md. Jibriil Abdirashid Xaaji Cabdi – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮
- Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮
- Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮
- Md. Maxamed Faarax Nuux – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝘂𝘂𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗮𝗱𝗮
- Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮
- Md. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
- Mw. Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
- Md. Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha
- Md. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
- Mw. Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada
- Md. Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
- Mw. Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
- Md. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha
- Md. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta
- Mw. Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
- Md. Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka
Talaado, Maarso, 18, 2025 – Ramadaan 18, 1446 H
Qarax ayaa ka dhacay isgoyska ceelgaabta ee magaalada Mogadishu, qaraxa waxaa ku dhintey in ka badan shan qof oo shacab ah, dowladda ayaa sheegtey in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa kolonyada madaxweynaha oo xilligaa kusii socday furimaha dagaalka Hirshabeelle.
Markii ugu horeysay burburkii ka dib dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtey diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, dowladda Turkiga ayaa Mogadishu keenay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee AKINCI, waa diyaarad uu turkigu farsameeyo sida la sheegay dowlad carbeed ayaa u gaday dowladda Soomaaliya.
Khamiis, Maarso, 20, 2025 – Ramadaan 20, 1446 H
Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Dib-dheer ee hoos taga Ceelbuur ay ku dileen xubno sar sare oo ka tirsanaa Alshabaab, dadka la dilay waxaa ka mid ahaa horjoogihii Shabaab u qaabilsanaa Ceelbuur oo loo yaqaanay Axmed Macalin, halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka.
Alshabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaanada Sabiib iyo Caanoolee ee hoos taga Afgoooye, dowladda ayaa guul ka shaagatay dagaalka, Shabaab ayaa qarax la beegsaday Mohamed Abdullahi Jareere oo ahaa Abaanduulka Ururuja 12Aad ee Gutada 14 October, abaanduulaha ayaa ka soo baxay degmada Owdhiigle si uu ugu gurmado ciidanka ka dagaalamayey Sabiib iyo Caanoole.
Isniin, Maarso, 24, 2025 – Ramadaan 24, 1446 H
Dad shacab ah ayaa ku dhintey hoobiyaal Shabaab ay ku garaaceen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose, hoobiyaasha oo gaarayey shan hoobiye ayaa la sheegay in ay ku dhinteen in ka badan shan qof oo shacab u badan.
Arbaco, Maarso, 26, 2025 – Ramadaan 26, 1446 H
Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo laga saarey labo sano ka hor, dagaal qaatay in ka badan afar saacadood ka dib Shabaab ayaa usuuro gashay in ay qabsadaan magaalada, balse dowladda ayaa sheegatay in ay dib u la wareegeen magaalada.
Sabti, Maarso, 29, 2025 – Ramadaan 29, 1446 H
Ciidanka xoogga ayaa dib u la wareegay deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo ay horey uga baxeen, Shabaab ayaa qabsaday markii ciidanka xoogga ay ka baxeen maalmo ka hor, dagaal saacado qaatay ka dib ayey ciidanka xoogga u suuro gashay in ay dib u qabsadaan deegaanadaan oo muhiim ah.
Sabti, Maarso, 30, 2025 – Shawaal 1, 1446 H
Dowladaha islaamka badankood ayaa ku dhawaaqay in ay tahay maalin ciid ah, Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada laga ciiday, dowladaha qaar ayaa shaaciyey in aysan aheyn ciid ayna dhameystirayaan bisha Ramadaan.

Premium Web Hosting with 20% discount
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.