Saacadihii hore ee 20-kii November 1979-kii waxaa barxadda Kacbada ee Masjidka Xaramka isugu soo baxay ku dhawaad 50,000 oo muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka, dadka waxaa ka mid ahaa 200 oo nin oo uu hoggaaminayay wadaad afartan jir ahaa oo la oran jiray Juhaymaan Al-Cutaybi.
Isla markii uu imaamkii Masjidka Xaramka dhammeeyey salaaddii subax, Juhayman iyo xertiisii ayaa dhinac u riixay oo qabsaday codbaahyihii xaramka, waxa ay la soo galeen naxashyo xidhan si ilaalada Xaramka ugu maleeyaan meydad janaaso lagu tukan rabo iyagoo dhigey badhtamaha barxadda Masjidka Xaramka, si ay dadka ugu maleeyaan in salaadda janaasada lagu tukan rabo, balse markii la furay naxashadaha, ayaa la ogaaday in ay ku jiraan hub, hubkaa oo si degdeg ah loogu qaybiyay raggii Juhayman al- Cutaybi.
Mid ka mid ah ayaa bilaabay inuu akhriyo khudbo qoraal ah, isagoo ku dhawaaqaya “inuu soo baxay Mahdigii la sugayey oo dhulka ku xukumi doona caddaalad ka dib markii ay faaftey caddaalad darro iyo dulmi.”
Ogaysiiskan ayaa ahaa mid gaar u ah xujaajta joogtay Masjidka weyn ee Makka, axaadiithta Nebi Muxamed waxa ay tilmaamayaan in aakhiro zamaanka uu imaan doono nin sifooyin gaar ah uu Eebbe ku manaystay, oo loogu yeedho Mahdigii la sugayey, kaas oo wakhtigaas caddaaladda iyo xaqqa dadka ku xukumi doono.
Khaalid al-Yaamii oo khudbada jeedinayey oo kamid ahaa xertii Juhayman Al-Cutaybi ayaa sheegay in calaamado badan ay u gogol xaarayeen soo bixidda Mahdiga la sugayo, boqolaal Muslimiin ah ayaa ku arkay riyooyinkooda, wuxuuna ku dhawaaqay in Mahdiga la sugayo magaciisa uu yahay Maxamed ibnu Cabdullaahi Al-Qaxdhaani.

Juhaymaan ayaa laga maqlayaa cod maqal ah isagoo Khaalid Al-Yaami ka joojinayay khudbada dhowr jeer si uu raggiisa ugu amro in ay albaabada u laabaan Masjidka Xaramka oo fariisimo shiishka ay saartaan ka sameystaan minaaradaha masaajidka, Juhaymaan iyo kooxdiisu waxay xanibeen qof kasta oo masaajidka ku jiray oo ay ku jiraan haween iyo caruur, saddex maalmood, ka dib waxay sii daayeen haween iyo caruur, laakiin tiro maxaabiis ah ayaa ku haray gudaha masjidka.
Juhaymaan ayaa yidhi, “fiiri, walaal, Axmad al-Laahibi, aad saqafka sare, haddaad aragto qof isku dayaya inuu albaabka soo jabiyo, toogo”, sida laga soo xigtay goob joogayaal aan la magacaabin, Juhaymaan ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee daacad u ah Mahdiga, wuxuuna ku amray xertiisa inay sidaas oo kale sameeyaan, codka ayey kor u qaadeen iyagoo ku dhawaaqaya”Allahu Akbar.”
Goobtu waxa ay noqotey jahawareer ah, Abdel Muncim Sultan oo ahaa arday u dhashay dalka Masar oo goob joog ka ahaa go’doomintaan, isla markaana ay aad isugu dhawaayeen qaar ka mid ah xerta Juhaymaan, ayaa ka sheekeeyay in Masjidka Xaramka ay buux dhaafiyeen Xujaaj badan oo Ajaanib ah oo aan ku hadlin luqadda Carabiga, isla markaana aan fahmin waxa dhacaya.
Dadkii ku tukanayay Masjidka ayaa la yaabay markii ay arkayeen ragga hubeysan iyo rasaasta ka soo baxaysa qoryahooda, iyadoo Qur’aanka kariimka ah uu si cad u mamnuucayo in Masjidka Xaramka laga sameeyo rabshado, qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa masjidka ayaa isku dayay in ay ka baxsadaan albaabada ka hor inta aan la xirin.
Muddo saacad gudaheed ah ayay dableydaasi si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta masjidka, tallaabadan ayaa caqabad ku aheyd awoodda dowladda Sacuudiga, nimankaan waxa ay ka tirsanaayeen kooxda loo yaqaano (Al-Salafiyah Al-Muxtasibah) Salafi Group for Justice, kuwaas oo ka soo horjeeday dhammaan noocyada “burburka qiyamka diinta iyo bulshada” ee Sucuudiga.
Sida ay ku bilaabmeen
Dhaqaalihii badnaa ee laga helay saliidda wakhtigaas waxay keentay in bulshada tartiib tartiib isku bedesho, baabuurta iyo qalabka korontada ayaa noqday mid aad u baahsan, boqortooyada ayaa si tartiib tartiib ah u noqotay magaalo, ragga iyo dumarka ayaa bilaabay inay isdhex galaan goobaha dadweynaha iyo goobaha qaar.
Laakiin kooxdaan Salafiyadu waxay ku taagnaayeen noloshii fiicnayd ee diinta, waxay iska fogeeyeen bulshada, waxay u go’een inay bartaan Qur’aanka iyo Axaadiista rasuulka ﷺ, waxayna u hoggaansameen mabaadi’da Islaamka ee ay ku qeexeen aasaaska diimeed ee Sacuudiga.
Juhaymaan oo ka mid ah aasaasayaashii kooxdan, ayaa ka soo jeeday magaalada Saajer oo ah goob Baadiye ah oo dhacda bartamaha Boqortooyada Sacuudiga, wuxuu dhashay bishii Sebtembar 16, 1936, aabihii, Mohammed bin Saif, wuxuu ahaa gacan yaraha Sultan bin Bajad, wuxuuna ka qaybqaatay dagaalkii Sabla ee ka dhanka ahaa Boqor Cabdulcasiis, saaxiibkii Naasir Al-Xazmi ayaa xaqiijiyey in Juhaymaan uu iskuulka uga baxay fasalka afraad ee dugsiga hoose.
Usama al-Qawsi, oo ka qeyb galey fadhiyo uu Juheymaan ka sheekeeyey taariikhdiisa, ayaa sheegay in Juhayman uu ka hadlay ku lug lahaanshaha “ganacsiga sharci darrada ah, balse wuu towbad keenay, wuxuuna u go’ay diinta, wuxuuna noqday hogaamiye ay ka go’an tahay.
Nasser al-Hazimi, oo ka mid ah dadka aad ugu dhow Juhaymaan, ayaa sheegay in “wuxuu aad u jeclaa inuu aado meelaha dadku ku yaryihiin ee baadiyaha ah oo ay deggan yihiin dadka reer Baadiyaha ah, carabigiisii qadiimiga ahaa ayaa daciif ahaa, marka la barbar dhigo lahjadda adag ee Baadiyaha, wuuna iska ilaalin jiray inuu la hadlo dadka wax bartay si uu uga fogaado in la kashifo.”
Dhinaca kale, Juhaymaan waxa uu ahaa askari ka tirsan Ciiddanka Ilaaladda Qaranka ee Sacuudiga, waxaana tababarkiisa ciidan uu noqday mid muhiim ah intii lagu guda jiray u diyaar garowga la wareegidda Masjidka Xaramka, muddo ka dib, salafiyiintii Juheymaan waxay dood la galeen shuyuukhdii Sucuudiga, maamulkuna wuxuu bilaabay inuu caburiyo.
Juhaymaan waxa uu u cararay saxaraha waxa uuna qoray tiro waraaqo ah oo uu ku dhaliilayo qoyska boqortooyada waxa uu u arkay in ay tahay “burbur” gudaha, waxa uu sheekhyada ku eedeeyay in ay dano adduunyo kula jiraan qoyska boqortooyada, waxa uu sheegay in boqortooyadu kharriban tahay.
Mudadaas Juhayman waxa uu sheegay in uu helay Mahdigii la sugayay ee Muxamed ibn Cabdullaahi Al-Qahtaani, oo ahaa daaci da’yar oo hadal dabacsan, kuna caan baxay akhlaaq wanaag, dadaal, ahaana nin gabayada jecel.
Xadiithka nabigu ﷺ waxa uu sheegay in magaca Mahdiga la sugayaa uu la mid yahay magaca Nebi Muxammad iyo aabbihiis Cabdullaahi, Juhaymaan oo astaamahaas oo dhan ku arkay Al-Qahtani, aad buu ula yaabay markuu maqlay mala’awaalkan, Al-Qahdhani wuxuu u jeestey salaad si uu go’aan uga gaaro arrintan.
Al-Qahdhani waxa uu ku qancay hadalka Juhaymaan, wuxuu bilaabay inuu u dhaqmo sidii Mahdigii la sugayay, waxaana sii xoogaystay isbahaysigii labada nin markii Juhaymaan uu guursaday al-Qahdhaani walaashii ka weynayd oo uu ka dhigay xaaskiisa labaad.
Siday wax u dhaceen
Deegaannada fog fog ee Juhayman iyo xertiisa ay gabaad ka dhigteen ayaa waxaa ka billowday diyaargarow loogu jiro iska horimaad hubeysan oo dhici kara, Jawaabtii ay madaxda Sacuudiga ka bixiyeen go’doomintii kacbada ayaa lagu tilmaamay mid habacsanaan ay ku jirto, dhaxal sugihii Boqortooyada Fahad bin Abdulaziz Al Saud waxa uu ka qayb galayay Shir madaxeedka Carabta ee Tunisia.
Amiir Abdullah, oo ahaa taliyaha Ilaalada Qaranka ee mas’uulka ka ah ilaalinta amiirrada iyo hoggaamiyeyaasha, ayaa ku sugnaa Morocco, waxa uu arrintii oo dhan u daayay Boqor Khaalid oo xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidatey iyo Wasiirkiisa Gaashaandhigga Amiir Suldaan.
Booliiska Sacuudiga ayaa markii hore yareystey baaxadda dhibaatada, waxayna u direen labo baabuur oo gurmad ah si ay baaritaan ugu sameeyaan waxa dhacaya, isla markii ay soo gaareen meel u dhow Masjidka Xaramka, ayaa waxay la kulmeen rasaas aad u badan, markii ay caddaatay culayska ay arrintu leedahay, cutubyada Ilaalada Qaranku ayaa bilaabay dadaal kooban oo ay ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan gacan ku haynta Masjidka Xaramka.
Dowladda Sacuudiga ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay isku dayday in ay arrinta Juhayman si wanaagsan u xalliso, iyadoo ku boorisay inuu sii daayo la haystayaasha, uuna isa soo dhiibo, kana baxo Masjidka Xaramka hase ahaatee, wuu diiday, Salaada iyo cibaadada kale ee Masjidka Xaramka ayaa hakad la geliyay.
Waxaa caddaatay in falaagada go’doominta wada aan si fudud lagu kala firdhin Karin, ciidamada ammaanka ayaa lagu xiray agagaarka Masjidka Xaramka, waxaana la dhigay ciidamo gaar ah, dagaalyahano iyo cutubyo hubeysan.
Abdel Muncim Sultan, oo ku go’doonsanaa gudaha, ayaa sheegay in iska horimaadku uu xoogeystay gelinkii dambe ee maalintii labaad ee go’doominta “Waxaan arkay madaafiicda ku dhacaya minaaradaha, diyaaradaha qumaatiga u kaca oo si joogto ah cirka ugu wareegaya iyo diyaarado dagaal,” ayuu yiri.
Dhismuhu wakhtigaas waxa uu ahaa laba dabaq, labadii maalmood ee ugu horeysay go’doominta, ciidamada Sacuudiga ayaa bilaabay weeraro ay dib ugu qabsanayaan albaabka Masjidka Xaramka, Juhayman iyo xertiisu waxay ku guulaysteen inay iska caabiyaan weerarradii, inkastoo ay heysatay hub la’aan iyo tiro yari.
Maadaama aan la ogoleyn in lagu dagaalamo Xaramka, Shuyuukhda ugu tunka weyn Boqortooyada Sacuudiga oo uu shiriyay Boqor Khaalid ayaa soo saaray Fatwo ay ugu fasaxayaan Ciidanka in ay awood kasta oo kala duwan u adeegsadaan sidii ay isaga caabin lahaayeen maleeshiyaadka qabsaday Masjidka Xaramka, gantaalaha lidka taangiga ah iyo hubka culus ayaa loo adeegsaday si loo jebiyo xerta Juhaymaan loogana fogeeyo minaarada oo ay dhufeys ka dhigteen.
Laakin kalsoonida Maxamed bin Cabdullaahi Al-Qahdhaani uu ku qabay xasaanadiisa waxay ahayd mid dhalanteed ah, maadaama markiiba ay ku dhacday rasaas dagaalkii ayuuna ku dhintey, waxay u sheegeen Juhayman dhaawaca Al-Mahdi, markaasuu ku qayliyay”Ha rumaysanina, waa dad nagu soo dhex dhuuntay”.
Goobjooge diiday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in dadka ay ku qeylinayeen, “Mahdi waa dhaawac, Mahdi waa dhaawacmay”, qaarkoodna ay isku dayeen in ay baxsadaan, balse rasaasta xooggan ayaa u diiday in ay gaaraan albaabka, sidaasina ay dib ugu laabteen.
Maalintii afraad waxa dunida Islaamka ku faafay war sheegaya in xaaladdu aanay weli xal laga gaadhin, isla markaana ay Maraykanka iyo Iiraan midkoodna gacan ku leeyihiin waxa dhacaya, Nayef bin Sultan, oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee xilligaas, ayaa soo saaray war rasmi ah oo uu kaga fogeynayo Mareykanka iyo Iran waxa dhacaya.
Maalintii lixaad ayay ciidamada Sacuudiga u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta Masjidka Xaramka iyo dhismayaashii ku hareereysnaa balse taageerayaasha Juhayman ee soo hadhay waxay difaac ka galeen boqolaal qolal dhulka hoostiisa ah, Juhayman ayaa wali aaminsanaain Mahdi uu weli nool yahay meel ka mid ah Masjidka Xaramka uu joogo.
Gurmad ka yimid faransiiska
Waxaa caddaatay in dowladda Sacuudiga ay u baahan tahay in gacan laga siiyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa hoggaamiyeyaasha fallaagada oo nool iyo soo afjarida go’doominta, waxay kaalmo ka raadsadeen meelo dhowr ah, oo uu ku jiro Madaxweynaha Faransiiska Valéry Giscard d’Estaing.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa si qarsoodi ah u diray saddex lataliye oo ka tirsan qaybta cusub ee la dagaalanka argagixisada, hawlgalku wuxuu ahaa mid qarsoodi ah si looga fogaado dhaleeceyn kasta oo ku saabsan faragelinta reer galbeedka ee aasaaska Islaamka, kooxda Faransiisku waxay degeen hotel ku yaalla magaalada DHaa’if, halkaas oo ay ka dejiyeen qorshe ay ku ciribtirayaan fallaagada, taasoo aheyd in godadkii ay gabaad ka dhigteen laga buuxiyo gaaska dadka suuxiya si falaagada neefta ugu xiranto.
“Godadka waa la qoday, gaaska ayaa lagu shubay, gaaskana wuxuu ku faafay gees walba oo ka mid ah goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen mucaaradka,” ayuu yiri Captain Paul Barrell, oo mas’uul ka ahaa fulinta qorshahan.
dadkii godka lagu la xidhay xertii Juhayman, waxay ula ekayd in dunidu dhammaanayso, “waxaan dareemaynay in geeridu nagu soo socoto, sababtoo ah ma garanaynin inay tahay dhawaqa qodista ama hubka, waxay ahayd xaalad cabsi leh.”
Qorshihii Faransiisku wuxuu noqday mid guulaystay, “Cuntada iyo rasaastu way dhammaatay labadii maalmood ee u dambeeyay ee go’doominta,” ayuu yiri Nasser al-Hazimi, oo ka mid ah xerta Juhayman.”
Dhammaan xubnihii jabhadda waxay isugu soo urureen hal qol oo yar, askartiina waxay ku tuureen bambaanooyin qaac ah iyagoo ka soo tuuray dalool saqafka ka mid ah, markaas ayay isdhiibeen, Juhaymaan wuu baxay, dhammaantoodna way raaceen.”
Major Al-Nufi ayaa goobjoog ka ahaa kulanka Amiirada Sacuudiga iyo Juhayman. Amiir Sacuud Al-Faisal ayaa weydiiyey, “Sababta, Juhayman?” Wuxuu ugu jawaabay, “Waa qaddar.” Dabadeed wuxuu weyddiiyey bal inuu wax rabo, oo wuxuu weyddiistay xoogaa biyo ah.
Juhaymaan ayaa kaamirooyinka ka soo muuqday, January 9, 1980 kii ayaa xukun dil ah lagu fuliyay dadkii lagu helay dhacdadan, sida uu dhigayo xukunnada Garsoorka Shareecada Sucuudiga 61 maxbuus ayaa lagu daldalay siddeed magaalo oo ku yaal boqortooyada, waxaana hogaaminayay Juhayman, 19 kalena waa la xiray.
Naasir Al-Hazimi waxa uu leeyahay “Wixii uu sameeyay Juhayman waxa ay hakiyeen dhammaan wixii casriga ahaa, aan tusaale fudud ka bixiyo, mid ka mid ah dalabaadkiisa waxa ka mid ahaa in laga mamnuuco in dumarka ay ka soo muuqdaan Telefishinada, runtii dhacdadan ka dib, ma jirin hal gabadh oo warbaahinta kasoo muuqatay.
Boqortooyadu waxa ay ku sii jirtay dariiqan afartankii sano ee xigay, waxaana soo shaac baxay calaamado muujinaya ka tagista wixii hore ka dib markii Maxamed bin Salmaan uu xayiraaddii ka qaaday, dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wareysi uu bixiyey bishii March 2018 ku yiri “Kahor 1979-kii, waxaan ku nooleyn nolol caadi ah sida dalalka kale ee Khaliijka, dumarku waxay wateen baabuur, waxaana jiray goobo filimada lagu daawado oo boqortooyada ku yaala”.
Sida dowladda ay sheegtey waxaa ku dhintey 117 oo falaagada ka mid ahaa, 127 oo ciidamada amniga ahaa iyo 26 xujey ahaa, waxaa ku dhaawacmayin ka badan 450 oo ciidanka amniga ah, dagaalka ayaa socday muddo 15 maalmood.
References
https://www.bbc.com/arabic/articles/c5yx9yy00gyo
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.