Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo horey usoo noqdey gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ku dhashay magaaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose sanadkii 1954, sida uu sheegay aabihii wuxuu ka tirsanaa xisbigii SYL, waxbarashadiisa dugsiga Qur’aanka waxa uu dhameeyey sanadkii 1963.
Dugsi hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay magaalada Wanlaweyn, wuxuuna dhameeyey sanadkii 1972, markii ugu horeysay isagoo 17 sano jir ah wuxuu ka shaqo bilaabey mashruucii lagu dhisay Balidoogle isagoo ahaa Maareeyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Damanyo iyo Balidogle, ka dibna waxaa mashruucii loo wareejiyey magaalada Mogadishu. dugsiga sare wuxuu ku qaatey aqoon darsi ama waxa loo yaqaan correspondence school isagoo jooga magaalada Mogadishu maadaama xilligaa Wanlaweyn ku yaalin iskuul dugsi sare.
Jaamacadda Ummadda ayuu ka qaatey shahaadada koowaad ee Jaamacadda isagoo ka qalin jabiyey kuliyadda luqadaha sanadkii 1982, wuxuuna ka mid ahaa dufcadii labaad ee kuliyadda luuqadaha, wuxuuna noqday kaaliye jaamacadda Umadda sanadihii 1985 ilaa 1987, iyadoo 1986 ilaa 1987 uu qayb waqtigiisa ka mid ah macalin ka ahaa Kuliyadda saxaafadda.
Prof Dalxa, waxaa uu qaatay waxbarasho tacliinta sare ah sanadihii 1987 ilaa 1989, Machadka caalamiga ah ee luqadaha ee Khartoum, Sudan ayuu ka qaatay shahaadooyinka Diploma sare iyo Master of Arts, ka dibna dalka ayuu dib ugu soo noqdey wuxuuna bare ka noqdey Jaamacadda Umadda iyo dhowr machadood oo lagu baranayey luuqadda carabiga.
Prof. Dalxa wuxuu ahaa ciyaartoy hore oo u ciyaari jirey Wanlaweyn sidoo kale wuxuu u soo saftey kooxda dekedaha, wuxuu qeyb ka ahaa kooxihii gobolada, sidoo kale Prof. Dalxa wuxuu ahaa fanaan caan ah wuxuu qaaday dhowr heesood waxaana ka mid ahaa heestii Shankaroon.

Markii dowladdii ay burburtey Dalxa dalka kama uusan bixin wuxuuna xil iska saarey caawinta dadkiisa isagoo noqdey samafale ka qeyb qaata caawinta dadka ay saameysay colaadiii iyo gaajadii dalka ka dhacday maadaama jabhadihii ay boobeen hantidii dadka shacabka ah ee aan hubeysneyn, Dalxa ayaa mid ah dadka dhibaatada weyn ka soo gaadhay colaadaa waxaana ku baxay wiil uu dhalay iyo walaalkii oo dhaqtar ahaa.
Prof Dalxa, waxaa uu xubin ka ahaa aasaasayaashii ururkii SAMO (Somali African Muki Organization), waxaana uu sanadkii 1994-tii noqday Xoghayaha guud ee ururka SAMO/SNA, Sanadihii 2001 ilaa 2003, waxaa uu ahaa xoghayaha guud ee isbahaysiga SRRC.
Sanadkii 2004 Prof. Dalxa ayaa ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaankii ku meelgaarka ahaa ee Soomaaliya kadib markii uu wareegii sadexaad ee doorashada uu kaga guulaystay Maxamed Xaashi Gaani, Dalxa oo laga rabay 139 cod, ayaa ku guulaystay wareega 3-aad markii uu helay 160 cod, halka Maxamed Xaashi Gaani uu ka helay 96, iyadoo ay codeeyeen 256 xildhibaan.
Maxamed Cumar Dalxa, ayaa wareeggii labaad ku hogaaminayay 87 cod, iyadoo Maxamed Xaashi Gaani oo ku soo xigay uu helay 68 cod, waxaa wareega labaad ku haray Axmed Dhimbil Rooble iyo Cabdullaahi Maxamed Macalin Faax oo 64 iyo 55 kala helay siday u kala horeeyaan.
Afarta musharax ee wareega labaad ku tartamaysa ayaa kala ah Maxamed Cumar Dalxa oo wareega koowaad helay 57 cod, Maxamed Xaashi Gaani oo helay 56, Axmed Dhimbil Cadoowe oo 40 cod helay iyo Cabdullaahi Faax oo 36 cod helay.
Prof. Dalxa ayaa ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya muddo 15 sano ah, kursiga tirsigiisu yahay Hop#080 ayuu ku soo fadhiyay Prof Maxamed Cumar Dhalxa, sanadkii 2022 kursiga sumadiisu tahay Hop080 waxa sida ay guddiga shaaciyeen isu diinwaan geliyey Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil, waxaana sidaas meesha uga baxay Prof. Dalxa.
Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in hab raacii loo baahnaa aaan loo marin tartanka kursigii uu isaga horey ugu fadhiyay, wuxuu baarlamaanka ku matalayey maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya.
Reference
https://www.bbc.com/somali/news/story/2004/09/040921_dalxa
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.