Taariikhda Cismaan Abokor Dubbe

Taariikhda Cismaan Abokor Dubbe

Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee Gobolka Togdheer,waa senator ka tirsan aqalka saree e baarlamaanka Soomaaliya.

Waxbarashadiisa

Waxbarashadiisa acliinta dhexe iyo Sare waxa uu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare ee dagmada Hodan, ee magaalada Muqdisho, sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii ayaa suurta gelin waayey in uu bilaabo, bishii October 1998kii ayuu galay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, ee London, machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma.

June 2003dii ayuuna ka qalin jebiyey Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science).

September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London).

Burburkii ka dib

banner

Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa suxufi iyo tafatire ka hawl-gala wargeysyada maamulka Somaliland.

September 1999kii ayuu Professorku qeyb ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horreeyey xisbiyadii maamulka Somaliland, xisbigaas oo la odhan jirey Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee xisbigaas.

Sanadihii uu Professor-ku joogay UK Wuxu ahaa dadka ka shaqeeya adeegga dadweynaha (Community Work), iyo la’taliye sharci, gaar ahaan arimaha immigrationka, sidoo kalena wuxu kaaliye ka noqday cilmi-baadhis mug weyn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waaweyn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tira badan yahay ee UK.

Isla xiliyadaasna (2003-2005) Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jirey jariirad la odhan jirey Ocean Somali Voice oo ku qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, waxaanu Internetka iyo wargeysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah ugu soo baxay oo cinwaankoodu ahaa Badweynta Nolosha.

Bilowgii sanadkii 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale uu qeyb ka noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii weynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxaanu noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO, intii uu hayey hoggaaminta Xisbiga Hanoolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga.

December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha, hawshii ugu horreysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii.

Wejigii labaad na wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayey sanadihii 2014 iyo 2015, muddadaas uu ku shaqaynayey khabiirka wuxuu qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Somaliland iyo kan federaalka.

Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macalin jaamacadeed. Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis, sidoo kale wuxu booqashooyin macalinimo ku tegey jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco, sidoo kale wuxu muxaadooriyin cilmi oo waaweyn ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University oo ku yaal Muqdisho.

Cismaan wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya qaladaadkii Siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Professorku hal-abuuray, buuggaas waxaa la yidhaahdaa (Suugaanta Mangalool).

Professsor Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020 Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW, laakiin waxa saameeyey shirkii Samareeb oo lagu heshiiyey in aan doorashada 2021 lagu gelin Xisbiyo.

Prof Osman Abokor wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda, waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga Beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan, waxaanu Professorku ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah.

Oktoobar 2020 Xukumaddii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu ka noqday Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ugu miisaanka culus Xukuumadda Rooble uguna saameynta badan.

Sebteembar 2021 wuxuu ku guuleystey kursi ka mid ah kuraasta Gobalada Waqooyi ay ku leeyihiin Aqalka Sare, kursiga ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Cabdikarin Maxamed Xasan iyo Cismaan Abuukar Dubbe, waxaana ku soo baxay Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo helay 28 cod, halka uu  Cabdikariin Maxamed Xasan uu helay 17 cod.

References

sntv.so


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply