Posted inCaalamka kale Carab Diini
Taariikhda Imaam Xuseen bin Cali
Subaxdii tobnaad bishii Muxarram ee sannadkii 61-aad ee Hijriyada oo ku beegan October 10, 680, magaalada Karbala ee dalka Iraq ayaa waxaa foodda is daray labadii kooxood, Xuseen wuxuu watay 32 fardooley ah iyo 40 ciidan oo lug ah, waxayna dagaal la galeen 5,000 oo dagaalyahan ah, oo uu hoggaaminayey ninkii ugu sharta badnaa xilligaa oo ahaa Shimr bin Dil-Jawshan, oo aan wacdi fahmin, aayadna dhegeysan.