Taariikh nololeedka Captain Ibrahim Traore

Taariikh nololeedka Captain Ibrahim Traore

Kaptan Ibrahim Traore Waxa uu ku dhashay magaalada Bondokuy bishii March 14, 1988, waa 37-jir taasoo ka dhigan in uu yahay madaxa ugu da’da yar madaxda Afrika, isaga oo ku biiray laba hoggaamiye oo kale oo afgambi dalalkooda kula wareegy – dalka Guinea oo la wareegey Col Mamady Doumbouya, wuxu dhashay 1981, iyo Col Assimi Goïta oo Mali ah, oo dhashay 1983-kii.

Wuxuu waxbarashadiisa dugsiga hoose uu ku qaatay magaaladiisa halka dugsiga sare u uku qaatey magaalada Bobo-Dioulasso, waa magaalada labaad ee ugu weyn Burkina Faso, sanadkii 2006 waxa uu galay jaamacada Ouagadougou, isaga oo ka qalin jabiyay 2009 si sharaf leh, wuxuu bartay cilmiga Geology, wuxuu qayb ka ahaa Ururka Ardayda Muslimiinta iyo Ururka Qaranka ee Marxist ee Ardayda Burkina Faso (ANEB).

Kabtanka Burkina Faso Ibrahim Traoré ayaa lagu sheegay in uu ahaa wiil xishood badan balse wax garad ah oo wax ku baranayay iskuulka, waxaana uu noqday sarkaal xukunka kula wareegay afgambi ka dhacay mid ka mid ah dalalkii Faransiiska uu hore u gumeysan jiray ee galbeedka Afrika.

Dalka Burkina Faso, Thomas Sankara waxa uu dalka inqilaab ku qabsaday 1983-kii isagoo 33 jir ah, waxa uu halku dhiggiisu ahaa “Aabihii dhulka ama Geeri, waanu guulaysan doonnaa!”, afar sano ka dibna waxa lagu dilay afgambi kale oo Burkina Faso dib ugu celiyey siyaasadda Faransiiska.

Bishii Janaayo 2022 ciidan militari ah oo uu hogaaminayey Paul-Henry Sandaogo Damiba ayaa afgambiyay dawladdii rayidka ahayd ee Kaboré, kadib wuxuu Ibrahim Traoré uu u magacaabay madaxa guutada madaafiicda ee gobolka Waqooyiga ee Burkina Faso.

La wareegiddii xukunka

Bartamihii bishii Sebtembar 2022, kow iyo toban askari ayaa lagu dilay waqooyiga dalka oo ay dileen fallaagada. ttani waxay caro ka dhex dhalisay askarta, Traore ayaa isku soo ururiyay askartii oo uu hogaaminayay.

Ibrahim Traoré wuxuu afgambiyay saaxiibkiisii ​​hore, Lt Col Paul-Henri Damiba 30kii Sebtembar, 2022 ka dib markii uu ku eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu fuliyo ballanqaadkiisii ​​ahaa inuu damiyo kacdoonka Islaamiyiinta ee ka socda Burkina Faso tan iyo 2015, Damiba ayaa dalka ka baxsaday.

Muddadii yarayd ee uu xukunka hayay Lt-Col Damiba, weerarrada ay gaysanayaan Islaamiyiinta xagjirka ah oo qaarkood lala xiriirinayo kooxda Daacish iyo Al-Qaacida ayaa ku batay Burkina Faso, kaddib markii ay qabsadeen dhul ku yaalla dhulka miyiga ah iyo waxayna hareereeyeen magaalooyinka, taasoo ka dhigtay in dowladda ay maamusho 60% oo keliya dalka, sida lagu sheegay qiyaasaha qaar.

Oktoobar 21, 2022, Traore ayaa loo dhaariyey inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah iyo madaxa dawladda Burkina Faso, waxaa sidoo kale loo magacaabay madaxa ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee dalka, waa madaxweynaha ugu da’da yar adduunka.

Wadanka malaheyn hay’ado dimoqraadi ah oo xooggan ciidamada ayaa muddo dheer ka talinayey, Capt Traoré ayaa xukunka la wareegay isagoo ballan qaaday inuu hagaajinayo ammaanka qaranka ku nool cabsida xagjiriinta.

Afgambigiisa oo ahaa kii labaad ee Burkina Faso ka dhaca wax ka yar sagaal bilood waa calaamadii ugu dambeysay ee faafitaanka afgambiga oo uu madaxa Qaramada Midoobay António Guterres uu walaac ka muujiyay sanadka 2021-ka.

Laakin iyadoo quwadaha caalamka ay diiradda saarayaan dhibaatooyinka gudaha ama dagaalka Ukraine, wax yar kama aysan fiirsan xasillooni darrada ragaadisay dalal ay ka mid yihiin Burkina Faso, daddii ay wax jiraan, Burkina Faso iyo qaar ka mid ah dalalka kale waxay la kulmeen dagaal qabow oo ay dib u soo celiyeen colaadda Ukraine, iyada oo Ruushka uu doonayo inuu ballaariyo saamaynta uu ku leeyahay gobolka.

“Waan ogahay in Faransiisku uusan si toos ah u faragelin karin arrimaheenna,” ayuu yiri Capt Traoré, isagoo raaciyay: “Mareykanku hadda waa la la shaqeyneynaa, laakiin waxaan sidoo kale saxiib ka yeelan karnaa Ruushka.”.

Traoré ayaa qabsaday bandhiga xafladii caleema saarka madaxweynaha Ghana John Mahama bishii Janaayo 2025, markii uu yimid isagoo xiran dharka dagaalka iyo bastoolad, waxaa goobta joogay 21 madax dowladeed, laakiin markii Traoré uu soo galay, goobta ayaa iftiintey xitaa ilaalada madaxweynaha ayaa daba ordayay.

Ku biiristii ciidanka

Waxa uu doortay ku biirista milatariga ka dib markii uu dhammeeyey waxbarashadiisa, Capt Ibrahim Traoré ayaa si xirfad leh u dhisay shakhsiyadda hoggaamiye Afrikaan ah oo go’aansaday inuu ka xoreeyo qarankiisa waxa uu u arko inay yihiin gacanta maamulka reer galbeedka iyo gumeysiga cusub.

Sannadkii 2014-kii waxa loo dalacsiiyay Xidigle, waxa uu ka qayb qaatay dhawr hawlgal oo ka dhan ah Islaamiyiinta xagjirka ah iyo kacdoonka qowmiyadaha, Waxaa loo dalacsiiyay kabtan sanadkii 2020 isagoo jira 32 sano.

Kabtan Traoré ayaa ka qeyb ka ahaa la dagaalanka xagjiriinta Mali, waxa uu ka soo shaqeeyay ciidamada Qaramada Midoobay ee halkaas ku sugan, waxaana la sheegay in uu ” geesinimo muujiyay” isagoo wajahaya “weerar adag” oosanadkii 2018 ay ku qaadeen xagjiriinta waqooyiga gobolka Timbuktu oo caan ku ah dhismayaal qarniyaal ah.

Sannadkii xigay ee 2019, waxa uu ka qayb qaatay hawlgal milatari oo loogu magac daray Otapuanu oo ka dhacay bariga Burkina Faso muddo toddoba bilood ah, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay cutubyo ka tirsan degmada Markoye ee gobolka Saaxil, waxaana uu ka qeyb qaatay howlgalo dhowr ah oo halkaasi ka dhacay.

Capt Traoré ma ahan jeneraal dagaal oo labisan kaliya ee sidoo kale waa kabtan wax ku bartay akadeemiyad ciidan oo maxalli ah, wuxuu ku biiray ciidanka 2009 wuxuuna tababar dhanka madaafiic ah ku qaatay dalka Morocco.

Siyaasaddiisa dhaqaale

Ka dib markii uu xukunka ku qabsaday afgambi 2022, Traoré ayaa dalka ka saaray gumeysigii hore ee Faransiiska si uu u helo isbahaysi adag oo lala yeesho Ruushka, taas oo ay ku jirto in la soo diro guutooyin milatari oo Ruush ah, wuxuu qaatay siyaasadda dhaqaale ee garabka bidix ah.

Siyaasaddiisa waxa ka mid ahaa samaynta shirkad macdan qodis ah oo ay dawladu leedahay, taas oo u baahan in shirkadaha ajaanibka ahi ay 15% ka siiyaan hawlahooda gudaha iyo in ay xirfadahooda u gudbiyaan oo zy baraan dadka reer Burkina Faso.

Traoré wuxuu ugu yeedhay “kacaan” si loo hubiyo in Burkina Faso ay ka faa’iidaysato hodantinimada macdanta, milatariga ayaa sidoo kale dhisaya warshadda sifeyn dahabka iyo samaynta kayd dahab ah oo uu qaranku leeyahay waana markii ugu horeysay taariikhda qaranka Burkina Faso.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha reer galbeedka ayaa u muuqda inay wajahayaan waqti adag, iyadoo Sarama Resources oo xarunteedu tahay Australia ay billowday dacwado garqaad ah oo ka dhan ah Burkina Faso dabayaaqadii 2024 ka dib markii lagala noqday shatiga sahaminta.

Ciidamada milatariga ayaa sidoo kale qarameeyay labo shirkad oo macdan qodista dahabka ahaa oo ay hore u lahayd shirkad ku taal London, waxayna dowladdu sheegtay bishii hore inay qorshaynayso inay gacanta ku dhigto macdan qodayaal badan oo ajaanibtu leeyihiin.

Caannimadiisa ayaa lagu sii qabsatey baraha bulshada, waxaana la faafiyey qoraallo badan oo marin habaabin ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo muuqaalkiisa kacaanka.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply