Maxamed Caamir Xuseen Khaan oo loo yaqaan Aamir Khan wuxuu ku dhashay magaalada Mumbai ee dalka India March 14, 1965, waa mid ka mid ah jilayaasha ugu guulaha badan Bollywoodka India sido kalena loo yaqaano “Mr. Perfectionist of Bollywood”, waxa uu u guntaday sidii uu u noqon lahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn caalamka.
Aamir Khan aabihiis wuxuu ahaa soo saare filim, adeerkiis, Nasir Hussain, wuxuu ahaa soo saare iyo agaasime, Aamir Khan ayaa loo arkaa inuu yahay geesi fikir badan, tan iyo 80-maadkii ayuu fanka ku jiray,. Aamir waa aasaasaha iyo mulkiilaha Aamir Khan Productions, ma aha oo kaliya jilaa iyo soo saare, Aamir waa martigeliye hibo leh.
waxbarashadiisii
Aamir waxa uu waxbarashadiisii aasaasiga uu ku qaatey J.B. Petit School, wuxuu dhiganayay Dugsiga Sare ee St. Anne, Mumbai, laga bilaabo 1Aad – 8Aad, isagoo ku dhameystay sanadkiisii 9aad & 10aad Bombay Scottish School, Aamir wuxuu ahaa horyaal heer gobol ah oo tennis-ka, had iyo jeer xiiseeya ciyaaraha in ka badan waxbarashada.
Waxa uu ku dhameystay fasalka laba iyo tobnaad Mumbai’s Narsee Monjee College, ka dib markii uu dhameeyay dugsiga sare, Khan wuxuu go’aansaday inuu joojiyo waxbarashada, oo uu u noqdo kaaliyaha agaasime Hussain filimada Hindiga ah ee Manzil Manzil iyo Zabardast.
Caruurnimadiisii wuxuu ku tilmaamay mid adag oo ay ugu wacan tahay xaaladdi dhaqaale ee aabihiis, Waxa uu yidhi, “Waxa jirey ugu yaraan 30 wacitaan maalintii oo ka imanaya deyn bixiyeyaasha iyaga oo doonaya lacagtooda,”, wuxuu sheegay in uu had iyo jeer halis ugu jirey in laga saaro dugsiga lacag la’aanta owgii.
Jilista filimada
Aamir waxaa markii ugu horeysay uu kasoo muuqdey isagoo caruur ah 1973 filimkii adeerkii Nasir Hussain ee Procession of Memories (Yaadon Ki Baaraat : 1973) – wuxuu ahaa cunuga ugu yar seddexda wiil, halka door muhiim ah uu ku lahaa filimkii Holi, Aamir Khan ayaa markii uu 16 jir ahaa wuxuu keenay filim aamusnaan ah oo 40-daqiiqo ah loogu magac daray Paranoia, waxaana ku wehlinayay Neena Gupta & Victor Banerjee.
Aamir waxa uu aaminsan yahay in khibrada uu u leeyahay ka shaqaynta filimka ay ku kaliftay in uu sii wato xirfada jilida, ka dib, waxa uu noqdey xubin ka mid ah koox tiyaatarada wax kusoo bandhiga oo lagu magacaabo ‘Avantar,’ halkaas oo uu ku hagaajiyey xirfadihiisa.
Ka dib ku dhawaad hal sano oo uu daaha gadaashiisa uu ku jirey, Aamir waxa uu masraxa ku soo galay riwaayada Gujarati, Kesar Bina, waxa uu ku qaatay laba sano oo kulleej ah Narsee Monjee ka hor inta uusan u tagin si uu ula shaqeeyo oo uu noqdo kaaliyaha adeerkiis oo ahaa agaasime, filimadii Manzil Manzil, iyo Zabardast.
filimkii ugu horeeyey ee uu atoore ka ahaa wuxuu ahaa filmka jaceylka ah ee Qayamat Se Qayamat Tak (1988) oo uu ku muteystay abaal marinta Filmfare award ee `Best Male Debut` sanadii 1989 iyo sidoo kale National Film Award – Special Mention isla sanadkaas.
Todobadii sano ee xigtey waxa uu jiley filim badan oo Hits weyn noqdey sida Dil Hai Ki Manta Nahi, Jo Jeeta Wohi Sikandar, Hum Hai Rahi Pyar Ke, iyo Rangeela, isagoo awoodiisa ku muujiyay inuu yahay halyey jaceyl iyo jilaa Action ah.
Aamir waxa uu ammaan ka helay dhammaan qaybaha adduunka, isbeddelkiisa muuqda waxaa lagu arki karaa filimada sida Lagaan (2001), Fanaa (2006), Taare Zameen Par (2007), Ghajini (2008), idiots 3(2009), Talaash (2012), Dhoom 3 (2013), PK (2014), Dangal (2016) iyo Super Secret (2017), guulihii u dambeeyay ee uu ku sameeyay filimada sida Dangal, PK, Talaash iyo taxanaha TV-ga Satyamev Jayate ayaa soo jiitay dareenka dad badan.
Sanadkii 1997 Aamir waxa uu ku guuleystey abaal marinta labaad ee Filmfare abaal marinta atooraha ugu wanagsan waxana uu ku mutaystay doorkisii aadka u wanagsan ee uu ku jilay Raja Hindustani ee ay la jilaysay Karisma Kapoor, filimka Ghulam waxa uu arkay isaga oo codkiisa siiya heesta Aati Kya Khandala, isaga oo ku mutaystay abaalmarinta Filmfare ee ‘Best Male Playback Singer’.
Sanadkii 2001 waxaa filmkii Lagaan laga sii daayay dalka Shiinaha oo dhan, waxaa halkaa bilaabmay daawashada filimada Aamir Khan dalka China si taxane ah kuwaas oo si adag ugu beeray samaynta filimada Hindiga maskaxda daawadayaasha dadka Shiineeska ah, filimkii 3 Idiots waxa uu noqday mid caan ka noqday Shiinaha, waxaana ku xigay Like Stars on Earth iyo Ghajini, labaduba waxay kasbadeen taageerayaal aad u badan.
Aamir Khan ganacsigiisa Boxoffice-ka China wuu sii socday ilaa iyo 2010-kii waxaana tiyaatarada la saaray Dhoom 3 (2013), PK (2014), Dangal (2016) iyo Secret Superstar (2017).
Sannadkii 2005 waxaa Aamir Khan uu jiley askari Hindi ah filimkii Mangal Pandey, kaasoo bilaabay gadood ka dhan ah Ingiriiska, sannadkii 2007, waxa uu jilay jilitaan kooxeed filimkii Rang De Basanti, oo uu director ka ahaa Rakeysh Omprakash Mehra, Aamir waxa uu ku guulaystay Abaalmarinta Atooraha ugu Fiican ee Filmfare asigoo ku mutaystay bandhigiisa wanagsan ee “DJ” oo ah nin la dagaalama musuqmaasuqa.
Waxaa lagu tiriyaa inuu yahay atoore dhameestiran oo hindi ah jiilkii 1990-kii kadib doorarkiisa iyo aflaamtiisa kala duwan, sanadkii 2007dii waxa uu agaasime u noqday filimkii Like Stars on Earth (2007), kaas oo aan kaliya u keenin amaan balse sidoo kale waxa uu ahaa guul weyn oo box office ah.
Sanadkii 2008 Aamir Khan wuxuu keenay filimkii ugu horeeyay ee noociisa ah Taare Zameen Par, filim wacyigelin ah oo ku saabsan mawduuca cabsida leh ee la xidhiidha Barashada Naafada iyo cadaadiska sii kordhaya ee ay kala kulmaan carruurta xagga tacliinta, Aamir Khan ayaa lagu ammaanay waxqabadkiisa isagoo ah macallinka fanka ee sida aadka ah u taageera oo fahamsan kaasoo dhiirigeliya jilaaga.
Sanadkii 2009, Aamir waxa uu ku jilay filimka Ghajini, isaga oo ciyaaraya nin laga helay cudurka ‘amnesia anterograde’ oo doonaya aargoosi, filimkan ayaa noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo waqtigiisa, wuxuuna soo xareeyay lacag ka badan Rs. 200 crore, oo ah dakhliga ugu badan ee uu soo xareeyo filim Bollywood ah ilaa uu ka sare maray mid ka mid ah filimadiisa 3 Idiots – oo soo baxay 2010-kii.
Mid ka mid ah doorarka Aamir ee ugu wanagsan ayaa yimid, filimka PK, oo la sii daayay 2014 kaasoo uu ku jilayo noole qarsoodi ah oo raadinaya qalabkiisii kontoroolka ee ka lumay, bandhigiisa waxa uu ku mutaystay in uu noqdo kiisii lix iyo tobnaad ee Filmfare u sharaxan ‘Atooraha ugu Wanaagsan’ 2016.
Jilaagan ayaa lagu arkey riwaayad nololeedka Dangal oo ku salaysnaa nolosha iyo safarka Mahavir Phogat iyo gabdhihiisa Geeta iyo Babita Phogat, filimka ayaa jabiyey rikooro kala duwan, isagoo noqday filimka 5-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyey ee aan Ingiriisi ahayn ilaa 2017, marka laga soo tago jabinta rikoorada dhanka Box-office-ka ah, filimku waxa uu ku guuleestay abaalmarino dhowr ah sida Filmfare Award for Best Film, Best Director, iyo Atooraha ugu Wanaagsan.
Wuxuu ka soo muuqday Thugs of Hindostan (2018) kaas oo aan si fiican uga soo muuqan box officeka, ka dib, wuxuu ka soo muuqday Laal Singh Chadda (2021), sidooyinkiisa kale waxaa ka mid ah Sitaare Zameen Par (2025) iyo Coolie (2025).
Qaar badan oo ka mid ah filimadiisa ayaa loo tixgaliyaa inay yihiin kuwa heer calami ah sida Lagaan: Once Upon a Time in India (2001), Dil Chahta Hai (2001), Rang De Basanti (2006), Jo Jeeta Wohi Sikandar (1992) iyo Andaz Apna Apna (1994).
Filim soo saare
Aamir Khan waxa uu bilaabay shaqadiisa Aamir Khan Productions sanadii 2001, wax soo saarkiisii ugu horeeyay waxa uu ahaa filimka Oscarka loo doortay ee Lagaan, howshiisa labaad wuxuu ahaa filimkii Taare Zameen Par, kiisa seddexaadna waxaa jilay wiilka uu abtiga u yahay, Imran Khan filimkiisii ugu horeeyay – Jaane Tu Ya Jaane Na (2008), filimka Dhoobi Ghat (2010), oo ay qortay agaasimana ka aheyd xaaskiisa, Kiran Rao ayaa ahaa mashruucii afaraad ee wax soo saarka shirkaddiisa.
Filimka shanaad wuxuu ahaa Peepli Live, oo la sii daayay 2010, filimada kale waxaa ka mid ah Delhi Belly.
Abaal marinadiisa
Wuxuu 9 jeer uu ku guuleystey filmfare awards, 4 jeer ayu ku guuleytey national film awards.
Snadkii 2003 waxaa la siiyey padma shri award waa biladda 4 ee ugu ssreysa ee muwaadin Hindi ah la siiyo.
Sanadkii 2010 ayaa la siiyey abaal marinta Padma Bhushan, waa biladda 3 ee ugu sareysa india ee la siyo muwadin hindi ah.
Qoyskiisa
Aamin Khan aabihii waxaa la oran jirey Tahir Hussein wuxuu geeriyoodey 2010, hooyadiina waxaa lagu magacaabaa Zeenat Tahir Hussain, Aamir waa kan labaad ee afar walaalo ah, Waxa ka yar hal wiil oo lagu magacaabo Faysal Khan, waxaa la dhashay laba gabdhood: Farhat iyo Nikhat Khan.
Aamir waxa uu guursaday xaaskiisa kowaad Reena Dutta April, 18, 1986-kii, waxayna u dhashay wiil lagu magacaabo Junaid iyo gabar lagu magacaabo Ira, Aamir ayaa furay xaaskiisa ugu horeysay December 2002, iyadoo Reena ay qaadatay labada caruur.
Aamir waxa uu guursaday xaaskiisa labaad, Kiran Rao, taasoo caawiye ka ahayd filimkiisa Lagaan, wuxuu guursaday December, 28, 2005, waxayna heystaan wiil lagu magacaabo Azad Rao Khan, wuxuu dhashay 5th December, 2011.
Aamir khan ayaa furey xaaskiisii labaad Kiran Rao July 03, 2021, lwaxay sheegeen inay wada korin doonaan wiilkooda Azad.
Aamin khan waa Muslim sunni ah, isaga iyo hooyadii Zeenat, waxa ay soo guteen waajibaadka Xajka sanadkii 2012.
Reference
https://in.bookmyshow.com/person/aamir-khan/42
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.

