Maxaa ka dhacay Soomaaliya June 2025

Maxaa ka dhacay Soomaaliya June 2025

Axad, June 1, 2025- Dhuʻl-Hijjah 5, 1446

Mahad Salad ayaa mar kale loo magacaabay Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa xilka laga qaaday Cabdullaahi Sanbaloolshe, golaha Wasiirrada Soomaaliya oo yeeshay shir deg deg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay fulisay xukun dil ah “daldalaad ah” oo lagu fuliyay labo muwaadin oo Soomaali ah oo ku sugnaa gobolka Najraan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda oo lagu daabacay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniintaan Soomaalida ah ay si qarsoodi ah u soo galiyeen dalka Sacuudiga Xashiish.

Isniin, June 2, 2025- Dhuʻl-Hijjah 6, 1446

banner

Ciidamada dowladda kuwa Burundi ayaa iska baxay deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shbeellada Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenka Bulshadda Xawaadleey Maxamed Cali Iidoor oo Shabelle la hadlay yaa sheegay in uu biyo ka barakiciyey ciidamaduna ay waayeen meel ay degaan, Alshabaab oo markii hore la sheegay in ay biyaha iyagu kusoo fureen deegaanka ayaa isla markiiba la wareegay waxayna sheegeen in ay duleedka deegaanka kusoo rideen diyaarad ay leeyihiin ciidanka AMISOM.

Arbaco, June 4, 2025- Dhuʻl-Hijjah 8, 1446

Dagaal culus oo ku bilawday gaari qarax laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay deegaanka ceelhareeri ee gobolka Hiiraan, Macawiisleyda deegaanka iyo Alshabaab ayaa ku dagaalamay, Macawiisleyda ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Shabaabkii soo weerarey.

Jimco, June 6, 2025- Dhuʻl-Hijjah 10, 1446

Waa maalin ciid ah, waa ciidul Adxaa, dhammaan gobolada Soomaaliya ayaa laga ciiday marka laga reebo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud oo aalaaba hal maalin dadka ka dambeeya, furimaha dagaalka waxaa ka dhacay dagaalo iyo duqeymo xooggan aagga deegaanka Ceel Hareeri oo dhawaan Alshabaab ay xoog ku galeen, dowladda ayaa sheegtay in ay dileen in ka badan 40 Shabaab ah oo ay ku jiraan horjoogayaal sarsare.

Sabti, June 7, 2025- Dhuʻl-Hijjah 11, 1446

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu dhintey hogaamiye sare oo ka tirsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Rooble oo loo yaqaanay Nuunuule, wuxuu u dhintey dhaawac kasoo gaarey duqeyn ka dhacdey deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan shalay oo taariikhdu aheyd June 6, 2025, dowladda ayaa sheegtay in ninkaan tan iyo 2009 uu qeyb ka ahaa weeraro qasaare badan geystay, waxaana ka mid ahaa weerarkii Galcad, Curiceel, Cowsweyne, Caad, Aadan Yabaal iyo kuwa kale.

Axad, June 8, 2025- Dhuʻl-Hijjah 12, 1446

Hargeysa nin Askari ayaa toogasho ku dilay allah unaxariiate xaaskiisa, gabadh uu dhalay iyo haweenay kale oo xaaskiisa la dhalatay, ninka seddexda dumarka rasaaseeyey ayaa waxaa la sheegay inuu isku dhiibay ciidanka booliska.

Isniin, June 9, 2025- Dhuʻl-Hijjah 13, 1446

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe oo ay u fadhiisteen arday gaareysa 41, 639, iyadoona uu yahay sanadkii 6-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si Madaxbanaan u qaadayo Imtixaanka.

Arbaco, June 11, 2025- Dhuʻl-Hijjah 15, 1446

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Magacaabay Guddoomiyeyaasha kala ah; 1- Mudane Cumar Meeyre Mocoow, waxaa loo Magacaabay Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey, waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey laga qaaday Md. Maxamuud Xaaji Cali Fiidoow. 2- Mudane Xuseen Xasan Maxamuud, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waaberi. Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Waaberi laga qaaday Md. Maxamed Sayid Cali.

Sabti, June 14, 2025- Dhuʻl-Hijjah 18, 1446

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sanadkan ay u fariisanayaan in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Liibaan Cali Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiiglay), Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda laga qaaday Marwo Seynab Maxamuud Warsame.

Alshabaab ayaa qaraxyo ku burburiyey buundada Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose oo ahayd marin muhiim ah oo isku xira magaalooyinka gobolka, Alshabaab ayaa la sheegay in ay u qarxiyeen buundada si ay uga hortagaan ciidanka dowladda oo isku dayaya inay dib ugu laabtaan goobihii horey uga baxeen oo Shabaabku ay la wareegeen.

Arbaco, June 18, 2025- Dhuʻl-Hijjah 22, 1446

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧, Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhul bixinta Dowladda Hoose ee Muqdisho, waxaana xilalkii laga qaaday Zakariya Bashiir Muude iyo Cabdicasiis Axmed Cali. 𝐗𝐚𝐦𝐝𝐢 𝐅𝐚𝐭𝐱𝐢 𝐂𝐚𝐥𝐢, Waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Dariseynta Gobolka Banaadir, waxaana xilalkii laga qaaday, Cabdifataax Jiinow Gacal iyo Mahad Xuseen Axmed. 𝐇𝐚𝐧𝐢 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐥𝐢, Waxaa loo Magacaabay Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Deegaanka, waxaana xilkii laga qaaday Cabdullaahi Xasan Maxamed.

Sabti, June 21, 2025- Dhuʻl-Hijjah 25, 1446

Ciidanka xoogga ayaa dib u la wareegey degaanka sabiib iyo canoole oo ay hore uga baxeenm ciidanka la wareegey deegaanadaan waxaa hogaaminayey taliyaha guutada 7aad qeybta 12ka april Axmed gaashaan.

Khamiis, June 26, 2025- Muxaram 1, 1447

Waxay ku beegantahay bilashada sanadka cusub ee Islaamka, bisha Muxaram ayaa la arkay, sanadka hijriga ayaa ka soo bilaabma markii rasuulka ﷺ uu u hijroodey magaalada Yathrib (Madiina), waxaa markii ugu horeysay la bilaabey xilligii Cumar bin Khadhaab.

Sabti, June 28, 2025- Muxaram 3, 1447

Ciidanka booliska degmada Cabudwaaq iyo maleeshiyaad ku heyb ah ganacsato xarumo ganacsi ku leh agagaarka Saldhigga Booliska ayaa dagaal ku dhexmarey gudaha Magaalada gaar ahaan agagaarka saldhigga, xiisaaddan ayaa maalmahaan ka taagneed Cabudwaaq arintaan waxay salka ku heysaa dib u dhis lagu sameeynayo Saldhigga degmada iyo halka loo jeedinayo albaabka saldhigga oo ganacsatadu ay diideen in loo jeediyo dhanka xarumahooda, dagaalka ayaa socday in ka badan seddax saacadood.

Axad, June 29, 2025- Muxaram 4, 1447

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Isniin, June 30, 2025- Muxaram 5, 1447

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay Mudane Faarax Cali Cumar, Agaasimaha Waaxda Dad dhigista Dowladda Hoose ee Xamar, Waxaana xilkii laga qaaday Cabdirisaaq Diiriye Warsame.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

sponsored: monetag.com

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply